SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May12, 2004

Waa maxay Furqaanka Xaqa ah?
[Waa buug cusub oo ka faalloonayo qorshe lugu badalyo Quraanka Kariimka ah]

Isbadal lugu sameeyo manaahijta dalalka Islaamka
Demoqraadiyada oo lugu baahiyo
Bush oo sheegay in dagaal Diimeed lugu soo qaaday isna uu qaadayo
Telefeyshinada Carabeed ee macno la’aanta ah oo la kordhiyo waxey dhamaantood qeyb ka yihiin dagaalka tooska ah ee Islaamka lugu jirro.


Waxaa diyaarisay, Ikraam Cali-kaar

Qeybtii 2aad

Waxaanu la soconey oo qormadeenii hore kaga soo hadalnay nuxurka ku jira cutubka kooweed ee buug loogu magac darray ”Furqaanka Xaqa ah”, buuggan oo ay qormadiisa iska kaasheedeen xag jirayaal Mareykan iyo Yahuud ah kuwaasoo cadaawad gaamuurtay u hayey Islaamka iyo dadkiisa. Sidoo kale qormadeeni hore waxaanu ku soo qaadanay qorsha dheer ee arrintaasi ku saabsan buugaasi loogu magac darray ”Furqaanka Xaq ah” uu tilmaamay. Qeybta labaad ee qoraalkan taxanaha ayaan misna ku eegi doona waxa uu buugani xambaarsan yahay.

Hadaba kooxo xag jirayaal oo yahuud ah oo sugan gudaha Israa’iil, ayaa go’aan ku gaaray sidey uga qeyb qaadan lahaayan qorsha ka dhanka ah Islaamka iyo dadkiisa, waxaana ay sheegeen iney kaalin mug leh ka geli doonaan tarjumada buuga ”Furxaanka Xaqa ah”. taasoo ay iminkaba aaminsan yihiin in Quraanka Kariimka ah uu yahay mid dadka ”Basharka” ah oo keliya ku kooban balse uusan aheyn maalin maalmaha kamid ah ”Kitaabka Samaawiga” ah ee Illaaahey soo dijiyey.

Asal raacani waxey runsan yihiin oo kale in qorshani yahay mid taxadar weyni ku jrro, islamarkaasina uu socon doono inta u dhaxeysa muddo sadex ilaa afarta sanno ee soo scoota.

Muddadaasi afarta sanno ah waxey kooxdani qabeen guud ahaan barriga dhaxe oo dhan iney ahaan doonto goob Mareykanku ka taliyo oo aan laheyn awood wax iska celin karta. Dabadeedna uu markaasi Sharon-ka Israa’iil uu sidduu doono ka yeelayo madaxda carbeed ee ugu yeero ”Hogaamiyeyaasha Argagaxisada”
”Dimoqraadiyad” ku sheega maamulka Bush ay sheegeen iney ka abuurayaan barriga dhaxe ayaa waxey kamid tahay xogta qarsoon buugani daaha ka rogay ee la xirriirta qorshaha baaxada leh ee looga taqalusayo Islaamka iyo dadkiisa. Tanoo ah mid waafaqsan sida ay doonayaan Ameerikaanka iyo inta taabacsan, iyadoo badalista manaahijka waxbarasho ee dalalka Islaamka tahay qeyb mid ah dagaalka ka dhanka ah Islaamka.

Sidoo kale warfaafinta dalalka Islaamka ee loo arko qaarkood iney kaalin weyn ka geli karaan qorsha buugani xusay ayaa xoogaa la saaray, waxaana durba la bilaabay in laga dhaa dhacsiiyo maamulka hoosta warfaafinada carabta sidey ugu sheegi lahaayeen dadyowga ay wax u sheegaan waxa ay tahay Dimoqraadiyada. Telefeyshinka loogu magac daray ”Al-Xorra” ee dhawaantan ay sameeyeen maamulka Bush, ayaa isna ah aalada warbaahineed ee tooska ah kuna jira qorshaha la dagaalanka Islaamka.
Buugan cusub ee “furqaanka Xaq ah”, ayaa la runsan yahay inaan weli daabacaadiisa iyo qeybintiisa aan weli dunida muslinka laga hergelin sababtuna waa iyada oo lala dhowrayo waqti ku haboon ay shacuubta Islaamka ihi u dhago nuglanaan karraan, balse durba la bilaabay in dalalka reer galbeedka, Mareykanka iyo Israa’iil la geeyo si loo sii faafiyo howlgalkan baaxada weyn.

