SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Gogol Fariisigii ugu Horreeyey ee Dhex Maray Beelahii la Hayb Sooci Jirey iyo Leelkase.
  • C/Raxman Shiikh "Abu Turaabi" oo Ka Run Sheegay Ballan Qaadkiisii, iyo Gabdhihii oo Laga Guddoomey

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Jan 3, 2003


Abu Turaabi

Kulan aad u qiimo badnaa oo caawa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee katirsan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa C/Raxmaan "Abu Turaabi" uu si rasmi ah ugu bixiyey labadii gabdhood ee uu Bishii December 29keedii, 2003 ku ballan qaaday kulan diineedkii saddexaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika. Kulankaas hore waxa uu ka yiri "Magacayga waxaa la yiraahdaa CabdiRaxman Shiikh, waxaan ahay Qabiilka Leelkase, waxaana go'aansaday oo aan ballan qaadayaa in aan saddexdayda gabdhood laba kamid ah siiyo cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka, iyo in saddexdayda wiil labo kamid ahna aan u guurinayo gabdho ciddaas ka dhashay, Ballan ayaana ku qaadayaa in haddii Allah carruur kale i siiyo in aan wax ka siinayo ciddaas la yaso".

Taas waa ka run sheegay 'Abu Turaabi' kaddib markii uu kulankii caawa ka caddeeyey in uu labadii gabdhood ee uu horay u ballan qaaday uu bixiyey. Asagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Waxaan arintaas u sameeyey Allah hortiis iyo in Allah iigu gargaaro qabriga, iguna xil furto maalinta aysan jirin wehel kale". Waxana uu 'Abu Turaabi' kulankii xusuusiyey sida uu ugu niyad san yahay go'aankiisa, uuna ugu faraxsan yahay caadadaas xun oo suuleysa, caadadaas oo aan boos ku lahayn diinta Islaamka ayna tahay waajiba in la jebiyo.

"Si aan caadadaas u suulino waxaan ka bilaabay gabdhahayga, waana iga go'an tahay arintaasi" ayuu hadalkiisii ku daray.








 

Si geesinimo leh ayuu "Abu Turaabi" gabdhihii u guddoonsiiyey raggii goob joogga ka ahaa beesha uu siiyey, ayagiina si niyad ah ayey uga guddoomeen, sidaas ayaan goobtii loogu kala kala qaatay sooryadii.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen qabaa'il kala duwan oo Soomaaliyeed waxaa goob joog ka ahaa Xaaji Muuse Cabdi Mire oo ah Ugaas Soomaaliyeed oo caan ah, oo sharaf iyo maamuus ku leh Soomaalida dhexdeeda.

Xaaji Muuse oo kulanka ka hadlay waxa uu yiri "ma fileyn inta aan noolahay in aan arki doono kulan sidaan oo kale la isugu soo hor fariistay arrin xaq ah oo ah si xushmad leh in la isu siinayo gabdho, gabdhahaas oo la siinayo dadka magacyada loogu yeero ama la takooro". "Waxaan qirayaa in hadda gar nala siiyey" ayuu ku daray.

"Qowmiyadda aan nahay oo dhan ilaa intii aad arintan kaga dhawaaqday shirkii, waa kuu ducayneyney" ayuu yiri Xaaji Muuse oo si toos ah ula hadlayey C/Raxmaan "Abu Turaabi". Waxana uu intaas ku daray 'waxaan aad ugu faraxsanahay sida geesinimada leh ee aad shir lagu abaabuley magaca Islaamka si bareer ah uga sheegtay in aad jebin doontid caado xun'.

Raggii gogosha fidiyey ee goobta joogey waxaa kamid ahaa:

  • Fu'aad Maxamed Diiriye
  • Xuseen Ducaale Daahir
  • Saleebaan Cumar Maxamed
  • Xaashi Keynaan
  • Cali Geeddi
  • Siciid Cabdullaahi (Siciid Tumaal)
  • Barkhad Cali Geeddi

Waa intii qalinkaygu qabtay'e markii ay magacyadooda sheegeen, waxaase kulanka joogey rag kale rag oo aad u farabadan oo ka mid ahaa kuwii gogosha fidiyey.

Waxaa kale oo kulanka kasoo qayb galay Maxamuud Nuur Wardheere oo ah Soomaaligii ugu horeeyey ee mar isu soo taagey doorashada duqa magaalada Minneapolis, asagoo dhowaan kasoo laabtay safar uu ku kala bixiyey dhawr dal oo kamid ah Yurub. Wardheere oo kulanka caawa ka hadlay waxa uu yiri "ugu horayn waxaan ku faraxsanahay in aan kasoo qayb galo kulan noocaan oo kale ah, waxaana u sheegayaa walaalkay 'Abu Turaabi' in uusan go'aankan keli ku ahayn ee uu haysto garab dhinac taagan".

Wardheere oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "'Abu Turaabi' jaahiliyada ayuu dagaal ku qaaday, garabna waa u haystaa halgan kiisa".

Waxaa kale oo kulanka dadkii kasoo qayb galay kamid ahaa Maxamed Axmed Keynaan oo ah ganacsade kamid ah ganacsadata Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan labada magaalo ee mataanaha ah St.Paul/Minneapolis, waxana uu kulankan ku tilmaamay furaha niyad wanaag dhex mara gebi ahaan ummada Soomaaliyeed ee walaalaha ku ah diinta Islaamka ee wanaaga badan.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay Cabiwahab A. Ugaas oo sheegay wanaaga meesha kamuuqda in uu yahay nimco Allah, waxana uu yiri waa la ogyahay in wiilasha qabaa'ilkii la takoori jirey aysan gabdho waayin, laakiin arintu waxay tahay in la dumiyo oo weliba la suuliyo caado xun oo aan diinta meel ku lahayn. Waxana uu intaas kudaray: 'Abu Turaabi' waxa uu soo nooleeyey sunne wanaagsan oo laga tegey, waxana uu ajarkeeda ka heli doonaa qof kasta oo sunnadaas wanaagsan raaca."

Kulanka oo jawigiisu aad u wanaagsanaa, waxaana dadka wajiyadooda ka muuqatey farxad iyo niyad sami, rag kale oo fara badan ayaa ka hadlay oo dhammaan tood qiray wanaaga meesha ka dhacay, cabitaan iyo macmacaan fududna waa lagu nastay.

Halkaas ayaa caawa waxaa ku burburtay caado muddo dheer soo taxnayd taas oo ahayd in qayb kamid ah Soomaalida la takoori jirey ayadoo aan loo eegeyn diin ee loo eegayey sababo aan ilaa hadda Soomaalidu qeexi karin. Waa caado haddii gabar iyo wiil muslimiin ah ay is doonaan aan lasoo hor fariisan jirin qabaa'ilkaas la takoori jirey caawa ka hor, caawana waxay ahayd waa cusub oo u dhashay Soomaalida.

Nin dhallinyaro ah oo aan wax ka weydiiyey isida uu u arko in caadadaasi ay soo af-jarantay waxa uu yiri: "Soomaalida oo run ka sheegta diinta Islaamka, markaas caadadaas xun waa baabi' doontaa".

Duco iyo niyad wanaag, iyo guddoon ayuuna kulankii ku soo gabagaboobey.

Qore: Maxamed Cali  | SomaliTalk.com | Jan 3, 2004 |

BAYAAN: Kasoo Baxay Beelaha La Hayb Sooco
oo ku socda Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, Garaadyada,. Guji

Shirkii Minneapolis iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa sheegay in... Guji  31/12

Kulankii 3aad ee Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon: Warbixintii Ceynte
30/12

Baaq Kasoo Baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka kooban 9 qodob kaas oo... Guji  [Dec 29]

Kulan diineedkii 3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday... Guji [Dec 29]


MA DEGAN TAHAY MINNEAPOLIS IYO ST.PAUL: HAMOOGAAN MAKTABADA RISAALA, CEDAR, GUJI.....


 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah


Xaaji Muuse Cabdi Mire

CabdiWahaab A. Ugaas

Maxamed A. Keynaan

Maxamuud N. Wardheere




BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD