May 16, 2004
WARARKA MAANTA : KENYA iyo UK
-
Dhageysiga Idaacada IQRA oo Hoos u Dhacay
-
Mowliid Macane oo Cabsi iyo Qalqal uu qabo
ka muujiyay Xafladda 15ka may
-
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed: Maalinta
15ka May
Dhageeystayaasha Idaacadda IQRA ee Nairobi oo
hoos u dhici ugu weynaa soo Wajahay
May
15: Madaxwaynaha
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. C/qaasim Salaad Xasan ayaa
lagu waddaa inuu madax kala duwan oo Afrikaan iyo Carab ah u gudbiyo
ashtako ka dhan ah Dawladdaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo
mamnuucay Baasaboorka Soomaaliya
Guji
May 13:
Mar uu C/Qaasim
Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay
dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid
aan sal iyo raad toona lahayn, waayo dalka Imaaraadka Carabta waxa
uu sheegay in uu ka kooban yahay 7-Imaaradood, Dubai-na ay tahay
imaarad qura, waxaana maqalnay in kaaliye waaxeed oo ka tirsan
waaxda Socdaalka uu diiday in uu Visso ku dhufto baasaboorka
Soomaaliga ah
Guji
MATY 12:
Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya Somalia Waddanka Imaaraaadka
ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay
Imaaraadka. Wuxuuna sheegay Safiirku inay xiriir la sameeyeen Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka isla markaana ay u xaqiijisay in Baasaboorka
Soomaaliga lagu soo gali karo Dalkeeda Guji..
MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku
Xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Xuseen Saalax oo ka
hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay
aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday
Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay inay Somalia ka mid tahay
Jaamacadda Carabta. Sidaas darteedna aysan Mudnayn in dalalka
Carabtu ay horseed u noqdaan Xayiraad lagu soo rogo Baasaboorka
Soomaaliga. Guji..
MAY 10: Warar ayaa waxay
sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay
dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso
Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha
Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta.
Guji..
DGPL: Maya Baasaboorka Kenya
Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
Kenya oo mamnuucday in dalkeeda
lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga |
Dhageeystayaasha Idaacadda IQRA ee Nairobi oo hoos u dhici ugu weynaa soo
Wajahay, kadib markii uu Nairobi ka hayaamay Wariye… Dhageeystayaasha
idaacadda FM-ka ah ee lagu IQRA ayaa Markii ugu horeeysay si xoogan loo
dareemay hoos u dhici ugu weyn ee ka soo wajaha dhinaca dhageeystayaashii
idaacadaasi oo intoodda badan quursaday xitaa inay dhageeystaan
barnaamijyaddeeda ay sii deyso Idaacada.
Idacada IQRA ayaa Somalida Nairobi Waxa ay dhageeysan jireen 1:00 Pm ee
Duhirkii ah, oo goobaha Ganacsigga laga maqli jiray iyadoo ka shidan ama ka
daaran,hasse ahaatee durbadii dambe waxaa la arkayay iyagoo dhageeysanayo
idaacaddaBBC-da laanta af Somaliga, oo markii hore ay ka xiiseeyn jireen tan
Fm,ka ah ee IQRA ee Nairobi.
Sababaha hoos u dhaca u keenay idaacadaan waxaa koow ka ah, kadib markii
uu ka tagay weriyahii kaga faaloon Jiray arrimaha shirka Ridwan Xaaji Cabdi
weli oo markii uu baxay booskiisa la keenay weriyayaal rag loo caleema
Saaray, laakiin aan marnaba dhageeystayaasha fahmi karin qaabka ayay wararka
u soo tabinayaan,idaacada ayaa la maqlaa iyadoo weriyayaasha leeyihiin waxa
warkaas noo soo tebinayo weriye hebel iyo weriyahii oo leh ii suga xoogaa
Canjalad baan toosisanayaa isagoo si live ah ugu jiro hawadda taas oo
idaacadda muuqaalkii hore mid ka duwan ka bixisay.
Sababaha kale ee dhageeystayaasha idaacadda hoos u dhigtay waxaa ka mid
ah Weriyayaasha ka hoowlgalaa oo noqday kuwo isku heeyb ah , kuwaasoo ka
leexday Luqadii loogu talo galay in ay wariyaasha warkooda ku rabiyaan,uun
dhaw ah iyo Saxaafiyiinta sare ee idaacadda oo Luqadoodda si Rasmi ah ugu
sifeeyo lah’jadda ay sidda gaarkaa ah ugu hadasho beeshiisa.
Idaacada IQRA waxaa loo aas’aasay inay baahisaa Barnaamijyo diini ah
hasse ahaatee hadda waxaa isku baheeystay Saxaafiyiin ku mideeysan dalad
qabiil oo fara marooqsaday qaabkii idaacadda loogu talo galay,Idacaadaan oo
uu aas Aasay Allah ha u naxariisteen Wasiirka Shaqada iyo shaqaalada Dowlada
Kenya Mudane:
Axmed Khaliif.
Maxamuud Axmed Faarax
Nairobi ,Kenya
nayruus10@hotmail.com
<><><>
Mowliid Macane oo Cabsi iyo
Qalqal uu qabo ka muujiyay Xafladda 15ka may,dhaleeceeyn durbadiiba halkaas
loogga jeediyay.
May 15, 2004
Mowliid Macaane Max,uud ayaa Maanta xaflad balaaran oo lagu xusayay 15ka may
ka muujiyay Qalqal xoogan iyo Cabsi uu qabo kadib markii khudbadii lagu soo
dhaweeyay uu u weeciyay inuu ku aflagaadeeyo dad gaar ah iyo Saxaafiyiinta
Somaliyeed.
Khudbadda Mowliid oo sababtay inay dad badan isla markiiba xafladda
Faarujiyaan ayaa durbadiiba mikaroofanka waxaa la wareegay Xasan Jabuuti oo
ahaa Sarkaalka Sare ee soo qaban qaabiyay Xafladda waxaa uuna dhaleeceeyn
ujeediyay Mowliid Macaane oo uu sheegay inuu ku xadgudbay Nidaamka iyo
qaabkii loo Casuumay oo aheyd inuu ka hadlo Ahmiyadda Maalinta dhalinyaradda
Taariiqda iyo halganka lagu Xasuusan karaa,,,laakiin maa heeyn buu yiri in
Mowliid Macaane uu dacaayado Raqiis ah u adeegsado Mikarafoonka taasna waa
qalad uu anagga naga galay ayuu sii Raacsiiyay Xasan Jabuuti oo aad u
careeysan.
dhamaan dadweynihii ka qeybgalayay xafladda
iyo Fanaaniinta Somaliyeed ayaa sacab xoogan ku taageeray hadalka Xasan
jabuuti.
Dhalinyaradda Somaliyeed ee ka socday ururadda kala duwan ee dalka Somaliya
ayaa si kulul iyagana u dhaleeceeyay Mowliid Macaane oo ay ku tilmaameen
inuu habeenkiina hadal geesi nimo warbaahinta siiyo subaxdiina uu Raali
gelin Fulinimo ka bixiyaa.waxaa ayna Ceeb ku tilmaameen hadaladda aflagaadda
ah ee uu mar Walba la beegsado siyaasiyiinta Somaliyeed,sidda Sheekh Jaamac
Xaaji Xuseen waxaa la oran jiray kuusoow ee Ceydiid baa gabar Sacad siiyay
oo u bixiyay Jaamac,Xuseen Baantuu ,baa gabar Kenyan ah guursaday oo doobi
ka furtay Langatta Rongaiy,Cusmaan Caato markaan arkaa waxaan soo xasuustaa
nin Rahanweyn ah oo inta la yaabay jeer Fool xumadeeda yiri ,,,Horta Jeer ay
uumay?,ilaahii caato uumay ayaanba la yaabanahay,Proffeser Gaandi wuxuu
qabaa naag yahuud ah sidaas darteed waa yahuud.iyo hadalo nuucaas ah oo aan
mudneeyn inuu ku hadaaqo siyaasi.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Mowliid iyo qalqalka uu muujiyay ayaa ku soo
aaday xilli uu maalmihii la soo dhaafay siyaasada keli ku ahaa isagoo
Ergadiisana ku eedeeyneeyso Arrin Naxdin badan oo ka baxsan diinta islaamka
oo mowliid Cadeeystay inuu sheegto inay u tahay xalaal taas oo ah kadib
markii Mowliid shaaciyay ama sheegtay inuu qabaa gabar uu dhawaan ka dhintay
wiil uu abti u yahay taas oo ka mid ah ergadiisa laakiin aanan la gaarin
xilligii asaayda laga ridi lahaa ama bilihii sharcigga islaamka cayimay oo
aan la gaarin.
Siyaasiyiin farabadan ayay hore ugu dhacday arrimo fadeexo ah oo ku saabsan
gogol dhaafka lagu heesto inuu sameeyay Mowliid Macaane hasse ahaatee inta
badan siyaasiyiinta islaamka ayaanan loogga baran ku dhaqaaqidda falka
ceeynkaan ah inkastoo hadda ay dhici karto in Mowliid Macaane arrintaas lagu
soo taago maxkamad si loogga hadlaa qaabka uu ku guursan karo Marwo
seeygeedii Bil mootan yahay.
Dahir Abdulle ALasow,Nairobi kenya
weriyahashirka@yahoo.com
<><><>
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
G/W/S/016/04 London, 15/05/2004
Ujeedo:- Maalin Xusuus iyo Qadarin ka mudan dadka Soo....
Maalintan oo ah maalintii la aasaasay
ururkii Somali Youth Leage ahna maalin mudan xusuus iyo qadarin gaar ah
ayaan marka hore hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan.
Waxaan filayaa in xusuusta dadka
Soomaaliyeed ay ku weyn tahay maalintan lagu xusuusto dhalinyaradii
horseedka u noqotay xorriyadda aan maanta harsaneyno, dadka Soomaaliyeed uma
fududa in ay si sahal ah ku iloobaan aabayaashii dhaqdhaqaaqyadii halgankii
gobanimadoonka Soomaaliyeed ee ay dhalinyaradu gar wadeenada ka ahaayeen,
gaar ahaan ururadii SYL iyo SNC.
Waxaan hubaa in dhalinyaradan ay baal dahab
ahi ka galeen halganka iyo taariikhda socotada ah ee dunida gaar ahaan
taariikhda Soomaalida, hadaba si aan u xusuusino dadka Soomaaliyeed
magacyadii dhalinyaradii horseedka u aheyd dhaqdhaqaaqyadii
madaxbanaani-doonka dhulkii uu gumeystaha u qeybiyay dhulweynahii Soomaaliya,
waxayna magacyadoodu kala ahaayeen sidatan:-
1- C/qaadir Saqaawadiin
2- Yaasiin Xaaji Osman
3- Maxamed Cali Nuur
4- Khaliif Huudoow Macalin
5- Cismaan Geedi Raage
6- Dheere Xaaji Dheere
7- Maxamed Cismaan Raage
8- Dahir Xaaji Cusmaan "Dhagaweyne"
9- Cali Xassan Maxamed "Verduro"
10- Maxamed C/laahi Faarax "Xayeesi"
11- Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud
12- Maxamed Faarax Hilowle "Farjanno"
13- Maxamed Nuur Xirsi "Sayidiin"
Intaas ka dib soow ma ahan wax laga xumaado
in halgankii qaraaraa ee loo soo galay madaxbanaanida qeybo ka mid ah
dhulkii uu gumeystuhu u qeybiyay Soomaaliya, in Soomaalida maanta jirtaa ay
si fudud ku iloobaan qiimaha ay leedahay qarannimadii naf iyo maalba loo
hurey, haadaan dheerna lagu tuuro qarankii Soomaaliyeed.
dhab ahaan ma ahan xaalad sina loo aqbali
karo in lagu abaal mariyo geesiyiintii naftooda iyo maalkooda u huray qaran
ay Soomaaliya yeelato, hadaba dalku wuxuu dhowrayaa in ay mar kale fadhiga
ka kacaan dhalinyarada maanta jirta si loo badbaadiyo Midnimadii, Wadajirkii
iyo qiimihii uu qaranka Soomaaliyeed ku lahaa qaramada ka jira adduunweynaha.
Waxaan u soo jeedineynaa guud ahaan Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay iska
diidaan in loo isticmaalo gacmihii lagu burburinay dalkooda hooyo iyo
xaabadii lagu shidayay dagaallada sokeeye ee nasiibdarro darteed ka soconaya
weli gudaha dalkeena Soomaaliya.
Uga dambeytii waxaan uga baaqeynaa
mas'uuliyiinta Soomaaliyeed in ay gartaan sidii loo soo celin lahaa qiimihii
uu qarankeenu lahaa bulshada caalamka dhexdheeda, loona suurtagalin lahaa
dhisme dowlad Soomaaliyeed, kana waantoobaan hurinta colaadaha sokeeye,
qiimaha rasaasta loo adeegsado burburinta wixii ka haray dalka iyo daadinta
dhiiga dadka Soomaaliyeedna ku badalaan hirgalinta heshiis kama dambeys ah
oo la gaaro lagana hirgaliyo guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
GOD IS GREAT GOD BLESS SOMALIA
Somali Unity for Peace and Justice
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed
Xubin Somali Concern Group
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 16, 2003
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|