Sida uu qorayo buugani in dagaalkii lugu qaaday Saddaam Xuseenkii Ciraaq uu ahaa mid aan meesha ka marneyn fikir fog oo ay xambaarsanaayeen madaxda reer Galbeedka ee aaminsan iney mudnaanta koowaad tahay ka saarita meesha halista soo socota ee dunida Islaamka, balse banaanbaxyadii faraha badnaa ee hareeyey magaalooyin badan oo reer galbeed ah ay aheyd arrin kooxihii qaban qaabiyey ay dadka ku sii jeedinayeen waa sida uu buugani dhigaye. Hase ahaatee aan shaki ku jirin in qorshani dagaalkii Ciraaq lugu qaaday ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay Busha waalan ee reer Mareykan iyo inta ku taageersan fikradiisa guraxan ee Islaam naceybka ah.

Nuqul kamid ah buugani waxa uu leeyahay ”Horteena waxaa ahaaday marxalad cusub oo taariikhi ah, waxaana waajib inugu ahaaday inaan duulaan balaaran ku qaadno Islaamka iyo dadka Barberiga la yiraahdo, si tuulooyinka kale ee muslinka ah u gaarsiino hadafkeena. Maxaa yeelay duulankani markiisi hore waxaa uu ka yimid xagooda. Iyagoo dadkaasi muslimiinta ah laaya kumanaankun oo isugu jira dumar iyo haween, sidoo kale waxey waxyeelo u geystaan haweenka. Sidaas daraadeed waa inaan gebi ahaanba badelnaa ”Diintooda baadilka ah ee ay ku sheegeen Islaamka”, innagoo ugu badaleyna Diinta xaqa ah”

Misna sidoo kale qeyb kamid ah buuggaasi loogu magac darray ”Furqaanka Xaq ah” waxa uu yiri
” Kani waa duulaanka barbariga ah ee Islaamiga ah oo gaaray kacaankii argagaxisanimada, iyagoo door biday iney dilaan abriyadeenii sharafta badan ee ku jira diinteena weyn ee masiixiyada iyo reer Bani’israal.

Dhab ahaan waxaan qowmkani u furnay quluubteena guud ahaanteed iyo deegaanadeena si aan u barno hormarka xageena ahaaday,una gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin. Islamarkaasina ka taakuleyno dhaqaalaha iyo waxkasta oo ku lug leh hormarka maanta dunida ku talowsatay, sidoo kalewaxaan marar badan ku cel celinay iney ku ekaadaan dhaqankooda iyo dabeecadohooda, hase ahaatee ma aysan yeelin ee waxaa ay faraha la galeen diinteena iyagoo doonay iney naga tir tiraan.

Iyagoo markaas noogu badalay hor istaagida gar gaarka aan dooneynay inaan fidino iyo bur bur meelkasta saameeyey”

Sidoo kale isla nuqul kamid ah buugaasi waxa uu leeyahay ”Dhacdooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay cadeeyeen dagaalka tooska ah ee aan kula jirno Qur’aankooda. Tanoo waajib ku noqoneysa cid kasta oo leh waayeel, carruur, dumarka iyo dhalinyaradeena ee ku abtirsada masiixiyada iyo reer Bani’Israal. Maxaa yeelay meesha kama muuqato xal kale oo aan aheyn in lala galo dagaal baaxad leh ”kooxaha sharta wada ee Islaamka sheegta”!


La soco qormada dambe ee warbixintan insha Allaah!

Isha warka: Wargeyska Toddobaadlaha ah
Ee El-Isbuuc ee ka soo baxa magaalada Khaahira

Waxaa tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com


Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

» Qaaybtii 1aad: Waa maxay Furqaanka Xaqa ah? [Ikraam]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD