Cali Ugaas Cabdule oo loo
magacaabay Safiirka
Talyaniga u fadhiya...
Siyaasiga ku caan-baxay inuu
u ololeeyo sidii nabad looga
dhigi lahaa Gobolka
Benadir,ayaa sida aan ku
heleyno ilo-diblomaasiyeed
oo ku dhaw Reysalwasaare
Prof-Geedi sheegaya in loo
magacaabay Safiirka Dawlada
Soomaaliya u qaabilsan Wadanka
Talyaaniga.
Mar aan la xiriirnay
Magaalada Milano oo ka
tirsan Dalka Talyaaniga, ayaa
noola xaqiijiyay in Safiirku
soo gaaray shalay Degmada
Roma isla markaana uu
warqadihii lagu magacaabay
ku wareejin doono Wasaarada
Arimaha Dibeda ee Talyaaniga.
Xaflad balaaran oo lagu soo
dhaweynayo Cali Ugaas ayaa
shalay lagu qabtay Hoolka
shirarka ee Safaarada
Soomaaliya iyadoo ay ka soo
qeyb-galeen Jaaliyada
Soomaalida ee Talyaaniga ku
dhaqan,waxaana markii oogu
horeysay 15-sano ka dib
shalay Safaarada lagu xiray
Calankii Soomaaliyeed ee
Buluuga ahaa oo isagu mudo
ka maqnaa Beesha Caalamka.
Safiirka ayaa waxa horyaalo
hawlo badan oo ay ka mid
tahay sidii uu dib oogu
celin lahaa Qaxooti Soomaaliyeed
oo degan dhismaha Safaarada
oo dib loogu soo celiyay
Dalka Talyaaniga, dadkan
ayaa ku dhibaataysan gudaha
Safaarada iyagoo aan heysan
wax sharci ah ama hoy ay
seexdaan,dadkan ayaa ka soo
galay markoodii hore Wadanka
Liibiya iyagoo doonyo
tahriib ah ku yimid Dalka
Talyaaniga.
Magacaabida Safiirka ayaa ku
soo beegantay kadib markii
uu geeriyooday Qunsulkii
guud ee u fadhiyay
Soomaaliya Wadanka
Talyaaniga, Axmed Sugule
Xirsi,oo isagu lagu aasay
maalintii Arbacada Qabuuraha
Muslimiinta ee Roma.
Cali Ugaas ayaa isagu mar-ahaan
jiray Duqii Magaalada
Muqdisho Sanadkii
1987-1990,intii ka
dambeysana wuxuu ka mid ahaa
Siyaasiintii u ololeyn
jirtay sidii loo nabadeyn
lahaa Gobolka Benaadir.
Dawlada ayaa horay u
magacawday Safiirada
Wadamada Shiinaha, Qaramada
Midoobay, Jaamacatul Carab
iyo Midowga Afrika,sidoo
kale Qunsulayadii oogu
horeysay ee Dawlada
Soomaaliya ayaa laga furay,
Dalka Norwey iyadoo Qunsulka
Soomaaliya u fadhiya Dalka
Norwey Dr-Liibaan Cabdi-salaan
uu la wareegay Xafiiskii
Qunsuliyada Soomaaliya ee
Dalka Norwey.
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
WAXAAN SOO ARKAY!!!
Wax indhahaygu ku farxeen,
balse aan rumaysan waayay sida
looga dhabeeyay loona sii wado,
una baahan in gacan wadajir ah
loo gaysto!
Waxay
ahayd xilli barqo ah saacaduna waxay ahayd 9-kii aroornimo
waxaa i wehliyay saaxiibkay C/Nuur Xaaji Maxamed, waxaa
kaloo na hagayay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo
Muzamil Xasan Huudoow oo Xoghaye guud u ah urur lagu
magacaabo Tabantaabo oo howshiisu tahay wacyigelinta
caafimaadka iyo wax barida xeryaha barakaca ee gobolka
Banaadir, waxaan wadanay gaari yar oo Taxi ah weliba
noociisu wuxuu ahaa Faxwagen waxaan u tilmaamay magaca Taxi-ga
waayo horay uma raaci gaari Taxi ah oo noocaan ah.
Waxaan ka ambabaxnay xafiiska
Madbacadda Ayaamaha ee Howl Wadaag, waxaan marnay wadada H/Wadaag
waxaan ka weecanay isgoyska Xararyaale innagoo afka saarnay
dhinaca waddada 30-ka, waxaan uga sii gudubnay waddada
Warshadaha markii aan la simannahay warshadii hore ee Birta
ayaan dhinaca waqooyi u weecanay meel wax yar u jirta
warshadda Biyaha ee Caafi.
Waxaan gaarigeenii ku
istaajinay meel aad u camiran oo ay ka muuqdaan buushash aad
u badan oo is wada dul saaran oo ay adagtahay sida dhexdooda
loo maro, qaar buushashkaa ka mid ah dhabarka ayay isku
hayeen, waxaana la helayay oo keliya wadiiqo dhuuban oo qof
keliya mari karo, waxaa na hoggaaminayay Mr.Muzamil waxaan
dhex marnay wadadii cariiriga ahayd ee buushashka u
dhaxaysay, markii aan in cabaar ah soconay ayaan dul tagnay
mid ka mid ah buushashkii meesha ka dhisnaa, oo runtii
xoogaa ka duwanaa kuwa kale oo iyagu u dhisnaa sidii aqal
Soomaali balse midkan wuu fidsanaa dhul xoogaa baaxad lehna
wuu ku fadhiyay, albaabka laga galayo aad buu u hooseeyay oo
markii aan galaynay xoogaa hoos ayaan u foorarsanay balse
gudihiisa ayaa runtii aad u dheeraa, wax badan oo ku dadan
ma jirin geesuhu waa banaanaayeen korka markii aan eegayna
waan dareemayay haddiiba qoraxda laga hoos galo in aanan
roobka looga okoran karin.
Balse waxaa jawiga sidaa u eg
muuqaalkooda badalayay ardaydii faraha badnayd ee meesha ku
urursanayd oo runtii aad nooga nixiyay kaddib markii ay nagu
soo dhaweeyeen anaashiid afka carabiga ah iyo weliba heeso
Soomaali ah oo aan ka xasuusto soo dhawaada walaalayaal soo
dhawaada, wuxuu ahaa muuqaal aad u qiiro badan waxaan
markiiba indhaha la raacay ardayda faraha badan ee kala
da’da ah ee dugsiga marna iskuulka ah ku urursanaa, intii
aynan weli raggeena martida ah iyo ninkii odayga ahaa ee na
hoggaaminayayba aynan hadlin ayaa laba nin oo macallimiintii
ardayda ahaa ay ku mashquulsanaayeen kala hagidda ardayda
iyagoo markii ay anaashiid dhameeyaanba u tilmaama mid kale
oo ay ardayduna ku luuqeeyaan, waxaan dareenay xamaasad
waxaa istaagtay gabar yar waxaana loo dhiibay cod baahiye
yar, waxay ku luuqaynaysay hees Soomaali ah iyadoo ardaydii
kalena ay la jiibinayeen.
Arday
kale ayuu Macallinkii istaajiyay markaasuu afka Ingiriiska
nagu soo dhaweeyay isagoo dhowr ereyna ku tilmaamay xaaladda
dugsigooda iyo waxbarashadiisa.
Intaa kaddib mid ka mid ah
Macallimiintii ayaa markaa nagu soo dhaweeyay goobta isagoo
warbixin kooban naga siiyay xaalada dugsiga iyo sida ay u
wadaan waxbarashada, intii ay howshaa socotay anigu waxaan
ku mashquulsanaa muuqaalka ardayda taasoo igu kaliftay in
aan ka qaato dhowr sawir oo aad u qurux abdan, sidoo kale
waxaan sawiro ka qaaday goobta ay ardaydu wax ku baranayaan
inkastoo masaafada dugsiga ay wax ku baranayeen xoogaa uu
aad u balaarnaa marka loo eego xerada guud ahaan hadana ma
ahayn meel haddii uuba roob yimaado ay ardayda sii joogi
karaan.
Intii ay warbixintu socotay
dhammaanteen aad baan u dhagaysanaynay gaar ahaan aniga iyo
C/nuur Xaaji Maxamed oo goobta ku cusbaa dhab ahaantii
dadaalka ay sameeyeen dhallinyarada ma aha mid aan qormo yar
ku soo koobi karo waana mid aan go’aansaday in aan
ballaariyo qormadaydan aan ugu magac daray waxaan soo arkay,
anigoo hadafkaygu yahay in akhristaha aan u soo gudbiyo
howsha dhabta ah ee ka jirta xerada dadka soo bara kacay ee
aan soo booqanay iyo weliba xeryo kale oo iyaguna howl sidan
ah ay ka socoto.
Anigoo qormadayda kala
hormarsanaya ayaan waxaan jeclahay in warbixintii ay i
siiyeen macallimiintii howshan waxbarista ardayda soo bara
kacday waday aan qormooyinka qaybaha dambe ka dhigo balse
aan soo hormariyo dood na dhex martay aniga iyo saaxiibkay
C/nuur Xaaji Maxamed kaddib markii aan bannaanka uga soo
baxnay xerada dadka soo barakacay eek u tiil duleedka
warshaddii hore ee Birta.
C/nuur markii aan banaanka u
soo baxnay runtii waa u dhag raariciyay si aan uga dhagaysto
ra’yiga uu ka qabo waxa aan soo aragnay, runtii aad buu u
faraxsanaa wuxuuna dhowr mar gacan qaaday macallimiintii
howshan gacanta ku haysay oo iyaguba ka tirsan dadka ku nool
xeryahaasi oo markii ay arkeen inaan cidina u maqnayn iyaga
isku tashaday.
C/nuur
Xaaji Maxamed wuxuu igu yiri runtii macallimiintan howsha ay
qabteen ma aha mid aan filayay waa mid u baahan in cid kasta
oo anaga naga mid ah ay gacan ka gaysato, dadka soo bara
kacay ma aha inta badan hela gargaar hay’adeed iyo mid dadka
Soomaaliyeedba, waana midda hadda noo muuqata inay u sii
baxayaan inay isku tashadaan, dhowr mar ayaan arrintooda wax
ka dhahay waxana soo xasuustay gabay aan ka tiriyay dadka
soo bara kacay gaar ahaan anigoo ku halqabsanaya wiil yar oo
ka mid ahaa dadkaas soo bara kacay, gabaygaan wuxuu ku
qoranyahay luqada English-ka waxaan tiriyay 27-kii bishii
July sanadkii hore 2004 dhab ahaantii waxyaabo badan oo aan
tilmaamay ayaad moodaa in ay ka soo raynayeen markii aan
arkay caruur wejigooda ay qurux ka muuqato oo weliba dadka
soo barakacay ah oo helay waxbarasho haba iska
tabardarraatee, balse ay qaarkood wax qori karaan waxna
aqrin karaan, waxaana rajaynayaa in sanad kaddib ay suuro
gasho in aan aragno iyagoo helay qol dadan, miis iyo kursi
iyo sabuurad iyo macallin joogto ah oo waxbarashadooda u
heelan.
C/nuur markuu intaa yiri ayaan
ka codsaday bal in gabaygaa oo afka Soomaaliga loo badalay
in aan u soo bandhigno aqristeyaasheena si ay wax uga
ogaadaan dareenkaaga xilligaas eek u wajahnaa caruurta soo
barakacda, si wanaagsan ayuu iiga aqbalay, gabayga oo aad u
dheerna waxaa hal ku dhig u ahaa:
-
Isagu Waa Cunug
Soomaaliyeed Oo Soo Barakacay
-
-
-
Isagu
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Waa
agoon waana hoylaawe,
-
Faqriga
harkiisa ayuu ku nool yahay,
-
Wuxuu
wax ka cabaa, waxna ka fiiqsadaa qasacyo iyo qarshooyin
maran,
-
Waa
qashib qub baarte, Wuxuu ugaarsadaa haraaga raashiinka
la soo daadiyo,
-
Dariiqyaduu meereystaa, Waa tuugsade baqdintaana wehel u
ah,
-
Kuurmadaa naxariis u ah, Cidna ma daryeesho, cid walba
way ku xadgudubtaa,
-
-
-
Isaga
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Waalidkiisii dagaalkay ku dhinteen, Jacaylna ma yaqaan
saa lamaba jeclaane,
-
Nololna
ma yaqaan ileen maba heline,
-
ereyada
naxariista weligii ma maqal,
-
-
Isaga
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Indhihiisu waxay u cadcadyihiin sida muraayadda,
-
way
qalalnyihiin oo ilmo dhiig ah ayaa ka da’a,
-
waa
indho intaa goobaya wax u tura,
-
hadana
wax taakuleeya ma helaan,
-
-
Isaga
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Wuxuu u
ooyaa si dhibkiisa loo arko,
-
wuxuu u
ooyaa si uu daryeel u helo,
-
dagaal
oogeyaashuna wax aan xabad ahayn u ma hayaan,
-
Hay’aduhuna waxay u hayaan baaba iska yar,
-
baabuur
lagu waardiyaynayo uun bay ka dul salaamaan,
-
waa u
muusoodaan sawirna way ka qaadaan,
-
-
Isaga
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Weligii
fasal dadan oo wax lagu baranayo ma arag,
-
weligii
kuma qubaysan kumana saxaroon musqul dadan,
-
weligii
biyo nadiif ah tubo kama cabin,
-
-
Isaga
waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,
-
Lacag
ma haysto uu dhaqtar ugu tago,
-
laakiin
cudurka ayaa lacag la’aan ku arka isaga,
-
booqasho aan kala go’ lahayn ayuu ugu yimaadaa,
-
markaasuu siiyaa cirbado nafaqo darro ah,
-
Wuxuu u
qoraa hal doz oo oofmareen ah,
-
meel
aan ka fogayn waxaa ka qodan Qabri oo sugaya inuu labada
daan ku rito luqmada soo socota,
-
Markuu
cudurku ku daalo daawayntiisa wuxuu u gudbiyaa qabriga,
-
taasoo
la macno ah anigu waxba waan ka qaban waayee
-
ee bal qabriga haddii
uu wax ka qaban karo,
-
-
Wuxuu ku nool yahay
xanuun wuxuuna ku dhintaa xanuun.
-
Isaga waa cunug
Soomaaliyeed oo soo barakacay,
Saaxiibkeey C/nuur markii uu
dhammeeyay gabaygiisaan oo afka Ingiriiska ku qornaa isagoo
weliba ii sheegay in uu jecel yahay in gabayga si nuxurkiisa
uusan u dhumin loo daayo sida uu asaga u alifay, balse aniga
ayaa aad uga codsaday in macno ahaan Afsoomaali loo bedelo
si macnihiisa ay u fahmaan aqristeyaasha, taasina waa midda
keentay in aan gabaygiisii oo macno ahaan Af Soomaali ah aan
idiin soo bandhigo.
C/nuur intaa kaddib wuxuu yiri
“run ahaantii sannad ka hor ayay ahayd markii aan gabaygaas
tiriyay, sanad kaddib waxaan arkaa in isbadal uu jiro iyadoo
dhallinyaro iskood isku xilqaamay oo iyagu laftirkooda
dhinac kaga nool buushashka dadka soo barakacay ay u
istaagaan waxbarista caruurtooda inkastoo aan ka jeclahay in
guud ahaan dadka Soomaaliyeed inta awooda u leh ay howshaa
ka wada qayb qaataan iyadoo qof walba ay ku soo hagaagi
lahayd wax aad u kooban hadan runtii waa talaabo in la
gargaaro u baahan si wax qabadka dhallinyaradaasi u miro
dhalo, waxaana rajaynaa ayuu yiri saaxiibkay C/nuur in
sanadka soo socda aan wada aragno caruurtaasi oo wax ku
baranaya Iskuul dadan kursi iyo Miis iyo Sabuurad iyo
macallimiin maadooyin kala duwan u dhiga.
