SHIR JARAA'ID OO UU QABTAY AXMED MAXAMED
MAXAMUUD "SIILAANYO"

Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) |
Cawil waxaa uu yidhi Buug baan qoraa maalin dhawayd baan buugiisa akhriyay oo aan is idhi waxaa uu walaaqay eeg waxaa uu yidhi
mucjiso ayaan ku dhashay oo Abahay sagaal dumar ah ayuu guursaday oo waligii
ma dhalin dabadeedna waxaa uu u tagay islaan Taawilo (Faaliso) ah islaantii
baa tidhi Gabadh Arab ah guurso markaas baad dhalaysaaye mucjisadaas baan ku
dhashay buu yidhi cawil ,.... KELMADAHII"AXMED MAXAMED MAXAMOUD (SIILAANYO)
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) ayaa maalintii shallaytoole ahayd wuxuu shir jaraa'id ku qabtay magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) oo shirkan jaraa'id u qabtay inuu jawaab kaga bixiyo Miisaaniyaddii Dawladda Somaliland ee dhawaan ay xukuumadda Daahir Riyaale soo hor dhigtay golaha baarlamaanka, ka dibna khilaafka weyn keentay, ka dib markii wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Xaashi Cilmi uu dhaleecayn u jeediyey miisaaniyadaasi kuna tilmaamay mid aan dhamayn ayna ka maqatahay xisaab lacageed oo ku dhaw 20,000,000$ (labaatan milyan oo dollarka maraykanka ah), ka dibna madaxweyne Riyaale uu xilka kaga qaaday wasiirka dhaqaalaha Somaliland isaga oo ku sababeeyey inuu Engineer Maxamed Xaashi ka aragti duwanaaday wasiiradiisa inta kale, Gudoomiye Siilaanyo wuxuu shirkiisa jaraa'iid oo aad iyo aad uu ugu weeraray Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Ambasador cawil ku bilaabmay Sida tani:-
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si aad ah u eedeeyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale,isla markaana carabka ku dhuftay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Inj.Ismaaciil Aadan Cismaan dhaliilo badana u so jeediyay Maamulka Dawlada uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Siilaanyo oo daba socda Hadalo uu sheegay Wasiirka Maaliyada Ambasador Xuseen Cali Ducaale (Cawil),isla markaana ugu jawaabayay ayaa ugu horayn dhaliil u soo jeediyay Xukuumada waxaanu ku sheegay in aanay Xukuumadu tixgalin siinin hanaanka Dimuqraadiga ah isla markaana ay Xabsiga u taxaabtay Xubno dhalinyaro ah oo dareenkooda cabirayay,taas oo uu ku tilmaamay inay ka horimanayso dastuurka Dalka,waxaa kale oo uu sheegay in musuqmaasuq ka muuqdo Miisaaniyada Dawlada ee dhawaan uu soo saaray Wasiirka Maaliyadu.
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga
saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in
Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta
Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay
qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu
taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa
laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi
taga magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Salahudin |
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa
la raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la
yidhaahdo ONLF"
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen
dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida
labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale
kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose
ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun
caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay
meeshii uu ku degey"
XagarYare |
Gudoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa kale oo uu
dhaliilay inay Xukuumadu gaabis kaga jirto dhinaca dooashooyinka
Baarlamaanka,waxaanu ku sheegay inay Xukuumadu ka baxday balankii ay
caalamka u qaaday ee ahaa qabashada Doorashada Baarlamaanka taas oo ay marba dib u sii dhigayso,waxaanu Axmed Siilaanyo intaas ku daray in ay Dawladu
qaab an loo baahnayn ula dhaqmayso Asxaabta Mucaaridka ah,iyadoo marka
dhaliisha dawlada la sheegana ay Xukuumadu odhanayso Ictiraafkii naaa
hortaagan yahay ama nabadgalyadiibaa la kufinayaa.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in heerka Xukuumadu ay gadhay
marka laga hadlayo axsaabta Siyaasada ay tahay in markii dilalku wadanka ka
dhaceen uu Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan uu sheegay inay Xisbiga Kulmiye ka dambeeyaan kuna tilmaamay
argagixiso,waxaanu intaas lu ladhay in baadhista socota ee la baadhayo
Xubnaha Dilka loo haysto aanay kalsooni badan ka muuqan hadii aan dad dibada
looga yeedhin si ay goobjoogayaal uga noqdaan baadhida kiisaskaa dilka
ah,isagoo si gaar ahna farta ugu fiiqay Dilkii ugu dambeeyay Xubnaha gaystay
waxaa uu yidhi “ maalin walba waxaad maqlaysaa tolo nimankani kuwii dilka
gaystay ma yihiin mise waa la bedelay,maxaa sawirkooda loo soo bandhigi
waayay,maxaa dadka loo tusi waayay ?
