|
Gabar reerkoodii laga soo masaafaystay, qaalliga oo
aan muslim ahayn iyo markhaatiyaashii oo mid kaliya marag furi karo!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 12, 2003
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad oo dhan leh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
“ Waa mugdiyaal uu midiba
mid saaranyahay”.
Xorriyo nin gayaa ha
guursado. Sangub baa nasoo gaarsiiyey. Sangub inuu fidradiisa uu ka helay
iyo inuu maqlay xaddiiskii ahaa: haddii uu idiin yimaado nin (soo geed
fariisto isagoo gabar idin ka doonaya) aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali
ka tihiin uguuriya haddii kale waxaa ahaanaya dhulka dhexdiisa fitno iyo
fasahaad wayn. Xaddiiskaas waxaa wariyey Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Waxaa
xaddiiska ku jira nin la yiraahdo C/Xamiid Binu Sulaymaan oo dhaciif lagu
sheegay.
Dhulkii waxay ku sheegeen
hal geel ah oo ay ubaxsheen Maandeeq. Bal anigu dhulka Soomaaliyeed aan
gabar ka dhigo. Isla magacii Maandeeq sii.
Dadka gabadhaas usoo geed
fariistay waa kuwii aabbaheed, walaalaheed, iyo ehelkeed wadkoodii galay,
idinkuse qab-qablayaal baad ku garataan.
Qab-qablayaasha garaadkoodu
waa kii geel-jirayaasha. Ninkasta oo geel lihi geel-jire maahan. Ninku
hadduu waxgaradyahay geeluu haysto waxaan wanaag ahayn uma kordhiyo.
Maaddaama Hadda aysan
qab-qablayaashu baadiye joogin waa tikniko-jirayaal, daroogo-jirayaal,
dhiig-sokeeye-jirayaal, gaalo-jiriyeyaal, IWM.
Geel-jiraha caqligiisa
ufiirso. Wuxuu oranjiray:
-
Geela hooyadi waa
hareeriga
-
Anna hooyaday waa hasha
irmaan
-
Say waxay tiri hareeri i
gee
-
Horaad iga maro oo hadba
i maal.
Halkaas miyaad ka aragtaan
wax uu Ilaah ugu shukriyey? Geel-jiruhu waa maan-gaab “shallow minded” ama
dheh wuu aragti gaabanyahay (short sighted).
Anigu markaan kasoo
hadlayey taxanahii ahaa qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida
waxaan hooyo ku sheegay dhulka. Geel-jiruhu isagoon is ogayn buu dhulka
hooyo ku sheegay laakiin hashii uu maalayey buu usii maray. Ka dib hareeri
oo hasha hooyo u ah. Hareeriga yaa hooyo u ah? Arrinta dhulku waa cajaa’ib
oo dhulku xittaa markaan dhimano oo ehelkeen na fogeeyo waa na aqbalaa oo
isagaa god noo ah.
Geel-jire caqligiisa waxaa
ku qufulan isaga iyo hasha oo hunguri kaliya ugu xishay. Diinta Islaamku
markay ka hadlayso xoolaha aan dhaqanno waxay xustaa, qurux, inaan suuntooda
ku subkano, inaan rarano, inaan diyada iyo qaamaha kale iskaga bixino, IWM.
Xittaa ilmihiisa yar-yar dan kama leh. Haddaadan i rumaysanayn waakan
hadalkiisii.
-
Geerida haween guud la
firo iyo guursi laga qaad
-
Geeridaadana (geela)
gaawo maran iyo gaajo laga qaad
-
Geeridaydana guryo ba’ay
iyo gablan laga qaad.
Ma u jeeddaan hasha ayaa
haweenka kala qiimo badan! Inkaari ku dhacday aaway ciyaalkii yar-yarka ahaa
oo ay hooyadaasi ka tagtay? Maaddaama uu isagu carruurnimo ka koray
ciyaalkiisa dan kama leh! Ilayn calooshi ushaqayste weeyee wuxuu leeyahay
naag kale ayaan guursan oo carruur wax iga galay ma leh, iyaga iyo aayo ha
is arkeen. Waxaan caano ahayn kama hadlayo.
