SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May10, 2004

WARARAKA BOOSAASO:

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

  • Cuna qabateenta Xoolaha Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Dalka Sacuudiga oo laga Qaaday.
  • Wareegto ka soo baxdey Xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha DGPL oo uu ka Biyo diiday Gudoomiyaha G-Bari.
  • Wakiilka Warshada Laasqoray oo beeninaya Qoraalo ay Qoreen Qaar ka mida Bogaga Internetka Afka Soomaaliga ku qoran.

  • Xarun Cafimaad Tabarucaada oo laga Furay Xaafadaha ay Dagenyihiin Dad kasoo barakacay Koonfurta Soomaalaiaya iyo Dalalka deriskaa.

  • Maalinta Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas oo lagu qabtay Xarunta Bisha Cas Boosaaso
  • Ardey ka Gudbaysay fasalka sagaalaad ee Dugsiga Dhexe una Gudbaysay Fasalka Kowaad Dugsiga sare oo Xaflad ku qabtay Iskuulkoda.
  • Dood looga Hadlaayey Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha Puntland oo lagu soo gabagabeeyay Xarunta Wasaarada Kaluumaysiga, Qayraadka Bada iyo Dekadaha DGPL.
  • Xaflad aad ay u soo Abaabuleen Ururka Horumarinta Waxbarashada Puntland oo ka dhacday Boosaaso.

Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada DGPL

Garyaqaan Yusus Jabriil Caris Xaaji Dhagax oo Fadhiya Doodii Xeer Hoosaadka Badaha Puntland

Aqoon yahanadii oo fadhiya Doodii Xeer hoosaadka Badaha Puntland

Aqoonyahanadii oo Fadhiya Doodii Xeer Hoosaadka Badaha Puntland

Ardaydii ka Gudbeysay Fasalaka Sagaalaad ee Dugsiga Dhexe Imaamu nawawi

Ardeydii Gabdhaha ee ka Gudbayay Fasalka Sagaalaad ee Dugsiga Dhexe Imaamu nawawi

Calaamadii Dabaal dega Malinta Bisha cas iyo Laanqeerta Cas

Daawada loogu tala Galay in la siiyo dadka soo barakacay

Dadweynihii iyo Xubno ka mida Bisha Cas oo fadhiya

Dhaqtarkii oo Daweynaya Gabar ka mida Dadka soobara kacay

Dhaqtarkii oo Wiisiteenaya Cunug yar

 

Cuna qabateenta Xoolaha Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Dalka Sacuudiga oo laga Qaaday.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) ayaa u sheegay somalitalk in ay ka heleen Fax hay,ada Cuntada iyo Beeraha ee loo yaqaan (FAO) Qoraalka Fax-kaa ayaa hay,adu ku sheegtay in uu jiro Warar sheegaya in laga qaaday Cunaqabateentii saarneed Xoolaha loo Iibgeeyo Dalkaa Boqortooyda Sacuudigaa. Oo ka dhoofa Soomaliay, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay ku dadaaleen in ay u xaqiijiyaan Walaalaha Madaxda iyo Shacabka Sacuudiga in uu Cudurkaa jirin Rift Villey Fever (RVF) aana keenay Dhaqaatiir kala duwan oo ah Dhaqaatiir Xoolaha oo ka socda Hay,adaha Caalamigaa oo ay ka mid tahay Hay,ada (FAO) oo ku dadaaleysay in ay u xaqiijiyaan Dawlada Sacuudiga in uu Cudurkaa Jirin Dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya tahay mid u suuq geeysa Xoolaha iyo Miraha Beeraha ka soo go,a Dalka gudihiisa Dalka Dibadiisa kana hesha lacagta adag lacagtaana ay ku soo iibsadaan Cuno, Dhar iyo wixii kale ay u baahanyihiin lakiin markii la xanibay Xoolaha loo suuq geeyo Dalka Sacuudiga oo ah Wadanka kaliya ee qaata xoolaha ugu badan ee Dalka Soomaaliya laga Dareemay Guud ahaan Soomaliya mudadii ay Saarneed Cuna Qabateenta.

 

Wasiirka oo ka jawaabaya in ay hayaan in ay jirto in ay Ganacsatadu Bilaabi karaan u iib geeynta xoolaha Suuqyada Sacuudiga ayaa ku jawaabay in ay jiri doonto Sharciyo ay keeni doonaa Dowlada Boqortooyada Sacuudiga iyo Hay,adaha Caalamigaa ee ku howlan arinta Furitaanka Xoolaha Soomaaliayeed Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Wadamo badan Dariskaa ay isku dayeen in Dakadahooda laga dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya lakiin ay suuru gal ahaan wayday.

 

Wadamo badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa laga joojiyay in ay u iib geeyeen xoolaha Suuqyada Dalka Sacuudiga markii ay Dawlada Sacuudigu ku tilmaantay Xoolahaa in ay Qabaan Cudurka Rift Villey Fever (RVF) Cudurkaana uu ku dilay 125 Qof sadexsano kahor Magaalooyin ka mida Dalka Sacuudiga.

 

Qoraalkaa ayaa hay,ada (FAO) ka soo Xigatay Boga Wararka ee Internet-ka arabnews.com waxaana la soo daabacay Bisha April 26 2004, Wararkaa ayaa sheegaya in Dawlada Sacuudiga ay ka Qaaday cuna Qabateentii Xoolihii ay ku sheegtay in ay Qabaan Cudurkaa (RVF) kadib markii ay ka heshay Hay,adaha Caalamiga in uu Cudurkaa had jirin.

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Beraha iyo Xoolaha ee Boqortooyada Sacuudiga Dr Fahd Balghaneim ayadoo ay ku ayideen Wasiirka Arimaha Gudaha Prince Naif, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Arimaha Reermiyiga, Wasiirka Caafimaadka.

 

 

Xaflad aad ay u soo Abaabuleen Ururka Horumarinta Waxbarashada Puntland oo ka dhacday Boosaaso.

 

Waxaa Xaflad looga hadlaayey ka hortaga Anshax xumada lagu qabtay Xafiiska NGO Hodman ee magaalada Boosaasoo Xafladaa ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Horumarinta Waxbarashada Puntland Xafladaa waxaa ka soo qayb galay oo Marti sharaf isugu Jirta Maamulka DGPL iyo Hay,adaha Wadanigaa iyo kuwa Caalamigaa Xafladaa ayaa ugu Horeentii waxaa ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Saciid Cali Faarax oo ka warbixiyay Waxqabadka Ururka iyo sida ay uga Qayb qaataan la dagaalanka Anshax xumada waxaa isagana ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka G-Bari Yuusuf Muumin Bide oo ka hadlay wajibka ka saran maamul ahaan la dagaalanka Anshax Xumada iyo ku gacan siinta cidii la dagaalamaysa horana ay uga Qayb qaateen Gobol ahaan waxaa kaloo ka hadlay Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo ka hadlay Dhanka Culimada Diinta Islaamka sida ay ugu haboontahay in Ruux walbaa ay haboontahay in uu Diinta Islaamka Fahmo kuwa aan fahmina ay u ducaynayaan Illaahay in uu soo Fahansiiyo Waxaa iyagana ka hadlay Ururada Dhalinyarada ka jira Boosaasoo oo ay Qaarkood ku Bahoobeen Dalada Wadajir Dhanka haweenka ayaa Waxaa u hadlay Mahado oo ah Gudoomiyaha NGO-ga Hodman oo Tilmaantay in ay hayaan Waxna Baraan Dumar aad u Badan ayna ku wacyi Galiyaan sidii ay iyaga Naftooda uga dheeraan lahaayeen Anshax Xumida Dhalinyarada kalena ay uga Digi lahaayeen.

 

Dood looga Hadlaayey Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha Puntland oo lagu soo gabagabeeyay Xarunta Wasaarada Kaluumaysiga, Qayraadka Bada iyo Dekadaha DGPL.

 

Waxaa lagu soo Gabagabeeyay Xarunta Wasaarada Kaluumaysiga Qayraadka Bada iyo Dekadaha DGPL Dood looga hadlaayay Xeer Hoosaad loo samaynayo Badaha Puntland kasoo ay soo Qoreen Quburo ka tirsan Wasaarada iyo kuwo Ajnabiya Doodaa oo socotay Mudo labo casho ah ayaa waxaa ka soo Qayb galay Aqoonyahano u dhashey Gobolda Puntland oo Sharci yaqaana, waxaa ka mid ahaa oo aad looga Dooday sidii ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda Kaluumaysatada Yaryar ee dhibku ka haysto Maraakiibta Jariifkaa Xeerkaa ayaa waxaa doodihiisa ku jiray sidii laga yeeli lahaa Maraakiibta jariifkaa iyo in la soo Qabto sidii loo heli lahaa waxaa halka lagu soo Qaaday in loo iibiyo Doomaha Dheereeya Ciidamada Bada oo hada Shaqadooda ay Qabato Shirkad Madax banana oo ay heshiis la gashay Maamulka Puntland waxna aan u soo kordhin Ilaalinta Badaha Puntland Sharci yaqaanada halakaa ka soo Qayb galay ayaa ku taliyay in la Howl galiyo Ciidamada Bada Puntland oo Shaqadoodii ay ka Dayacantahay Xiritaankii Doodaa ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Qayraadka Bada DGPL Axmed Saciid Nuur oo tilmaamay in ay tan tahay Fursad Qaaliya oo u soo hoyatay Wasaarada ayna Xeerkaan hor geeyn doonaan Golaha Wakiilada si ay ugu ansixiyaan agaasimaha ayaa u mahad celiyay ka soo Qayb galayaashii Doodaas.

 

Ardey ka Gudbaysay fasalka sagaalaad ee Dugsiga Dhexe una Gudbaysay Fasalka Kowaad Dugsiga sare oo Xaflad ku qabtay Iskuulkoda.

 

Waxaa xaflad aad u balaaran oo ay soo bandhigay arday ka gudbaysay Fasalka Sagaalaad ee Dugsiga dhexe una Gudbaysa Fasalka koowaad ee Dugsiga Sare Ardaydaa oo Dhigata Dugsiga Hoose Dhexe Sare Imaamu Nawawi ee magaalada Boosaasoo Ardaydaa ayaa halakaa ku soo Bandhigay Hadalo iyo Ruwaayad ay kaga hadlayeen Waxbarashada iyo Qiimaha ay leedahay ayaga halkaa waxaa Cabasho ka soo jeediyay Gabdhaha Ardayda ah oo Waalidiinta ku eedeeyay in ay Gabdhaha Waxbarashda u diidaan oo ay kaga Shaqeeystaan Guriga oo aan Badnayn Gabdhaha Waxbarashada Dhamaysta Ardaydaa ayaa ugu baaqay in ay helaan Aqooonyahankooda Dibada ku maqan si ay uga Faa,iidaystaan madaamada ay ku yartahay Macalimiinta Aqoonta u leh in ay wax ka dhigaan Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha intooda badana ay dibada u shaqo tageen waxa ay ku baaqeen in ay dib ugu soo Noqdaan Dalkaaga iyo Dadkaaga ayaa kuu baahan ayay yiraahdeen ardaydaa Xafladaa ayaa ardaydu waxa ay Gudoonsiiyeen Macalimiintoodii Dugsiga Hoose Abaalmarin Ardaydaa ayaa Xafladaa kadib Qaaday Heestii Calanka Soomaaliyeed.

 

Maalinta Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas oo lagu qabtay Xarunta Bisha Cas Boosaaso.

 

Waxaa Taariikhdu Markay ahayd May 8 2004 looga dabaal dagay Magaalada Boosaasoo maalinta Bisha cas iyo Laanqeeyrta Cas ee Aduunka Dabaal dagaas ayaa Halku dhig looga Dhigay Ka digtoonoow Cudurka Dilaaga Qarniga ee loo Yaqaan Aids Xaflada Dabaal dagaa ayaa agu qabtay Xarunta Bisha cas ee Boosaasoo ugu horeentii ayaa halakaa waxaa lagu soo Bandhigay Ruwaayad ay matalayeen Dhalinyaro ka mida Ururka Bisha Cas Boosaasoo iyo Kooxda Fanka Walaalaha Boosaasoo Ruwaayadaa ayaa ka hadleysay Cudurka Aids iyo sida looga Digtoonaado Jilaaga Ruwaayadaa ayaa ka dig toonaanta Cudurkaa ku sheegay ku ekaanshaha Xaaskaaga iyo Ku dhaqanka Diinta, Ruwaayadaa kadib ayaa halakaa waxaa ka hadlay Isku duwaha Wasaarada Dowladaha Hoose DGPL Gantelman oo aad uga hadlay Dhalinyarada iyo Dhibka ka haysta sidii ay isaga jiri lahaayeen Cudurkaa Aids waxaa isagana ka hadlay Wakiil ka socda Wasaarada Caafimaadka DGPL oo isaguna ka hadlay Cudurkaa in uu san Daawo laheeyn lakiin Ruux walbaa ay haboontahay in uu iska baaro si uu u ogaado in uu Cudurkaa uu Qabo ayna haboontahay haduu Guursanaayo ay is baaraan isaga iyo Lamaanihiisa si ay u Ogaadaan Caafimaadkooda Sababtoo ah buu yiri waxa uu Cudurkaa maryaa meel aad u Xun Faafidiisa Waxaa isaga ka hadlay Wakiilka WHO ee Puntland Sheekh Cali oo isagana Tilmaamay Cudurkaa iyo Halista uu ku hayo Aduunka Waxaa Ugu dambeentii ka hadlay kalkaa Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas Boosaasoo Bishaaro oo ka hadashay Taariikhda Bisha Cas iy iyo sida ay uga qayb qaataan Daryeelida Dadka Qaba Cudurka Aids Waxaa ka loo ay ka hadashay tabobarada ay siiyaan Dhalinyarada ku howlan iyo Cidkasta oo ku howlan Daryeelka Dadka Qaba Cudurka Aids

 

Xarun Cafimaad Tabarucaada oo laga Furay Xaafadaha ay Dagenyihiin Dad kasoo barakacay Koonfurta Soomaalaiaya iyo Dalalka deriskaa.

 

Ururka Dalada Wadyo oo ah Urur Dhalinyaro ayaa ka Furay Goob Caafimaad oo ay ku Daaweynayaan Dadka ka soo Barakacay Dagaanada Koonfurta Soomaaliya iyo Wadamada dariskaa Dagaaladii sokeeye owgood Dadkaa oo Degaan ka Dhigtay Dhul iska banana ee Magaalooyinka Puntland ayna ka dhistaan Guryo ka samaysan Jawaano iyo Baakado. Goobtaa Caafimaadka ay fureen Urukaa ayaa waxa ay ku daawaynayaan Lacag la.aan Dadkaa dhibaataysan Mar aan wax ka waydiiyay Daawada meesha ay ka Helaan ayay ii sheegeen in ay ka soo Aruuriyaan Farmashiyeyaasha ku yaal Magaalada Boosaasoo oo ay in badan ku hayeen Wacyi galin si ay uga helaan ku gacan siin xaga Daawadaa dhaqtarka ka daweynayay Goobtaa Caafimaad oo lagu magacaabo Buruko iyo Cali Ismaaciil ayaa ii sheegay in ay ay Goobtaan Caafimaad tahay Xaruntii ugu horaysay ee laga furo Xaafadaha ay dagan yihiin Dadyawga soo barakacay taasna ay ku dhalisay markii ay arkeen Baahida ka jirta Xaafadahaa in ay helaan Goob caafimaad iyagoon awoodin Dadkaa in ay tagaan Goobha Caafimaad oo ay Furteen Dhaqaatiirta iyo Isbitaalka Boosaaso oo laga Doonayo Qarash aysan awoodin.

Dadkaa soo barakacay ayaa isugu dhex jira kuwo doonaya in ay helaan Nolol ay ku sugaan inta ay soomaaliya Nabad noqonaysa iyo kuwo ka shakheesta Dhismayaasha iyo Shaqooyinka Hoose ee laga Qabto Guryaha kuwa kalana waa ka Tahriibaan. Dadweynahaa oo aan wax ka weydiiyay ayaa ii sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin iyagoo ii sheegay in ay Qaarkood u Geeriyoodaan Cuduro aad u Sahlan Dawo la,aan awgeed 

 

Wakiilka Warshada Laasqoray oo beeninaya Qoraalo ay Qoreen Qaar ka mida Bogaga Internetka Afka Soomaaliga ku qoran.

 

Waxaaa uu Beeniyay Wakiilka Warshada Laasqoray Cabdixakiin Xaaji Maxamed Warar Lagu Faafiyay Boga Internetka oo sheegaya in Warshada Laasqoray La Bililiqeystay Albaabahana loo xiray.

 

Wakiilka Warshada Cabdixakiin oo la soo Xiriiray wakiilka somalitalk Boosaasoo ayaa sheegay in ay warshadu Wado howlaheedii Caadigaa wax dhibana aysan jirin oo sida ay sheegeen Bogagaa internet-ka ku Qora afka Soomaaliga  aysan waxba ka jirin arinta aan aadna ula yabney hadii aan heli lahayn meelo looga dacwoodo waan ka dacwoon laheeyn wax ku kalifayna ma naqaan ayuu yiri Cabdxakiin.

 

Mar aan wax ka waydiinay in ay jiraan Wax bililiqo ah oo ka dhacday Warshadii hore ee Laasqoray Biraheedii loona qaadayo Magaalada Muqdisho oo ay waraka Sheegayaan ayuu ku jawaabey Furfurida iyo Gurista Warshadaa waxa uu biloowday markii ay Dhacday Dowladii Soomaaliya intaa ilaa hada waa la gurtaa lakiin malin dhweyd ayaa la keenay Booliska Degmada oo la xanibay Bililiqadii ka socotay ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa.

 

Waxaa jirta Xaalufin ay dadku ku hayaan Degaanka oo ay ka raadinayaan Lacag tasoo oo ay ku hayaan Furfurashada Biraha Warshadihii hore ee Dawladu gacanta ku haysay iyo Dhirta la goynayo waxaad arkaysaa meelo Geeduhu ay aad uga bixi jireen oo hada aan hada ku ool hal Geed taasna ay keentay Dowlad la,aanta.

 

Wareegto ka soo baxdey Xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha DGPL oo uu ka Biyo diiday Gudoomiyaha G-Bari.

 

Waxaa manta oo Taariikhdu tahay May 09 2004 kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha DGPL wareegto Xilka uu kaga Qaadayo Gudomiyaha G-Bari  Ibrahin Cartan Ismaacil (Xaji Bakin) wareegtadaa ayaa amraysay in uu Gudoomiyaha Xilka ku wareejiyo Gudoomiye kuxigeenka Kowaad Yuusuf Muumin Bide Xaaji bakiin oo ka biyo diiday Wareegtadaa ayaa sheegay in uusan Xilka ka Qaadi Karin Wasiirka oo xilka uu u dhiibay isaga iyo Wasiirkaba Cabdulahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha DGPL isagana uu ka Qaadi karo mar wax laga waydiiya Xajibakiin in uu Wasiirka warqadiisa ay ku qorneen in uu Ogaysiin siiyay Madaxweyne kuxigeenka haduu madaxweyne kuxigeenkana uu kuamro in uu xiilka tiriyo ayuu ku jawaabay in uu Cabdulaahi Yuusuf kaliya uu ka Qaadi karo Xilka Cidkalena uusan u aqoonsanany. Xaajibakiin oo ka hadlayay Arimaha keenay in uu Wasiirku Wareegtadaa soo saaro ayuu ku tilmaamay in ay Jiraan qilaaf baryahaanba socday oo ka dhexeeya isaga iyo Wasiirka kasoo ku saabsan Dhaqaale lakiin wasiirka uu lunsaday lacagihii loogu talagalay Abaaraha taasna aan u gudbinay Golaha Xukuumada ayuu yiri Xaajibakin.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaarada warfaafinta Cabdishakuur Mire Aaden oo ah Nin ay isku cid yihiin Xaajibakiin ayaa ku tilmaamay Wareegtada Wasiirka in ay tahay mid Fidno abuura oo uu doonayo in uu ku huriyo Gobolada Bari sidii uu ugu abuuray Gobolada Sool dhibka ka jira Hada oo Gen Cade uu ka wado Nabadeenta ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Mar wax laga awydiiya Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ku Gaabsaday inuu awood u leeyahay in uu ka Qaado xilka uuna ka jawaabayo markii loo baahdo Arimaha keeney mar wax laga Waydiiyay in ay jiraan eedaymaha ka soo yeeray Xaaji Bakiin ayuu wasiirku ku jawaabay in ay cid walba wixii qalad ay gashay la hor keeni doono Sharciga.

 

Khilaafyadaan ayaa ahayn kuwo ku cusub Gobolada Puntland ayadoo ay jiraan Khilaafyo lagu tilmaami karo in ay ka dhasheen kuwa hada u dhaxeeya Wasiirka iyo Gudoomiyaha oo ah Khilaaf ka dhexeeyay Maamulaka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaasoo.

 

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2004

Ciidanka CID Boosaaso oo Qabtay Qalab lagu Sameeyo Khamriga: Waxaana lagu qabtay nin u dhashay dalka Eritrea... Guji... 15/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]