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa uu ku dhaliilay Xukuumada
Somaliland in ay soo koobayso maamul fidinta balse aanay ku jirin wax
maamul fidin ah waaanu tusaaletaas u soo qaatay markii Madaxweynaha
Somaliland Mudane Rayaale uu tagay Gobolka Sool,waxaa uu gaadhsiisnaa ayuu
yidhi Maamulku Gobolka Sool,maaliintii uu madaxweynuhu amray in Laascaanood
laga soo raro Ciidanka iyo Maamulka ee la keenay Caynaba ayaa la soo koobay
maamulka.,waxaanu Siilaanyo inataas raaciyay in dhinaca Galbeedkana laga soo
guirayo oo waanu ognahay ayuu yidhi,waxaanu yidhi “iima muuqato fidin maamul
ee waxaan ka baqayaa inaan Hargeysa isugu wada nimaadno”.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo waxaa uu ka dayriyay xaalada
Nabadgelyada ee dalka waxaanu sheegay in faragalin badan la sameeyay dalkana
qaybo ka mid ahi ay maqan yihiin waxaana taas dheer buu yidhi iyadoo la
leeyahay Ceerigaabo ayaa laga soo dejiyay Hub iyo Lacag foojari ah,kuwaasina
waxay astaan u yihiin nabadgelyada darada soo food leh iyo meesha ay ka iman
karto.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa kale oo uu sheegay inuu jiro
musuqmaasuq ka muuqda Miisaaniyada Dawlada waxaanu sheegay inuu ku raacsan yahay Maxamed Xaashi waxyaabihii uu sheegay iyo qaar aanu sheeginba oo jira,waxaanu carabka ku dhuftay lacag laga qaado sida uu sheegay maraakiibta Saylac oo aanku dhicin qasnada Dawlada,waxaa kale oo uu sheegay in
Iskaraabka raristiisu uu ahaa sharci daro oo ay ahayd in qandaraas lagu
bixiyo taasna waxaa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyadu uu u badheedhay inuu
sharciga jabiyo,waxaanu intaas ku daray in lacag dhan 18 Milyan oo Doolar oo
ahayd lacagtii labadii sanao ee 2002 iyo 2003 iyo waliba lacag kale oo
dheeraad ah aan la horgayn baarlamaanka si uu u ansixiyo,lacagtaas oo ay
ahayd buu yidhi hadii aan Baarlamaanku supplementary baaralmaanku samayn ay
ahayd in lagu daro Miisaanyada ku xigta oo ahayd tan 2004,waxaanu sheegay in
aanay lacagtaasi labada xisaabood midna ku jirin,arintaansawali jawaabteeda
loo baahan yahay.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo waxaa uu si gaar ah ula hadlay
Wasiirka Wasaarada Maaliyada waxaanu yidhi “ Mucjiso dalka ku soo biirtay
Cawil baynu odhanaynaa Cawil waxaa uu yidhi Buug baan qoraa maalin dhawayd baan buugiisa akhriyay oo aan is idhi waxaa uu walaaqay eeg waxaa uu yidhi
mucjiso ayaan ku dhashay oo Abahay sagaal dumar ah ayuu guursaday oo waligii
ma dhalin dabadeedna waxaa uu u tagay islaan Taawilo (Faaliso) ah islaantii
baa tidhi Gabadh Arab ah guurso markaas baad dhalaysaaye mucjisadaas baan ku
dhashay buu yidhi,markaa Cawil inuu mucjiso yahay la iskuma hayo,maata ka
horow maydaan maqlin Siilaanyo oo Cawil soo hadal qaaday,Radyo
Hargeysa,Joornalka iyo Maandeeq iyo meel kasatoo oo ay shirk u yeeshaan
aniga intaa I maagayay oo I caaay oo I lahaa C/Qaadir Koosaar iyo Aadan
Shiine ayuu siilaanyo dilay,isagu markaa meel uu joogay garan mayo Siyaad
Bare ayuu ag joogay kuwii uu soo dirayay Siyaad Bare ayuu ogaa ilaa intaa
Mucjiso awil kamaan hadlin laakiin hadaan ka hadalayaa, Cawil waxaa uu yidhi
Iskuulka Sheekh baan ku jiri jiray oo waa la iga eryay Cawil ma akhlaaq
xumaa lagaga eryay iskuulka mise Saaqidnimo,labadaa id uun baa lagu eryi
jiraye,Cawil waxaa uu tagay Yemen wuu ka tagay berigii aanu Scholershipka
u baxnay,waxaa an ugu tagay London,Cawil markaa waxaa uu baranayay Farsamada Ilkaha –Dentist, wuu ku fashilmay oo wuu ka soo bixi kari waayay oo waa marag ma doon,Ilkihii buu samayn kari waayay oo waa mucjiso kale,isagoo geed uu qabsado la’ ayaa 1960kii qolooyin la yidhi Layli Sarkaal ayaa la idiin
qaadanayaa ayaa loo tababaray lix bilood oo dhiboo ah,laakiin Cawil waxaa uu
isku dhereriyaa ragii ka soo baxay San Harries ee waxbarshada labada
sanadood ah dhamaystay sida Ismaaciil Cali Abokor,Xasan Kayd,Maxamed
C/Laahi,Muuse Rabiile Good, C/Xamiid iyo qaar kalaba”
Gudoomiyaha Xisba Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siagoo sii wata erayada kulul ee uu ugu jawaabayay Wasiirka Maaliyada Mudane Cawil waxaa uu hadana yidhi mar kale “Cawil waxaa uu sheegtaa Amabasdor ilaahay baan idinku dhaariyee waxaa rag safiiro ka soo noqday China,Maraykan,Saudi
Carabiya,France iyo waliba dalal kale oo waaweyn oo aduunka ka mid ah
miyaydaan arag,isagu waxaa uu safiir u noqday Idi Amiin kii dhwaan
geeriyooday,markaa waa la yaab waxaa ragii dalalka waaweyn safiirada ka ahaa
ay u sheegan waayeen oo isaga oo Idi Amiin oo dinida oo dhami la yaabi
jirtay oo ku qosli jirtay safiir u ahaa uu derejada Safiirnimada u
qaatay,Cawil waxaa uu Yidhi Siilaanyo waa inuu hambalyeeyo miisaaniyadii uu
samayn kari wayay ayaan xidhee,Xafiiska iyo Kursiga uu ku fadhiyo waa kuwii
aan anigu dhigay,qaabka Wasaraadu ay ku shaqaysaana waa kii aan
sameeyay,Cawil sarifka lacagaha ayaanu kala aqoonee shilinka ay sicir
bararka ku abuureen baa waalay aniga wakhtigaa 2000 ayuu ahaa halkii Doolar
sarafkiisu”
If Somalia is Divisible Somaliland is Divisible
AllAfrica.com, Africa - May 7, 2004
... do not want to become like the Kurds of Iraq and Turkey, a
minority in Somaliland and a minority in Somalia and lose their
historic hegemony in Somali politics ... |
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmie M.Siilaanyo waxaa uu hadana ka hadlay dilkii
C/qaadir Koosaa iyo Aadan Shiine waxaanu yidhi “ Cawilow waxaad tidhi Aadan
Shiine iyo C/Qaadir Koosaar ayuu dilay aniga ayaa Aadan iyo C/Qaadir
Koosaarba u ooyay,anaga ayay garabkayaga midig ahaayeen aniga ayay waaxi I
go,day dhimashadoodi,anigaa labadoodaba bud dhigay,adigu maad soo
eegin,lamaad jooginba cidii nala dagaalamaysay ee soo dirtya baad ogtahay oo
aad la safnayd oo aad la joogtay”
Ugu Dambayna Axmed siilaanyo waxaa uu ku sheegay Wasiirka Maaliyada Mudane Cawil Cali Ducaale inuu dhibaatooyin gaystay,waxaanu yidhi “markii loo
dagaalamayay qaranimadii soomaalinimo maalinba meel ayay jogtaaye waxaad la
baxsatay sirtii Ciidamada waxaad tagtay Nairobi waanad bixisay sirtii aad
Buulo Xaaawo ka ururustay oo dhan,markii halgankii Somaliland bilaabmayna
anigu waan galay adiguse markaas abaad Siyaad Bare u timid,markaa mar walba
waxaad taagnayd mawqifk xaaraanta ah Tuugnidama iyo Beenta iyo qarnimo
diidnimada,Somaliland waa loo soo dafaalamay oo loo soo dhintay taas marka
laga yimaadana Hawlihii nabadaynta iyo Qaran dhisida Cawil ,Ismaaciil Yare
iyo Ina Rayaalaba kumay jirin,ka hadli mayo awilow markii aad basaaska ahayd
ee aad jawaanada lacagta ah qaadaysay,markii aad ka soo afduubtay Maxamuud
Musbaar Uganda iyo markii aad Nairbi ka soo afduubaysay nimankii
Hawiye,waxaa kale oo wax lala yaabo ah Imsaaciil yare inuu sheegto darafada
Injineernimada,waxaa isweydiin leh Jaamacad uu Ismaaciil ka qaatay
Shahaadada Injineernimada ta ay tahay
Waxaa shirka jaraa'd goob joog ka ahaa weriyayaasha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA
Waxaa soo gudbinaya Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|