SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Oday dhaqameed xalay lagu xiray Nairobi.
  • Wafdi Puntland ah oo Booqanaya Masar
  • Banaanbixii ugu waynaa Subaxnimada Jimcada laga qabanqaabinayo Nairobi.
  • Baaq Ku Socda Dhammaan Beelaha la hay-sooco meel kasta oo ay joogaan
  • Haweenki Baarlamaanka FKMG ah ee lagu casuumay dalka S.Afrika oo ku soo laabtay Nairobi Natiija La'aan.
  • Shir- weynihii Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya
  • Ujeedddo: Baaq Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha Dalka Soomaaliya
  • MARWADA MADAXWEYNAHA SOMALILAND HUDA BARKHAD OO GURI IIB KA RAADINAYSA XARUNTA MASAR EE QAAHIRA

Oday dhaqameed xalay lagu xiray Nairobi.

Maxamad Macalin Xuseen oo ka mid ahaa oday dhaqameedki shirka ayaa xalay xabsiga la dhigay kadib markii hotelkii uu daganaa ay ku soo oogeen dambi ah in ay ku leeyihiin lacag uu ku daganaa hotelka oo uusan bixinin dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
 
Maamulka hotelka ayaa sheegay in ay wax badan ka sugayeen lacagtooda laakiin uusan bixinin,taasna ay keentay sida ay hadalka u dhigeen in ay ku dacweeyaan booliiska magaalada sidaasna xalay ugu dhiibeen isagoo hada ku jira xabsiga Pangani kuna sii jiri doona inta ay ka helayaan lacagtooda.
 
Mid ka mid ah dadkii ergada ahaa oo saakay ila soo xiriiray ayaa sheegay in ay wadaan dadaal ah sidii ay ku heli lahaayeen lacagtaas uu u xiran yahay oday dhaqameedkaas, mar aan wax ka waydiiyay cidda ay ka sugayaan in uu bixiyo lacagtaas ayuu ii sheegay in ay iyaga ka bixinayaa jeebkooda,waxaa kale oo ii sheegay in ay jiraan 7 xubnood oo ah eragada oo iyagana ku xiran meelo kala duwan dhamaantoodna loo haysto lacago ay ku daganaayeen hotelo yar yar oo ku yaala xaafada islii.
 
Lacagta lagu xiray ugaaskan ayaa gaaray 100 K.Sh,una dhiganta $1500,dolar, ma ahan lacag badan marka loo fiiriyo mida looga leeyahay xildhibaanada qaarkood hotelada waaweyn ee magaalada Nairobi, ergada ayaa badankood ka cabanaya in aysan helin qiimayn, codsiyo ay u direen Hay'adaha caalamiga ahna ay ugu jawaabeen in qarashkoodi ay u gudbiyeen dowlada laakiin mas'uuliyinta dowlada aysan wali war ka soo saarin.

canabmumtaz@yahoo.com | Jun 24, 300


Wafdi Puntland ah oo Booqanaya Masar

weriye sharmaarke c/dirsaaq cilmi

shsugulle@hotmail.com

Jun 24, 2005

 

waxaa soo gaaray dalka masar wafdi uu hogaaminayo  wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee puntland   Dr.  Axmed sicid awnuur, wafdigaas oo ay kamid ahaayeen  prof cali ismaaciil,  prof c/dulqadir maxamad c/laahi oo ah madaxa jamcada bariga afrika iyo xubno kale oo waheliyay wafdigaa. wefdigan oo kahelay casumaad rasmi ah dawlada masar si ay isula eegan matanaynta waxbarashada labada Masar iyo tan PL.

