SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


WARARKA JAN 25, 2006

  • Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo qoraal u gudbiyay Qaramada Midoobey ...

  • Eng. Max’ed Xuseen Caddow oo kulan la yeeshay Raiisul wasaare...

  • Shirkii Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobey ka codsadey in soomaaliya...  

  • Guddoomiyaha Baarla-maanka oo laga dalbaday in soo dedejiyo ku dhawaaqista.

  • Wasiirka Ow-Qaafta iyo arrimaha Diinta iyo Xujey lasocotey oo ku ....

  • Suleymaan Colaad Rooble oo u soo jeediyay Beelaha ku dagaalamay...

  • Timothy Chromley “Soomaaliya  goobo ka mid ah waxaa lagu daadiyey Sawirka Bin L aadin

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo qoraal u gudbiyay Qaramada Midoobey ...

Iyadoo Ururka Midowga Afrika uu Qaramad Midoobey ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ayaa haddana Siyaasiyiin Soomaaliyeed waxay qoraal u gudbiyeen Qaramada Midoobey oo ay kaga dalbanayaan in Qaramada Midoobey aysan ogolaalin cunaqabateynta hubka in laga qaado Soomaaliya.

“Haddii Soomaaliya laga qaado cunqabateynta hubka waxay keeneysaa in Soomaaliya ay sii gasho dhibaatooyin hor leh ay ka bilwodaan dagaalo sokeeye” ayay ku yiraahdeen qoraalkooda, waxay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay qaarkood u ololeenayaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka.

Sanadkii hore markii Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaare ka soo noqday Dowladdii Carta uu Qaramada Midoobey u soo jeediyay in Soomaaliya aan laga qaadin cunqabateynta kaddib markii uu sidaasi codsaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf mar uu booqanayay cariga Mareykanka kana qaybgalayay shirkii sanad laha ahaa ee Qaramada Midoobey.

Wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr in haddii Cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay keeni karto in Dowlado shisheeye ay soomaaliya ka fushadaan wixii ay doonaan isla markaana uu dib u soo cusboonaan doono dagaalkii sokeeye,

“Qaramada Midoobey waxaa la gudboon in ay bilowdo mashaariic ay hubka kaga dhigayso kooxaha maleeshi-yaadka ah” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr. 

Eng. Max’ed Xuseen Caddow oo kulan la yeeshay Raiisul wasaare...

Xildhibaan Max’ed Xuseen Caddow oo haatan ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxa uu kulan kula yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyagoo isla soo qaaday xaaladda uu dalka haatan marayo iyo heshiiskii ay Cadan ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa ayna labadoodub heshiiskaasi ku tilmaameen mis soo gunaanadi kara khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka, kaas oo ay sheegeen in uu hakiyay hor u socodka Dowladda.

Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan goob kasta oo lagu qabto kulanka ugu horeeyay ee Baarlamaanka si howlihii Baarlamaanka ay dardar u galaan.

Eng. Max’ed Xuseen Caddow ayaa inta uu ku sugan Gobalka Hiiraan waxa kulamo la yeelan doonaan waxgaradka Gobalka Hiiraan oo ay isla soo qaadi doonaan sidii Gobalku uu ula shaqeyn lahaa D/Federaalka.

Shirkii Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobey ka codsadey in soomaaliya...  

Maalintii shalay ahayd ayaa madaxda Ururka Midowga Afrika waxa ay soo saareen go’aan ah in Q/Midoobey ay si dhaqsi leh cunaqabateynta uga qaado dalka Soomaaliya, si Dalka Soomaaliya u galaan ciidamo nabad ilaalin ah oo la shaqeeya Dowladda Federaalka.

Inkastoo Ururka Midowga AFrika uu isku raacay arrinaas haddana su’aasha la weydiinayo waxay tahay Qaramada Midoobey ma ogolaan doonaataa in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, iyadoo la og yahay in hub aad u fara badan uu ku soo qulqulayo iyadoo Cunaqabeyntu saaran tahay, isla markaana ay dala fara badan oo geeska Afrika ka mid ah ku xadgudbeen cunaqabteyntaas.

Wadamo fara badan oo Afrikaan ayaa iyagu ugu yaboohay Soomaaliya in ay u soo dirayaan ciidamo, waxaana ka mid ah dalalkaas Nayjeeriya, K/Afirka, Suudaan, Uganda iyo Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa isagu horey u sheegay in ay diyaariyeen ciidamaada ugu badan ee loo dirayo Soomaaliya si ay dib ugu soo celiyaan dalka Soomaaliya xasilinoodii iyo nabadgelyadii.  

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo laga dalbaday in soo dedejiyo ku dhawaaqista.

Iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin waqtigii loo qabtay Golaha Baarlamaanka ayaa haddana Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa soo gaaraya fariimo fara badan oo lagaga dalbanayo in la dedejiyo goobta lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Inkastoo ay u tartamayaan magaalooyin fara badan haddana Magaalooyinka qaarkood waxay sheegeen in ay adag tahay in waqtiga yar ee ka haray kulanka Baarlamaanka aysan isku diyaar karin gaar ahaan hoolkii lagu shiri lahaa iyo waliba Hoteeladii ay degi lahayeen. 

Magaalooyinka ugu cad cad waxaa ka mid ah Baydhabo oo la sheegay in haatan ay ka socdaan howlo diyaar garow ah, sidoo kale waxaa iyana ka mid ah Kismaayo iyo Balcad, iyadoo Guddoomiyuhu uu ku dhawaaqi doono Marka uu Madaxweynuhu ka soo laabto shirka.   

Wasiirka Ow-Qaafta iyo arrimaha Diinta iyo Xujey lasocotey oo ku ....

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdiso dib ugu soo laabtay Wasiirka Ow-Qaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Max’ed Maxamuud (Cumar Finish) iyo xujey uu hogaaminayay kaddib markii ay sanadkaan soo guteen waajibaadkii Xajka.

Wasiirka intii uu ku sungaa dalka Sucuudiiga waxa uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sucuudiga oo ay ila soo qaadeen arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo sidii Sucuudigu uga qaybqaadan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sanadkaan Soomaaliya waxaa ka xajiyay in ku dhow 10-Kun oo xujey ah oo ka kala tagtay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana maalmahan shirkadaha diyaaraduhu ay soo dabaalayeen xujeydii sanadkaan soo xajisay.

Intii uu socday Xajka waxaa ka dhacay shir aad u fool xun oo ay ku geeryoodeen in ku dhow 400 oo xujey ah kaddib markii ay is riixriixeen mar ay gudanayeen dhagax tuurka, waxaana Soomaaliya shilkaas kaga geeryooday ilaa iyo 6-ruux.

Dowladda Sucuudiga ayaa waxa ay qorsheyneysaa in ay sameyso buundo aad u weyn mar kale looga badbaado shil noocaan oo kale ah oo ka dhaca inta uu socdo xajku, waxaana ku baxaysa lacag gaareysa Hal Bilyan oo Doolar, waxa uuna mashruucaan socon doonaan mudo saddex sano ah.

Suleymaan Colaad Rooble oo u soo jeediyay Beelaha ku dagaalamay...

Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibanada beelaha Jareer-Weyne ay ka qaybgaleen waxgarad, Odoyaal, Culuma’u-diin iyo Nabadoono ka tirsan Beelahaasi ayaa waxay baaq nabadeed u ugu soo jeediyeen beelaha walaalaha ah eek u dagaalamaya gobalada dhexe, waxay kalloo u soo jeediyeen in beelahaas looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan heshiiskii dhawaan ku dhex maray Magaalada Muqdisho. 

Xildhibaan Suleymaan Colaad Rooble oo ka qaygalay kulankaasi ayaa waxaa kalloo uu sheegay in kulankaasi looga hadlay in iyana ay dagaalka ay joojiyaan beelaha ku dagaalamaya Gobalka Bakool, Kismaayo iyo Muqdisho ayna khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, sidoo kale waxa uu u soo jeediyay Hay’addaha samafalka in ay garaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta ku sii baahaysa guud  ahaan dalka.

Baaqyo nabadeed ayaa soo gaaraya beelaha ku dagaalamaya Gobalada Dhexe iyadoo kuwii ugu dambeeyay ay ka soo gaareen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha oo iyagu u soo jeediyay in ay labadaasi beelood ay si ficil ah uga dhabeeyaan heshiiskii ay Magaalada Muqdisho ku gaareen todobaadkii hore.

Timothy Chromley “Soomaaliya  goobo ka mid ah waxaa lagu daadiyey Sawirka Bin L aadin

General Timothy Ghormley oo ah taliyaha hawl galka ee ciidamada  Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaaday in waddanka Soomaaliya ay ka ugaarsanayaan xubno ka tirsan ururka Al-Qaacidda, wuxuuna sheegay Jeneraalku in gudaha waddanka Soomaaliya ay ka eeg eeganayaan xubanaasi. “Al-Qaacidda waxaan ku guuleysanay in aan ka tirtirnay waddamada Afgaanistaan iyo Ciraaq, haraagooduna waxey doonayaan goobo kale oo ay ku fakadaan hase ahaatee, waabn ognahay xaqiiqada ka jirta goobaha argagixsada ee Geeska Afrika sida Soomaaliya oo kale” ayuu yiri, Timothy Chormley oo la hadlayey wariye ka tirsan telefishinka CNN-ka oo la socda ciidamada Mareykanka ee xeebaha Soomaaliya ka sameynaya hawl galo ay ku sheegeen in ay ku sifeynayaan Al-Qaacidada Bariga Afrika. Jeneraalku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aysan ka jirin dowlad dhab ah hadana ay ku xoogan yihiin Al-Qaacida iyo kooxaha kale ee argagixisada ah, wuxuuna xusay jeneraalku cabsi ku jirta Al-Qaacidada Soomaaliya in ay ku meer meereysayaan gobalada Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay jeneraalku in sawirada Usaama Bin Laadin ay warbixin ku heleen in lagu qeybiyey magaalooyin ka tirsan gudaha Soomaaliya. Hadalka Jeneraalka uu ka sheegay warbaahinta reer Galbeedka ayaan aheyn tii saxda aheyd waayo wili waxaa socda dagaalkii Ciraaq iyo kii Afgaanistaan, iyadoo koonfurta Afgaanistaana ay haatan gacanta ku hayaan ururkii Daalibaan iyo Al-Qaacidda, sidoo kalena waxaa Ciraaq lagu leynayaa askarta Mareykanka, waxaase la yaab leh in jeneraalku aanu magacaabin halka Soomaaliya looga qeybiyey sawirada Usaama, hase yeeshee, waxaan maalmahaan dhagaheena ku maqleynay guuxa diyaaradda AC130 oo iyadu si aad ah ugu soo dhawaaneysa maagaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2006


Xisbiga Muxaafidka oo ku Guulaystey Doorashadii Canada... DaawO Video (CBC)

Midowga Afrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad
la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya iyo Warar GooGoos Akhri.. Jan 24