Haweenka uu caanaha ka
doortay waa kuwee? Waa hooyo. Waa hooyooyinkii muuminiinta. Waatii mar
Malaku Jibriil (CS) uu Nabiga (CSW) ku lahaa u sheeg Khadiijo (RC) Ilaah baa
soo salaamayey. Ka warran haweenaydii Nabiga usoo dacwootay ee Ilaah Suurat
ku soo dajiyey waa “Al-Mujaadilah” ama “QAD SAMICALLAAHU” oo aan wada
ognahay canaantii ninkeeda gaar ahaan iyo guud ahaan ragga ku dhacday iyo
ganaaxii loo soo jeediyey isaga iyo ragga ka dambeeya ee arrintaas ku
sifooba.
Geel iyo adduunyo midna
Nabi Muxamed (SCW) iyo dadka Ilaah yaqaan kuma aglaha qiimo xadkaas gaara.
Dad badan baa deeqsinimada Nabiga (SCW) markii hore usoo islaamay.
Geela inta aan xoog ku
bixino ayaa ka wayn marka loo eego waxa naga soo gala. Waxaan ku fakanay
badnaanta geela oo qoys ayaa haysta geel badan laakiin soow daaq, dugaag ka
celin, xero, shillin ka gurid, arroorin, IWM looma diyaarin. Geel-jiruhu
wuxuu geela u xannaaneeyaa si uusan carruurtiisa iyo xaaskiisa u xannaanayn.
Fiiri hadaladiisa kore. Hasha intaas loo maray oo sanadna guran sanadna
haruub aad ka maashid ma uqalantaa in ehel iyo ubad ay ka hor marto?
“Caawa maxaa xalay uga eg”.
Qab-qablayaashu waa sidii. Wax aan naftiisa ahayn iyo mooryaan/jirrida oo
booskii hasha u joogta oo uu yaqaan ma leh.
Xamar oo waxaan xasuustaa
haddii reer gabar laga xado inta Cagaaran la geeyo isla habaynkiiba loo soo
cesho iyadoo ninni cududda kasoo xirtay. Marka laga reebo xeeladaysigii ahaa
in seddex ari soof ka badan la fogeeyo oo aan garanayn meelay ka keeneen
ilayn safar salaad la gaabiyo iyo guur wax iska galay ma lahee waxaa
qasadkoodu ahaa qaalli muslim ah.
Qab-qablayaashu Maandeeq ha
afduubeene xaggay la aadeen? Eldoret! Qaalligii yuu noqday? Waxaa loogu
doowgalayba meherkii hore qabsoomi waa’ laakiin haddaa la leeyahay meherkii
ayaa Mbagathi ka dhacaya.
Qolyihii Carta Maandeeq way
masaafaysteen laakiin waa ka caqli badnaayeen oo waxay yiraahdeen mar haddii
aan Cagaaran lagu meherin karin maan Carta la aadno. Qolyihii Carta qaalli
iyo markhaatiyaal muslim ah ayeey xusheen waana arrinta ay Itoobiya ka samri
la’dahay.
Maandeeq way ka fakatay
madaxweynihii isagoon la aqal galin isna diid inuu madaxeedii siiyo. Laakiin
qaalligii baa usheegay oo yiri si kastaba ha ahaatee hadday ku diido waa in
seddex sano markay dhamaato aad furtaa. Hadda waqtigii waa dhowyahay.
Madasho waa Mbagathi,
qaalligu waa Kiplagat. Markhaatiyaasha seddexda ah Jibuuti kaliya ayaa
maraggiisu guntamaa!
Qaalliyaasha muslimiinta ah
khudbadii Nabiga (SCW) ayey akhriyaan oo furfurashada ka dib akhrin jiray
seddexda Aayadood ee caanka ah.
Qaalli Mbagathi maxuu
akhrin? Meherkaas ma ansaxayaa?
Waagaan carruurta ahayn
waxaan oranjirnay marka gaaladu tukanayso oo aan xabashida tusaale usoo
qaadan jirnay waxay akhriyaan ducadaan. Qaar ka mid ah afkaygu ma karo
laakiin aan qaar xuso wixii laga sheegi jiray:
Carruurtu waxay sheegi
jireen, gaaladu waa sameeyaan maxaa yeelay wax cadaab uga samrid badan ma
leh qof usoo taagan gaalnimo iyo Ilaah diid. Tan kale oo ah hilibka haddee
haddaysanba wax goowricin oo bisinka u qaban soow bakhti isma hayaan? Mar
hadday caano geel iska xarrimeenna soow caanihii ugu fiincaa iskama afqaban.
Aayadahoodan iyo kuwa la
mid ah Kipligat wuu soo qaadan karaa. John 1:1. In the beginning was the
Word, and the Word was with God, and the Word Was God.
Aayaddaasi waxay leedahay
say leeyihiin: Biloowgii waxaa jiray hadalka (Weedha), hadalkuna ilaah buu
la jiray, hadalkuna ilaah buu ahaa.
John 14:20 At that day ye
shall know that I am in my Father, and ye in me, and I in you.
Maalintaas waxaad
ogaandoontaan in aan ku dhexjiro Aabbahay, aad iddinkuna ani igu
dhexjirtaan,aan anniguna iddinka idin ku dhexjiro.
Ephesians 5:22 Wives,
submit yourselves unto your own husbands, as unto the Lord.
Dumarku waa in ay raggooda
isu dhiibaan/ka dambeeyaan, sida ay Rabbigooda isugu dhiibaan.
Meherkii muxuu noqon? Waan
ognahay in ayna qab-qablayaashu waxaan dhib ahayn uhayn dadkii Maandeeq.
Kiplagat haddii uu ogaan lahaa qabqable wax ka yaqaan Cahdigii hore iyo kan
cusub, “Bible” oo ay English ahaan u qoraan: Old and New testaments wuxuu u
meherin lahaa kaas si uu Soomaalida wuxuu buugaas ka bartay igu gudbin lahaa
laakiin intooda badani kuma fiicna. Waxa qaalliga hadda u furan inuu doorto
kan Diinta Islaamka iyo dadkeeda ugu madax adag oo ugu dhibka badan si
halkaas Diin iyo dadkeedu ukala tagaan.
Ragga jagadaas buuxin kara
qof walba maskaxdiisa way ku soo dhacaysaa. Waa qolyihii aan horay usoo niri
waa kuwii Maandeeq aabaheed, walaalaheed iyo ehelkeed mariyey.
Kursigu meel dheer buu
saaranyahay, jaranjarana meeshu ma leh. Qofkastaa wuxuu ku fuuli karaa inuu
maydadkii uu dilay uu isdulsaaro si ugu istaago.
“TODDOBADA NAAROOD WAA KALA
SUBXAANALAYSTAAN”. Iyagiiba hadda qaylinaya oo leh hebel cadow hebel baa
wata mana aqbali karno.
Markasta oo ummaddan
Soomaaliyeed luggooyo,dhib iyo khiyaano lala maago Ilaah baa ka kala daadiya.
Waataas hadda ay halkaas isku haystaan.
Sidaan mar horayba xusay
waxaan shirkaa uga faa’iidaysankarnaa in labadaas gobol ee midi Somaliland
la baxday ay isku soo noqdaan. Waxaan samaynkarnaa in iyaga loo yeero oo
Siilaanyo ama Jaamac Qaalib ama qofkii kale ay rabaan ay keensadaan oo ay
iyagu madaxweyne qaataan si ay u arkaan haddii madaxweyne faa’iido leeyahay.
Haddaad diiddaan waxaa la
siin nimanka la magacaabayo ee Soomaali oo dhani ka qaylinayso.
Haddii la isku dayo in nin
inkaar qaba madax naloo ka dhigo miyeyna u jeedin Charles Taylor-kii
Liberia? Xagguu u socdaa hadda?
Haddii gabar uu nin akhyaar
ahi naga soo doonay oo aan udiidno keeni karto adduun dhan oo fasahaada ka
warran geyi dhan oo qab-qable iyo qoowsaar Amxaaro loo dhiibay? Dhibtiisu
waa mid qarniyaal soconaysa. Marka taasi dhaci mayso insha Allaah.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa
waxaa jira Xaddiis saxiixa ah oo sheegaya qofkii shardiya shardi aan
kitaabka (Diinta Islaamka) Ilaahay ku jirin, shardigiisu waa baadil.
WIBILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 12,
2003
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku
sheegay! [Cabdiwaaxid]
» Haddaynu
60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]
» Dowlad
Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|