SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Suufiyo wax ma Akhrido hadey Akhridona ma Fahamto... 

Magaca eebe iyo saliga nebega yaan ku bilaabey… 

Akhristow doodihi hore waxaan ku soo dhaafney suufiyo oo ku hungoowdey sidey u cadeyn lahaayeen waxay ku tuhunsan yihiin sh.Maxamed bin c/wahaab iyo kitaabkiisa (tawxiidka) taasaana kashiftey beyntuu ka dhaadhiciyey daxlaani iyana dadka ku akhriyeen waayada badan. Maantana waxaan halka idinka iftiimin, hadii eebe idmo, suufiyo aany wax akhriyin hadey akhridona aany fahmin iyo inaaney garaad u laheyn sidaa loo difaaco waxa ay aaminsanyihiin. 

Waxaan ka jaan qaadaya  kitaabka somaalidu u taqaan “manaaqibka” horena aan ka soo guuriyey laba beyt oo gaalnimo duuban ah oo laga sheego in uu yiri sh.c/qaadir jeylaani (rc) sida halkan ku dhigan [http://www.somaliatalk.com/2005/dec/24m205.html]. Maalmo kadibna waxaan halkan ku arkey laba jawaabood midi ka socoto aw Shafici midna suufigi ina garweyne aad horeba utiqineen. Laakin nasiib xumu labaduba waa seegeen jawaabtii aan sugaayey culimaduna  isku raacdey kuna habooneyd halkan oo kale in lasoo bandhigo, taasna waxaa ugu wacan cillada iyaga ku kooban aan horey u soo sheegney, marka intaanan daboolka ka qaadin jawaabta ku haboon bal aan taataabto horta waxey labada suufi kala dheheen. 

Shaafici wuxuu yiri :- Hadii aan aragtidaas ku eegno Tasawufka iyo Islaamka waxa eey yeelanayaan hal macno Tasawuf waa islam, islaamna waa tasawuf waxa aana filayaa qof kasta oo xaqiiqa raadis ah oo akhriyay kutubta culimda tasuwafka in uu natiijadaas mid la mid ah gaarayo. Laakiin hadana waxa jiro qolooyin kale oo isku sheego in eey yihiin Suufiyo oo si xun u isticmaalay tasawufka iyaga oo ka leexyay macnihhiisii saxda ahaa ee aan kur ku soo xusnay. 

Shaaficiyow culimada xaqiiqa raadiska ah  aad soo sheegtey waxaa ka midah ibn aljawzi (510H-597H). wuxuuna ku sheegey kitaabkiisa talbiis-ibliis in suufiyo khuraafo iyo halaag iyo mustalxad iyaga ku gaarah ey  kutubtooda ka buuxsheen wuxuuna  tusaale ahaan soo magac qaadey kutubta ugu waaween  oo suufiyo qortey:-

1-Alsunan / c.raxmaan alsalami, (2)-Lamac alsuufiya/ Alsaraaj (3)-Quut alquluub/Abudaalib almakki (4)-Xilyat alawliya/alasbahaani.laakin Intaba waxaa isku fuuqsadey kitaabka la magac baxey Bahgat al-asraar wamacdan al-anawar/Alshadnuufi almisri.Kitabkaas uu ku qorey in sh.c/qaadir leeyahey “qadamii haada cala raqabat kulu wali”.taaso micneheedu yahey cagteyda ayaa weli kasta qoorta ka saaran”.Marka shaaficiyow awliyada ilaahey anbiyadii waa ku jiraane sidaan u ammaana kutub waxaaso kale ka buuxaan.Hadalkaa hadaad iska tirina dee ilaah baad beri kala hor tegi hadii aad aqoon isbideyna  kama aqoon badnid raggi 1000 sano ka hor suufiyo muslinka uga digey.Kolka islaam iyo suufiyo kala daa maandhe .Sidaana laguma difaaco baadil ku yaal “Manaaqibka “ ee arag jawaabta culimada  kugu soo fool leh. 

Suufigi ina garweyne wuxuu yiri:- Xassaamul Caqaad oo wahaabiyada ka mid ah wuxuu kitaabkiisa (xalaqaad Mamnuucah"1")P25ku yiri:-"bidcada xalaqooyinka waxaa ka mid in uu qofka athkaarta akhrinaya sheekhu tirooyin u xadido, wuxuu leeyahay waxaad tiraahdaa LLaaIllaaha Illallaahu kun goor tusaale ahaan, ama Toban kun oo saligana Nabiga ah S.C.W.ama wax ka badan intaas oo dhan. 

Jawaabta waxaan u dhaafaya ibn-aljawzi iyo kitaabkiisa talbiis-ibliis wuxuu ku soo arrooriyey babaka “dam albidac wal mubtadiciin” in nin u yimi saxaabigi cabdulaahi bin mascuud (rc) kuna war geliyey in koox masaajidka salaadaa makhrib dabadeeda nin kamidi  ku dhaho intaas tasbiixsada, intaas takbiirsada intaana tahliilsada ,cabdilaahi bin mascuud (rc) ayaa ninki farey marka danbe aad ku aragto taa isoo war geli.Siddi baa ninki yeeley kolkaasu saxaabigii bin mascuud masjidkii tegey oo dadkii  dhahey: "waxaan ahey c/laahi bin mascuud illaah baan ku dhaartee waxaad la timaadeen bidco baadiya asxaabtii nebigana ma hadaad ka cilmi badateen waxaan idin leeyahey jidkii nebegi ku ekaada hadaad midig ama bidix u weecataana  waa lumeysaan". 

Hadaba ina garweynow hadlaka ninkaa aad la yaabtey halkaasu ka soo qaatey kagana deydey. Dee hadii aad isaga ku inkirtey oo gaalnimo ku sheegtey  hadan maxaad oraan c/laahi bin mascuud (rc), mise cabdillaahi bin mascuud (rc)  waa wahaabi?. Soomaaley Markaan idin lahaa suufiyo wax ma akhrido taasa ka mid ah.Akgristow maxey kula tahey in saxaabiga aan soo sheegney inkiraayey?.Hadii aan si yar kuugu jilciyo adanka maalin walba shan jeer lamaqlo kelmada  laa ilaaha ila allaahu waa ku jirtaa waxaana la yeedshaa mar qura  bal ka waran hadii qof ku celceliyo adanka dhamaadkiisa kelmadaa afar jeer, dabcan waxaad dhihi waa khalad waxaana khaladka keeney inaan nebigii laga dhaxlin saxaabadiina laga maqlin ee maaha micnahaagu laa ilaaha ila allaahu baa khaldan.sidoo kale ayuu ahaa saxaabiga sheekadiisa aan soo dhaafney sidoo kalena weeyaan sheekadan ina garweyne fahmi waayey…Horaan idiin dhahey suufiyo wax ma fahmto. 

Wuxuu yiri ina garweyne :- Intaan iyo in kale oo ka sii badan ayaa la isku hayaa oo wahaabiyo iyo islaamka kale dhex yaala.qofkii ka hadla wax ka sukeeyana waa qof caami ah oo aan aqoon u lahayn diinta iyo caqiidada wahaabiyada haduu doono ha ahaado wahaabi. 

Hadaba hadalkaa iyo suaalii ku saabsanaa caqiidada oo ka horeyeba  si yar oo fudud ayaan kaaga jawaabaya hadii eebe idmo. Maandhe  jawaabtooda ka baar kitaabka  (Alqunya) oo uu dhigey sh.c/qaadir jeylaani (rc)  iyo sida ku dhigan  kitaabka (Al ibaana)  oo uu dhigey  imaam ashcari (rc) . Sida labadaa sheekh qabaan ayaan aniguna qabaa. Sidoo kalena waxaa ila qaba ahlu sunna waljamaaca iyo salafkii hore iyo wahaabiyada la dulmey.Kolka ina garweynoq ma toosan yahey mise waa baadi  qofkii ilaah kala hortaga waxa ku dhigan labada kitaab aan soo sheegey?.Bal isu habar wacdoo suufiyoo idil, ha la idin ka helo jawaab shaafiya warwareeg laheyn oo ku kooban haa ama maya. 

Akhristow waxaan ku tusaaya in suufiyo aaney sh. c/qaadirna raacsaneyn imaam ashcarina racsaneyn.taana iga gunta. 

Mugga akhristow aan u gudbo nuxurkii jawaabta kitaabka “manaaqibka” oo labadan suufi ilaah ka indha saabey, aan daboolkana ka qaado jawaabtii ku habooneyd oo qof kasta oo muslini ku diirsan lahaa , waxaase ugu yaab badanaa labadooda kan yiri hadalka baadilka waa la tawiiliyaa oo cajaladaaba laga duubey,sheekadiisuna u egtahey  gabadhii tiri “naaska ina abtigey i qabtey waa hadba sidaan ka dhigto”. 

Culimada islaamku waxey isku raaceen in kitaabka la dhoho (manaaqibka)  sheikh c/qaadir  aanu shaqo ku laheyn waxeyna sidaa u dheheen wa mare ninka qorey waxaa ladhaha (ismaaciil alqaadiri alkeylaani) waxaana la qorey qarnigii 13 naad sh.c/qaadirna wuxuu dhintey qarnigii lixaad (561H) .tankale hadalkaas kama soo bixi karo qof caqli qaba ama diin aqoon u leh iskaba dhaaf inuu ka soo yeero sh. c/qaadir oo layaqaan wuxuu yahey.Taasna waxaa isku raacey culimada wahaabiyada ee ladulmey iyo suufiyada kunool dalkan Dubai markaan weydiiyey sidoo kale waxaan ka heley internetka. Hadalka culimadaas oo kale maxaa u diidey suufiyada soomaaliyeed ee culimada isu ekeysiiya?.ma caribidani aqoon? mise dadkey cilmi dhaamaan? Akhristow sow run maaha markaan lahaa wax ma akhriyaan hadey akhriyaana wax ma fahmaan.

Hadaba akhristow sow flaari ma maqna qofkii yiraahda caalim baan ahey  hadana aqoon iyo garaad midna  u laheyn siduu ceebta iyo beenta uga duwi lahaa culimada muslinka guud ahaan sh.C/qaadirna gaar ahaan!!.  

Tan iyo maalin danbe akhristow waxaan isku ognahey nabad eebe iyo naxariis…. 

C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
chango_58@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2006


»Mid ka mid ah kutubta wahaabiyada wax ku qoran. | Garweyne

»Somaalay  bal ila arka suufiyo?  | C.M.Cabdalle

»Mugdiga Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis| CM

» MAQAALKII WALLAYS: QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays

» QORAALKII GARWEYNE: Taariikhda wahaabiyada | Garweyne

» QORAALKII FAHAD: SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

» WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO?
Qaybta 1aad | Qaybta 2aad