 

Dawlada masar ayaa ilaa 1950 kaalmayn jitray wax barashada puntland iyadoo ka furtay iskoolo badan arday badana oo ah reer puntland  ay kabaxeen jamcadaha dalka masar. Iyadoo dhawaanahaanba ay soo kordhaysey tageerada ay siinayso dowlada maser wax barashada punt land ayaa waxaa wafdigaani uu yahay kii sadexaad oo muda laba sana ah gudohood ku yimaada booqasho , wafdigaan kii ka horeeyay ayaa waxaa hogaaminayay prof: khaliif maxamad barre iyadoo markaa kulama badan oo uu la yeeshay mas'uuliin reer maser waxaa lagu kala saxiixday dhowr hishiis oo ay kamid ahayd balaarinta iyo xoojinta tageerada ay dowlada maser ufidiso jaamacadaha iyo macaahida punt land.

 

Wefdigan ayaa lakumidoona shiikha ugu sareeya al azhar al shariif Dr. maxamad sayid al dandaawi   iyo wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee maser Dr. cumar salaamah  iyo dhaman jamcadaha  wadanka masar.  wafdigan ayaa larajaynya in ay kulmi doonaan  jaliyadaya punt land iyo guud ahaan jaaliyadda soomalioyeed ee qaahira ku dhaqan , waxaanu gadaal idiin kasoo tabin doonaa dhamaan kulamada ay wafdigaani la yeelan doonaan mas'uuliinta dalma maser iyo jaaliyada reer punt land.

 

weriye sharmaarke c/dirsaaq cilmi

shsugulle@hotmail.com


Banaanbixii ugu waynaa oo Subaxnimada Jimcada laga qabanqaabinayo Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Jun 23, 3005

Boqolaal Soomaali ah ayaa waabariga Jimcada (Jun 24) u balansan in ay banaan bax wayn ka hor sameeyaan laanta qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR,iyo Xarumaha Mareynka ku leeyahay Nairobi ee dadka layn sugayayaashi ay ka maraan ama ay kaga diiwaan gashan yihiin hab qaxootinimo oo loogu qaadayo dalka Mareynkanka xarumahaas oo kala ah IOM iyo JVA.

 
Banaanbaxan ayaa ka dhashay war ka soo baxay xafiiska Mrs Kilimo oo ah Wasiirada Laanta Socdaalka Dalka Kenya oo sheegayay 30 bishan waxii ka horeeya in qof walba uu iska diiwaan galiyo laanta socdaalka si loo ogaado in uu yahay qaxooti rasmi ah,kadibna la geeyo xeryaha Qaxootiga ee ku yaala kenya,iyadoo inta kale ee aan haysana sharcigana ay iskaga baxaan dalka ama laga raafi doono.
 
Soomaali kaliya maahan dadka samaynaya banaan baxa ee waxaa jira dad kale oo u dhashay dalka Itoobiya iyo suudaan oo laf ahaantooda ku ah qaxooti dalka kenya,waxa ayna badankood sugaan laymanka xaraysan Mareykanka si la mid Soomaalida.
 
Banaanbaxan waxaa qabanqaabinaya guddi ay maanta sameeyeen Somalida ku dhaqan Islii kadib markii ay maanta banaanbax hor dhac ah ka sameeyaan xarunta QM ee Nairobi kaas oo ay ku dalbanayeen in laga qabto sharciga cusub ee ay dowlada Kenya ku soo rogayso dadka aan haysan sharciga.
 
Inta badan ma dhacaan hadalada ay dowlada soo saarto ee ku aadan raafka ama sharciga lagu oogo dadka aan haysan sharciga joogitaanka dalka kenya,waxaana lagu eedaynayaa in ay Qaxootiga ku nool dalkooda ku soo jeedinayaan indhaha caalamka,si loogu garaabo dowlad ahaan culayska saaran.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Jun 23, 3005


BAAQ DEG-DEG AH

Saciid Cabdulaahi Ismaaciil (Saciid  Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com

BANAANBAX   NABADEED 

Ku:- Dhammaan Beelaha la hay-sooco meel kasta oo ay joogaan
Ku:- Dadka nabada iyo cadaalada jecel
Og:- Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo UN-ka
Og:- Somaliland

