SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Barnaamijkii Radio Xoriyo
 
Ciidammada gumaysiga oo dad rayad ah waxyeelleeyay.
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
 Shir Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay dalka Sucuudi Careebiya.
 
Addis Ababa: Booliska oo dad laayay .
 
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Farriin & Mahadnaq ay soo direen gabdhaha CWXO).
 
======================   
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo lagu yaqaano inay ku gadoodaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya marka lagaga itaal-roonaado goobaha dagaalka, ayaa dhibaatooyin kala duwan soo gaadhsiiyay dadwayne ay tiradoodu gaadhayso 110 qof. Ciidammada gumaysigu waxay dadkaas ku gadoodeen, ka dib markii khasaare ba’an loogu gaystay dagaal aaggaas ka dhacay.
 
Ciidammada Wayaanaha ayaa bisha Janwari 15-dii ku xareeyay magaalada Wijiwaaji dadwayne 110 qof dhan, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala duwan u gaysteen, isla markaana qaarkood la dhaceen qoryaha soodhkooda, qaarna ay jajabiyeen, waxayna halkaas dhaawacyo halis ah ugu gaysteen 30 qof oo dadkaas ka mid ah.
 
Dadka dhaawacyada halista ah loo gaystay waxaa ku jira carruur yaryar oo da’doodu ayna labo sano ka waynayn. Dadka soddonka ah ee dhaawacyada khatarta ah soo gaadheen waxay kala yihiin;
 
1-    Axmed Cabdi Qani Khaliif
2-    Tamaam Cusmaan Sulub
3-    Maxamed Cabdi Gaade
4-    Xuseen Cabdi Gaade
5-    Cabdi Axmed Guure
6-    Maxamed Kaahin Suleyman
7-    C/lahi Cabdi Cilmi
8-    Sh maxamed Mursal
9-    Kaadi Yusuf Cumar
10- Waydaar Maxamud Adan (Guddoomiyihii Deg Wajiwaji)
11- Xiirte Xasan Dhakhtar (wiil 4 sano jir)
12- Amiin Axmed Haadi (wiil 2 sano jir)
13- Axmed Ibrahim Cabdinur
14- Axmed Dayib Dicin
15- Axmed C/lahi Qodax
16- Axmed Cumar Haayir
17- Sacad maxamud Yusuf
18- Amina Cabdi Qani
19- Sooc Maxamud Iidaan
20- Suleekha Xasan Dhakhtar
21- Nasteexo Dalaq Axmed
22- Axmed Haadi Cabdi Qani
23- Tamaam Cisman Weli
24- Bishaaro Dalaq Axmed
25- Mawlid Sahal
26- Axmed Cali Faarax
27- Shukri Suyan
28- Axmed Xasan Dhakhtar
29- Tusmo Maxamed
30- Cabdi Madoobe
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa guamysiga Itoobiya, kuwaasoo khasaare lixaad leh loogu gaystay ciidammada dulmi-wehashadka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
14/01/06 dagaal ka dhacay Qamuuda, oo u dhexaysa Wardheer iyo Shilaabo, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
15/01/06 Dagaal ka dhacay Wijiwaaji, oo 65 km woqooyiga ka jirta magaalada Qabridahare, waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari.
 
17/01/06 Waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya dagaal mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Wijiwaaji, waxayna halkaas kaga dileen inta la ogyahay 25 askari. Waxaa kaloo khasaare lixaad leh la soo gaadhsiiyay qalabkii millatari ee ciidammadaas iyo xeradii ay dagganaayeen.
 
15/01/06 Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa dagaal mir ah ku qaaday saldhigga ciidamada Wayaanaha ee magaalada Dhagax-madow, waxayna halkaas kaga dileen 15 askari , waxay sidoo kale khasaare wayn gaadhsiiyeen saldhigga Wayaanaha.
 
17/01/06 Cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa jidka u galay kolonyo baabuur ah oo cadowgu leeyahay oo marayay meesha lagu magacaabo Jaleelo oo 25 km woqooyiga ka xigta magaalada Wardheer, waxaana halkaas cadowga lagaga dilay 25 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 63 askari. Kolonyadan baabuurta ah oo u socday magaalada Wardheer, waxaa sidoo kale halkaas lagaga burburiyay hal baabuur.
 
Shir Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay dalka Sucuudi Careebiya.
 
Markii ay bisha Janwari 15-ka ahayd waxaa waddanka Sucuudi Careebiya lagu qabtay shir ballaadhan oo lagaga hadlayay arrimaha Ogaadeenya.
 
 
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenay ee dalka Sucuudi Careebiya, waxaana ka soo qayb galay dadwayne badan oo Soomaalida Ogaadeenya ah, kuwaasoo ka kala yimid dalal kala duwan, isla markaana dalka Sucuudi Careebiya gudahsda xajka.
 
Dadka shirkan ka qayb qaatay waxay ka kala yimaadeen dalalka ay ka midka yihiin Ogaadeenya, Soomaaliya, Kenya Maraykanka, Australia, Koonfur Afrika iyo dalal Yurub ka mid ah.
 
Shirku wuxuu ergooyinkii kala duwanaa ka dhagaystay warbixino al xidhiidha arrimaha Ogaadeenya. Ergadii ak socotay dalka Ogaadeenya ayaa si fiican uga warbixisay xaaladda uu sugan yahay dalka Ogaadeenya iyo heerka uu marayo halganka ay JWXO hormuudka ka tahay ee ka socda Ogaadeenya.
 
Shirkan wuxuu si wayn uga dooday arrimo badan oo saamayn ku leh qadiyada Ogaadeenya iyo halganka ay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ugu jiraan aaya-ka-talintooda, waxaana ka soo baxay go’aano wax-ku-ool ah.
 
Addis Ababa: Booliska oo dad laayay .
 
Booliska xukuumadda Itoobiya ayaa ugu yaraan hal qof dilay, 33 kalana dhaawacay, ka dib markii uu rasaas oodda kaga qaaday dad isugu soo baxay xaflad diineedka lagu magacabo Timkat, oo ay sannad walba xilliganoo kale dhigtaan daddka haysta madhabta Ortodhagsiga ee diinta masiixiga.
 
Dadkii xafladdaas isugu soo baxay ayaa halkaas ka muujiyay sida ay ga soo horjeedaan siyaasada xukuumadda Zenawi, waxayna ku dhawaaqeen hal-ku-dhagyo xukuumadda lagaga soo horjeedo, arrintaas ayaa keenya in booliska Zenawina uu rasaas miciinsado.
 
Wubishet Solomon oo 16 jir ah oo halkaas ku dhaawacmay ayaa yidhi; “Xaqiiqdii ma garanayo sida wax iigu dhaceen. Balse waxaa labo mar I toogtay booliska oo xabbadna caloosha igaga dhuftay, mid kalana cunaha igaga dhuftay”.
 
Bannaanbaxyada xukuumadda Zenawi lagaga soo horjeedo ayaa mar kale dib uga billowday nawaaxiga Addis Ababa labadii maalmood ee la qabanayay xafladda Timkat oo kala ahaa 19 iyo 20 Janwari.
 
Ciidammada Oromiya oo guulo ka soo hoyiyay kuwa gumaysiga
 
Ciidammada Xoreynta Oromiya OLA ayaa hawlgallo millatari oo ay ku ku fuiyeen ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay cidammada gumaysiga Itoobiya kaga dilen 11 askari, waxayna ka furteen 7 qori AK ah.
 
 
OLA, oo ah garabka millatariga ee ururka OLF, ayaa sheegay inuu 13/01/06 dagaal uu la galay ciidamada Itoobiya kaga dilay 6 askari, 4 kalana kaga dhaawacay. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhare oo ka tirsan gobolka Ginir. Waxay kaloo dagaalkaas ku furteen 7 qori oo AK ah, sidaas waxa sheegay raadyaha Oromada ee VOL.
 
17/0106 waxay sidoo kale OLA weerar ku qaadeen ciidamada ee fadhigoodu yahay Dhadacha Tokicha oo ka mid ah gobolka Goro, waxayna ka dileen 5 askari, waxay sidoo kale weerarkaas kaga dhaawaceen 1 askari.
Toddobad ka hor waxay ciidammada OLA dib u riixeen ciidammo isugu jira Itoobiyaan iyo SPLA oo ka soo weeraray dhinaca Suudaan.
 
Radio Xoriyo
 24 January 2006
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2006


Xisbiga Muxaafidka oo ku Guulaystey Doorashadii Canada... DaawO Video (CBC)

Midowga Afrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad
la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya iyo Warar GooGoos Akhri.. Jan 24