SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Wasiirradu ma waxay noqdeen wax warasada “Somaliland” loo waasiciyo?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 5, 2003

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

"C/hi inuu dadka ugu sheekeeyo inuu yahay nin Soomaaliya daneeya wuu ku faani karaa markuu arko 25 wasiir koowaad ee Riyaale samaystay."

Asalaamu calaykum

Ilaah baa mahad leh, naxariis iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal nin shiikha ayaa maalin ku soo baxay macallin Qur’aan oo arday u akhrinaya Qur’aankan la is dhex gashay:

وإذ قال لقمان لإبنه وهو يعظه يابني لا تقصص رء ياك على إخوتك فيكيدولك كيدا واكيد كيدا

(Wa id qaala Luqmaanu li ibnihi wa huwa yacidhuhu yaa bunaya laa taqsus ru’yaaka calaa ikhwatika fayakiiduu laka kaydaa wa akiidu kaydaa)

Shiikhuu wuxuu macallinkii ku yiri inkaar kugu dhacday war wiilka suuradihii baad isu dhexgalisay. Macallinkii wuxuu yiri haa maxaa yeelay aabbihiis baa bilaha isu key dhexgaliya anna waxaan rabaa inaan wiilka suuradaha isu dhexgaliyo. Anna yaanan lacag bileed qaadan, wiilkuna yuusan Qur’aan baran!

Wuxuu isu dhexgashay Suurut Luqmaan, Yuusuf iyo Adh-Dhaariq.

Madaxweynaha “Somaliland” wuu ogyahay inaan la isku raacsanayn taageeradiisa oo waxaa taageera dad dano gaar ah leh ama qabiil kale u diidan inay wax noqdaan. Marka waxaad mooddaa inuu rabo inaysan goboladaasi horumar gaarin.

Nin Axmed Maxamed la yiraahdo oo sheegay inuu Hargeysa ka soo noqday ayaa yiri waxa meesha horbooda waa nabad sugid iyo hangashtii Soomaaliya ka soo shaqeeyey. Waxaanan ula yaabayn hadalkiisa aan fiirino wasiirada cusub. Waxaan magacyada wasiiradda cusub ka soo xigtay Somaliweyn oo nagu xirtay Jamhuuriya.

Bal aan wasiirrada saan rabo isugu aad aadiyo. Toddobadii hore iyo 18 cusub.

  • 1. Axmed Xasan Cali-Libaax, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda;
  • 2. Sheekh Maxamuud Suufi Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  • Shiikh La yiraahdo Ciz Binu C/Salaam ayaa maalin nin boqor ah oo faras kooraysan inta xakamihii qabtay yiri: aabbahaa baa kaa fiicnaa. Boqorkii isagoo yaaban buu yiri maxaa jira? Shiikhii wuxuu yiri waagii aabbahaa xukunka hayey meelo khamri lagu gado oo si cad ufaran maanaan arki jirin. Shiikhii wuxuu yiri xariga sii dayn ma hayo ilaa meelahaas la xiro. Boqorkii siduu buu yeelay.

    Marka Riyaaloow aabbahaagii Maxamed Siyaad saas ma yeeli jirin oo labadan wasaaradood hal buu ka yeelay isagoo u baxshay:

    Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha Diinta. Inkastoo ay ka muuqato in Diinta iyo siyaasada lakala saaray laakiin dowladii Maxamed Siyaad way murmi kareen mar haddii ay hal wasaarad hoos yimaadeen. Laakiin idinku caddaaladdii iyo Diintii Islaamka waad kala rarteen. Waxaan filayaa in caqliga saliimka ah iyo idinkana la kala raray.

    Marka qofkii muslinimo ku dambaysoow, “Somaliland” xaq ma uleedahay in ay caddaaladda iyo Diinta kala celiyaan?

    Waa sheekadii khawaarijigii Nabi Muxamed (SCW) ku lahaa: Muxamadoow caddaalad sameeye. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: haddaanan annigu caddaalad samayn yaa caddaalad samaynaya? Marka haddaysan Diintii Ilaahay caddaalad lahayn xaggay caddaaladdu taal?

    Bal kuwanna aan fiirino:

  • I. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta,
  • II. Xasan Cabdi Khayre, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
  • Maxay ukala qaadayaan?

  • A. Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha;
  • B. Maxamed Jaamac Belel, Wasiirka Wasaaradda Beeraha;
  • C. Mudane Maxamed Siciid Gees wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
  • Miseysan ku fiicnayn in hal wasaarad laga dhigo. Britian mar waxay ahayd hal wasaarad oo seddexdaasi hoosyimaadaan.

    “Walaalayaal yaabnaye ma yaabteen?” Bal kuwana fiiriya:

  • Ø Fu’aad Aadan Cadde, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Reer Miyiga;
  • Ø Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka wasaaradda qorshaynta.
  • Ø Cabdi Xasan Buuni: Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha
  • Ø Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta;
  • Ø Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Wasaaradda Horuminta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.
  • Soomaalidaa caado u leh in haddii qof dukaan furto kuwo kalana kadaba furtaan. Marka qabiil kasta iyo laf kasta waa in wasiir loo sameeyo haddii kale wax kala soconaya ma leh.

    Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha.

    Wasiirka ciyaaruhu wuxuu qabanayo hadda ma garanayo. Hadday tahay ciyaaraha siyaasadda waa macquul. Kalmadda “Sport” ciyaar ahaan maloo turjumi karaa?

    Nin baa maalin igu yiri waxaan aragnay nin caddaan ah oo Tarabuunkii Xamar ku ruclaynaya markaasa qof (ma xasuusto haween iyo rag kuu ku sheegay) nala socday yiri waa dad caqli badan oo caafimaad ka raadinaya. Nin kaloo nala socday baa yiri dadkeenu shilinkii bay cayrinayaane xaggee orod ay caafimaad ka raadshaan ka imaanayaa. Waa runtiis ciyaaro waxay yimaadaan markii waddan la dhiso oo waxyaalaha daruuriga ah la xaliyo.

    Reer Baadiyahaa ka caqli badan dowlada riyaale. Reer baadiyuhu dhaantada waxay tuntaan badanaa waqtiga roobka oo ay carradu barwaaqo tahay.

    Sheekadan hadda aan soo wado waxay ka dhexdhacday niman u shaqaynayey wasaaradda waxbarashado ee Soomaaliya. Marka magacyadii mawada xasuusto sidoo kale haddaan sheekada is dabo mariyo iga raali ahaada.

    Waxaa la sheegaa Maxamed C/hi Riiraash oo olalihii horumarinta reer miyaga ka shaqaynayey buuraha Gollis in ay warbixin soo waydiisteen labo nin oo saaxiibbadiis ah oo aan filayo inay wasaaraddaa iskala shaqaynayeen. Maxamed wuxuu tirshay qabay dheer oo aan ku soo qaadanay suugaanta dugsiyada sare. Waxaa ka mid ahaa:

    ……………………………duni abaaroowday

    • Dab cadaab ah oo la isku shiday dooxyadii gubanka
    • Oo haaddu soo daadatoo deeradii dhimatay.
    • Wuxuu sii yiri:
    • Dusha Gollis cadceeddii nimay dubatay oo leeftay
    • Oo socodka diidaayoo cagaha maro ku duubaaya
    • Oo degtii waysada ugu jirtay deeqi kariway.
    • Wuxuu ku soo xiray:
    • Adna sheeko ii soo dir baad igu dilaysaaye
    • Dacas laguma waaree markay doogsin roob curato
    • Diifta olalaha markaan dib uga raaxaysto
    • Adi iyo daalinkii kaa yaraa doodda way furiye
    • Ha dadnaato xaajada marbaan diirka ka caddayne.

    Waxaan shakki ku jirin in uu ninkaasi ahaa nin wasaarad waxbarasho ka shaqeeya. Fiiri xigmadaas. Waxaan filayaa in Maxamuud C/hi Riiraash uu ka soo jeedo qabiilka Riyaale.

    Sidoo kale waa kii abwaankii lahaa:

    • “Dhoobadaba waa tii rahu uu ku dhuuntee
    • Isaguba dhawaaq maleh intuu dhibicda sugayee”

    Marka Somaliland hadda ciyaar ma ubaahantahay? Miyeysan ahayn meeshii aan isbitaalkeeda bilo ka hor ka fiirsanaynay TV BBC ee Ingiriiska. Iyadoo gabar inan ah oo jabtay la waayey wax lagu daweeyo ama meel la dhigo oo gurigeedii loo ceshay dabadeedna halkaas ku dhimatay.

    Nin kale oo gabyaa Carbeed ahaa waxaa laga sheegay:“Wa hal duu shaybin yalcab” oo ah nin cirro lihi ma ciyaaraa? Ka waranse adoo calooshaadu marantahay hurdan ma ciyaari kartaa. Ninkii cibro-qaadasho rabaa dib ha ufiiriyo sawirradii Baydhabo laga soo qaaday 90-naadkii horaantoodii.

    Nuux Axmed Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.Sidoo kale waxa uu qabanayo wasiirka madaxtooyadu ma garanayo. Waan arki jirnay jananno aan haysan xafiis ay u shaqo tagaan iyo wasiiro madaxtooyada turub iyo dumnad ku ciyaara.

    Toloow maxaan kornayl C/hi u cayrsanjiray? Isagoo xukuma dhul ka wayn kan Riyaale xukumo waxa uu samaystay 9 wasiir inta aan Jabhadda Badbaadinta “Puntland” soo noqon.

    Gaalkacyo markii la joogo Xamar, Hargeysa iyo Boosaaso waa kuu simanyihiin. C/hi ilaa Boosaaso kaliya ma hoos timaadee waxaa hoos yimaada Sanaag Bari, Laascaano iyo Buuhoodle.

    C/hi inuu dadka ugu sheekeeyo inuu yahay nin Soomaaliya daneeya wuu ku faani karaa markuu arko 25 wasiir koowaad ee Riyaale samaystay.

    Miyeydaan u fiirsan Maraykan iyo Ingiriis? Imisa wasiiro ayey leeyihiin?

    Waxaad mooddaa in lacagtii, hogaamiyaasha dhaqamada iyo wasiiraduba noqdeen wax la iska koobigareeyo.

    Waxaa fiicnaan lahayd in Riyaale wasaaradahan ku darsado oo qaarkood laga yaabo gobolada kalana inay la samaystaan.

    • Wasaaradda la dagaalanka “argagixisada” iyo dadka Diinta jecel,
    • Wasaaradda diididda Soomaaliya iyo magac udoonista Somaliland.
    • Waxaa kaloo loo baahanyahay in wasaaradda dekeddaha ee Itoobiya laga dhiso “Somaliland”.

    Marka ma ahan canshuurtan yar ee Berbera iyo garoonka Hargeysa laga qaado in niman wasiiro ku sheega mush-haar lagu siiyo ama xafiisyo loogu sameeyo.

    Waxaan aaminsanahay in aan loo baahnayn wasiiradan tirada badan ee dhowr wasiir ay samaystaan. Xitaa waddama horay u maray waxaan oo wasiiro ah ma samaystaan.

    Taasina waxay i xasuusinaysaa maqaalkii Axmed Maxamed markuu lahaa meesha waxaa isugu yimid nabad sugiddii iyo hangashtii dowladii hore.

    Waxaa taa daliil u ah nimanka noocaas ah ma daneeyaan dadweyne iyo horumartoona ee waxay la xisaabtamaan kaabo qabiilo oo ay dhahaan intaas oo wasiir baan ku siinay. Canshuurtii dadkaa dan yarta ah waxay aaddaa jeebabka wasiirrada.

    WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

    AabBayaasha laqdabada (beenta) iyo luggooyada oo 1-da Luuliyo lixdankii xusaya!

    Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
    iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]

    » Haddaynu 60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

     » Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]

    »Michael H. Hart: Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan (No. 1) [A/Waxid]  

    » Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


    Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis

    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


     

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD [an error occurred while processing this directive]