Mugdiga Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis.
Bisinka ilaah iyo saliga
nebiga ayaan ku bilaabey...
Sideedaba aduun waa waaya
argnimo. Kadib markaan suufinimo iyo baadi soomary maantana cilmi iyo garaad ii
kordhy ayaan fahmay aayadan micneeheeda. "Qul hal nunabiukum bil akhsariina
acmaala Alladiina dhalla sacyahum fi alxyaati aldunya wahum yaxsabuuna annahom
yuxsinuuna sunca". Kuwasu illaah ku sheegay iney yihiin kooxda ugu khasaare
badan dadka duunka ku nool hadana isu heysta iney wax san falayaan. Shiico,
suufiyo iyo ina Garweene iyo qoraaladiisa Taarikhda wahaabiyada
baa iga muuqata inuu ku biirey kooxdaa quraanku sheegey. Hase ahaate intaanan
jawaab ka oran waxa uu soo qorey ayaan doorbidey inaan qarsoodi ula taliyo oo
aan ku baraarujiyo xaqiiqadu sida ey tahy anigoo ulajeedadeydu markaa tahy :-
1- Inaan ogaado inuu yahey
nin wax daalacdey oo muxaqiq ah , iyo inu yahay nin soo bandhigaaya xaashiyo uu
ka akhriyaay kutubta shiicadu ama suufiyada ku caan baxdey ka been abuurshada
Maxamed bin C/wahaab (ahn).
2-Iyo inaan u bayaamiyo
jitaabaada suufiyada hore aan usoo maray markaa aan waxba iga qarsooneyn haday
noqoto caqiido, cibaado, cilmi ama dhaqan islaameed.
Doodi emailada na dhex
martey ina Garweene waxey ku dhamaatey in ey ii cadaatey inuu yahy
gudcur xaabo gurte "xaatibun bileel" oo aan kala ogeyn kitaabka uu ka
lusho inuu been sheegaayo iyo inkale. Bal xitaa aanu daalacan kitaabka uu wax ka
sheegayo sida “tawxiidka” iskaba dhaaf kutubta kale ee uu soo sheegey
magacooda. Waxaadna akhristow sidaa ku arki doonta doodan hoos kutaal - anigoo u
soo bandhigaya sidii ey aheyd waxna aan ka badelin, kuna darin, kana reebin-
waxaan kaloo ugu tegi doontaan meesha uu akhlaaq iyo cilmi ka joogo suufigan ina
Garweene.
waxaan ka bilaabay xaga
mandaqa iyo caqliga ama waaqaca maanta dadka u muuqda anigoo markaa kala
hadlaaya waxa aan kala soo dhex baxey qoraaladiisa iyo ujeedada uu ka lahaa
isagoo buhtaan ka sheegaya maxamed bin cabdilwahab (afarta madhabood waa
wadooyin shaydaan jeexay iyo hawooyin kala tagsan"wuxuuna ku yiri kitaabkiisa (sitaatu
usuulil cathiimad).
Doodiina sedan ayey ku
bilowdey:-
Salaan badan
Marka diin lagu doodaayo
waxey u kala qeybsantaa manquul iyo macquul.Waxaa la sooguuriyey iyo wax caqliga
lagu gaadho.Kolka jawaabtaada macquulka ah weligaa ha badnaato waayo wax meel
lagu soo qorey waa laga been abuuran kara sida kumaankunka xadiis ee beenta
ah.Laakin macquul manoqoto in asxaabti nabiga ey sayid cali ka qaadeen dhaxalkii
uu ugu dardarmey nebigu (csw) inkasto ey shiicadu sidaas aaminsantahy.
Hadan adigu waxaad tiri
sucuudigu waa wahaabiyo. wahaabiyona madaahibtii islaamka waa inkireen taas ma
mooda in ey waaqaca maanta yaala uu kugu beeneynaayo.Aduunko idil wuxuu qabaa in
sucuudigu uu ku dhaqmo madhabta axmed bin xanbal sidoo kalena waxaa ah
wahaabiyada taasina waxey ku geyneesa in M.c/wahaab uu ahaa xanbali.
Bal ka waran hadaan maanta
dhaho xerta maxamed rabiic waa rabiiciyo ee maha shaaficiyo dabcan taas ninkasta
wuu igula yaabin intaan daliil manquula la isla gaarin. Weligaa doodaada ka
ilaali meelaha caqligu diidayo.
***
Jawaab:-From: "c/rizaq
shaikh" <inahusein@hotmail.com>
walaale marka hore waxaan
ku leeyahay si fiican u soo akhri maqalkan taariikhdana horey ayaan u sheegay
qofku haka caroodo ama haku farxo waa taariikh sida ay tahay ayaana uga
waramayaa mid kale waxaa qoraakaaga ka muuqda caadifad xun, loomana baahna
caadifada noocaas oo kale ah walalkeyow. waxan caadifadaada ku gartay si
fiicanba uma aadan akhrin mowduuca sacuudiga mad'hab weeeye iyo ma ahan wali
kama aanan hadlin!! ee waxa aan ka hadlayo waa muxamad bin cabdiwahab iyo
muxamad bin sacuud heshiiskoodii.halke maqaalka kaa maray!!!!
hadaad ula jeedo
jawaabtaan siiyay in wallays walale aniga ma oran madhab ma ahan ee asagii ayaa
yiri madhab ma ihi shaqona kuma lihi waxaa kale oo yiri ninka kale ee
maqaalkaygii jawaabta ahaa ku qorna ee marka walaale si dagan inta u akhrisid
kutubta aan kuu tilmaamay ka soo baar hadan labadaan kitaab (sitatu usuulill
cadiimah) iyo taxkiimu nnaadir
walaale mid kale tani uma
baahna macquul iyo macquul la'aan waa wax kutub lagu qortay hadii aysan macquul
ahayna aniga kuma qoran ee muxamad bin cabdiwahab ayaa ku qortay iyo ninka kale
ee casriga ah ee aan meesha ku sheegay magaciisa. marka hore dib u laabo oo soo
eeg kuwa aan ku tilmaamay haday kaa tahay diin doon haday kaa tahay murana dee
jawaabta ina wallaays ayaa kugu filan. waxaan kuula dardaarmaya wallaalkeyow
illaahay ka cabso.
***
Sida inooga muuqata
akhristow jawaabta ina garweene maba fahamsana waxa uu hadalkiisa ula
jeedo ama laga fahmi karo taasina waa indhala`aan uu dadka dheeryahy .Anigoo
markaa taa uga jawaabaay waxna ugu sheegaya bal inuu xooga soo dego:-
Horta ogow in aan ahaan
jirey suufi weyn .Ogowna inaan aqaan dhamaan asraarta suufiyada iyo
muctaqaadaadkooda.Hadana aan aad u akhristey kutubta nimanka aad ku sheegtaan
wahaabiyada waxaan see aakhiro markhaanti ka ahy hor ilaah in maxmed bin
cabilwahaab been suufiyo ka sheegty sidey c/qadir jeleyni ugu been abuurateen,
adiguna aadan kuwi hore waxba dhaamin. Markaa aniga jawabteydu caadifad ma
aheyne waxey aheyd xaqiiqo aan soo marey aan rabey inaan kugubaraarujiyo adiguna
wakhtigaaga qaaliga ah iskaga lumin wax aan akhiro suaal mooye aadan ajar sinaba
uga heleyn. Hadiise aad cirka sidaa isula mareysid illaah xaqa ha ku tuso.......Maalin
baad garan.adiga iyo Suufiyo waxaan oran laha:-
“Nin calool galkaagi ogaa
hatan se ciroobey - oo sir iyo caan kuu yaqaan lagama ceeb doono.”
***
Jawaab:-From: "cabdirazaq muusegarweyne"
<keenadiid30@hotmail.com>
Waliga ma arag nin kaa
liita .Marka hore aniga isaga kay sheekee kuma oran marka labaad wixii aan ka
hadlay wax aan ahayn ayaad ka hadashay ayaan ku iri mida kale miyaadan ogayn in
laga baxay wakhtigii la oran jiray aniga ayaa waxaa ahaan jiray iyo sidas ayaan
ahay waxaa tahay adiga ayay kuu taalaa..
marka sedexaad
munaafaqnimadii wahaabiyo lagu yiqiin haday kaa soo muuqatay mar waxaa tiri
wahaabiyo ma ihi laakiin waxaan jeclahay in aan doodaha akhriyo hadan waxaad
isugu dhuratay wixii aad ahayd ee munaafaqnimda ahaa.. marka walalow aniga ha ii
dardaar warin waan sheegay caadifad igama ahan ee amanada cilmiga ayaan gudanayaa
isha allaaah..
raalina iga
ahow..waxaan ku moodayay nin xaq doon ah laakiin hada waxaa tahay muxamad
cabdiwahaab doon asagiina aakhrio ayuu jiraa oo illaahay wixii uu gaystay ayaa
laga jarayaa adigana wado mugdi ah ooo aan wax ku jira la aqoon ayaad ku socotaa
waana kuu naxteexaynayaa wiil soomaaliyeed ayaad tahay wahaabiyo waxay tahay
maantay qofna kama qarsoona ee walalow waxaan ku leeyahay ka soo har mowduucana
la soco asaga ayaad uga bogan doontaa.
***
Markii xaalku halka tegey
ayaan ku tashadey inaan muga seefta galka uga saaro oo qoolka uu is geliyey ku
ceejo doodana aan gunaanado iscajabiskiisana igala dhamaan waayey (beentyda
akhriso, akhriso oo rumeyso). kolkaa waxaan ugu jawabey :-
Ina garweenow taasi waa
waanadi ibliis.Mawaxaad ileedahy diin ka dhigo manaqib iyo muuliid iyo qasiido
lagu xadreeyo.Mawaxaad ileedahy xabaalaha awliyada ku dawaaf oo ka baraka doono
oo qurbaan gey. Mawaxaad ileedahy awliyada bari ilaah ka sokow iyaga wax ku
tarin.Mawaxaad ileedahey sheikh maxamed rabiic ictiqaadsanow in uu ahlu karaama
yahey oo qeybka daalacdo .Mawaxaad ileedahy cabdilqadir jeylaani cuskanow ilaah
ka sokow.Mawaxaad ileedahy gabadhii xijaabata la colow. Mawaxaad i leedahy ninki
dhaha ilaah kelidii ha labaryo la colow.Mawxaad ileedahy muslinka ha latukan oo
ha la soomin wayo waxoodu sax mahaan. Mawaxaad ileedahy muslinka kooda dhinta
wax ha ka aasin.Mawaxaad ileedahy agoonta maalkooda xaqdaro ku cun iyo awliyo
siyaaradood.Mawaxaad ileedahy cilmi ha baran ee weligaa beenta suufiyada
xanbaarsanow. Mawaxaad ileedahy wax xun iyo jahli weligaa ictiqadsanow.
Garweenow hadalkaagii ahaa
sida kor ku yaal:-"marka walalow aniga ha ii dardaar warin waan sheegay
caadifad igama ahan ee amanada cilmiga ayaan gudanayaa isha allaaah.."
Ina garweenow waxa sidaa
ku karinaya maaha cilmi ee waa cilmi ku sheeg aad ictiqaadsantahy inaad caalim
tahy oo sheydaankaagu kuu qurxiyey, hada ogow waa sidaan waa ahaan jirey."Geel
laba jir soo wada mar".Markaa aniga oo kale looma soo hagoogto. "tacliinta ninki
ku weenaadiyo taataale looma tumo tanag".Hadii aan ku noqdo waxaaad soo qorty oo
aad ku soo bandhigtey hal meel oo keliya ayaan ku cadeynayaa inaad waxaan jirin
ka lulato.Bal ku noqo qoralkaagi hore markaad leedahy:-
"Alxuraym oo ahayd
tuuladii uu aabihii ku noolaa oo uu in mudo ah joogay. ayadiina waxaa laga soo
cayriyay markii uu ka alifay kitaab uu ugu yeeray KITAABU TOWXIID oo uu dadkii
oo dhan ku sheega gaalo asaga mooyee iyo wixii raaca ,culimadii islaamka ee
wakhtigaasna wax naqdisay waxaa ka mid ahaa walaalkiis sulaymaan oo ahaa caalim
diidta si fiican u bartay walaalkiisna wuu u nasteexeeyay".
Kitaabka tawxiidka waan
heystaaye bal ii soo tilmaan xaashiga uu hadalkaasu ku yaal?. Laba kitaabna ii
soo sawir meesha waxaad sheegeyso ku yaaliin waayo meesha aan joogo ka waayey,
labadaas oo ah sida aad sheegtey "sitaatul usool cathimaad" iyo taxkiim ul
naadir B154".
Intaa markaan kaa helo
ayaan sheeko inoo taal, tii horo aan qabeyna ey buri doonta taaso ah "ninku
waxan uu soo bandhigaayo wuxu kasoo guurinyaa kitaab u akhriyey ee maha nin
kutubta uu sheegaayo daalacdey ama indhihiisa ku arkey".
Hada ogow weli waxbaa ii
laaban................
***
Jawaab:-From: "cabdirazaq muusegarweyne"
<keenadiid30@hotmail.com>
Ma soo hanuunaysaa oo
maka haraysaa wahaabiyada mujasimada ah markaas waan kuu soo sawiraya laakiin
nin baadilku la qurxsan yahay waxba uma sawirayo wahaabiyayow waan kuu tilmamaye
doono oo raadi kutawa aan kuu tilmaamay oo aana gaalinimada ka buuxdo kolba
galaanimo wahaabiyo ka sukaysa ma jirtee
Anigoo markaa hadal
caruureedkan uga jawaabaaya oo ey ii cadaatey inaanu wax la sheego heyn:-
"Ma soo dhacey dhoola
yare".Sidaan kaa dalbey ayuu xaal taagan yahey xashiga kitaabka tawxiidka bal
horta isoo tilmaan kuwa kale ha noo danbeeyeene si aan uga arko gaalnimada aad
tilmaantey.Bal aan wax kula arkee waayo hadan isaga ayaan gacanta ku hayaa.
End....
****
Markaan jawaab danbe ka
waayey in maalmo ah ayaan sidaas doodi ku af jarey, kadib kolkey bayaantey
mugdigii ina Garweene iyo beenti suufiyo, sidaas ayuu ku waayey meel uu
ka doono jawaab wax qancisa.Hal xiraalahaasina ugu filan ninkii caqligiisa qaba
inuu ku cibro qaato oo wax ku garto ama hadii kale xaqiiqada ku baadi doono.
Akhristow waxaan hubaa
haduu ina Garweene daalacdo kitaabka Maxamed bin c/wahaab sida "Tawxiidka"
ama "usul aliimaan" iyo kuwa kalo badan, waxaan hubaa in uu ogaan lahaa
xaqiiqadu sidey tahy sidaan aniguba u gaarey .Laakin siduu xaqa ku gaaro isagoo
kale iyo suufiyo wey adagtahy -ila man raxima rabuk- waayo waxaa duub weenehoodu
ka dhaadiciyey ha akhriyiina waxaan aheyn Mawliidka, Manaqiibka iyo Qasaayidka
madadka. Gaarahaana iska ilaasha kutubta suciidga iyo wahabiyada waad ku
gaaloobeysaane .Hada waa xaqiiqo jirta oo aan soo mary.
Ugu danbeyn qofkii
doonaaya in uu ogaado taariikhda iyo xaqiiqada suufiyada ha akhriyo kitaabka "altasawuf
-almansha wa almasdar" uu qorey Exsaan ilaahi dahiir ....Hadii wakhtigu ii
saamaxo waxaan jeclaan laha in kitaabkas aan wax ka soo bandhigo oo aan daha ka
qaado in suufiyo iyo shiico ey meelo badan ku walaalobeen hady noqoto ictiqaadka
iyo cibaadaatka.
Waxaan sugnaaba waa
jawaabti ina garweene iyo fartuu ku fiiqo xaashiga laga dalbey waa haduu wax
isla hayo….ama kale, miskiinka waa la luggooyey ee kwii kitaabka u dhiibey ha
ku noqdo oo ha dhaho kani waa waanadii ibliis.
Tan iyo goortaas hadii
eebe idmo akhristow nabad iyo naxariis korkaaga ha ahaato…
C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
chango_58@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005
»
MAQAALKII WALLAYS:
QARAWGA
WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays
»
QORAALKII GARWEYNE:
Taariikhda wahaabiyada | Garweyne
»
QORAALKII FAHAD:
SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

|