WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
May11, 2004
WARAR DHEERAAD AH OO KU SAABSAN DAGAALKA
KA SOCDA BAYXAANI…..
- Qoysk uu madfac ka diley
3-carruur ah iyo hooyadood.
- Guud ahaan waxaa dagaalkan ku
dhintay 20 QOf, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 30 qof
Waxaa maalintii labaad dagaal uu ka socdaa
deegaanka Beexaani, wuxuuna dagaalkan uu ku faafay degmooyinka Shibis,
Shangaani iyo C/casiis ee ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana dagaalkan uu u
dhexeeyaa ilaallada Hotel-ka Global iyo maleeshiyooyin daacad u ah Bashiir
Raage.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa ahaa kii ugu
qaraara ee ka dhaca muddooyinkan dambe magaallada Muqdisho, waxaana labada
dhinac ay isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud, waxaana dagaalkan
la xaqiijiyey in ay ku dhinteen illaa 20-qofood, ayna ku dhaawacmeen illaa
soddomeeyo kale, waxaana dadka waxyeelladu soo gaartay ay u badan yihiin dad
rayid ah oo madaafiicdu ugu tagtay guryahooda.
Dagaalkan waxa uu keenay bara-kac aad u
ballaaran iyadoo deegaannada aan kor ku soo sheegnay shalay la arkayay dad
fara badan oo u badan carruur, haween iyo dad da’ ah oo ka soo qaxaya,
waxayna qaarkood ku qaylinayeen “Ma sidan baan illaa qiyaamaha ku jireynaa….
Ilaahayoow naga soo gaar”.
Illaa iyo haatan ma jiraan wax odayaal ah
oo ku kala dhex jira labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, iyadoo
deegaannadaasi ay gebi ahaanba ka istaageen isu socodkii gaadiidka ee
gawaaridii dadweynaha, iyadoo lagu warramay in madaafiic ka soo fakatay
goobaha lagu dagaallamayo ay ku dheceen xaafado kale oo ku yaalla magaallada
Muqdisho, waxaana la sheegay in qoys ka koobnaa 6-ruux ay ka dhinteen
3-carruur ah iyo hooyadood.
Dagaalkan ayaa illaa iyo haatan la garanayn
sababaha dhaliyey, balse mar aan la xiriirnay saraakiil ku dhow-dhow Bashiir
Raage ay noo sheegeen in dagaalkaasi uu sabab u ahaa gaari C/bile ah oo
marayay aga-gaarka Hotel Global lagu furay rasaas, waxaana halkaasi ku
dhintay 1-ruux, laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale kooxaha dagaallamaya ayaa waxaa
soo gaaraya baaqyo ka imaanaya hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay ka mid
yihiin Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, Faarax Weheliye Caddow Sendiko iyo
siyaasiyiin kale, waxayna soo jeediyeen dhammaantood in dagaalkan sida ugu
dhaqsiyaha badan loo joojiyo, wixii khilaaf ahna wadahadal lagu dhammeeyo
Dagaal
Saameeyey Muqdisho oo Dhan
7-Qof
ayaa Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Muqdisho
W/D Amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
IIMAAN C/MAJIID OO MALAAYIIN HANTI AH UGA TAGTAY U DAMQASHO
DAD AFRIKAAN AH!!
Gabadha caanka ah ee Soomaaliyeed ee dhinaca xayaysiinta dharka
Iimaan C/majiid ayaa si lama filaan ah uga baxday heshiis ay
dhowaantaan wada saxiixdeen shirkad ka ganacsata dhagaxa qaaliga
ah ee loo yaqaan Diamond oo ka dhisan dalka Ingiriiska.
Iimaan ayaa shirkadaas oo lagu magacaabo De Biers ku eedaysay
inay ku tumanayso xuquuqda ay leeyihiin dadka lagu magacaabo
Bushman oo u dhashay dalka Botswana, dadkan oo ah dad reer
baadiye ah degganna waqooyiga dalkaas.
Iimaan oo ah gabar caan ah oo hadda u dhaxda heesaaga
caanka ah ee David Bowie ayaa sheegtay inay ka tagayso howshii
ay u haysay shirkadda, inkastoo wargeyska dhacdadaan qoray ee
Sharqal Awsad uusan sheegin shaqada ay Iimaan u hayasay
shirkaddaasi.
Iimaan ayaa sannadkii la soo dhaafay bandhig xayeysiin
dhinaca mujowhraadka ah u sameysay isla shirkaddan, xaflad weyn
oo dhinaca aflaamta ah oo lagu magacaabo Can oo sannad walba la
qabto.
IImaan ayaa shirkaddan ku eedeysay inay Diamond ay ka
qodanayso deegaan ay deggan yihiin dadka Bushman-ka ah oo ka
tirsan Dalka Botswana, iyadoo aan wax ogolaasho ah ka haysan
dadka deegaankaas, waxayna doonaysaa shirkaddaasi ayay tiri
Iimaan in ay burburiso xaqa ay u leeyihiin dhulkooda dadka
Bushman-ka ah ee halkaas deggan oo qaraar ay dowladdu soo
saartay ku doonaysay inay xoog kaga kiciso dadkaas dhulka ay
deggan yihiin.
Iimaan wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay in ay wax iska ay
tahay in dhibaato xoog leh la gaarsiinayo dadka Bushman-ka ah oo
deegaannadooda dhalan-rog lagu samey-nayo lagana barakicinayo
deegaan-nadooda si ay lugaha ula galaan dhibaatooyin ay ka mid
yihiin Cudurka AIDS-ka, Mukhaada-raadka iyadoo loogu soo
gambanayo hal-kudhig ah in hormar la gaarsiinayo.
W/D Amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|