Waxaa noo suurtagashay in aan wareysi qadka
isgaarsiinta ah la yeelano Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha
Dibedda ahna Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban" oo hadda ku sugan magaalada London
ee dalka Ingiriiska wareysigii aan la yeelanayna wuxuu u
dhacay sidatan:-
Su'aal:- Maxaa
sababa inta badan dagaalada mar kasta ka dhaca meelaha ay
degaan taageerayaasha ururka USC/SSA?
Jawaab:- Dabcan
mar haddii uu meesha ka baxay amarkii iyo kala dambeytii aad
ayay u fududahay dagaallo aan tala galin in ay si fudud
isaga dhacaan, dagaaladanina waxay qeyb ka yihiin kuwa ka
soconaya guud ahaan koofurta Soomaaliya.
Su'aal:- Maxay
salka ku hayaan dagaaladan ka dhacaya maalmihii ugu
dambeeyay Waqooyiga magaalada Muqdisho?
Jawaab:- Waxay
salka ku hayaan dagaaladan soconaya garasho la'aan iyo
aqoondarro bulshada dhexdeeda ah, iyadoo inta la og yahay
dagaalaga ahliga ah ee ka socda dalkeena Soomaaliya
sanadihii ugu dambeeyay ay yihiin kuwo lagu burburiyay
heykalkii qarannimo iyo hey'adihii loogu adeegi jiray
shacbiga Soomaaliyeed, sidaas darteed dagaalada hadda socdaa
wax badan kuma soo kordhinayaan hanaanka dib u heshiisiinta
ee hadda socda, runtii waan ka xunnahay sii socoshada
dagaalada sokeeye.
Su'aal:- Sameyn
intee la'eg ayay ku yeelan karaan beesha Mudullood dagaalada
faraha badan ee dhexmara darteed mustaqbalka siyaasadda
Soomaaliya?
Jawaab:-
Dagaalada socaya waxay dadka Soomaaliyeed gabi ahaan kala
galiyeen tafaraaruq iyo kala fogaanshiyo dhex marta, waxayna
mugdi galiyeen qaranimadii Soomaaliyeed, hadaba iima
muuqaneyso in beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed kalligeed
ay tahay in wax la iska weydiiyo lana sheego doorka ay ku
yeelan karaan mustaqbalka siyaasadeed ee jamhuuriyadda
Soomaaliya.
Su'aal:- Kaalin
intee la'eg ayay ku leeyihiin dadka dibedda ku nool
dagaallada iyo mushaakilka Soomaaliya?
Jawaab:- Dhinac
la tilmaami karo ma jiro oo aan qeyb ka noqon shidada ka
soconeysa Soomaaliya, qeybaha ka nabad galay dhibaatada
Soomaaliya gaar ahaan kuwa dibedda ku nool waxay kaalin
muuqata kaga jiraan burburka iyo dagaalada ka dhaca
Soomaaliya, waana maskaxda maalgalisa siina hurisa dagaalada
sokeeye.
Su'aal:- Yaa
hadda Guddoomiye u ah Golaha wadatashiga Soomaaliyeed?
Jawaab:-
Guddoomiyaha Golahan waa Dr. Hussein H. Moh'ed Bood
Su'aal:- Yaad is leedahay
waa mudan yahay in uu Soomaaliya ka noqdo madaxweyne shirka
dib u heshiisiinta ee ka socda Nairobi musharaxiinta isu
soo taagtay?
Jawaab:- Qofka madaxdweyne
ka noqonaya Soomaaliya waxay ila tahay in go'aankeeda ay
leeyihiin dadka Soomaaliyeed, Anigase iima muuqaneyso in
qofka noqonayaa madaxweyne lagu soo xulo heybta uu ka
soo jeedo, balse waxaan qabaa in qofka lagu qadariyo
waxqabadkiisa iyo waxa uu doonayo doonayo in uu
gaarsiiyo dadkiisa Soomaaliyeed si loo gaaro badbaado
qaran.
Su'aal:- Shirka mudada
dheer ka socda magaalada Nairobi rajo intee la eg ayaad
ka qabtaan?
Jawaab:- Rajada aan ka
qabno waa in uu noqdo mid guuleysta, horseedna u noqda
heshiis dhab ah oo dhex mara kooxaha nabadgalyada u
diiday dadka iyo dalka Soomaaliya.
Su'aal:- Ugu dambeyntii
maxaad ugu baaqeysaa dadka Soomaaliyeed iyo kooxaha ku
dagaalamaya magaalada Muqdisho?
Jawaab:- Marka waxaan
shacbiga Soomaaliyeed xusuusineynaa qiimaha ay leedahay
nabadda iyo in khilaaf kasta oo soo kala dhexgala lagu
xalliyo wada hadal iyadoo xisaabta lagu darayo in aan
mar dambe si sahal ah lagu daadin dhiiga dadka walaalaha
ah intaas ka dib, waxaan dhamaan kooxaha uu ka dhaxeeyo
dagaalka ka codsaneynaa in ay u joojiyaan si shuruud la'aan
ah, waxaan xusuusineynaa in burbur iyo barac hor leh ma
ahee aan wax kale lagu gaareyn dagaalkan.
NABAD, MIDNIMO, HORUMAR IYO CADDAALAD
waxaa wareystay
Wariye Nuuradiin Macallin Muqtaar (Diinoow)