SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Mudane Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Heshiiskii Cadan

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ka soo noqday Wadanka Yaman oo uu heshiis kula soo galay Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta Hotel Grand Regency qado ugu sameeyey 33 xildhibaan oo ka tirasan baarlamaanka Soomaaliya. Qadada oo si farxad iyo rayn-rayni ku dheehan tahay uga dhacday hoolkii hadda ka hor ay xubnaha baarlamaanku ugu dagaalameen ayaa waxaa ka hadlay dhawr xildhibaan oo si qiira leh ugu nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay taageerada ay u hayaan heshiiskii ay dhowaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku magaalada Cadan ku gaareen. 


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...

“Waa maalin farxad weyn leh oo qiimo iyo qaayo gaar ah ku fadhida oo sanadka cusub si wanaagsan loola saan qaaday, waana inaynu dareenaa masuuliyadda inaga saaran wax ka qabashada dhibaatada dadkeena haysata” sidaa waxaa yiri Xildhibaan Xaaf oo intaa ku daray inay lagama maarmaan tahay inuu baarlamaanka Soomaaliyeed noqdo mid shaqeeya oo waajibaadkiisa guta. Xildhibaan Xaaf waxaa figradaas ku weheliyey xildhibaanadii maanta qadada ka soo qayb galay oo dhamaantood dareenkooda ku muujiyey baahida loo qabo inuu qabsoomo kalfadhigii baarlamaanku, si ay shaqadii qaran ee goluhu u hir gasho. Waxayna isku wada raaceen inay garab taagan yihiin go’aamadii heshiiskii Cadan, iyagoo tibaaxay inay ka war sugayaan goobta uu guddoomiyaha baarlamaanku isugu yeero. 

“Raad arooryo gadaal looma raaco, wixii tegey tage ee waa inaynu sida ugu dhakhsiyaha badan wakhtiga uga faa’iidaysanaa, inagoo isku ujeeddo iyo isku dan ah” ereyadaas waxaa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan oo isagoo hadalkiisa sii wata yiri: “Doorashadii aad aniga iyo madaxweynaha na doorateen iyo kalsoonidiina ayaanu heshiiskan ku gaarey, waadna ku mahadsan tihiin inaad nagu raacdeen” wuxuuna guddoomiyuhu intaa daba dhigay inay ciddii uu shaki ku jiraa iska saarto oo ay heshiiskaas taariikhiga ah soo dhoweeyaan, si ummadda Soomaaliyeed ee tabaalaysan loogu adeego. 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxu fagaarihii maanta ka caddeeyey inaan heshiiskii Cadan cidna lagu xumayn ee loo arkay inay danta ummadda Soomaaliyeed ku jirto oo baarlamaanka kala maqan la isugu keeno si ay aayatiinka ummadda uga arrimiyaan. 

“Marka aynu wax qabsano ayeey ee inagu is kaalmaysano ayeey daweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ina taakulaynayaan, caalamku inaynu wax qabsanay rabaan oo ay ina kaalmeeyaan, haddii aynaan wax qabsana cidi ina kaalmayn mayso” ayuu yiri Mudane Shariif Xasan oo shaaca ka qaaday in isu imaatinka baarlamaanku xildhibaanada ku xiran yahay, meeshii ay u bataana la isugu yeerayo. 

Guddoomiyaha oo ka hadlayey hanaanka uu baarlamaanku u shaqayn doono ayaa sheegay in sharciga la raaci doono oo dood dabadeed meesha uu codku u bato lagu wada shaqayn doono. Wuxuuna tibaaxay in loo baahan yahay in dagaalka la iska maanaco oo gacan ka hadalka wada hadal iyo heshiis lagu bedelo.  

Isagoo la dardaarmaya xildhibaanadii uu qadada u sameeyey waxaa hadaladii guddoomiyaha ka mid ahaa: “Waxaa nalaga rabaa midnimo, wada jir, Soomaalinimo, iyo wada shaqayn joogtaysan, baarlamaanku waa inuu waajibkiisa gutaa, oo horay loo socdaa si horumar la taaban karo loo gaaro” waxaa kaloo dardaarankii guddoomiyaha ka mid ahaa: “meeshii aynu is-nacaybka isugu hayney waa inaynu is-jacayl ku bedelaa, meeshii aynu qabyaaladda isugu haynayna waa inaynu soomaalinimo ku bedelanaa” wuxu kaloo xusay inuusan dagaal waxba tarayn ee loo baahan yahay in wada hadal wax kasta lagu xalliyo.  

Markii uu khudbaddii dhameeyey ayuu guddoomiyaha baarlamaanku mid mid ugacan qaaday xildhibaanadii qadada ka soo qayb galay oo dhamaantood muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin heshiiskii ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku Cadan ku gaareen. Wuxuuna guddoomiyuhu caddeeyey inuu baarlamaanka isugu yeeri doono ka dib marka uu baarlamaanka kala tashado halka baarlamaanku ku shiri karo, isla markaana uu raaci doono halka loo badan yahay. Wuxuuna xildhibaanada ku adkeeyey inay si deg-dega ah u soo xaadiraan madasha uu golaha isugu yeero. 

Wasaaradda Warfaafinta & Hanuuninta Dadweynaha
Xoghaynta Wasiir Dawlaha Warfaafinta
Jowhar/Somalia

Faafin: Hayadda Wararka Soomaaliya (SONA) - Jan 14, 2006

###

Ururka SCG oo ka dooday halka shirka Baarlamaanka DFKMG ah uu ka dhici doono.
Ururka Somali Concern Group oo xalay yeeshay kulan ballaaran oo looga doodayo sida ay suuro gal ku noqon karto in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kulmo... Guji.....


Wararka kale ee Maanta hoos ka akhri...

 

Daabaco Boggan | Print

 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


WARARKII MAANTA: JAN 14, 2006

  • Magacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey Mina ...

  • Dagaal u dhaxeeya ganacsade Abuukar Cadaani iyo Bashiir Raage..

  • Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad ka helay.

  • Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh magaalada Nairobi..

  • Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujiyey dagaalada ka socda qaar ka mid aha Gobalada dalka..

  • Shariif Xasan iyo Max’ed Dheere oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku …

Ogeysiis ku saabsan xaflad dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaaloobay waqooyiga Kenya.

Fadlan caawi oo ka soo qayb gal xafladdan dhaqaale loogu ururinayo Dadka Soomaaliyeed ee degan waqooyiga Kenya ee ku tabaaloobay abaaraha.

Goobta: Brian Coyle Center
420 15th, Ave S.
Minneapolis, MN
Goorta: Galabta Axadda ee January 15th, 2006 Saacadduna waa 05:30pm

Fadlan deeqda (donations) ku soo aadi
Northern Kenya Famine Fund
3430 Wells Fargo Bank,
University Ave SE
Minneapolis, MN 55414

Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan dhaqaale ururinta iyo xafladdana fadlan kala xiriir
www.thegcg.org 

Ali Mohamed 612-282-5435
Abdirahman Shire 612-226-9921
Maxmuud Nuur Wardhere mnwardere@yahoo.com


Magacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey Mina ...

            Wararka ka imaanaya dalka Saudi Arabia waxay sheegayaan in dad Soomaali ah ay ku geeriyoodeen is jiirkii iyo is riix-riixii ka dhacay halka lagu magacaabo Mina ee Magaallada Barakeysan ee Makah Al-Mukarrama. adka ku geeriyooday is riix-riixaasi waxaa ka mid ah nin si weyn loogaa yaqaanno Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Dirir Guuleed, waxaa kale oo ku geeriyooday nin magiciisa lagu sheegay Maxamuud Max’ed Sabriye iyo Cusmaan Cumar Qaasim, waxaa kale oo ku dhaawacmay illaa iyo 10-qofood oo Soomaali ah oo haatan jiifa Isbitaallada Makah.

Guud ahaan dadka ku geeriyoodya is jiirkani ayaa waxaa lagu qiyaasay 420-qof oo Xujey ah oo ka kala yimid daafaha Caalamka, waxaana la sheegay in tiradu ay intaa ka sii badnaan doonto. Ma aha markii ugu horreysay ee ay dad xujey ah ku geeriyoodaan halkaasi, waxaana sanadkii hore ku geeriyooday illaa 240-qofood oo Muslimiin ah.

Dagaal u dhaxeeya ganacsade Abuukar Cadaani iyo Bashiir Raage..

      Waxaa halka lagu magacaabo Galgalato oo dhowr km u jirta dekedda Ceel macaan ka dhacay dagaal u dhexeeyey kooxo maleeshiyooyin ah oo kala taageersan ganacsade Bashiir Raage Shiiraar iyo ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka fudud ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 5-ruux dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo lagu warramay in dadka waxyeelladu soo gaartay ay u badnaayeen kooxihii diriraray, maadaama dhulka ay ku dirarayeen uu ahaa dhul bannaan. Lama garanayo sababaha keenay dagaalkaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in labada Ganacsade ay isku heystaan dhul bannaan oo halkaasi ku yaaalla.

Odayaal ka tirsan labada beelood ee ka soo jeedaan labadan Ganacsade ayaa dadaal ugu jira sidii loo joojin lahaa dagaalkani, waxayna kulammo la leeyihiin Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaan.

Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad ka helay.

            Dowladda kenya oo iyadu horseed u aheyd dhismihii dowladda federaalka ayaa waxaa la sheegya in ay marti qaad u soo dhiibtay wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo kala ah Wasiirka Amniga Qaranka, Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, wuxuuna marti qadkooda la xiriiraa sidii ay Magaalada Nairobi kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda ugu sareysa dowladda oo kala ah madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekha Aadan iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo la filayo in todobaadkan gudahiisa ay isugu tagaan Magaalada Nairobi, Wasiirada Hubeysan ayaa la filayaa in laga dhaadhiciyo go’aamadii ka soo baxay heshiiskii dhex maray C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan, Dowladda Kenya ayaa iyadu waxaa ay dooneysaa in guud ahaan lasoo afjaro wixii khilaafaad ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka, iyadoo heshiis ahna ay dib ugu laabato dalka, Wasiirada Hubeysan ee Muqdisho ku sugan ayaa iyagu si dabacsanaan ah u soo dhaweeyey heshiiskii Cadan ku dhex maray Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, hase yeeshee, Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magalada Muqdisho ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey heshiiskaasi kuna tilamaamay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh magaalada Nairobi..

            Warar aanu ka heleyno saraakiil ku dhaw dhaw madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxey sheegayaan in madaxweynaha maalmaha soo socda uu soo gaari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la filayo in uu kulamo kula yeesho mar kale guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cali Max’ed Geeddi oo isna la filayo in maanta uu gaaro magaalada Nairobi.

            Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda ayaa kulankooda waxaa uu noqon doodnaa sidii ay iskula meel dhigi lahayeen qaabka ugu habboon ee ay xubanaha baarlamaanka isugu imaan lahaayeen, sidoo kale, waxey ka wada arrinsan doonaan sidii ay dowladda iskula jaanqaadi laheyd, maadaama ay heshiis magaalada Nairobi kuwada gaareen madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyah baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

            Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa inta ay joogaan magaalada Nairobi waxaa ay si wadajir ah ula kulmi doonaan dalalka deeqda bixiya iyo hay’adaha samafalka, ee ku sugan magaalada Nairobi si ay dowladda u hesho dhaqaale ay ku socodsiiso hawlaheeda iyo dib u dhiska dalka

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujiyey dagaalada ka socda qaar ka mid aha Gobalada dalka..

            Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee kala ah Dr. Ismaaciil Jimcaale, Gaashaan, Elman, Wanlaweyn, Khaliif Huudow iyo Hay’adda Dhowrista ,Hormarinta Soomaaliya (OSPAD),iyo SYRWA ayaa walaac ka muujiyeen dagaalada ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah Gobalada Dalka, gaar ahaan Gobalada Dhexe, gaar ahaan Muqdisho iyo Bakool.

            Hay’adahani waxaa ay ku tilmaameen dagaaladaasi kuwa xadgudub ku ah Shareecada Islaamka, Xuquuda Aadanaha iyo xeerarka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed, waxeyna hay’adahani ka codsadeen waxgaradka beelaha dagaalamaya in ay u guntadaan sidii loo dhameyn lahaa dagaalkaasi isla markaana hal qiimeyn ah ku sameeyaan wixii horumar ah ee laga gaaray dagaaladii hadda ka hor dhacay taasoo ay dhab tahay in natiijada ay noqoneyso khasaare.

            Waxaana qoraalada ay soo saareen hay’adahani ku saxiixnaa Maryan Xuseen Owreeye, Cali Max’ed Maxud, Eng. Siidow Xasan Mahdi, Eng. Suudaan Cali Axmed, Aweys Macallin,C/laahi Max’ed Cali.iyo Iraad Cali Shiirkh

Shariif Xasan iyo Max’ed Dheere oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku …

            Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi waxey sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} ay kulan albaabada u xiran yihiin ay ku yeesheen magaaladaasi.

            Kulankaan lama faahfaahin waxyaabihii la iskula soo qaaday balse warar ayaa waxey sheegayaan in guddoomiyaha baarlamanka loo soo jeediyey in uu yimaado magaalada Jowhar, taasi oo uu aqbalay. Warar kale ayaa waxey sheegayaan in guddoomiyaha uu sheegay in marka hore uu ku hormarayo magaalada Muqdisho kaddibna uu tagayo magaalada Jowhar.

            Waxaa kaloo guddoomiyaha laga codsaday in kulanka ugu horreeya uu ka dhaco magaalada Jowhar, wuxuuse sheegay in marka hore uu la tashi la soo sameynayo xubnaha dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

            Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kulamo gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha samafalka waxaa ay isla soo qaadeen sidii hay’adahaasi ay gacan u siin lahayeen dowladda federaalka isla markaana ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo waliba sidii gacan loo siin lahaa dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2006

Dayactir La'aan ku Dhacay mid ka mid ah Dugsiyadii Waxbarasha ee Muqdisho
Xaggee ku dambeeyey Dugsigii Hoose/dhexe ee Xamar Jadiid ee Degmada H/wadaag...
Guji.... Jan 13