SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

May 21, 2004

MUDAHARAAD KA DHACAY MAGAALADA HARGEYSA IYO JAHAWAREERKA XUKUUMADA RIYAALE

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

HARGEISA: Intii lagu jireyba qabanqaabada munaasibaddii xuska 18-ka May sirdoonka faraha badan ee Madaxweyne Rayaale iyo dadka ku dhow-dhow ee xukuumadda ku jiraa waxay ku mashquulsanaayeen oo ay habeen iyo maalinba u ordayeen inay ogaadaan halka laga abaabulayo iyo cidda ku hawlan mudaharaad ay ka war-heleen in la samaynayo. Waxaana la sheegay in Madaxtooyada ay gaadhayeen wararka laga helayo arrintaas.

SHIR JARAA'ID OO UU QABTAY AXMED MAXAMED MAXAMUUD "SIILAANYO" 15/5

Mudaharaadka la sheegay in dowladdu ka war-heshay waxa la filayey inuu ku xidhiidhsan yahay mudaharaad hore oo ay ka hortageen ciidamada Boolisku, dhallinyaradii abaabushey iyo kuwii ka qayb-qaadanayeyna la qab-qabtay intii aanay si fiican jaanta isula helin. Mudaharaadkaas oo la siidaayey dadkii loo xidhay marka laga reebo ninkii abaabulay, waxa uu ahaa mid lagaga cabanayey, laguna diidanaa musuqmaasuqa, biyo la'aanta caasimadda, shaqo la'aanta iyo maamulxumada dowladda, waxayna dadku ku doonayeen in Madaxweyne Rayaale jawaab ka bixiyo musuqmaasuqa baahay ee xukuumaddiisa iyo lacagta $16 Milyan ee doolar ka badan ee uu Inj. Maxamed Xaashi, wasiirkii hore ee Ganacsigu sheegay in aanay ku dhicin khasnadda dowladda, miisaaniyadda dowladdana aan lagu soo darin.

Sidaa darteed, xukuumadda iyo hay'adaheeda wardoonku waxay xoogga saareen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaafadaha Buurta saaran ee Waqooyiga magaalada oo dadka deggan ay u tirinayaan inay taageersan yihiin ama uu saamayn badan ku leeyahay Maxamed Xaashi. Waxaana loo diray sida wararku sheegayaan sirdoon fara badan oo xaqiiqo raadis ah. Sidoo kale, odayaal iyo cuqaal xaafaddaas ah ayaa la sheegay in la hawlgeliyey, isla markaana ay dedaal ugu jireen sidii ay xukuumadda ugu xaqiijin lahaayeen in xaafadooda aan laga wax abaabul mudaharaad ah, haddii uu jirona aanay shaqo ku lahayn, kii horena ay ku jirin.

Hase yeeshee, sida wararku sheegeen xukuumadda iyo sirdoonkeedu kuma guuleysan inay helaan war sugan oo ku saabsan mudaharaadka ay raadgurayeen iyo waqtiga uu dhacayo, inkasta oo saraakiisha boolisku ay xaqiijiyeen inay sii ogaayeen habeenimadii 18-ka May in mudaharaad la wado. Wararkuse waxay sheegeen in Xukuumaddu filaysey labadii maalmood ee shalay ka horreeyey mudaharaad, laakiin ugu dambayntii sirdoonku soo sheegay in dib loogu dhigay 18-ka May. Iyadoo laga eegayey ama la tuhunsanaa dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin mujaahidiinta SNM, Xisbiga KULMIYE iyo dad loo malaynayo in uu kiciyey hadalkii Maxamed Xaashi.

Waxaase xaqiiqo ah, ugu dambayntii shalay inuu dhacay mudaharaad aan cid qorshaysay iyo cid abaabushey aanay jirin, balse ka dhashay baqdinta xukuumaddu ka qabtey mudaharaad, si lama filaan ahna uga bilaabmay goobtii laysugu soo baxay ee fagaaraha Khayriyada.

Iyada oo loogu cudur-daarayo in qorraxdu aad u kulushahay oo dadka looga tudhayo inay bacadka taagnaadaan muddo dheer ayaa Madaxweyne Rayaale waxa uu ku soo jarmaaday Fagaaraha Khayriyada, isaga oo ay daba yaacayaan baabuur badan oo tikniko ah oo ay hareeraha ka laadlaadaan ciidan koofiyad cas ah intooda badan ku jeeniqaaran Silsilado rasaas ah oo ku xidhan qoryaha boobayaasha culus ah oo ay ku ilaalinayeen. Barxadda fagaaraha oo xadhig lagu xayndaabay si aanay dadku u soo dhaafin meel ka fog mambarka oo loo calaamadiyeyna waxa ku xeercaan ciidan. Guryaha ku dhowdhow Khayriyada dushooda ayaa iyana lagu arkayey askar koofiyad cas ah oo qoryo la dulsaaran. Waxa ciidamo la dhigay dhammaan waddooyinka, iyada oo ay ciidamadaasi xidheen dhammaanba jidadka agmara khayriyada oo aan loo ogolayn dad iyo baabuur toonna. Ciidamadaa tirada badan iyo ilaalada koofiyad casta ah ee guryaha dushooda fuushan ayaa markiiba didmo geliyey dadka, qaarkoodna waxay ku xasuusteen sida loo ilaalinayo keli-taliyihii Siyaad Barre.


Madaxweyne oo khudbad ka jeedinaya fagaaraha Khayriyada
iyo ciidamada tirada badan ee qar-qiyey fagaaraha khayriyada hargeysa.

Iyadoo ay marka horeba isla caddibmeen dadka iyo ciidanku ayaa haddana sameecadihii ay khudbadda ka dhegeysanayeen aamuseen, hadalkiisiina la maqli waayey. Waxa bilaabmay sawaxan iyo buuq, iyadoo ay dadku is-riixayaan oo ay doonayaan inuu u siqaan dhinaca mambarka Khayriyada si ay khudbadda u maqlaan. Haddii uu dhawr goor khudbadiisa hakiyey si loo hagaajiyo mikrifoonada, Madaxweyne Rayaale hadalkiisii wuu iska sii watay, markii buuqa iyo dhaqdhaqaaqa dadku sii batayna, si degdeg ah ayaa la taliyayaashiisa iyo raggii la socdey khayriyada uga dejiyeen, waxaana lagu warhelay xafarka baabuurta. Dadkii wuu isku meeraystay, waxa isa-sudhmeen ciidankii ku xeernaa ee celinayey oo markii Madaxweynuhu baxay kadib iyaguna iskaga baydhay. Uugaankii halkaas ka dhashayna waxay u soo qaadeen waddada dheer ee Madaxtooyada, iyaga oo cadhaysan.

Qaar ka mid ah dadkii mudaharaadayey oo aan weydiiyey waxa dhacay ayaa ii sheegay in Madaxweynuhu u khudbadayn waayey, dabadeedna ay ka cadhoodeen. Qaar kale, waxay ka hadlayeen biyo la'aanta oo Fagaaraha ay kaga hadleen X.Cabdi Waraabe iyo Madaxweynuhuba. Kuwo kalena, waxay lahaayeen muxuu uga hadli waayey musuqmaasuqa iyo lacagtii la sheegayey. Waxayse cabashada ugu weyni ahayd in Madaxweynuhu aanu muddo dheer dadka la hadlin, gaar ahaan markii dhowaan uu ka soo laabtay Ingiriiska oo ay sugayeen inuu khayriyada ugu waramo, iminkana hadalkiisii la maqli waayey.

Madaxweyne Rayaale, waxa uu soo gaadhey Khayriyada 8:00 Subaxnimo, markii uu salaanta qaatayna waxa lagu soo dhoweeyey mikrifoonka, waxana uu khudbadiisa ku akhriyey muddo 15 daqiiqadood aan ka badnayn, 9:00 subaxnimo oo wax la'na dib ayuu ugu noqday Madaxtooyada. Waxaa jirey iyaguna dad badan oo aan ku soo gaadhin khayriyada oo cadho dib ula noqday. Khudbadda lafteeda oo Toban bog ahayd ayaanu si fiican u dhammayn oo la ogaadey in ugu yaraan uu laba bog ka boodey, isaga oo weliba boobsiinayey.

DUX LA,AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE IYO DIBINDAABYADA DADWEYNAHA
Diridhaba: June 2003

Waxa kastaba, sababtu ha ahaate, waxa aan shaki ku jirin in aanay jirin cabsi kaga dhalatay Khayriyada, balse Madaxweyne Rayaale uu baqdin iyo taxader weyn oo nabadgelyo kaga soo baxay Madaxtooyada, taasina ay dadka kaga cadhaysiisay. Ka sokow, ciidamada faraha badan ee uu isku xeeray iyo degdegga uu ku yimi, kagana baxay khayriyada, mid ka mid ah shaqaalihii habeenkii 18-ka May ka shaqaynayey Khayriyada oo uu waagu ugu baryey ayaa ii sheegay in isaga laftiisu uu ka cadhooday markii 6:00 subaxnimo ay ugu yimaaddeen khayriyada nin sita qalab kadibna ay nagu amreen ayuu yidhi in aanu ka dareerno meesha (mambarka) si ay miino uga baadhaan. Waxa uu sheegay inay qaadan waa ku noqotay meeshii ay xalay oo dhan ka shaqaynayeen ee waagu ugu baryey in la yidhaahdo miino ayaanu ka baadhaynaa in la dhigay. Sidoo kale, xawliga ay ku socdeen baabuurka Madaxweynaha iyo ilaaladiisa oo aad u sareeyey ayaa dad badan argagax geliyey. Markay arkeen sida loo ilaalinayo Mudane Rayaale odayaal aan la kulmay waxay ku talinayeen in aan Khayriyada la tegin, sababtuna waxa weeye ayay yidhaahdeen haddii ay waxyar dareemaan waxa imanaysa in ciidanka ilaalinayaa ay dadka rasaas iskaga furaan, sidii markii Siyaad Barre shilka galay (Jidka isku xidha Afgooye iyo Xamar) oo la sheegay in ilaaladiisu ay laayeen dad rakaab ahaa oo wadada marayey.

Hase yeeshee, xukuumadda iyo dadka taageersani waxay rumaysan yihiin in la soo abaabuley mudaharaadka uu ka dambeeyo Xisbiga KULMIYE iyo dad taageerani. Laakiin, ilaa iyo hadda boolisku waxay sheegeen in ay baadhayaan ciddii ka dambeysey. Mid ka mid ah dhallinyaradii mudaharaadeysey oo biyo ka cabayey maqaayad waddada hareerteeda ah oo uu ku soo leexday ayaa maqlay dad is-weydiinaya; "Waxaas oo dhallinyaro ahi ma taageerayaasha Kulmiyaa?". Wuxuuna la soo booday "Maya, ee waxaanu nahay dadkii UDUB u codeeyey, sababaha aanu ku diidneyna qoraal baanu ku bixinaynaa". Dad goob joog ahaa xalay fiidkii markii la kala saarayey dadkaas ayaa iyaguna sheegay in su'aasha qof kasta la weydiinayey ay ahayd xisbigee u coddaysay? Dhallinyarada la xukumay badidooduna waxay sheegteen inay u codeeyeen UDUB.

Madaxweyne Rayaale oo taliyihiisa Boolisku sheegay maanta in boolisku uu adeegsan doono tallaabo kasta si uu u badbaadiyo nabadgelyada ayaan isagu waxgarawshiinyo ah ka bixin cabashada iyo dhaliilaha xukuumaddiisa, gaar ahaan ceebta musuqmaasuqa ee uu Inj. Maxamed Xaashi daahfuray, waxa uu khudbadiisa ku yidhi;

"Waxaan leeyahay dadka beryahan dambe caruurta iyo dumarka tashuushka ku abuura, ummaddiina u naxa oo ka daaya beenta iyo fidnada aad kula dhexwareegaysaan. Illaahay wuu idin weydiin aakhiro e".

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkii shalay ka dhacay Hargeysa oo ku beegmay maalin qiimo weyn leh ma ahayn mid lagu talagalay oo la abaabuley, balse waxa la odhan karaa waxa uu ka dhashay baqe laga dareemay kasha Madaxweyne Rayaale iyo saluug is-biirsaday.

Warbixintani waxaa soo diyaariyey Weriyayaasha ururka suxufiyiinta somaliland SOLJA.

Hargeysa, Somaliland.

Waxaana sii gudbinaya MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk  May 21, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD