SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WASIIRKA BAD FARUURKA  AYAA II WARAMAY (Sheeko Siyaasadeed)
 
Mohamed Barre Haji "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com

Wariye:Wasiir bal iiwaran?

 
Wasiirka: Maxaan kaga waramaa?.
 
Wariye: Wasiir wax kale maahan bal xaalada Magaalada hadey ahaan laheyd mid siyaasadeed iyo hadii ay ahaan laheyd mid nololeedba war keeda isii?
 
Wasiirka: Horta ilaahey kuuma darnaadee aniga sidaad ogtahay waxaan ahay wasiirka bad faruurka ee Dowlada.  Waxaan calaacal u ahay Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaan faryarey u ahay Ra’iisul Wasaaraha. Waxaan gacan u ahay Madaxweynaha. Waxaan saakaydan oo aad ii jeedo aan joogaa Jowhar waxaan galabtiina ku barjeeyaa Xamar.
 
Siyaasada Jowhar waa heersare oo laad ayaan kala daalnay ragii Xamar is dhiibkoodana waad la socotaa, subixii aniga ayaa salaanta qaranka siiya madaxweynaha  wasiiradana hurdada ayaan ka kiciyaa. Jowhar waxaan ka dhisnay dagin ay diyaaradaha ku caweeyaan kuna saar tuntaan, cidaan doonana habeenkii ayey noosoo dagaan, waxaan uruurinay ciidamo xoog badan lakiin waxey ubateen saaxibul ciyaal oo hubkii aan gacanteyda ku siiyey waxa ay geysteen suuqa Cirtoogte.
 
Hadii aan nahay wasiirada jooga Jowhar aad ayaan ugu qanacsannahay nolosha degmada inkastoo ay halnin kaneeco naga dishay, lakiin dhib kalaa jira oo aan aad u buurneyn xoogaa, waxaana weeye xaga haasawaha Kenyaa kaga fiicneyd oo yacnii waan ka liidanaa dhankaas.
 
Wariye: Intaa markuu marinaayo ayaan hadalkii ka dhexgalay oo iri Sacaadatul wasiir warka aan kaa dhex galee adigu awood badnidaa intaas oo dhan in aad qabato yaa awoodeeda kuu fasaxay oo ku gaarsiiyey?
 
Wasiirka: horta warka ha iga dhexgalin wariyayaashiina warka ma sugtaan tan kale ereygaan sacaadatu waxaan ku nacay idaacadaha Xamar markey I wareysanayaan waxey iyiraahdaan sacaadatul wasiir ma waxey umaleeyeen in magaceyga la yiraahdo Saciid oo ay qaldayaan mase waxay u heystaan in Sacaado la I yiraahdo inleen Macallin Jamac ayaan ka baxay, ma fahantay wariye?
 
Wariye: waan gartay!
 
Wasiirka: Horta waxaad moog tahay in aan ahay Wasiirka bad soo faruurka midda kale aan Jowhar kaaga waramee adaa ileen iwarsadaye, inta aan Jowhar ku joogno ee dowlada ah war nooma kala qarsana, sida ciyaaraha goboladaan xaafadaha u daganahay sidaas oy tahay aniga iyo madaxweynaha habeenkasta saq dhexe Xamar ayaan tagnaa oo booqanaa xarumaha xitaa madaxtooyada oo ah halka madaxweynaha dagaayo waxaana ku tagnaa mar mar dhinaca taleefanka marna si kale.
 
Xamar aniga ayaa qandaraas ku qaatay dhismaheeda waxaana ku helay si qaraabo qaraabo ah.
 
Wariye: sidee uu yahay xiriirka kaala dhexeeya Raiisul wasaaraha?
 
Wasiirka: Ra’iisul Wasaaraha waa saxiibkey oo qaali igu ah aadna aan isku neceb nahay  xilkana  anaa ka codsaday  waxaana jeclahay in aan xilkiisa u talaabo oo ka dhaxlo oo uu madaxweynaha dalka ii magacaabo isagu wuxuu iiheystaa in aan jeclahay lakiin aniga waxaan ka shaqeeyaa lugooyadiisa talada qaldanna anaa siiya xitaa tii uu Yurub ka sheegay ee ah in ay Soomaaliya joogto argagixiso kaligeyna kuma ihi oo waxaan nahay dhowr qof oo xilkaa daneyneysa oo rabta, xitaa warar aanan isla ogeyn ayaan ku hadalnaa si aan u maja-xaabino isna waa moog yahay. Daraad bambadii wafdiga ku qaraxday aniga ayaa jeebka ku sitay oo wafdigaan ka mid ahaa Mahaday ayaana kasoo qatay bambadaas.
 
Wariye: Markuu intaas marinaayo wasiirka warbixintiisii ayuu mar kaliya is badalay oo Oogadiisii dhan si kale noqotay wuxuuna u ekeeday nin odaya wuuna wada ciroobay, markasaan anigii naxay oo uu qalinkii iga dhacay lana argagaxay sida uu noqday wasiirkii markaasuu iyiri “ha cabsan” ayuu iisii raaciyey isaga oo ku hadlaaya cod dheer “waan ogahay cid ka danbeeysay qaraxa kana yeeli meyno danta Soomaaliyeed in aan uhakino rag isbaaro shaqa ka dhigtay rabana in ay danta Soomaaliyeed u afduubnaato waa in guryaha dadka ee la heysto laga baxaa  dowladu waa guuleysaneysaa  waxaana na taageeraaya dowlada Itoobiya xitaa daafida aan cunno waxaa noo keenta MudanAir waana in dalka laga xoreeyaa afarta  Xamar joogta ma ahan in cadow loo arko dowladaha dariska”
 
Wariye: Markii intaa marinaayo ayuu hadana sidii aan ku bartay wasiirka ku noqday oo caadi kusoo laabtay, markasaan su`aalay waxa uu yahay iyo sababta awoodiisa kordhineysa?
 
Wasiirka: Aniga jagadaan waxa aan ku doortay waxan ahay taarga laawe xafiis looma baahna qabiil kama socdo muuqaal gaara malihi Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhuba waa ilaaluushaan markaan caroodo ee aan iraahdo bari subax badaan idiinku soo faruurayaa markaasey imaslaxaan oo hanti isiiyaan.
 
Raiisul wasaaraha safar walba anaa uraaca waxaan ilaaliyaa dhaqaaqa bishimihiisa waxaan sitaa boorso weyn, Madaxweynaha anuu I weydiiyaa wuxuu Ra’iisul Wasaaraha soo sameeyo iyo ciduu la kulmo, laakiin ninka Maxamed Dheere la yiraahdo ima jecla aniga ayaana ka leex leexda oo iska ilaaliya isku dhaceena waxaana ka cabsadaa in uu xabsiga ii taxaabo oo markaa tinta la iga xiiro.
 
Wariye. Wasiir ka waran markii BBC-da uu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha?
 
Wasiirka: taas war badan ayaan kaaga hayaa lakiin waxaa soo dhow xiligii salaada duhur marka Madaxweynaha ayaan weysa qaad iga sugaaya oo ah in aan u shubo laakiin galabtaan isku arkeynaa Hotel Saxafi oo Guddoomiyaha ayaan tinta u xiirayaa si koofiyad laga soo siiyey Finland oo hadiyad ah ay madaxiisa si qurux badan ugu soo baxdo maadama uu bari ka qudbeynayo fadhiga Baarlamaanka.   

La soco qeybta Xigta...................

WQ:

Max'ed Barre Xaaji "Fiyoore"
London,UK

 
Mohamed Barre Haji "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com
Guddoomiyaha, Golaha Sare/Chairman, Supreme Council,
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed/National Union of Somali Journalists (NUSOJ)

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005

»Mugdiga Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis| CM

» MAQAALKII WALLAYS: QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays

» QORAALKII GARWEYNE: Taariikhda wahaabiyada | Garweyne

» QORAALKII FAHAD: SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD