SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OGADEN
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dad rayad ah laayay.
  • Madaxwaynihii Kililka Gambella oo Norway iska dhiibay.
  • Taliyahii ciidanka booliska ee Itoobiya  oo xilkii laga qaadayo.
  • Mudaharaad Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay London.
  • Safiirkii Itoobiya u fadhiyay dalka Shiinaha oo baxsaday.
  • Wadaado itoobiyaan ah oo u baxsaday Eritereya.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku eegayno dacatiga wayaanaha iyo damiir xumida dabaqoodhiga iyo walibaa suugaan halgameed.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dad rayad ah laayay.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee kusugan Wadanka Ogaadeeniya oo dhibaatooyin  iyo xad-gudubyo joogta ah ku haya shacabka reer Ogaadeeniya ayaa dhacdooyinkii iyo gumaadyadii ugu dambeeyey waxaa war-bixintooda inoo haya wariye Dhiidhi Nuur. 

20/3/04, waxay  ciidamada Taliska Adis Ababa ee Itoobiya ku layeen Tuulada Goray dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dadkan oo isugu jiray xooladhaqoto iyo dad tuulada ku noolaa ayay ciidamada wayaanuhu si ula kac ah u laayeen.  

Mar aanu waydiinay qaar ka mid ah dadka tuuladaas ku nool waxa sababay dilkan ay ciidamada Itoobiya gaysteen, ayay noogu jawaabeen, ma jiraan wax sabab ah oo ay ciidamada Itoobiya dadkaas ku laayeen oo aan ka ahayn in ay ku tuhmeen in ay taageersan yihiin Jabhada dagaalka kula jirta, waana wax nolasha shacabka Ogaadeenya ka mid ah oo aad ulama yaabno in ay ciidamada Itoobiya ciday doonaan iska dilaan, iyada oo aysan jirin wax xataa loogu mar marsoodo oo dilkooda kalifay.  

Mid kamid ah dadka tuuladaas ku nool oo aan rabin in magaciisa lasheego ayaa yidhi su,aal iyo wax sabab ah uma baahna dadkan lagumaaday sabatoo ah waxaad ogtihiin in ciidamada gumaysiga Itoobiya halkan loo keenay in ay dadka laayaan.

Dadka halkaas lagu laayay waxaa ka mid ah: 

  • 1-     Xabiib Cabaase aw Shafeec.

  • 2-     Cabdi Rashiid Ahmed Noor.

  • 3-     Xaashi Mohamed Warmooge.

  • 4-     Cabdi Faarah.

  • 5-     Xassan Dahir Macallin Gurey.

  • 6-     Iyo laba haween ah oon weli magacyadoodii la helin.

Sidaa oo kale 07.05.04 waxay ciidamada Itoobiya Tuulada Anabe oo ka tirsan deegaanka Galaalshe ku dileen gabadh la yiraahdo Ina Maxamed Yuusuf Fidhin. 

Ciidamada cadawga ah ee Itoobiya waxay 02.05.04 Tuulada Ananu oo dagmada Awaare ka tirsan ka afduubteen 2 Nin oo dadka deegaankaas ka mid ahaa laguna kala magacabi jiray. 

  • 1-     Barri Mohamed Muxumed.

  • 2-     Carab-low Mohamed Xassan Buraale.

Labadaas nin oo markii hore loo malaynayay in xabsiga ciidamada Itoobiya ee dagmada Awaare lagu xidhi doono ayaan la hayn meel ay ku danbeeyeen oo la geeyay. Dadka dagan tuulada nimankaas laga soo qabtay ayaa ka shakisan in ay ciidamadu ku dileen meelihii ay marayeen, kadibna ay meedkooda qariyeen. 

Waxay ciidamada gumaysigu jadh-dil naxariis dari ah u geysteen gabdho hadda kohor laga soo qabtay Tuulada Toon-ceeley oo ka tirsan gobolka Qoraxay, muddana ku xidhnaa Caado, waxayna dhaawac culus gaadhsiiyan gabadha la yidhahdo:

Ardo Faysal Ibraahin, oy lug ka jebiyeen siday u garaacayeen. 

Madaxwaynihii Kililka Gambella oo Norway iska dhiibay. 

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga wadanka Norway ayaa soo wariyey inuu madaxwayanihii Kililka Gambella Mr. Okelo magan galyo siyaasadeed ka codsaday dalka Norway. 

 Mar ay BBC-du la yeelatay waraysi Mr. Okelo wuxuu caddeeyay in ciidamada dawlada Itoobiya ay masuul ka ahaayeen xasuuqii ka dhacay Kililka Gambella.

 Xasuuqaas oo ay ka dambeysay dowlada Itoobiya ayay ku dhinteen dad ka badan 700 oo qof, isla markaana ay ku baro-kaceen dad ay tiradoodu ka badan tahay tobonaan kun. Waxaa kaloo jirta in dagaalkii u dhaxeeyay dadka Anyuwaka ee dega gobolka Gambella iyo ciidamada Wayaanaha uu wali sii socdo oo aan wax xal ah loo helin. 

 Xasuuqii Gambella wuxuu keenay in masuuliyiintii u dhalatay gobolka Gambella ee xukuumada Itoobiya u shaqayn jiray oo dhan ay baxasadaan, ka dib markii ay u adkaysan waayeen xasuuqa ummadooda lagu hayo.

 Wararka Addis Ababa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xildhibaankii ugu dambeeyay mudanayaasha ka soo jeeda gobolka Gambella oo lagu magacaabo Debol Manmual uu hadda isagana baxsaday, isaga oo aaday magaalada Khartuum ee dalka Sudaan. 

 Mudaharaad Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay London. 

 Wararka naga soo gaadhaya magaalada London ayaa sheegaya in mudaaharaad aad u wayn oo lagaga soo horjeedo dawlada Itoobiya uu ka dhacay magaaladaasi London, gaar ahaan ka soo horjeeda safaarada ay xukuumadda Itoobiya ku leedahay magaalada London.

 Mudaaharaadkan ayay soo qabanqaabiyeen ururro kala duwan oo ay ugu horreeyaan ururrada u dooda xaquuqul insaanka. Dadka mudaaharaadkan ka qayb galay oo mucaarad ku ah maamulka xilligiisii dhammaaday ee Addis Ababa, waxay qaarkood u daateen dhismihii safarada, iyagoo dusha ka sudhay calan madow oo cadayn u ah in Itoobiya ay wakhti madaw ku jirto. 

 Dadkii mudharaadkaas ka soo qaybgalay waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin:

  • Meles waa dilaa!

  • Meles waa kaligii taliye!

  • Meles ha dhaco!

  • Jooji jidhdilka!

  • Jooji xasuuqa aad u gaysanayso dadka aan waxba galabsanin

  • Maxakamad ha la horkeeno Meles!

  • Ingriisku ha ka joojiyo macaawimada uu Meles siiyo iyo erayo kale oo lid ku ah maamulka Zanaawi.

  Taliyaha ciidanka booliska oo xilkiisa laga qaadayo.  

 Taliyaha ciidanka booliska ee nidaamka Addis Ababa Major Befekadu Tolera oo ah nin u dhashay qowmiyada Oromada ayaa laga yaaba in dhowaan jagadaasi laga qaado ka dib markii ay TPLF-tu ka shakiday inuu gacansaar la leeyahay Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF).  

Sida wararku ay sheegayaan Major Befekadu waxaa laga yaaba in lagu badalo xubin ka tirsan Golaha Dhexe TPLF oo la yiraahdo Aransha Gebre Tekle si uu gacanta oogu hayo ciidanka booliska Ururka TPLF ee taliska Itoobiya gacanta ku haya. Aransha Gebre Tekle ayaa hada ka hor taliye u ahaa ciidanka booliska ee gobolka Tigray.   

 Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Shiinaha oo baxsaday. 

 Wararka naga soo gaaraya wadanka Australia ayaa sheegaya in safiirkii Itoobiya u fadhiyay dalka Shiinaha ambashatoor Addis Alem Belema iyo reerkiisii oo dhan ay iska dhiibeen dalka Australia oo magangelyo siyaasadeed waydiisteen.  

 Wararku waxay intaasi ku darayaan in Mr. Addis Alem Belema uu baxsaday muddo hadda bil laga joogo, ka dib markii lagu amray inuu dib ugu soo noqdo Itoobiya. Addis Alem waxuu ka mid ahaa safiirada ka dhashay qowmiyada Tigreega ee uu Melez Zenaawi ku kalsoonaa.

  Baxsashada safiirradii Itoobiya u fadhiya dalalka aduunka ayaa aad usii kordhaysa, iyadoo ay ugu wacan tahay khilaafka xad-dhaafka ah ee soo kala dhex galay jabhadda TPLF oo saameeyay guud ahaan kooxda Tigreega u badan ee gacanta ku haysa talada dalka Itoobiya. 

 Wadaado Itoobiyaan ah oo u baxsaday Eritereya. 

 Sedex wadaad oo Itoobiyaan ah oo diinta masiixiga haysta ayaa iska dhiibay dalka Eritreya. Sida ay wararku sheegayaan sedexdaasi wadaad ayaa Itoobiya ka baxsaday, ka dib markii ay TPLF-tu soo fara-galisay kaniisadahoodii iyaga oo lagu amray inay dadka u sheegaan in Jabhada Xoreynta Oromiya ay tahay urur argagixiso.   

 Wadaadadan ayaa diiday in ay ka amar-qaataan ururka TPLF iyaga oo ilaalinaya sumcada diimeed ee ay bulshada ku dhex leeyihiin, taasina waxay keentay inay naftooda la baxsadaan kadib markay ogaadeen in xabsiga loo taxaabayo, waxayna kala yihiin sadexdaasi wadaad:  

Melake Tsehay Aba Gebremedhin Messelu.

Melake Hiwet Aba Ghebregziabiher Tayo. 

Diakon Teshome Ghetahun.

  11.05.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada


Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD