SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»TAXANAHA DHAXALREEB... 2006.. Akhri (PDF)
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA JAN 24, 2006

  • Madaxweyne Olusegun Obasanjo “Waxaan Q/Midoobey u soo jeedinayaa in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka .”

  • Shariif Xasan oo Hay’adda UNDP ka dalbaday in in la dedejiyo..

  • Ururka Midowga AFrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya...

  • Hay’adaha Ismaaciil Jimcaale iyo Gaashaan oo cambaareeyey Dilalkii ka dhacay Muqdisho...

  • Dadkii saarnaa Doontii Burcada Looga Shakiyey ee ay qabteen Ciidamada Mareykanka oo la geeyey wadanka…

  • Xafiiska isku xirka Bulshada iyo Dowlada oo baaq u jeediyey

  • Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Maxwell Geylard oo maanta soo gaarey Deg. Garbahaareey. 


Madaxweyne Olusegun Obasanjo “Waxaan Q/Midoobey u soo jeedinayaa in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka .”

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ka furmay shirkii ururka Midowga  Afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika, waxaana khudbad ku furay Madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay is kaashato ayna wax ka qabato wadamada ay colaaduhu ka jiraan. Mar uu ka hadlaayay arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in soomaaliya ay ahatan ka jirto dowlad loona baahan yahay in Dowladdaasi ay dowladaha Afrika siiyaan, waxa uuna madaxweynuhu soo dhaweeyay heshiiskii ay Magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baalarmaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Mar uu shirkaasi ka hadlay Madaxweynaha wadanka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in deg deg Q/Midoobay cunaqabteynta hubka uga qaado Soomaaliya si ay u fudaadato in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada Afrika si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan kooxaha Soomaaliyeed ee carqaladda ku aha nabadgelyada Soomaaliya, Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamad la soo taago kooxaha carqaladda ku ah nabadda Soomaaliya, waxaa la filayaa in ururka Midowga Afrika uu ka codsado Qaramada Midoobey in Soomaaliya si deg deg ah cunaqabateynta hubka looga qaado si ay Soomaaliya u galaan ciidamo nabad ilaalin ah, maanta ayaa la filayaa in go’aamo ay ka soo baxaan ururka Midowga Afrika go’aamo la xiriira arrinta Soomaaliya, maanta ayaa lagu wadaa in madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu hadalo ka jeediyo shirka Midowga Afrika. 

Shariif Xasan oo Hay’adda UNDP ka dalbaday in in la dedejiyo..

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shalay Magaalada Nairobi kulan yeeshay madax ka socotay Hay’adda UNDP waxayna isla soo qaadeen arrimo fara badan oo la xiriira sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen abaarta sii baahaysa ee ka jirta qaar ka mid ah Gobalada dalka, sidii Hay’adda UNDP ay u labalaabi lahayd mashaariicda ay ka fulineyso Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxa uu ka dalbaday Hay’adda UNDP inay dedejiso mushaarka xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay hay’adaasi horey u balanqaaday in ay mushaar siin doonto xildhibaanka Baarlamaanka.

Hay’adda UNDP ayaa joojisay in ay wax mushaar ah siiso Dowladda Federaalka ilaa la soo afjaro khilaafka u dhexeeyay xubnaha Dowladda, waxaana la filayaa in Hay’adda UNDP ay markaa bixin doonto mushaaraadkii xildhibaanada Baarlamaanka maadaama la soo gunaaday khilaafkii xubnaha labada Gole ee  ku kala sugnaa Muqdisho iyo Jowhar.

Ururka Midowga AFrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya...

Wasiirada arrimaha dibadda ee Ururka Midowga Afrika ayaa kulankii ay ku yeesheen Magaalada Khartuum waxay ka soo saareen qaraar qabyo ah oo la xiriira in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya.

Qaaraarkaan ayaa maanta la filayaa in si aad ah uga doodaan Maadaxweynayaasha ururka Midowga Afrika, iyadoo qaraarku uu sheegayo in Q/Midoobey looga baahan yahay in ay gacan ka gaysato sidii Maxkamad loo soo taagi lahaa ragga hor taagaan nabadgelyada Soomaaliya.

Koox aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa horay uga codsaday Q/Midoobey iyo ururka Midowga Afrika in la dedejiyo sidii loo sameyn lahaa Maxkamad la hor keeno shaqsiyaadkii dambiyada dagaalka ka galay Soomaaliya mudadii 15-ka sano ahayd ee Dowlad la’aantu ka jirtay Soomaaliya.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u  doonaya dadka dambiyada ka galay Soomaaliya oo Maxkamad la soo taagayo.

Hay’adaha Ismaaciil Jimcaale iyo Gaashaan oo cambaareeyey Dilalkii ka dhacay Muqdisho...

Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa waxey cambaa-reyneysaa dilalkii loo kala geystay marxuumiinta kala ah, Gaashaanle Salaad Cali Dhoore {Tima-jilic} oo 20-kii January lagu dilay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho wuxuuna marxuumku ka mid ahaa ciidamada Cirka Soomaaliyeed, Col. Max’ed Xasan Max’ud {Caddaawe} oo 21-kii January lagu dilay waddada Terabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, waxeyna hay’addu sheegtay in marxuumku uu ka mid ahaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxey Hay’addu cambaareyneysaa dilkii loo geystay Marxuum Cali Xaaji Max’ud {Cali-weyne} oo 21-kii bishan lagu dilay deegaanka Galgalato ee degmada Kaaraan, wuxuuna marxuumku ka mid ahaa ciidamada Xooggaa Dalka Soomaaliyeed, waxeyna Hay’adda Ismaaciil Jimcaale ay sheegay in dilalka loo geysanayo saraakiisha ciidamada Soomaaliya ay geystaan kooxo maleeshiyo ah taasoo ay tilmaantay in ay xadgudub ku tahay Shareecada Islaamka, Xeerka Soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo baaqa Caalamiga ah qodobkiisa saddexaad oo leh qof walbaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado Nabad iyo Xoriyad, waxaana warsaxaafadeedkani ku saxiixnaa guddoonka xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda aadanaha Marwo Maryan Xuseen Owreeye.

Dhinaca kale, hay’adda Xuquuqda Adanaha ee Gaashaan ayaa waxaa ay cambaareyneysaa dagaalkii Ahliga ahaa ee ka dhacay tuulada Dacdheer 22-kii bishan, dagaalkaas oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, waxaana sida hay’addu ay tilmaantay dagaalkaasi uu ka mid yahay dagaalada Bulsho layska ah ee ka aloosan deegaano ka mid gobalada goballada Mudug iyo Galgaduud kaasoo u dhaxeeya beelaha Sacad iyo Suleybaan.

Waxaana hay’addu ay sheegtay in ay ka xun tahay wax qabad li’ida siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha halkaasi wada dega iyagoo caadeystay bey tiri in ay shir hal saac iyo ka yar isugu yimaadaan hoteelada Magaalada Muqdisho ayna soo saaraan qodobo ka sheekeynaya heshiis la gaaray, waxeyna hay’addu dowladda federaalka mas’uu-liyiinteeda ugu sarreysa ka codsaneysaa in ay soo kala dhex galaan beelahaasi kor aan ku soo xusnay.

Waxaana warsaxaafa-deedkaasi oo ka soobaxay Hay’adda Gaashaan xafiiskeeda Muqdisho ku saxiixnaa guddoomiyaha Hay’adda Cali Max’ed Max’ud.

Dadkii saarnaa Doontii Burcada Looga Shakiyey ee ay qabteen Ciidamada Mareykanka oo la geeyey wadanka…

Iyadoo maalintii doraad ahayd Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen kooxo looga shakiyey burcad badeed soomaali ah oo soo afduubtay Markab ayaa raggaasi haatan waxaa lasheegay in la geeyay saldhig Mareykanku ku leeyahay dalka Baxreyn halkaas oo lagu weydiinayo su’aalo la xiriira howlihii looga shakiyey ee burcad badeedka ah ee ay ka wadeen badda Soomaaliya.

Saxaafadda Mareykanka ayaa shalay si aad ah u hadal- haysay raggaasi, iyadoo Saxaafadda qaarkood ay soo bandhigeen raggaas oo katiinadeysan kuna sugan Markab Dushiisa.


Doonta ay qabteen ciidanka Maraykanku...

Isha:  AP /US Navy, Kenneth Anderson)

Sawirka waxa uu muujinayaa Markab Maraykan ah (USS Winston S. Churchill) oo sabtidii  Jan. 21. 2006 cayrsanaya dooni looga shakiyey burcadnimo taas oo mareysey badweynta Hindiya, waxaa doontaas lagu qabtay 26 nin oo hadda su'aalo la weydiinayo (16 dadkaas doonta saaraa waa Hindi, halka10 ay yihiin Soomaali). Doontaas waxaa lagu qabtay meel xeebta Soomaaliya u jirta 54 miles.

Kooxaha burcad badeedka ah ayaa mudooyinkaa-nba ku soo badanaya xeebaha Soomaaliya kuwaas oo dhibaato xoog leh ku haya Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa samafalka, iyagoo sanadkii hore markab kuwa dalxiiska ah ee laga leeyaha dalka Mareykanka uu si dirqi ah kaga fakatay kooxahaa burcad badeedka ah.

Xafiiska isku xirka Bulshada iyo Dowlada oo baaq u jeediyey

Shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta Xafiiska isku xirka bulshada iyo Dowladda uuna shir guddoominayay guddoomiyaha xafiiska Mudane Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku haatan marayo iyo dhibaatooyinka ka jira dalka sida cudurada, abaaraha iyo dagaalada.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib guddiga waxa uu baaq u soo jeediyay beesha caalamka in Soomaaliya lala soo gaaro gargaar bini’aadannimo oo deg deg ah.

Guddigu waxa uu soo dhaweynayaa go’aankii ay gaareen Baarlamaanka iyo Xukumadda ee  ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar ee lagu taageerayay heshiiskii Cadan.

Guddigu waxa uu walaac ka muujiyay dilalka gaadmada ah ee maalmahan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho, waxayna u soo jeediyeen kuwa wada in ay ka waantoobaan, guddigu waxa uu soo dhaweynayaa heshiiskii ay gaareen beelah walaalaha ah ee ku dagalaamaya gobalada Mudug iyo Galguud, Guddigu wuxuu kalloo aad uga xumaaday dagaalada ka soo cusboonaaday qaybo ka tirsan dalka, wuxuuna u soo jeediyay waxgaradka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii dagaaladaasi loo joojin lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Maxwell Geylard oo maanta soo gaarey Deg. Garbahaareey. 

Xiriiriyaha guud ee gargaarka Soomaalia Maxwell Geylard iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray degmada Garbahareey ee gobolka Gedo. iyagoo ka soo kictamay magaalada Waajid ee gobolka Bakool oo maalinimadii shalay ay soo gaareen. 

Maxwell Geylard iyo xubnaha wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Xubno ka socda DFS, Saraakiil ka socota hay’adaha samafalka iyo wariyeyaal ka socda warbaahinta caalamka ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Degmada Garbahareey, ayaa waxay kulamo layeesheen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi iyo waxgaradka deegaankaasi. 

Wafdigan ayaa islamarkiiba waxa ay u gudbeen dhowr tuulo oo ka tirsan degmada Garbahareey oo ay ka mi yihiin Tuulo Barwaaqo, Meykaareebeey, Daableey iyo kuwo kale oo mudooyinkaan ay ka jireen abaaro kulul oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi. 

Gudoomiyaha degmada Garbahareey Gaarane Nuur Max’uud oo waxyar ka dib aan kula xiriirney khadka telefoonka ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdigaan ay la xiriirto ui kuurgalida xaaladda abaar ee ka taagan gobolka Gedo iyo sidii gargaar bani aadnimo loola gaari lahaa dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee gobolkaasi. 

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Maxwell Geylard ayaa ah kii ugu sareeyay oo ka socda hay’adaha samafalka oo mudo ku dhow todobo sano soo booqda gobolka, iyadoo socdaalka wafdigaan uu ku soo beegmay xilli gobolka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada. 

Xasan Cabdi Keynaan
Baardheere.
keynaan270@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2006

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kulan Ku Yeeshay Garoonka Jomo Kenyatta
»Shaar-Guduud & Madoobe oo codsi u gudbiyey Shariif Xasan
»Xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho oo sii Xumaaneyso..
»Magaallooyinka ku tartamaya kulanka Baarlamaanka..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.... Guji... Jan 23

Baydhabo oo laga yaabo in ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka..
»Labo Sarkaal oo lagu  dilay Magaalada Muqdisho....
»Reer Baydhabo oo farriin gaarsiiyey Shariif Xasan..
»Barre Hiiraale oo soo saaray Wareegto...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 22

Maalinta xoriyadda Saxaafadda Soomaaliyeed oo laga xusay Muqdisho