SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAASABOOR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May12, 2004

CUNA QABATAYNTA LAGU SOO ROGAY BAASABOORKA SOOMAALIGA AH IYO SAAMEYNTA XOOGAN EE UU KU YEELAN DOONO GANACSIGA IYO GUUD AHAANBA DHAQDHAQAAQA SHACABKA SOOMAALIYEED:

Faaladii Hassan Salahuddin

Somalitalk, Bristol, Uk.

Shalay dhaantay mooyaane maantay dhaantaa wali ma ka maqashay xaalada dhaqaale, ta siyaasadeed iyo ta bulsho ee uu ku suganyahay shacabka soomaaliyeed dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay, xayiraad iyo cunoqabatayn dhinac walba ah ayaa lagu hayaa bulshada Sooomaliyeed waxaanay salka ku hayaan siyaasasdo iyo diblomaasiyad qoto dheer oo indheer garadka iyo inyar oo danaysa arrimaha siyaasada shacabka Soomaaliyeed ay la socdaan, dagaalkan lagula jiro bulshadan degan geeska Africana waa mid aan qarsoonayn aniga aragtidaydana waxa ii muuqata in uu yahay dagaal xaabis ah oo la doonayo in lagu baabiyo guud ahaanba jiritaanka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku lug leh quwado shisheeye, hogaamiyayaasha kooxaha soomaalida horbooda qaarkood, dawladaha jaarka iyo nacab fara badan oo aan jeclayn hanaqaadka ganacsiga iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed.

Mar hore waxay ahayd xayiraad iyo cuna qabatayn lagu soo rogay dhoofka iyo iibgaynta muuska soomaaliyeed oo suuqa khudaarta iyo muuska ee qaarada yurub ku lahaa miisaan xoogan oo mug leh, inkasta oo ay burbureen shirkadihii SOMBANA iyo SOMAL FRUIT oo iyagu ka ganacsan jiray suuq geynta muuska soomaalida intii aanay somalia ka dhicin qaran burburka, hadana xayiraada muuska suuqyada reer yurub may keenin sabab macquul ah oo lagu joojiyo muuskii soomaalida oo lahaa tayada ugu wanaagsan muusaska laga soo dhoof geeyo caalamka.

Xayiraadii dhoofka xoolaha Soomaaliyeed(Somali Live-Stock) oo laf dhabar u ahaa jiritaanka dhaqaalaha Soomaalida ayaa isna dhabar jab weyn ku ahaa xaalada dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed, xayiraadaas oo dhawr sanno ka hor ay soo rageen wadamada ku yaala gacanka carabtu waxay indheer garadka ummada Soomaaliyeed ku noqotay mid ay liqi kari waayeen.

Xidhiidhka ganacsi ee ay Soomaalidu la lahaayeen wadamada gacanka carabta ee ay ka mid yihiin boqortooyada saudi arabia iyo wadanka imaaraadka carabtu waxa uu ahaa mid taariikhi ah oo qarniyo badan soo jiray, Ganacsiga Soomaaliduna sanooyinkii u dambeeyey oo dhan waxay kaalmaha hore kaga jireen xaga alaab iibsiga wadanka imaaraadka carabta sida ay xaqiijisay rugta ganacsiga ee magaalada Dubia.

Baroortu orgiga ka weyn, xayiraadan u dambaysay ee lagu soo rogay baasaboor Soomaaligu sida aan anigu shakhsi ahaan u arkayo waxa uu noqon doonaa dhabar jabkii ugu weynaa ee soo gaadha ganacsiga iyo isu socodka dadka soomalida ah, iyada oo uu wadanka imaaraadka carabtu laf dhabar u ahaa Soomaalida, si weyna uu xidhiidhkaasi u sii koray ilaa intii ay burburtay dawladii milatariga ahayd ee uu madaxda ka ahaa kaligii taliyo Maxamed Siyaad Barre.Marka laga tago ganacsiga xoogan ee ay ganacsata Soomaaliyeed ku lahaayeen wadanka imaaraadka carabta boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa sanad walba wadanka imaaraadka carabta u tagi jiray hawlo caafimaad maadaama adeegyadii caafimaad ee ay Wadanka Somalia ay burbureen.

Ilaa hadda wax war ah oo cad ama asbaab ay a hayaan mamnuucida baasaboor Soomalaiga may soo saarin masuuliyiinta wadanka imaaraadka carabtu.

Haddii saraakiisha laanta socdaalka ee wadanka imaaraadka carabtu ay ku adkaystaan mamnuucida baasaboor Soomaaliga xaalada ganacsiga gayiga geeska Africa iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaaliyeedba waxa ku dhici doona isbadal aad u weyn oo saameyn xuna ku yeelan doona labada dhinacba aniga aragtidaydana waxaan ku soo ururinayaa dhawrkan qodob.

  1. ugu horayn maadaama ganacsata Soomaliyeed boqolkiiba 90% ay ka keeni jireen bagaashka, raashinka qalabka dhismaha guryaha, isbeerbaartiyada baabuurta iyo nooc kasta oo ganacsi leeyahay wadanka Imaaraadka carabta oo ay waheliyaan oo kaliya uun in yar oo safarkooda ku dara wadamada ku yaala koonfur bari ee qaarada asia sida Thailand iyo Indonisia ganacsigii Soomaaliyeed sida ay aniga ila tahay wuu guuri doonaa waxaana ku soo fool dhaxa wareeg, taas macnaheedu waxa weeyaan waxa laga yaabaa inay ganacsata Soomaaliyeed uga wareegeen ganacsigoodii oo saldhigyadooda ka samaystaan wadanka Ethopia qaataana baasaboorada wadanka Ethopia oo sida lagu qaataa ay aad u fududahay taasoo taasoo murugo iyo tiiraanyo aan yarayn ku ah jiritaanka ummada Soomaliyeed calaamadna u ah burburka soo fool qaranjabkii dhabta ahaa ee shacabkka Soomaaliyeed.
  2. Wadanka Imaaraadka carabta laftiisa oo isagu soo rogay xayraadan waxay ku tahay dhaawac weyn oo xaga dhaqaalaha iyo ganacsiga ah maadaama shirkada iyo dukaamada waaweyn ee magaaliynka dubia iyo abu dhabi ay si weyn uga adeegan jireen boqolaal ganacsato Soomaaliyeed ah, laakiin sida aan anigu u arkayo talaabadna ay qaateen masuuliyiinta Imaaraadku waa timir lafbaa ku jirta waxaanay salka ku haysaa arimo siyaasadeed oo aan hadda daahu ka rognayn laakiin goor aan fogayn inoo kala cadaan doona.
  3. Maceeshada, bagaashka iyo dhamaan qalabkii laga keeni jiray wadanka Imaaraadka carabta oo juqraafi ahaan aad ugu dhaw wadanka Somaalia haddii ganacsiga Soomaalidu uu u baydho wadamo kale waxa ku dhici doona is badan aan yarayn oo xaga sicirka ah kasoo laga yaabo inuu saameyn weyn u keeno danyarta Soomaaliyeed oo awal horeba la daalaa dhacayey sicirka aanay dawladi jarin ee ay ganacsatada Somaaliyeed hadba jar ula durdurinayeen.
  4. Xayiraada baasaboor Soomaaligu waxa uu niyad jab weyn ku abuuri doonaa ganacsato fara badan oo Soomaliyeed kuwaas oo laga yaabo inay door bidaan inay u soo dhoofaan wadamda galbeedka si ay uga helaan documents ay ku socdaalaan taasoo iyaga iyo ganacsigoodiiba u horseedi doonta hayaan iyo geedi kale.

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Isku soo wada duuboo waxaan faaladan ku soo khatimayaa xayiraada baasaboor soomaaliga ay ku soo rogeen wadamada Kenya iyo Imaaraadka carabtu oo lagana yaabo inay wadamo kale dhabahooda soo hayaan waa baroortu orgiga ka weyn waxay xidhiidh aad u weyn la leedahay arimo siyaasadeed waxaanay hor dhac u tahay qaran jabka ay quwado shisheeye la maagan yihiin jiritaanka dadka Soomaalida ah.

 Waa Faaladii walaalkiin

Hassan Salahuddin
Gudoomiyaha Ha’aydda wararka fidisa ee
GLOBAL MEDIA GROUP
BRISTOL, UK

Email: Salahuddin100@hotmail.com

Tel: 00-44-7946174533

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

Maantana waa Dalka UAE oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]