Intaa kaddib waxaan qalinka u
qaatay bal inaan daaha ka rogo sirta ka dambaysa abaabulka,
isu keenida, waxbarida iyo baraarujinta ardaydaa da’da yar
ee ku hoos nool buushashka duugoobay ee roobka iyo
dabayshuba aan iska celin karin, weliba waxaan ka xumahay in
qoraalka warbixintaydan uu ku soo hagaagay xilli magaalada
Muqdisho uu ka da’ayo roobkii xagaaga kaasoo ardaydii wax ka
baranaysay buushashkaasi ay dhammaantood banaanada
ciyaarayaan maadaama uusan roobka celinayn.
Muzamil Xasan Huudoow oo an nin dhallinyaro ah firfircooni
aad u badanna ay ka muuqato oo ka mid ah raga fara ku
tiriska ah ee go’aankaan taariikhiga ah qaatay ayaan is gaar
ah ula sheekeystay oo aan weydiiyay sababta ku dhalisay
barnaamijkaan qiimaha badan, wuxuuna igu yiri “dhab ahaantii
markii ay noo muuqan wayday is badal degdeg ah oo guud ahaan
dalka ku yimaada oo dadka soo barakacay u saamaxa inay ku
laabtaan deegaanadoodii ay ka soo qaxeen, markii aan arki
waynay dad gacan nagu siiya waxbarida iyo baraarujinta
carruurta ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee maalin
walba tiradooda kor u sii kacayso qaarkoodna ay dad waawayn
noqdeen iyagoo waxna qori karin waxna aqrin karin ayaan is
waraysanay innagoo dhowr ah kana mid ah dhallinyarada ku
nool xeryahaasi oo inteena badan ay wax noo bilaaban yihiin,
qaarkeen ay ku taxan yihiin masaajidada magaalada oo ay wax
badan oo cilmi ah ay ka kororsadeen qaarna ay wax ka bartaan
Iskuulaadka Private ka ah ee magaalada, is wareysigeenu
wuxuu guud ahaan ku taxaluqay nolosha dadka ku nool xeryaha
sidii wax looga badali lahaa, waxaan si gaar ah u eegnay
caruurta maalin walba ku soo kordhaysa xeryahaasi ee aan
haysan waxbarashada.
Maalin iyo labo iyo sadex iyo weliba todobaad markii aan is
waraysanaynay oo maalin walb hadalka meel ku xereynay ayaan
ugu dambayntii waxaan isla helnay in aynaan cidna ku tashan
oo aan inaga dhallinyaradeena ah aan carruurteena wax u
faa’iidayno, waxaan go’aankaasi qaadanay bishii Juun
sannadkii 2003 innagoo isla bishaas 12-keedii ku dhawaaqnay
urur aan ugu magac darnay Tabantaabo oo hadafkiisu yahay
waxbaridda iyo wacyigelinta caafimaadka xeryaha barakaca ee
Gobolka Banaadir, innagoo markaasi gudoomiye u dooranay nin
oday ah oo aad looga tixgeliyo xerada ku taal duleedka
warshadda Birta, halkaas oo ahayd bartii xudunta u ahayd
aasaaska ururka oo ku baahay markii dambe 28-xero oo ay
daggan yihiin dadka soo barakacay oo ku yaal guud ahaan
magaalada Muqdisho.
Markii aan go’aansanay in aan xooggeena iyo waqtigeennaba u
hurno caruurteena iyo walaalaheena aan waxbarashada marnaba
sugayn ayaan samaynay jadwal dhinaca macallimiinta ah iyadoo
qofku xilina uu soo xoogsanayo soona fushanayo danihiisa
gaarka ah waqti yar oo saacadihiisa ka mid ahna uu caruurta
ugu deeqayo aqoontiisa.
Muzamil oo
hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Ururka xubnihiisa maamulka
waxaan ka dhignay ilaa 7-qof, Macallimiinta ilaa iyo hadda
howshan samafalka ah iyo isxilqaamidda ah gacanta kula
jirtana waxay gaarayaan 32-macallin.
Muzamil oo isagu ah xoghayaha guud ee ururka Tabantaabo aya
wuxuu kaloo sheegay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee ardayda
u diiwaan gashan ururkooda ee ay ka sameeyeen 28-kaa xero
ee la sameeyay bishii Maarso ee sanadkan ay gaarayeen ilaa
1676-arday.
Muzamil wuxuu intaa ku daray laga soo bilaabo maalintii ay
bilaabeen dugsigii ugu horreeyay illaa maanta aysan jirin
cid iyo koox taageero soo gaarsiisay carruurtaas
Soomaaliyeed ee dhinac walba ka aradan, wuxuu ii xusay oo
keliya in ay jiraan arday qaarkood dugsi dhexe ama sare ama
heer Jaamacadba gaaray oo mararka qaar ugu yimaada in ay
waxbarista ardayda saacado ama maalmo gacan ka siiyaan.
Baahida ugu ballaaran ee taagan ee u baahan in wax laga
qabto ee aan ku soo arkay xeradaa dadka soo barakacay waxay
ahayd in marka ugu horreysa la helo dad isku xilqaama in ay
iskuulka ama dugsiga aan iraahdee ee carruurtaa dhigtaan loo
dado si ay dhaxanta, roobka iyo Qorraxdaba uga hoos galaan.
Muzamil oo arrintaa ka hadalaya wuxuu yiri “annagu wax badan
oo dhibaato ah ma sheeganayno waayo waaba qabatinnayba mana
rabno dadka in aan ku dhibno wax waydiisi waayo iyagii baaba
is gargaari waayay, waxaan saqirayaa in ay jiraan dad
Soomaaliyeed oo jecel mar walba inay gargaaraan waxna u
qabtaan dadka walaalahooda ah ee tabaalaysan, kuwaas ayaan
jeclaan lahaa in aan farriin aan culays badnayn aan
gaarsiiyo taasoo ah in aan carruurta yaryarka ah ee aan
gacanta ku hayno oo wax badano xaqa idinku leh aad u
hagaajisaan una dhistaan goobaha aan wax ku barno oo
xilliyada roobka aan marnaba duruusta la qaadan”.
Muzamil wuxuu I soo gaarsiiyay qoraal ay gacanta ku soo
qoreen oo ka kooban dhowr bog oo ay ku muujinayaan inta qol
oo xero kasta ku taal oo ay dugsi ahaan u isticmaalaan iyo
qiimaha ku bixi kara dugsi kasta marka loo istaago in la
dhiso (dhismuhu ma aha mid dhagax ah balse waa mid uun kor
laga dadayo oo la saarayo laamiyeeri haddii gacan wanaagsan
la helana dhinacyadanalaga hagaajiyo loona sameeyo albaab
laga galo).
Qorshahan oo aad u tifaftiran wuxuu ururka Tabantaabo ugu
tala galay inay noqoto dhowr weji oo kala duwan isagoo marka
ugu horreysa codsanaya in xerada 1-aad dugsigeed oo ay wax
ka bartaan 245-arday loo helo dhismo dagdag ah iyadoo weliba
xilligan lagu jiro xilligii xagaaga oo aysan ardaydu saani
waxbarashadooda u socon.
