SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Khudbadii Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer Puntland

Osman Ahmed Sheekh

isxaaq@yahoo.com

Janaayo 13, 2006


Bismillaah, waxaa in dhawayd shucuubta ku nool degaanada Puntland hareeyey maamulxumo baahsan oo saamaysay dhamaan hay’adaha Puntland oo idil.

Hadaba marka wax ay khaldamaan ayaa bulshada waxaa caado u’ah in la eedeeyo masuulka markaas meesha ugu sareeya oo qura, ee aan eeda xitaa lala wadaajin kuwa masuulkaas ka hooseeya. Puntland oo awalba la daalaa dhacaysay maamulxumo iyo cadaalad xumo baahsan sidii loo dhisayba, ayaa shacabku waxay uhanqaltaagayeen isbedel dhan walba leh inay arkaan kadib karkii uu doorashadii ku guulaystay madaxweyne Cade Muuse janaayo 8, 2005. 

Gen. Cadde Muuse oo ku Guulaystey MDGPL
Doorashadii madaxweynaha DGPL oo lagu qabtay Garoowe ayaa martay saddex wareeg.. Qaabkii codadka loo helay
ka Akhri halkan.... Jan 8, 2005

Nasiib xumo ma dhicin in wax isbedelaan sababo dhawr ah dartood.

Tan hore mudane Cade oo doorbiday intuu dawlad cusub uu soo dhisi lahaa, bal inuu wakhti siiyo dawlada markaas jirtay oo badidoodu ay wakhti yar oo kooban xilka hayeen sidaa darteedna wuxuu codsatay inuu lix bilood ugu daro wasiiradii hore si loo arko wax qabadkooda . 

 Waxaa kaloo dhacday in madaxweynuhu uu xanuunsaday kadibna uu safar  dalka dibadiisa ugu amba baxay, taasoo si fiican ay usoo muuqatay maamul xumida ka taagan degaanka Puntland. Ma lihi madaxwaynuhu waxba ma qaban, waliba waan ucudurdaarayaa maadaama uu madaxweynuhu xanuunsanaa in mudo ah oo isbitaal ku maqnaa. Waxaan qabaa in hada iyo wixii ka dambeeya aan fiirino wax qabadka dawlada.

Waxaan kaloo rabaa inaan bulshada xasusiyo in wax qabadku uusan ku koobnayn oo qura madaxweynaha balse inta ka hoosaysa iyana laga sugayo inay waajibkooda gutaan, inkastoo ay u umuuqdaan wasiirada badidoodu kuwo  ka soo dhalaali waayey waajibkoodii .

Waxaan wax yar ka xusi karnaa  madaxweyne Cade wax qabadkiisa inaan idinka xasuusiyo dawladoo jirta bilo kooban in la bilaabay dhismaha golayaasha degaanka ee degmooyinka ay Puntland ka kooban tahay oo qaarkood ay goor horeba hawl galeen, halka kuwo kalena ay jidka ku soo jiraan inkastoo khaladaad badan iyo cabashooyinba ay jiraan meelo ka mida Puntland sida Gaalkacyo oo cadaalad xumo baahsan laga soo sheegayo ayna ugu dambaysay cabasho ay gudbiyeen beelaha qaar oo ku saabsan sidii loo qaybiyey golayaasha degaanka, iyadoo shacabka Gaalkacyo awalba ay la il daraayeen maamul xumo baahday. 

Waxaan dhagaystay khudbadii qiimaha lahayd ee madaxweyne cade uu maalintii Ciida ka jeediyey Boosaaso, taasoo runtii ahayn khudbad ay ka muuqatay daacadnimo iyo isku kalsoonaan madaxweynaha hadaladiisa laga dhadhaqan san karay. 

Waxaan qabaa dhibaatada maamul xumo iyo cadaalad xumo ama aanba isku mataaneelee maamul xumo waxaa daba socda xadaalad xumee, waxaa loo baahan yahay in qof kasta oo ka soo jeeda degaanka Puntland  dal iyo dibadba ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa maamul xumida baahday oo waliba gaartay hay’adihii lagu tirinayey inay wax ka qaban karaan ee garsoorka. 

Waxaan aad uga naxay mar uu  madaxweynaha ka hadlayey qiso ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ah meesha ugu liidata maamul ahaan iyo cadaalad ahaanba degaanada Puntland, mana aha hadal la iska yiriye waa xaqiiqda ka jirta magaalada Gaalkacyo oo dal iyo dibadba laga ogyahay. Madaxweynuhu wuxuu yiri waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacday in qof masuula oo shaqaale soo qor la yiri meel looga baahnaa 40 qof oo shaqqle ah uu soo qoray afartan masuulkaas ku jifo, qaraabo iyo xidid  la ah, uusan dadkii kale ee degaanka hal ruux xitaa uga darin. Runtii waxaan oran karaa madaxweyne Cade aad ayuu ula socdaa qaska iyo maamul xumida ka taagan gaar ahaan maamulka Gaalkacyo. 

Gaalkacyo waa magaalada kaliya ee Puntland oo maamulka degmadu uu xukunka hayo hal masuul 15 sanno ku dhawaad. Waxaan qabaa maamul cadaaladeed oo magaaladaas Gaalkacyo loo sameeyana inay tahay dhib weyn oo horyaala madaxweynaha  maadaama aad moodo inay ka aasaasmatay magaaladaas wax lagu tilmaami karo (Boqortooyo aan la ridi Karin in laka dhaxlo mooyee). Waxaan qabaa suulinta maamul xumida ka jirta Gaalkacyo waxay tusaale unoqon kartaa degaanada kale ee Puntland. 

"Waxaan Idinka Ballan Qaadayaa in aydan Magbixin oo Qofkii qof dilaa Ladilayo"
Gen. Cadde Muuse oo Ka Hadlay Munaasabadii Salaada Ciida iyo wafti ka kala socda DFKMG iyo Koonfur Afrika oo tegey Bosaso Guji. Jan 20, 2005

Qof kasta oo degaankaas Gaalkacyo booqda markii aad ka waysato wuxuu kaaga sheegi maamul xumo, nabadgalyo xumo. Waxaan qabaa maamul xumida ka jirta Puntland kala bar inay ka jirto Gaalkacyo barka kalena Puntland inteeda kale waxaana looga gudbi karaa waa shacabka oo gacan buuxda siiya madaxweynaha dhistana maamul aqoon leh kuna fakaraya horumarka degaanka ee aan mudnaanta siinayn horumarka beesha masuulkaas uu ka soo jeedo oo qura. Waa in lala xisaabtamaa kuwa caadaystay inay hantidii dadweynaha daaro dhaareer ka jeexdaan xumahana aan ka xishoonayn. Waa in canshuurta dadka laga qaado lagu horumariyaa degaanka ee aan hoteelo lagu dhisan ama baabuur quruxbadan lagu iibsan. Shacabku waa inay la xisaabtamaan masuuliyiinta oo aysan indhaha uun ka fiirsan. 

Bal is bar bar dhig Boosaaso oo aan idaacahaha ka maqlaynay maamulka degmada oo dhisay aargo ah astaanta laga soo galo Boosaaso ama looga baxo , taasoo aan oran karo waxaa majaraha uqabtay masuul ku fakaraya horumarka iyo bilicda magaalada iyo Gaalkacyo oo aan dakhli ahaan ka dhicin Boosaaso oo aan lagaba aqoon laguna fakarin wax horumar ah, maamulka Gaalkacyo ka jirana  waxaa uu ka fakaraa oo qura waa horumarkiisa iyo dhisida daaro dhaadheer oo uu yeesho waxaana taas cadayn u’ah hotelka quruxda badan oo laga dhisay canshuurtii reer  Gaalkacyo ee dadku uyaqaan hoteelkii Doonta. 

Nin reer Boosaaso oo arkay hoteelkaas ayaa markii loo sheegay milkiilaha hoteelka ayaa yiri boowow anagu hadaanu reer bari nahay wixii aan bulshada ka xadno jeebkaan ku ridanaa oo fulaynimo awgeed ma soo saari karo, boowe reer mudug aa geesi oo xoogaagii ay bulshada ka qaateen waakaas oo dalkii quruxdiisii ayey ku bileen isagoo ku tilmaamaya indha adayga reer muduga iyo xoolaha dawlada oo ay xadaan oo ay daaro ku dhistaan taasoo runtii nasiib daro ah in shacabku ay canshuurta iska bixiyaan, balse aysan la xisaabtamin maamulka degaankaas meeshii ay martay iyo wixii lagu qabtay toona canshuurtii laqa qaaday shacabka. Waxaan is weydiiyay shacabka ma waxaysan aqoon ulahayn wax yaabaha lagu qabto canshuurta laga qaado, mise cabsi ayaa ugu wacan inaysan la xisaabtamin kuwa ku tagri falaya xoolahoda.


Cadde Muuse oo maalintii Ciida (Jan 10, 2006) la hadlayey Saxaafada...

Waxaa la iisheegay mar dhalinyaro udhalatay degaanka mudug oo maamulka degmada weydiiyey canshuurta ay qaadaan waxa ay ku qabtaan, masuulkii degmada wuxuu ku jawaabay waxaan ku qabanaa nabadgalyada magaalada. Waxaa wax lagu qoslo ah Gaalkacyo oon nabad galyadeeda wada ognahay inuu maamulku sheego inay wax kaga qabtaan  nabad galyada, waxaa isweydiin mudan meeqa ayey boqolkiiba ku bixiyaan nabadgalyada, maxaase kale oo lagu baxshaa dhaqaalahaas faraha badan ee ka soo gala gegida dayuuradaha Gaalkacyo oo diyaarado dhawr ahi kasoo degaan  iyo kuwo kale oo badeeco dalka dibadiisa udhoofsha. Canshuuraha farah badan ee laga qaado kala gadashada guryaha oo ah dakhliga ugu badan ee soo gala maamulka dalwada hoose maxaa lagu qabtaa iyana. Gaalkacyo waa magaalada labaad ee ugu dakhliga badan marka laga hadlayo maamulka Puntland waxay ku xigtaa magaalada dekada ah ee Boosaaso. 

Hadaba dhibkaas baaxada leh ee ka jira meel kasta oo Puntland ah haba usii kala badnaadeene, ma waxaa laga rabaa inuu wax ka qabto madaxweynaha oo qura mise waxaa loo baahan yahay in shacabku ay gacan ku siiyaan madaxweynaha hawlahaas culus ee horyaala. Iga raali ahaada hadaan meel walba ku soo cel celiyo madaxweynaha, waayo haatan iima muuqdo masuul kale oo uheelan wax ka qabashada arimaha degaankaas Puntland dawladuna waxay umuuqataa mid marakan madax ka nool ah, mustaqbalka yeelkeeda. 

Hadaba aan  uduceeyno madaxweynaha oo aan rajaynayo inuu yahay shakhsi  hadii alle uu la garab galo wax ka qabanaya dhibkaas iyo dibu dhacaas Puntland ay haadan ku sugan tahay. 

Waxaan kaloon madaxweynaha kula talin lahaa in uu xilka ka qaado masuuliyiinta magaca uun huwan een wax qabadka lahayn, wax qabadkooduna aysan dhaafsiisnayn beesha ay markaas ka soo jeedaan wax uqabadkeeda  ama inay dhacaan wax umada ka dhexeeya. Waxaan amaan gaara usoo jeedin lahaa madaxda fara ku tiriska ah ee hawlahooda ka soo dhalaalay intii madaxweynuhu uu hawlaha caafimaad ku maqnaa. Ma doonayo inaan magacaabo oo bulshadoo idil waa ila garanaysaa wasiiradaas. 

Waxaan aniga iyo inta horumarka jecelba qabnaa in isku shaandhaynta madaxweynuhu aysan noqon mid isimada lagala tashado ee ay noqoto mid aqoon uu ku soo xusho madaxweynuhu wasiiradiisa oo aqoontu ay mudnaan unoqoto, sidoo kale waxaan qabaa aqoon yahan balwad leh oo wakhtiga intiisa badan balwadiisa mashquul ku ah inaadan xulan ama aqoon yahan maskaxdiisu ay san dhaafsiisnayn horumarka beeshiisa isna iska ilaali dadku waa is yaqaan waa nin qaran iyo nin qabiil. 

Inkastoo madaxweynaha dadka qaarki ay ku sheegaan inuu yahay nin jilicsan, aniguse waxaan qabaa inay wali deg  deg tahay inaan ku sheegno jileec iyo ad adeeygtoona maadaama markii la doortayba uu inta badan xanuunsanaa, sidaa darteed wixii hada ka dambeeya ayaan ogaan karaa masuuliyada madaxweynaha mar haduu caafimaaday anigoo waliba ku kalsoon inuu si haboon uwajihi doono hawlahaas dhibka badan ee hor yaala. 

Ugu dambayn waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa hadaanu nahay shacabka Puntland ee ku nool dibada in dhismayaasha golayaasha degaanka ee Puntland oo qaarkood ay shaqo galeen qaarna dhisidooda ay wali muran ka taagan tahay cadaalad daro loo qaybiyey dadteed inuu si aada uga taxadaro arimaha golayaasha degaanka oo si daacadnimo ah arimahaas loo qaybiyo loona dhamaystiro. 

Golaysaasha degaanku waa halka ay ka bilaabato dimoqraadiyada degaanka, sidaa darteed gudiyada qaybinaya ama dhisaya ha noqdeen kuwo daacad ah oon laaluush qaatayaal ahayn waana in la qanciyaa dhamaan beelaha oo idil ha noqdneen kuwo badan ama kuwo yar intaba. Cadaalada ka bilaabata golayaasha degaanka ayaa noqon kara wajiga laga daawado horumarka degaankaas ama guud ahaan Puntland. 

Waxaan ku soo gababa gabayn in shacabku ay maamulka xun iska qabtaan oo dhistaan maamul wanaagsan lana shaqeeyaan oo gacan buuxda siiyaan madaxdooda horumarka dalka jecel, waa inaan ka tagnaa nin jeclaysiga oo aan wax walba ka horumarinaa amuuraha degaanka. 

Waxaan duco hawada usoo marinaynaa madaxweyne Cade inuu alle caafiyo , una fududeeyo xilkiisa . Shucuubta Soomaaliyeed ee daalacan toonta maqaalkana waxaan leeyahay ciidwanaagsan. 

Wabilaahi tawfiiq.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan