WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
May12, 2004
Doorka Suxufiga Soomaaliyeed Qeybtii 2aad:
Terra iyo Caanageel
Qaybtii 1aad ka
akhri halkan
Kusoo dhowaada qeybtii 2aad ee barnaamijka Doorka Suxufiga
Soomaaliyeed. Waxaa Barnaamijka todobaadkan ka qeyb qaadanaya laba
suxufi oo kala ah:
Maxamed Aadan Xirsi "Terra" oo madax kasoo noqday idaacadaha Muqdisho
iyo Hargeysa, sidoo kale agaasime ka noqday wakaaladii wararka
Soomaaliyeed ee SONNA (Somali National News Agency). Terra wuxuu
saxaafada kusoo biiray sanadkii 1973 wuxuuna doorar kala duwan oo
isugu jira diyaariye, soo saare, tebiye iyo agaasime kasoo noqday
Radio Muqdisho, Radio Hargeysa iyo SONNA. Wuxuu Terra ka qalin jebiyay
kuliyada Saxaafada wuxuuna dagaaladii sokeeye kadib, madax ka noqday
ilaa iminkana ka shaqeeyaa idaacad laga dhageysto dalka Kenya oo
magaceeda la yiraahdo IQRA.
Maxamed Aadan Guuleed "Caanageel" oo mudo 12 sano ah tifaftire ka ahaa
wargeyska Muqdisho kasoo baxa ee Xog-Ogaal. Caanageel wuxuu gudoomiye-
xigeen kasoo noqday urur ay ku mideysnaayeen suxufiyiinta Soomaaliyeed
oo la oran jiray SIJU, ururkaas oo uu gudoomiye ka ahaa Saciid Bakar
Muqtaar. Caanageel wuxuu iminka kunool yahay magaalada London ee dalka
Britain.
Hadaba Barnaamijka oo dhameystiran ayaad isagoo maqal ah ka dhageysan
kartaa halkan:
Fadlan
Guji oo Dhageyso
halkan...
Su'aal: Terra sida aan la socono waxaad madax kasoo noqotay
idaacadihii Muqdisho iyo Hargeysa, waxaad sidoo kale madax kasoo
noqotay wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Hadaba wakaaladu
maxey kaga duwaneyd labada idaacadood?
Terra: Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA waa wakaalad warar,
waxeyna wararka usoo ururineysay hay'adaha kale ee warbaahinta sida
idaacadaha, telefishinka iyo wargeysyadaba. SONNA waxey u dhigantaa
wakaaladaha wararka ee Reuters, Associated Press iyo AFP, waxeyna
aheyd wakaalada ay wararka ka qaataan hay'adaha warbaahineed ee
Soomaaliya.
Su'aal: Caanageel waxaan ka warqabnaa in aad mudo dheer madax kasoo
aheyd wargeyska Xog-Ogaal, hadaba goormaa la aas,aasay wargeyskaas?
Caanageel: Xog-ogaal waxaa la aas,aasay 25 May 1991 ilaa iyo haatana
wuu shaqeeyaa
Su'aal: Guul intee la'eg baad is leedahay wargeysku wuu ku talaabsaday
mudadan dheer uu shaqeynayey?
Caanageel: Runtii xiligu xili dhib badan oo aan guul lagu talaabsan
karin oo ay dagaalo sokeeye socdeen buu ahaa, wuxuu wargeysku kamid
yahay laba ama sadex wargeys oo kasoo hartay 73 wargeys oo Muqdisho
laga aasaasay 1991dii. Wuxuu wargeysku door weyn kasoo qaatay in uu si
dhex dhexaadnimo ah u tebiyo colaadii dalka ka dhacday.
Su'aal: Terra saameyn intee la eg baad is leedahay idaacadihii aad
madaxda kasoo noqotay ee Muqdisho iyo Hargeysa wey ku lahaayeen
mujtamaca Soomaaliyeed?
Terra: Warbaahintii xiligaas waxaa laheyd dowlada, iyada ayaa gacanta
ku haysay, iyada ayey u adeegayeen, itijaaha siyaasadeed ee ay dowladu
u dejiso ayeyna raacayeen. Qalabkii idaacadaha waxaa lahaa dowlada,
warfidiyeenadana waxaa mushaharka siin jirtay dowlada. Marka ma jirin
qof siyaasada dowlada banaanka ka jooga, waxeyna suxufiyiintu
raacayeen shuruudaha iyo qawaaniinta warbaahinta u degsanaa.
Su'aal: Caanageel door intee la'eg bey saxaafada iminka dalka ka jirta
ka qaadatay hurintii colaadii sokeeye ee dalka ka dhacday?
Caanageel: Runtii aniga waxaan dhihi karaa saxaafada door bey ku
laheyd dhibaatadii dalka ka dhacday, maadaama uusan jirin shuruuc iyo
damiir haga saxaafada, waxaad moodaa in saxaafadu noqotay wado colaada
iyo nabadaba loo maro, waayo waxaa maqnaa shuruucdii xakameyn laheyd
suxufiga, sidaa daraadeed saxaafadu door bey ku laheyd colaadii dalka
ka dhacday.
Su'aal: Saxaafadu waa hay'ada labaad ee ugu awooda badan caalamka
marka laga reebo dowladaha. Hadaba awood intee la'eg baad is leedahay
saxaafada Soomaalidu wey ku dhex leedahay mujtamaca Soomaaliyeed?
Terra: Saxaafada Soomaalidu waxey soo martay heerar kala duwan, mid
waa mid primitive ah oo jirtay intii aanu gumeysigu dalka imaan, mid
xiligii gumeysiga ayey abuurantay, midii xornimada kadib dhalatay ayaa
xigtay, tii kacaanka ayaa daba socotay, hadana midii dagaalada sokeeye
ayaa jirta. Hadaba mar kasta ha joogtee saxaafadu door muhiim ah ayey
ku leedahay bulshada waayo iyada ayaa qeyb ka qaadaneysa nolol
maalmeedka mujtamaca Soomaaliyeed, hadii ay iyadu garato doorkeedana
bulshada Soomaaliyeed wey jiheyn kartaa waayo su'aasha ama mowduuca
laga doonayo ayey bulshada dhex dhigeysaa, marka hadii ay su'aal
qaldan dhex dhigto ra'yul caam qaldan ayaa soo baxaya, hadii ay su,aal
sax ah dhex dhigtana ra'yul caam sax ah ayaa soo baxaya.
Su'aal: Caanageel sida uu Terra sheegay saxaafada ayaa hagta mujtamaca
hadaba mudadii aad tifaftiraha kasoo aheyd wargeyska Xog-ogaal ma
jiraan qaladaad aad is leedahay waad gasheen oo aad shacabka ku marin
habaabiseen?
Caanageel: Runtii qof waliba mas,uuliyadiisa ayuu leeyahay,
dhibaatadu waxey aheyd meesha laga shaqeynayey. Dad wada dhashay oo
dirirayey ayaa wararkooda lasoo tebinayey, marka khaladka aan is dhihi
karo waa la galay ayaa ah in wararka khuseeya hal dhinac la tebiyo,
taasoo noqotay mid buun buunin u noqota dad gaar ah sababtana in ay
dadkaasi caan noqdaan, xumaana ma aheyn in hal dhinac laga soo tebiyo
wararka ee dhibaatadu waxey aheyd iyadoo ay adkeyd helitaanka wararka
dhanka kale.
Terra: Xiligii hore saxaafada iyo bulshadoo idil waxey ku jireen
cabur, caburkaasna waxaa ka dhashay qarax, qaraxii dhashay ayaa si
qalad ah loo maareeyay, waayo waxaa la gabay in si wadaniyad loo
maareeyo, taasoo sababtay in itijaah qaldan soo baxo. Xoriyadii
saxaafada ee la helay burburkii dowlada kadib ayaa meel qaldan lala
aaday, sida uu Caanageel sheegayna xoriyadu hadeysan nidaam laheyn
waxey ka dhigan tahay mid aan jirin, anigu ma qabo in ay xoriyad
saxaafadeed Soomaaliya ka jirto waayo sharci iyo dowlad wadankii kama
jiraan, waxaana meesha ka baxay mas'uuliyadii saxaafada, waxaana
qaldamay hadafkii saxaafada. Sidoo kale dhaqaale xumada haysata
suxufiyiinta Soomaalida ayaa sababtay in ay sariigtii lunto oo run iyo
been isku mid noqdaan.
Su'aal: Caanageel sida uu sheegay Terra saxaafadu hadaf bey leedahay,
wadamadan galbeedka saxaafada ka jirtana waxey kala taageeraan
xisbiyada dalalka ka jira. Hadaba wargeyska Xog-ogaal ma leeyahay
hadaf siyaasadeed?
Caanageel: Wargeyska Xog-ogaal ma jiro koox, siyaasi, amaba urur, ha
ahaado mid siyaasadeed, mid beeleed, amaba mid diineed oo uu taageero,
ujeedada loo aasaasayna waxey aheyd in la helo saxaafad dhex dhexaad
ah. Waxaa muhiim ah in ay saxaafadu yeelato anshax iyada haga, isla
markaana ay u adeegto qaranka Soomaaliyeed.
Terra: Xiligii burburka waxaa soo baxay dad jaceyl warbaahinta u
qaba, weriyeyaal badan ayaa soo baxay, dad saxaafada lacagtooda u hura
ayaa soo baxay, waxaasoo idilna waa wanaag soo kordhay, balse sida aan
horay u sheegay waxey arimahani keeneen in xoriyadii saxaafada qaab
qaldan loo adeegsado oo hadafkii saxaafada ee ahaa in dadka la
wargeliyo, in wax la baro iyo in la maaweeliyo ayaa meesha ka baxay.
Saxaafadeena hadey doorkeeda garan laheyd waxey ku guuleysan laheyd in
ay dadka xakameyso oo ay u jiheyso xaga wanaaga kana celiso xumaanta
la galayo, dhibaatada maanta na haysatana maba jirteen, balse
Saxaafadeena goolkii ay heshay burburkii dowlada kadib ee ay is laheyd
dhali ayaa laba geeriyaad ku noqday
Su'aal: Caanageel waxaad adiga iyo Terra sheegteen in saxaafadu
hadafkeedii ka leexatay, hadaba sidee loo sixi karaa khaladkaas?
Caanageel: Dhibaato waxaa ah dadka maanta lala shaqeynayo ee
siyaasiyiinta ah, waxaa suurta gal ah in maanta siyaasi yiraahdo
suxufi hebel waa mujaahid, hadana beri uu yiraahdo suxufigaas waa in
la dilaa, marka sidii wax lagu sixi lahaa wey adag tahay, waxaana
meesha ka maqan arrimo muhiim ah sida; in suxufiga noqdo mid xishooda
xaqiiqadana qora; qodobka labaad waxaa weeye in la helo dad sida wax
loo qoro yaqaan; qodobka sadexaadna waxe weeye in la helo qawaaniintii
hagi laheyd saxaafada.
Su'aal: Terra waxaa jirta in suxufiyiin fara badan oo da'yar ay
dhowaanahan kasoo waramaan dalka Kenya ee uu ka socdo shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida. Hadaba waxaa nagu maqaalo ah in hogaamiye-
kooxeedyada meesha ku shirsan ay adeegsadaan suxufiyiintan da'da yar
iyagoo ka faa'ideysanaya dhaqaale xumada haysatana laaluush siiya
suxufiyiinta, kadibna wixii ay doonaan u higaadiya, kuna amra in ay
wararkaas bahiyaan. Hadaba maxaad arintaas kala socotaa?
Terra: Wey jiraan dhalinyaro fara badan oo halkan wararka kasoo
tebiya, kuwaasoo badankood u shaqeeya website-yada internetka, kuwo
idaacadaha iyo wargeysyada u shaqeeyana wey joogaan. Meeshan waxaa
lagu dagaalamayaa taytalo xasaasi ah nuxurkoodana uusan aheyn mid u
adeegaya wanaaga mujtamaca Soomaaliyeed. Waa run in suxufiyiinta la
adeegsado, waxaana jirta in meesha ay siyaasiyiinta ku dagaalamaan ay
noqotay saxaafada.
Su'aal: Caanageel waxaa jirta in Haaruun Macruuf qeybtii 1aad ee
barnaamijkan noogu sheegay in qormo kusoo baxday wargeys Muqdisho
kasoo baxa ay sababtay in ay laba beelood isku dhacaan, hadaba mudadii
aad tifaftiraha ka aheyd wargeyska Xog-ogaal maku soo martay dhacdo
nocan oo kale ah?
Caanageel: Runtii in waxa saxaafada kusoo baxa lagu diriro laguna
heshiiyo waa wax caam ah, gaar ahaan saxaafada Muqdisho oo aan aqoon u
leeyahay, waxaa dhacda in aysan shacabka kala saari karin amaba si
dhab ah u tarjumi karin wararka ay siyaasiyiinta is dhaafsadaan. Marka
saxaafadu colaad iyo heshiisba wey sababtaa, waxaanse is leeyahay inta
ay heshiiska ka shaqeysay ayaa ka badan inta ay colaada ka shaqeysay.
Su'aal: Terra waxaad saxaafada kusoo biirtay 1973 waxaadna kusoo dhex
jirtay 31 sano, hadaba waxaad moodaa in ragii kula midka ahaa iyo
kuwii kaa horeeyayba ay saxaafada kasii guranayaan, hadaba maxaa
arintaa sababay?
Terra: Anigu weli waan ku jiraa saxaafada, idaacad Kenya kasoo baxda
ayaan ka shaqeeyaa, waana runtaa oo suxufiyiintii aan isku waqtiga
aheyn iyo kuwii iga horeeyay waxaad moodaa in ay ka baxeen saxaafada,
waana waxyaabaha keenay dhalashada dhalinyarada da'da yar ee maanta
saxaafada la wareegay. Waa muhiim in jiilba jiil saxaafada u gudbiyo
oo lala kala wareego balse jiilalka saxaafada lakala wareegaya waa in
ay isa soo gaaraan oo kuwa yaryar ay khibrad ka qaataan jiilka
waaweyn. Warfidiyeenka Soomaaliyeed waa in ay u ololeeyaan xuquuqda
bini aadamka, waana in ay taageeraan loolanka wanaaga, waayo xumaan
iyo wanaag ayaa ku dagaalamaya Soomaaliya. Warfidiyeenku waa in ay
bulshada nabada u jiheeyaan. Waa in ay wargelinta iyo waxbarida
bulshada ku saleeyaan xaqiiqda, isla markaana ay wanaaga u horseedaan,
xoriyada saxaafadana ay si wanaagsan u adeegsadaan. Hadii aysan
saxaafadu kobcin oo ay lamid ahaato shacabkeena reer guuraaga ah waxaa
dhacaya in aanu doorka suxufigu is bedelin. Hadaba waa in
Warfidiyeenka Soomaaliyeed ku dadaalaan aqoonta si ay markaas door
weyn uga qaataan hagida iyo wacyi gelinta mujtamaceena Soomaaliyeed.
Su'aal: Caanageel intii aad ka shaqeyneysay wargeyska Xog-ogaal ma
jireen dhibaatooyin idinka soo gaaray hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida?
Caanageel: Waxaa jirta in sadex jeer shaqsiyadeyda la weeraray
waxaase iigu dhib badneyd August 1993 mar ay ciidamo hubeysan iigu soo
dhaceen gurigeyga, nin dadkii isoo weeraray kamid ah oo la qabtayna
sheegay inuu lacag fara badan kusoo qaatay inuu aniga i dilo.
Dhibaatada jirta Soomaalida ayaan la wadaagnaa ninkii waxbaan qorayaa
yirina waa kasii daran yahay.
Su'aal: Ma jiraa urur ay ku mideysan yihiin wargeysyada Muqdisho kasoo
baxa?
Caanageel: Waxaa la ii sheegay hada intii aan soo maqnaa in urur ay
ku mideysan yihiin wargeysyada Muqdisho la dhisay waxaase jiray urur
ay ku mideysnaayeen dhamaan hay'adaha saxaafadeed ee Muqdisho ka jira
oo SIJU la oran jiray Siciid Bakar uu ka ahaa gudoomiye anigana aan
gudoomiye-ku-xigeen ka ahaa, ururkaasina waa burburay. Runtii ururadii
dhisnaa ama kuwa hada la dhisaayo ma ahan kuwo u diyaarsan in ay
mustaqbalka u ololeeyaan helitaanka iyo dhaqan gelinta shuruuc
saxaafadeed oo madax banaan sababtoo ah iyagana waa iska soo
horjeedaan dad badan oo tayo lehna meesha ma joogaan?
Su'aal: Ma jirtaa talo, tusaale ama baaq aad u gudbineyso suxufiyiinta
Soomaaliyeed?
Caanageel: Waxaan ku baaqayaa in aragti Qaran la yeesho, lagana
xoroobo qabyaalada iyo damiir la,aanta. Waxaa kaloo muhiim ah in in
website-yadan sumadaha qabiil iyo magacyada tuulooyinka lawada baxay
ee qora hal war oo isku mid ah, isla markaana ku xadgudba xuquuqda
qoraalka ay iska ilaaliyaan xadgudubyada ay ku kacayaan, isla markaana
ay ka digtoonaadaan inuu kusoo faafo cudurka dalka ka jira. Waana in
ay noqdaan suxufiyiin qawaaniinta saxaafada raaca, maadaama ay joogaan
wadamo ay dowladi ka jirto.
Qaybtii 1aad ka akhri
halkan
Dhamaad.
Waxaa barnaamijkan soo saaray
Mohamud Yusuf Garre
editor@burtinle.com Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|