Ka dib markii ay dhagaha ka furaysteen maamulka Somaliland inay maxkamad horkeenaan gacan ku dhiiglihii dilay Marxuum allaha u naxariistee Khadar Cismaan Dhabar oo uu nin ka tirsan ciidanka booliiska ee Somaliland uu si kas ah ugu toogtay magaalada Hargeysa 13/5/2005, ayaan haddii aan nahay Odayaasha Beelahaan waxaan ogeysiinaynaa meel kasta oo ay joogaan beelahaani inay sameeyaan banaanbax nabadeed haddii aan maxkamad la horkeenin gacan ku dhiiglihii inta ka horreysa 25/6/2005. Waa inay Beeshani u diyaar garoobaan banaanbax ka dhacaya Hargeysa iyo dunida dacaladeeda 26  JUUN.

Bannaanbaxaas ka dhacaya Hargeysa oo ah mid nabadeed iyo xaq raadin waxaan kula talinaynaa dhamaan Beesha inay iska ilaaliyaan wax walba oo hor istaagi kara banaanbixiina iyo fidmo wadayaashaba, waana inaad soo qaadataan sawirkii Marxuumka iyo boorar aad diyaar sateen.

Dadka ku nool Yurub, W/Maraykanka iyo Austaralia waa inay ashtako u gudbiyaan  Safaaradaha England, USA iyo kuwa la midka ah oo ay ku leeyihiin wadamadaas ayna tusaan gaboodfalka maalin walba lagu sameeyo dadkaan.

Waad  mahadsan tihiin

Saciid Cabdulaahi Ismaaciil (Saciid  Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com


Haweenki Baarlamaanka FKMG ah ee lagu casuumay dalka S.Afrika oo ku soo laabtay maanta magaalada Nairobi Natiija La'aan.
Haweenka  baarlamanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta badankood ku soo laabtay dalka kenya ka dib markii uu gacan ka hadal dhex maray markii loo fariistay aqoon waydaarsigii ay u sameeyeen haweenka Baarlamaanka S.Afrika balse ay soo qaban qaabisay Hay'adda AWEPA oo gacan ka gaysatay kor u qaadista aqoonta Barlamaanada Afrika.
 
Khilaafkan ayaa dhashay kadib markii ay tageen halkaasi haween u kala safan laba garab oo kala taabacsanaa Madaxweynaha iyo Af-hayeenka baarlamanka,waxaana buuqa ugu wayni yimid markii laga codsaday in qofka shir gudoonka ahi hadalka u qaybiyo haweenka ka socday Somaliya.
 
Asha Axmad Abdalla oo wadatay qoraal uu u qoray gudoomiyaha baarlamaanka ee ku aadanaa in ay Gudoomiye u noqoto haweenka baarlamaanka ayaa gacan ka hadalka bilaabay kadib markii ay haweenka kale u sheegeen xubnihii kala soo qayb galay shirka in aysan matalin oo aysan u hadli karin,dood dheer ka dib waxaa dhacday in lala hadlo lagana codsado in ay buuqa yareeyaan ogaadaaana in ay dal marti u yihiin waxii dood ah ama siyaasadna ay dalkooda ama shirarka baarlamaankooda la tagaan.
 
Af-hayeenka baarlamaanka dalka S.Afrika ayaa u sheegay haweenka BFKG ah ka socday in ay jiraan xisbiyo badan oo siyaasadeed oo hadana kala aragti duwan ay ku jiraan baarlamaaka dalka ay martida u yihiin hadana uu mid walba kan kale tixgaliyo aragtidiisa siyaaasadeed uuna ku qasban yahay in uu dhagaysto wax dhibaato ahna aysan haba yaraatee ka imaanin.
 
Haweenki casuumay Gabdhaha Somalida ayaa ka dalbaday in ay buuqa yareeyaan ogaadaana in casuumaad loo fidiyo si aqoon kororsi u sameeyaan,laakiin waxas oo dhan ma dhicin waxaana ka dhacay goobta dagaal la mid ah kii ay baarlamaanku kuraasta isku tumeen oo kale.
 
dhibaatada ugu wayn ayaa ahayd in lagu yiri ku laabta halkii aad ka timaadeen,iyadoo aysan u qabsoomin casuumadii halkasi loogu fidiyay,qaarkood ayaa maanta soo gaaray Nairobi marka ay soo wada galaan hadii Alle idmo ayaan ka diyaarin doonaa xog badan oo labada dhinac ah sidii ay wax u dhaceen.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Jun 23, 3005


Shir- weynihii Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya

Ku-Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed
Ku-Saxaafada Madaxa Banaan

Ujeeddo-:War Murtiyeed

Dhamaan gobaha waraaqdani ku socoto waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa Go,aamadii ka soo baxay Shir-weynhii beesha Dhulbanahte ee ka dhacay wadanka Kenya ,iyada oo uu ku dhamaaday Guul iyo Is-afgarad waxaana laga soo saaray shirkaasi (3.Qodob) waana sidan

  1. iyada oo shacabka Soomaaliyeed soo maray dhibaatooyin aad u fara badan isla markaasina dalka halakeeyey Dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay ka Beel ahaan Shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis wax dhib ah kama tirsanayno iyana sidoo kale naga tirsan maayaan,waxaana naga dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis,Kalsooni dhinac walba leh
  2. Hadaanu nahay Beesha dhulbahante waxaan Shacabka soomaaliyeed u soo jeedinaynaa in la joojiyo Dhiiga daadanaya iyo dabka sii holcaya maalinba maalinta ka danbaysa siiba Gobolada Dalka Soomaalia sida,Gedo,Bay,Bakool, Galgaduud,Mudug,iyo Soonka Shanaad ee Soomaalida dalka Ethiopia, waxaan beel ahaan soo jeedinaynaa in colaadaas la joojiyo wax walbana lagu dhameey nabad iyo wada hadal daacadnimo ku jirto,iyada oo aan beel ahaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano nabadayntaas walaalaha Soomaaliyeed,
  3. Waxaa Soomalida shir uga socday Dalka Kenya mudo (3.sano ku dhow) waxaa ka soo baxday Dawlada ku dhisan (4.5) taasi oo xal loo arkay Golayaal Baarlamaan iyo Xukuumad leh Madax-weyne iyo Ra,iisal wasaare ,hadana waxaa iska muuqata in khilaaf ba,ani dhexyaalo iyada oo lagu kala gedisan yahay dhinaca Afkaarta,sidaas darteed waxaan soo jeedinaynaa in wax walba lagu dhameeyo isu-tanaasul iyo afkaaraha kala gedisan oo laga gudbo loona gudbo isku duubni iyo wax wada qabsi,shacabka Soomaliyeedna la badbaadiyo lagana saaro dhibaatada haysata waayo Dawladu waxay ku dhisan tahay (Dib-u heshiisiin) ka Beel ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano isu soo dhoweynta (Afkaarahaas kala gedisan)ee la kala qabo,.

Waxaan umada Soomaaliyeed u rajeynaynaa Horu-mar iyo in ilaah u soo celiyo magacoodii iyo Sumacdii ay aduunka ku lahaayeen ,waxaana rajeynaynaa in Go,aanadani noqdaan kuwa meel mar ah oo la qaato (Insha allaah)

Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha

  1. Ugaas Maxamud Xusein Baqow…………Shir-gudoonka
  2. Cali Diiriye Ducaale………………..Gudoomiyaha
  3. Col.Cali Axmed Sabarey……………………G/Xigeen
  4. Maxamed Maxamud Gutaale…………………Abaabulka
  5. C/Risaak Macow……………………………….Xoghaye
  6. Xuseen Xaashi……………………………….Nidaamiye
  7. C/laahi Ducaale Faarax……………………..Xubin
  8. Cali Muuse………………………………..Xubin

Qoraalkan kala xiriir:
Maxamed M.Gutaale
Kenya Narobi
gutalle@yahoo.com 


Ujeedddo: Baaq Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha Dalka Soomaaliya

Bislmilaahi Al-Raxmaani Al-Raxiimi

  • KU: Ummadda Soomaaliyeed
  • KU: Qaramada Midooway
  • KU: Jaamacda Carabta
  • KU: Ururka Midoowga Afrika
  • KU: Ururada Udooda Xuquuda Aadamaha

Tix: 17/uixt06/05 Tariikh: 23/06/05  

Ujeedddo: Baaq Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha Dalka Soomaaliya Iyo Maamulada Isku Haysta Xuduud-Beenaadka Si Ay U Xukumaan Deegaanakaas

Ururka Iloaalinta Xuquuqda Tanade (UIXT) waxuu ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa iney ku dadaalaan raadinta nadabadda dadkooda, nabadda deegaankooda iyo nabadda qarankooda!!!

Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu beelaha dagaalamaya ku waaninayaa si deg deg ah iney u joojiyaan dagaaladooda isla-markaasna ay khilaafaadkooda ku xalliyaan hanaanka Shareecadda islaamka iyo xeer dhanqameedka Soomaaliyeed ee asaguna soo jireenka noo ahaa!!!

Run ahaantii waxaa nasiib darro ah iney Haayadaha Xuquuqul Insaanka Sooomaaliyeed ka aamusaan sidii wax looga qaban lahaa dagaalada had iyo jeer ka dhacaya dalka gudihiisa!!!

Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu si gaar ahaaneed ka codsanayaa beelaha dagaalamaya deegaandan aan hoos ku xusi doono iney si shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalada ehliga ah ay ku barakicinayaan maantada ama biri-mageydada!!!
  • 1. Galgaduud
  • 2. Mudug
  • 3. Hiraan
  • 4. Banadir
  • 5. Bakool
  • 6. Bay
  • 7. Gedo
  • 8. Shabeele Hose
  • 9. Shabeele Dhex
  • 10. Jubbada Hoose
  • 11.Jjubbada Dhexe
  • 12. Maamul Gobaleedka Puntland
  • 13. Jamhuuriyadda La magac baxday Soomaliland
Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuuu sidaas oo kale ugu baaqayaa ismaamul gobaleedyada Puntland iyo Somaliland iney joojiyaan hanashada iyo tartanka dhulxukumista deegaanada ay isku haystaan labadan ismaamul taasoo ku saleysan xuduud beenaad uu sameeyey ama uga tagay gumeystihii kharibay Qaarado badan oo dunidda ka mid ah!!!

Labvadan maamul oo ku dhisan nidaam qabiil ayaa in badan lugooynayey ummaddaha degan deegaanadaas ay ka taliyaansidaas awgeed ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu diirigelinayaa ummaddaha degan deegaankaas ay isku haystaan ismaamulada iney ka baaraangedaan aayatiinka dadkooda iyo dhulkooda meeshaasoo ay rabaan iney labada maamul ku dagaalamaan si ay u burburto isla-markaas midba midka kale ku yiraahdo anigaa xukuma ee adigu ma xukuntid!!!!

Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu gacmo furan ku soo dhaweynayaa cid alaale ciddii ka shaqeyneysa nabadda guud ee Soomaaliya iyo Nabaddeynta beelaha ay xurguftu dhex taalo ama wax kala tabanaya!!!

Ssida aan ognahay arrimaha nabaddeynta beelaha Soomaaaliyeed waxaa qeyb weyn ka qaadan jiray Ugaasyadda, Suldaamada, Isimada, Garaadyada, Boqorada, Malaaqyada, Siyaasiyiinta, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo Culimaa'udiinka!!! Balse waayan dambe tan iyo markii uu billaawday dagaalka sokeeye 1991dii waxaa mooddaa ineynan jirin odayaal dhaqameed ku shaqeeya si cadaalad ah iyo sinaan ku dheehan tahay!!1

Ummaddeey nabadda laga wadshaqeeyo si adduun iyo aakhiro aan u liibaano!!!  

Guddoomiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
udane. Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfaa (Janno-gale)
Tel: 254-6761266
Mobile: 254-723937501
Box 68772, Nairobi
Email: somaliauthor@hotmail.com 

MARWADA MADAXWEYNAHA SOMALILAND HUDA BARKHAD OO GURI IIB KA RAADINAYSA XARUNTA MASAR EE QAAHIRA

QAAHIRA: Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Huda Barkhad Aadan oo seddex cisho ka hor ka ambabaxday Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa ayaa waxay hadda ku sugantahay oo ay joogta Xarunta Waddanka Masar ee Qaahira iyadoo ay wehelinayaan Seddex Carruur ah oo ay dhashay, wararka maalmahani ka soo baxaayey xarunta jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa oo weliba dadweynaha ku dhaqan Hargeisa iyo gobolada dalka oo dhan isla dhex marayeen ayaa ahaa Sababta keliftay wakhtigani in Marwada oo wadata Seddexda caruur ah ee ay dhashay ay uga ambabaxeen dalka, iyadoo loo aanaynaayo inay degeyaan xarunta Masar ee Qaahira.

Hadaba warar xogogaal ah oo aanu ka hellay, iyo weliba  sidoo kalana wargeyska Maalinlaha ah ee Jamhuuriya ee ka soo baxa Magaalo Madaxda Somaliland Hargeysa uu maanta ku daabacay boggiisa hore ayaa la sheegaya in ay Marwada Madaxweynahu Huda Barkhad ka raadinaysay Maalmahani oo dhan Guri iib ah Xarunta dalka Masar ee Qaahira iyadoo ka raadinaysa xaafadda la yidhaahdo Meecaadi, xaafadaasi oo ay degaan ama ku noolyahiin dadka dabaqadda sare ama maal-qabeenka ah ee dalka Masar oo uu weliba maro webiga Niil,Sida qof xogogaal ah oo ku nool xarunta Masar ee Qaahira oo aan la xidhiidhay ii xaqiijiyey isaga oo la sheekaystay Marwo Huda Laftigeeda, Marwadu Huda Barkhad dalka Somaliland ayey dib ugu soo laaban doonta ka dib marka ay iibiso guriga oo ay dejiso Seddexda Caruurta ah oo ay doonayso in dalka Masar ay wax ka bartaan iyadoo u sheegtay qofkaasi oo magaciisa inuu sheego ka gaabsaday inay caruurta kaga iman doonto Gabadh ay walaalo yahiin oo ka soo baqooli doonta ama uga iman doonta Waddanka Canada, Guryaha Xaafadani Meecaadi ayaa qiimahoodu wuxuu u dhexeeya 1.5 Million Dollarka maraykanka ah ilaa 500,000$ dollarka maraykanka ah.

Hadaba Xarunta waddanka Masar ee Qaahira ayaa tobankii sanno ee ugu danbeeyey waxay xarun u ahayd xaasaska Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya sida xaaska  Madaxweynahii hore ee Dawladdii Carta Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Xaaska Xuseen Caydiid.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Joogitaanka Marwo Huda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waan idinla soo socod siin doona.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
diridhaba2001@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 23, 2005


Banaanbixii ugu waynaa oo Subaxnimada Jimcada laga Qabanqaabinayo Nairobi
»Bannaanabax lagu qabanayo xarunta QM ee Nairobi...
»Baaq Ku Socda Dhammaan Beelaha la hay-sooco..
»Haweenkii BFKMG oo Natiija La'aan ku soo laabtay NRBI
»Shir- weynihii Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya
»Baaq Ku Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Soomaaliya
»Marwada Riyaale oo Guri Qali ah ka Raadineysa Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...


Gen: Cade Muuse oo Diiday in ay Saxaafadu Warkiisa Baahiso
»Bosaso - MDGPL: xirta waxa Qalab war lagu duubayo..
»14 Xubnood oo ak Socda DFKMG oo booqday Kismaayo..
»Warbixin: Shaqo Joojintii Ganacsada Boosaaso...
»Brussels: Shirkii golaha wasiirada ACP oo soo gabagaboobey
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 23

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD