SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

 
Puntland iyo Kuweyt Halkee Isaga Eeg yihiin.

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya


Dalka Kuweyt oo ah dal ku yaala gacanka carbeed , laguna tilmaamo dalalka aduunka ugu qanisan kaydka badroolka aduunka 15% ay ku jiraan laguna qiyaaso 95 Bilyan oo foosto, ayaa  labadii todobaad ee aynu ka soo gudubnay waxaa ka socday jaahwareer siyasaadeed  ka dib markii uu geeriyoodey amiirkii wadankaasi 15 bishan aynu ku jirno taas oo ahayd muran siyaasadeed oo aan hore u soo marin.

 
Markii uu geeriyoodey amiirka dalka kuweyt 15 bishan Shiikh Jaabir Al-axmed Jaabir A-sabaax  ayaa waxa markiiba lagu dhawaaqay in uu xilka amiirnnimada dalkaasi la wareegay Dhaxal sugihiisii Shiikh Sacad Al-cabdullah Saalumu A-sabaax, hasa yeeshee waxa markiiba soo baxday in aanu amiirka cusubi  hawlaha dalka kala wadi Karin caafimaadkiisa oo aad uliita awgii.
 
Waxaana markiiba shir ay yeesheen reer Al-sabaax badankoodu go’aan ku gaadheen in aanu amiirkan cusub xilka sii wadi Karin, dalkuna ka maarmin xubin firfrcoon oo caafimaad qabta in ay hogaanka u qabto, waxaana markiiba ishu qabatay raysal wasaaraha dalkaasi Shiikh Sabaax Al-axmed Al-jaabir A-sabaax oo ay walaalo ahaayeen amiirkii hore ee geeriyoodey.
 
In kastoo amiirkan bukay qoyskiisa oo reer Saalim la yidhaahdaa diideen in amiirka la casilo , iskuna dayeena in uu golaha baarlamaanka ee dalka Kuweyt u dhaariyo xilka, hadana arintaasi may dhicin , golaha baarlamaanka ee dalka Kuweyt waxay dhamaantood isku raaceen in amiirka dalku Shiikh Sacad Al-Cabdallah Saalumu A-sabaax buko  , sidaasi daraadeedna xilka laga wareejiyo, sidaas ayuu marka  dalkii kuweyt amiir cusub oo caafimaad qaba loogu caleema saaray kaas oo noqday Shiikh Sabaax Alaxmed al-Jaabir A-sabaax, markii golaha wasiiradu u magacaabeen.
 
Caafimaadku waa wax ilaahay bixiyo, cudurkuna waa wax jira oo waxaa la yidhaahdaa shaydaan baan bukoon, qofkasta oo bani aadam ahi waa bukoodaa waana caafimaadaa, waana qaddar eebe, qadartana in la aamino ayaa waa jib ah oo waxa ku toosaya iimaankaaga.
 
Haddaba  Puntland oo ah maamul goboleed faqiir ah oo Soomaaliya oo aan xukuumad hana qaaday ka jirin ka dhex qotoma  iyo Kuweyt oo qofka muwaadinka u dhashay sanadkii ay soo gasho 30kun oo dollar   isaga shabbahaan ama isaga eeg yihiin?.
 
Kuweyt markii la ogaaday in hogaankii ugu sareeyey ee dalka hagi lahaa buko isla markaana hawlihii dalka aanu kala maarayn Karin, markiiba waxa laga gaadhay go’aan labada dhinac ba dan ugu jirto , kaas oo noqday in amirkii bukayna la nasiyo, amiir caafimaad qabaana dalkii hogaamiyo.
 
Haddaba sida aynu la socono tan iyo markii la doortay hogaanka cusub ee puntland muddo haatan laga joogo sanad iyo maalmo, marnaba socdaalka caafimaad ee hogaanka puntland ma kala go’in , sanadkaasna in ta uu madaxweyne Cadde dalka joogay waa tirsan tahay.
 
Waxaana dhacda had iyo jeer safarradaas dhaadheer ee caafimaad raadinta in ay ka  dhashaan loolan siyaasadeed oo ka dhex aloosma xubnaha xukuumadda ee kala fikirka ,aydolojiyada, iyo danaha kala duwan xanbaarsan, taas oo shacabka had iyo jeer ka dhiga  kuwa dhibaato ka soo gaadho loolankaas.
 
Waxa kale oo ka dhashay iyada oo ay hakad galaan go’aanadda deg dega ah ee kala haggida hawlaha iyo danaha shacabka iyo siyaasadda dawlad goboleed kuwaas oo noqda kuwo had iyo jeer dib u dhac ku yimaado.
 
Waxaa iyana soo baxaysay maalmahan ugu danbeeyey muran ku saabsan sidii hawlaha qaarkood loo maareeyey intii uu madaxweynaha puntland Safaradda Caafimaadka ugu maqnaa dibadda, kuwaas oo u dhexeeya hogaanka sare ee dawladda, waxyaalaha laysku hayaana ay u badan yihiin dhinaca dhaqaalaha iyo hawl socodsiinta.

Hogaanka puntland laf tarkiisu ma mooga xilka weyn ee uu huwan yahay, munaasabadii cidul  Adxaa madaxweynaha puntland waxa uu maagaalada Boosaaso fagaaraha dadku ku tukanayeen khudbad uu halkaa ka jeediyey ku sheegay , in muddooyinkan danbe uuba  hawlo caafimaad xilka intuu hayey ku dhamaystay, loona baahan yahay in ay shacabka reer puntland wax la qabtaan.


Cadde Muuse oo maalintii Ciida (Jan 10, 2006) la hadlayey Saxaafada...
Dhegeyso Khudbadii Cadde Muuse

Amuuraha kale ee iyaguna soo shaac baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale haddana dib loo dhigayo isku shaandhayntii golaha wasiirada oo mudadii sanadka ahayd dib loogu dhigay caafimaadka hogaanka, hadana safar caafimaad jiro kaas oo bishan dhamaadkeeda dalka jarmalka mar labaad dib ugu noqonayo Hogaanku.

 
Dhacdooyinka sidan oo kalena had iyo jeer waxa ka Faa’iideysta waa musuqmaasuqa iyo kuwa had iyo jeer lunsada hantida dadweynaha ,oo aan helin cid la xisaabtanta, wax kasta dib loogu dhigo, waxaana jirtay in golaha wakiiladu hore laba todobaad uu u siiyey madaxweynaha ,  ayna mudo hore dhamaadeen.
 
Sida haddaba ka dhacday Kuweyt inkasta oo aanay jirin Hogaan ama gole codsanaya in hogaanka la tayeeyo muxuu amuurtan distoorka Puntland ka qabaa?.
 
Qodobka 56aad xil luminta M/weynaha iyo ku xigeenkiisa ee distoorka Puntland fiqradiisa koowaad waxa ay lee dahay. “Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa xilka laga qaadi karaa markii golaha wakiiladu ku oggolaado cod 2/3 meelood oo shaqsi ,sinnaan ,toos iyo qarsoodi ah markii lagu soo eedeeyo khiyaamo qaran,xil gudasho la’aan,ku xadgudubka distoorka iyo faldanbiyeed culus oo xeer ilaaliyaha guud soo hordhigo golaha, goluhuna ku qanco.
 
Inkasta oo distoorka Puntland qabo qodobkiisa 55aad fiqradiisa afraad “Hadii uu madaxweynuhu…., xilka waayo ama iscasilo , xilkiisu waxa uu ku wareegayaa madaxweyne ku xigeenka inta mudada ka hadhay” haddana Puntland qiimo weyn u samayn mayso qofka xilka qabanayaa kuudoonaba ha ahaadee, waxa manta bulshada Puntland u haraadan tahay Hogaan gudan kara xilkiisa, si aan sannadaha hadhay inooga lumin ,waxaana haboon in halka wasiiradda culayska laga saaryo loo baahan yahay in hogaanka sare laga tashado sidii loo tayey siin lahaa, waayo horaa loo yidhi haddii qalbigu hagaago jidh intiisa kalena waa hagaagaan.
 
Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2006


 Khudbadii Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer Puntland

Hadaba marka wax ay khaldamaan ayaa bulshada waxaa caado u’ah in la eedeeyo masuulka markaas meesha ugu sareeya oo qura, ee aan eeda xitaa lala wadaajin kuwa masuulkaas ka hooseeya. Puntland oo awalba la daalaa dhacaysay maamulxumo iyo cadaalad xumo baahsan sidii loo dhisayba, ayaa shacabku waxay uhanqaltaagayeen isbedel dhan walba leh inay arkaan kadib karkii uu doorashadii ku guulaystay madaxweyne Cade Muuse janaayo 8, 2005. Nasiib xumo ma dhicin in wax isbedelaan sababo dhawr ah dartood.Tan hore mudane Cade oo doorbiday intuu dawlad cusub uu soo dhisi lahaa, bal inuu wakhti siiyo dawlada markaas jirtay oo badidoodu ay wakhti yar oo kooban xilka hayeen sidaa darteedna wuxuu codsatay inuu lix bilood ugu daro wasiiradii hore si loo arko wax qabadkooda . Guji