Xerada 1-aad dugsigeedu wuxuu ku fadhiyaa 8m2 wuxuu u baahan
yahay si guud ahaan loo dada dhinacyada iyo dusha sareba
ilaa 160-xabo laamiyeeri oo kiiba uu ku fadhiyo 60’000
sh.so. oo u dhiganta ilaa 4$, guud ahaan shay shay uma soo
qaadi karo waxyaabaha ku bixi kara dhismaha dugsiga xerada
1-aad balse marka laysku ururiyo iyadoo lagu darayo in
dhulka hoose ee dugsiga laga dhigo shamiinto oo uu guud
ahaan qarashku gaarayo ilaa 40milyan oo Sh.So. ah.
Hadaba guud ahaan mas’uuliyiinta ururka TABANTAABO oo runtii
markoodii hore qorshohoodu uusan ahayn in ay baahidooda soo
bandhigtaan balse tegistii aan tagay xeradooda oo aan u
sheegay in aan qorayo waxa aan goobta ku arkay dadkana u soo
bandhigayo baahida ka jirta goobta ayay igu waafaqeen,
iyagoo taa ka duulaya ayay codsi waxay u soo jeedinayaan
dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo
dibadda inay u soo gurmadaan wax ka qabashada dugsiyada
buushashka ee ay wax ku bartaan carruurta bara kaca ee ku
nool magaalada Muqdisho oo uu gacanta ku hayo ururka
TABANTAABO.
Ciddii gacan ka gaysanaysa arrintan waxay la soo xiriiri
kartaa tifaftiraha wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan
(Black) Mobile: 002521-505560,
NB inaa
cinwaankayga idiin soo gudiyo waa talo ka timid ururka
Tabantaabo maadaama aysan lahayn goob loogu soo hagaago.
E-mail:
abdulahiblack@hotmail.com
W/D: C/llaahi Maxamed Xasan “Black”
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 16, 2005
Xaflad Xirtaan Aqoon
isweydaarsi Xarunta Hodman Bosaso

06/10/05 Bosaso
waxaa maanta lagu soo
gabagabeeyay xarunta hodman ee magaalada Baosaso tababar
mudo 10 beri socday oo lagu baranayay Maamulka ururada &
hogaaminta, Tababarkaas waxaa loo qabtay ururka
dhalinyarada Hodman ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo
yaqaan HYEDA waxaana tababrkaas ka faa'idaystay 20
gabdhood oo katirsan isla ururkaas.
waxaa tababarkaas
maalgelisay hay'adda Unicef waxaana fulinayay NGO
Tadamun.
Xaflada Xiritaanka
Seminarkaas ayaa ahyad mid si wanaagsan loo soo
agaasimay waxaana ka hadlay Masuuliyiin kala duwan ay
kamid yihiin gudoomiyaha ururka dhalinyarada HYEDA Faisa
Maxamed Barre, Gudoomiyaha Ururka Hodman Relief
&Development Organisation. Drs Mahado Shiikh Axmed,
Madaxa Tababarada UNICEF Puntland Mr Max'ud Cali Yusuf,
Gudoomiyaha Golaha Hogaaminta Dallada PEN Siciid Cali
Faarax waxaana soo Xiray Tababrka Madaxa Tababarada
Dhalinyarada ee Tadamun Saadiq Axmed biixi.
waxaa tababare ka ahaa
Abshir Maxamud Maxamed & Xaliimo C/laahi.
Hodman Relief & Develoment Org
hodman2005@yahoo.com
Sanad
Guuradii Koowaad ee dhaarintii Madaxweynaha Soomaaliya oo la xusay
Sanad buuxa ayaa ka soo wareegay
markii C/llaahi yuusuf Axmad loo dhaariyay Xilka Madaxweynenimo haddaba...
Guji...
Wakiilka
Tigreega ee Ogaadeenya oo dafiray muwaadiniinta ku xidhan Hargaysa
Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo laga qaaday
dhawrsanaantii xildhibaanimo...
Guji...
C/llaahi
Sheikh Ismail: Hubka lagama mamnuucin dowladda
ee dagaal ooge ayaa loo diiday
waxaana sugeynaa hub kale oo kan Yeman ka badan...
Waraysi wasiirka arrimaha dibada.. |