TAYADA WAXBARASHADA SOMALILAND IYO MOGANAANTA ARDAYDA IYO WAALIDKABA
Saeed Fuuraa
Haatuf, South Africa.
somalilandjournalist@yahoo.com
Pretoria,
K/Africa, Waxbarashada Somaliland waa mid taariikh
ahaan kasoo jeeda macaahiidii islaamiga ahayd ee
dowladihii islaamka ahaa gaar ahaan dowladii
cusmaaniyiinta iyo masarba waana mid ku qontanta
hido facweyn. Qarnigii sagaal iyo tobnaad waxa
dowladii mustacmarada ingiriisku ay ka aasaastay
iskuuladii bud dhiga u noqday tacliinta soomaliland,
kuwaasoo taariikh lama iloobaan ah ka galay
waxbarashada soomaliland, waxaana xusid mudan
iskuulada, dayoxo, sheekh, iyo camuud, ayada oo
macalimiinta haatan waxka dhiga iskuulada
soomaaliland ay yihiin mid waxbarashadoodu kasoo
jeedo taariikhda waxbarasho ee faca weyn lehna tayo
iyo xirfad aad usaraysa oo lamid ah ta wadamada
horumaray ayaan badiyaa ardayda iyo waalidkuba ku
baraarugsanayn, qiimaha waxbarashada sababta oo ah
iyagoo u haysta in aqoonta taala dibaduhu ay ka
fiican tahay ta gudaha.
Humaaga beenta ah waxa uu cadaadaa marka ay ardaydu
usoo taca biraan
dibadaha si ay aqoon usoo korodhsadaan . Mudo yar
gudahoodaba waxa ay
ogaadaan mustawaha ay taagan yihiin iyo sida ay
qiimaha ulahayd waxbarashadii ay ku qaadan jireen
wadankoodii hooyo ee qiimo ahaan aad ugajaban tan,
taya ahaana runtii ardayda qaar ay ku doodayaan in
ay ka fiicantahay tan ay ku helaan wadamada
shisheeye, ayagoo udaliishanaaya Xirfada macalinka
reer Somaliland ee uu Eebe hibada usiiyay,
A/Rahman Mohamed waa mid kamid ah ardeyda
R.Somaliland ee wax kabarata Jaamacada weyn ee UNISA,
isaga oo iigawaramaya tayada waxbarashada Somaliland
wuxuu yidhi “Walaal uguhoreyntii aadbaad
ugumahadsantahey fursadan, run ahaantiina waxey
iitahey faraxtiweyn in aan ogawaramo ardey tirobadan
oo dalkii kusugan oo usoohanqaltaagaya in ey wadamo
shisheeye waxbarasho usoodoontaan, waxaan kamid ahaa
ardeydii waxkabaratey Somaliland kadib intii ey
xornimadeeda lasoonoqotey 1991kii, waxaan nasiibweyn
ii aheyd in aan kamidnoqdo ardeydii waxkadhigatey
Cabdulaahi Muuse Qaalib oo bixinjirey waxbarashada
dugsiga sare.” Ayuu yidhi A/Rahman, isaga oo
iitilmaamaya tayada waxbarashada Somaliland wuxuu
yidhi “Anigoon faanineyn humaag been ahna abuureynin
ayaa waxaan qabaa in Somaliland tacliin ahaan aad
uhorumarsantahey, 1992gii ilaa 1994gii ayaan
Machadka AIDAM ee Hargeisa waxaan kadiyaarinayey
Diploma ah Maamulka & Maareynta Ganacsiga (Business
Management), oo kakoobneyd maadooyin Maamulka
(Management), Suuqeysiga (Marketing), (Accounting),
Dhaqaalaha (Economics), Xisaabaadka Ganacsiga
(Financial Maths), markii aanu dhameysaney waxaa
kadhacey Somaliland dagaaladii ehlega ahaa ee
aakhirkii 1994kii kaqarxey Somaliland, markaa sidaan
usooheehaabayey Qaaradan Africa waxaan imid
K/Africa. Toban sano kabacdi, Sanadkii 2004kii ayaan
iskasajiley Jaamacada UNISA Bcom Informatics oo ah
bachelor Ganacsiga & IT (Information Technology) oo
lakulmiyey, maadooyinkii uguhoreeyey (modules) waxey
ahaayeen maadooyinka toban sano kahor aan Somaliland
kuqaatey” ayuu yidhi A/Rahman, “Weliba waqtigaa
meyjirin Jaamacadaha Somaliland maanta kajiraa,
markaa waxaa xaqiiq ah in selibiska Jaamacadaha
Somaliland uu lamidyahey kan Jaamacadahan wadankan,
keliya wadankeena weli lama ictiraafin manaqabo in
ey taasi carqalad weyn keeni karto, waxaa nasiibweyn
ah ardeyga maanta wadankiisii isagoo kusugan
waxkabaranaya.” Ayuu A/Rahman si hanweynaan ah
iigusheegey.
Waxaa figrada A/rahman mid lamid ah iyana laqaba
ardeyda uu kamidkayahey Mohamed Abdilaahi Muxumed oo
diyaarinaya Degree Dhakhtarnimo.
ARDAYDA
SOMALILAND IYO K/AFRICA
Sida ku xusan
warbixin uu sanadkiiba mar uu soosaaro machad
caalami ah oo la yidhaa IHE oo qiimayn ku sameeya
jaamacadaha aduunka, K/Africa waxay ka mid tahay
26ka wadan ee xaga waxbarashada aduunka ugu horeeya.
Waxa dalkan ka jira
23 jaamacdaood oo caalami ah oo ku kala yaala 9ka
gobol ee K/Africa ka koobantahay. Jaamacadahan ayaa
waxay kaalin muhiim ah ka cayaaraan horumarinta
dalkan iyo wadamada ku yaala Koonfurta Africa oo
xidhiidh dhow oo sokeeye la leh rugahan qadiimiga ah
ee waxbarasho.
Ardayda ka yimaada
wadamada Suuqa Dhaqaalaha Koonfurta Africa ee loo
yaqaan SADC oo ay kujiraan dalalka ay kamidkayihiin
Zimbabae, Zambia, Malawi iyo qaar kale ayaa had iyo
jeer ka hela K/Africa deeqo waxabarsho, kuwaasoo
haba yaraatee aanay helin ardayda ka timaada
wadamada kale ee Africa ama aduunka intiisa kale.
Inkastoo dad badan
oo reer Somaliland ahi wadankan ku dhaqanyihiin,
haddana ardayda reer Somaliland ee dhigata
jaamacadaha wadankan aad bay u yaryihiin. Waxa jira
sababo badan oo tacliin doonayaasha reer Somaliland
ka hor istaaga waxbarashada wadankan, waxaana ka mid
ah iyaga oo aan helin deeqo waxbarasho iyo iyadoo
shahaadooyinka Somaliland aan laga aqoonsanayn
dalkan.
Sida ku cad
xeerarka Hay'ada Dalkan u Qaabilsan Qiimaynta
Gelitaanka Jaamacadaha ee la yidhaa (Matriculation
Board), dadka shahaadooyinka ka haysta dalka Somalia
waa in ay soo maraan laba sano oo waxbarsho
jaamacadeed ka hor inta aanay codsan jaamacadaha
South Africa.
Balse ardayda ka
timaada Somaliland xaaladu sidaa way kagaba sii
adagtahay maadaama Hay'ada Marticulation Board-ku
aanay aqoonsanayn Jaamacadaha Somaliland. Sida ay ii
sheegeen ardayda reer Somaliland ee wax ka barata
magaalada Cape Town, dhib badan ayaa ka qabsada reer
Somaliland in ay jaamacadaha wadankan toos u galaan.
“Markii aan halkan
imid waxaan watay shahaado Somali laakiin way iga
diideen inay jaamacada si toos ah iigu ogolaadaan
taasina waxay igu kaliftay in aan raajiciyo oo aan
kuliyado yar yar galo” ayuu yidhi Nuradiin Sh.
Xuseen Cali oo rajeynaya in uu sanadka danbe galo
Jaamacad.
Badi ardayda hadda
wax ka dhigata jaamacadaha South Africa waxay ku
galeen shahaadoyin ay ka soo kala qaateen kuliyado
ay ka galeen wadamo kale, sida Kenya. Arday badan
ayaa iyana galay kuliyado (college) yar yar oo
wadanka ka jira oo bixiya shahaadooyin hal sano ah,
si ay taasi ugu fududayso gelida jaamacadaha
waawayn.
Inkastoo Somaliland
waxbarashadeeda ay aqoonsanyihiin wadamo dhowr ah oo
ay ka mid yihiin Kenya iyo Sudan, dalkan South
Africa weli ma aqoonsana. Ardayda wax ka barata
wadankan waxay taas u aanaynayaan iyadoon dawlada
Somaliland iyo wakiiladeedu toona aanay u kuur gelin
in ay arintan wax ka qabtaan.
“Dawladu waxay ku
marmarsootaa nalama aqoonsana, markaa
shahaadooyinkayaga lama aqoonsana, laakiin arintu
sidaa way ka gedisanatahay. Xaqiiqatan waxba
iskagama xidhna aqoonsiga siyaasadeed iyo ka
waxbaarsho. Kolba waxay ku xidhantahay is afgaradka
diblomaasiyadeed ee labada dhinac ee arintu
khusayso” ayuu yidhi Cabdifatah Ismaaciil oo Master
ah culuunta Town Planning ka diyaarinaya Jaamacada
Capeown (University of Western Cape).
Wuxuu intaa
raaciayay “Masalan, Kenya waxay aqoonsantay in
waxbarashada Somaliland aanay ka dhicin ta ka jirta
Kenya waxaanay u ogoshay ardayda reer Somaliland in
ay wax ka bartaan jaamacadeheeda iyadoon hadana
Somaliland u aqoonsanayn dawlad. Ku darsoo manhajka
Somaliland waa mid ay soo dejisay hay'ada caalimaga
ee qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada.
Markaa xukuumada marmarsiiyo u noqonmayso in ay
ardayda ku qanciso in ictiraaf la'aantu ay sabab u
tahay caqabadaha ka qabsada dibada markay waxbarsho
u raadsadaan”
Abdilkader Xusseen,
oo bachelor ah culuunta degaanka iyo biyaha ee afka
qalaad lagu yidhaa (Enviromental and Water Science)
ka diyaarinaya jaamacada UWC ayaa tilmaamay “in
aanay xukuumada Somaliland ku dedaalin in ay South
Africa kala hadasho arimaha waxbarashada siiba sidii
dawlada Mbeki ay u ixtiraami lahayd shahaadooyinka
Somaliland bixiso”.
Waxa jira waxyaalo
badan oo ardayda wadamada kale ka yimid u furan oo
ay ku geli karaan jaamacadaha sida khibrad ay ka
heleen meel ay hore uga shaqayn jireen ama
mudakarnimo xaga da'da ah oo la siiyo ardayda ka
wayn 23 jirka. Laga soo bilaabo sanadkii hore
dariiqooyinkani way ka xirnaayeen Somalida.
Ilaa hada ma jiraan
dedaalo cad cad oo dawlada Somaliland ka samaysay
sidii ardayda tirada badan ee awooda in ay dibada
wax ka soo bartaan loogu raadin lahaa aqoosni
waxbarsho. Dad badan ayaa dareensan in heesta geelu
kala horeyso oo hadda la gaadhay waqtigii dawlada
Somaliland ay u dhaqaaqi lahayd xaga xoojinta
aqoonta da'yarta.
Waxaa diyaariyey;
Saeed Fuuraa
Haatuf, South Africa.
somalilandjournalist@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 3, 2006