SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAXBARASHADA

Macluumaad  dheer oo muhiim u ah waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee maraykanka  wax ku barta.

Survival kit for Somali parents and Students in Minnesota/USA.

 

Qoraalkan oo dhamaystiran ka daabaco | Halkan (HTML) ama Halkan (PDF)

  • W.D: Maxamuud Nuur Wardheere

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

 

Qoraalkan waxaa loogu talo inay xog ka helaan waalidiinta ama ardada  aadka ugu baahan fahamka  nidaamka iyo dhaqanka dugsiyada maraykanka ama dadka aan iman maraykanka laakiin jecel inay ogaadaan nidaamka waxbarasho ee maraykanka ama baaritaan ha ku sameeyaan ama ha isbarbardhigaan halka ay joogaan iyo waxbarashada maraykanka ama aqoon kororsi ha u aqristaan.  Haddii aad hore u ogayd macluumaadkaan waxaa laga yaabaa inaadan u baahnayn ilayn aqrinta markasta waa qof iyo ikhyaarkii.

 

Haddii aanay waalidka Soomaaliyeed iyo ardaydoodaba fahmin habdhaqanka dugsiyada maraykanka iyo nidaamkoodaba waxaa adkaan karta in ardadooda ku najaxaan waxbarashada maraykanka ama aan dhahno galbeedkaba. Dadka qaar baa qaba in waalidka ku cusub maraykanka oo aan naftigood soo marin iskuulada maraykanka loo sahlo inay helaan fursad waqti tabaruc ah oo ay kaga shaqeeyaan dugsiyada maraykanka waayo fahamka habdhaqanka dugsiyada maraykanka wax sahlan maaha

 

Haddaba si loo fahmo dhibta ka hor iman karta ardada Soomaaliya ka timid bal marka hore aan eegno ardada maraykanka iyo waalidiintoodaba habdhaqankooda iyo siday wax yiraahdaan.

 

Marka hore waxbarashada dalka maraykanka inkastoo ay aad isugu manhaj dhow yihiin haddana ma ahan wax meel keliya laga maamulo oo manhajka looga soo diro ee gobolada iyo gudoomadooda waxbarasho ayaa maamula.  Dawladda dhexe ee maraykanka inkastoo ay lacag aad u badan ku qarash garayso waxbarashada haddana door kooban ayay ku leedahay maamulka.  Maraykanka sharciyada gobolada isku mid maahan.  Gudoonada waxbarashad waxaa maamula xubno la soo doortay iyo shaqaale la qoray. Qoraalkan loogama jeedo in wax lagu ammaano ama lagu dhaliilo waxaan isku deynay inaan  sheegno sida wax yihiin. Go’aanka waxaa uu la yaalaa waalidka ama ardayga, ujeedada qoraalka ma dhaafsiisna xog waran.

 

Waalidiinta urursan iyo ururka u dooda difaaca macalimiinta ayaa awood ku leh talooyinka waxbarashada qaar. Dawladda weyn ee dhexe maadaama ay dhaqaale badan bixiso hadba maamulkii wadanka ka jira ayaa isku daya inuu qorshihiisa ku qasbo gudoonada waxbarasha iyo goboladaba sida madaxweyne Bush u rabo inuu hirgeliyo siyaasaddiisa waxbarashada dalka oo uu ku magacaabay  yaanan ardayna laga tegin (no child left behind) taasoo macnaheeda oo kooban tahay iskuulkii ardadiisa si fiican wax u bari waayo in lacagta dawladda dhexe laga goosan doono iyo in imtixaanaad badan ardada laga qaadaa si lagu ogaado horumarka iskuulka.

 

 Dadka nidaamka madaxweynaha  dhaliilaya ayaa ku dooda dugsiyada  ardada wax ma baraan ee waxay baraan sida ardada ay imtixaamka ugu gudbi lahaayeen si aysan  lacagta u waayin.  Doodaha ka dhex socda waalidiinta waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah kuwa aaminsan in diinta iyo ducada ku badan tahay dugsiyada, qaarna in meesha diini ka maqan tahay oo laga bixiyo casharo aan diinta waafaqsanayn sida in dadku ka soo jeedo daanyeer (evolution) qaar kalena aaminsan yihiin in dugsiyada dadweynaha guud laga amaan iyo waxbarsho fiican yahay ilaa qaar gaareen go’aan ah in ay caruurtooda guriga wax ku baraan ama gaysteen caruutooda dugsiyo gaar ah..  Qofkii aqoontii iyo sharuudaha looga baahan yahay oofin kara waa uu furan karaa digsi gaar ah weliba lacag ayaa lagu siinayaa laakiin waa inuu ka soo bixi karaa shuruudaha la iska rabo.

 

Iskuulda dalka maraylkanka oo u kala baxa dugsiyda hoose, hoose dhexe, iyo dugsiyada sare.  Tirada ardada iyo waynaanta dugsiga hadba waxay ku xiran tahay bulshada ku nool meeshaas iyo degaanada wadaaga dusigaas tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in dugsi sare ardadiisu ka koobmaan 100 arday ku kalena 4500 oo arday dabcan shaqaalahana sidaas ayey u kala badsadaan. [Akhri Qaybta 2aad]

 

Qaybta 2aad oo ku saabsan Dugsiyada hoose/dhexe/Sare iyo Ammaanka, Hab dhaqanka ardada, Caafimaadka iyo Ciyaaraha Ka Akhri halkan... Guji

 


Qaybta 1aad | 2aad | 3aad


 

wardheereMaxamuud Nuur Wardheere

Former Teacher,Teacher aid, and School/Family Liaison in Minnesota.

He is also an Organizer of the Somali Education Night in Minnesota

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2005

Qoraaladii Hore ee Wardheere... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD