SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
MAALINTA XUQUUQUL INSAANKA OO ELDORET XAFLAD LOOGU QABTAY

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya | Dec 10, 2002

imdeeq@hotmail.com

Maanta waxaa xarunta shirka dibu heshiisiintu ka socdo ee Eldoret lagu qabtay xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 54 aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo soomaali badan oo ka tirsan wufuudda shirka Eldoret ka qayb gelaysa lagu macsuumay, ayna ka soo qayb galeen madax ka kala socota hayado caalami ah oo uu ku jirey ninka xoghayaha guud ee qaramada midoobey uga wakiilka ah soomaaliya Mr. Top Man . Waxaana xafladaas ka hadlay dad soomaaliyeed oo si kala gedisan iskuna lid ah ugu tiiq tiiqsaday baahida loo qabo inay bulshada caalamku wax ka qabato arimaha murugsan ee soomaaliya, Nin ayaa xafladaas ka yidhi: “ Haddii ay soomaalidu waalan tahay, caalamkuna miyuu waalan yahay”, Dhamaanna soomaalidii halkaa ka hadashay waxay wax qabad la’aan ku eedaynayeen bulshada caalamka.  Hoos Akhri

Waxaana xafladaas khudbad dheer oo ku saabsan raad raac xuquuqda aadanha ka akhriday Maryan Ismaaciil Awreye oo wakiil ka ahayd ururka xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo kooxda taageerada nabadda soomaaliyeed, mar ay ka hadlaysey xuquuqda aadanaha iyo sida sharciga loogu siman yahay waxaa hadalkii gabadshaas ka mid ahaa: “muwaadin kasta lab iyo dhedig, qani iyo faqiir, yar iyo weyn, waxay u siman yihiin qaanuunka, taas macneheedu waa inuusan jirin qof qaynuunka ka sareeyaa, ama ku amar ku taaglayn kara sharciga, dadka oo dhan wuu ka sareeyaa, , xuquuqda aadanaha iyo hourmarka bulshadu way isku xiran yihiin, haddii aan xuquuqda aadanaha la tix gelin lagama hadli karo, lamana higsan karo horumar bulsho”.

Waxay sheegtay inay soomaaliya ka dheceen xad gudubyo aan la soo koobi Karin oo argagax leh kuwaas oo loo geeystay dhamaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan dadka aan hubaysnayn, waxayna tiri: “waxaa xusid mudan in dad badan oo ka mid ah dadkaasi ay badaha ku dhinteen iyagoo ka cararaya xad gudubyada socda kaddib markii loo diiday inay dalkooda si nabad ah ugu noolaadaan”. Waxay xustay in dawlad la’aanta soomaaliya ka jirta iyo fawdada gaamurtay ay sahleen dagaalo abaabulan oo ay ku naf waayeen muwaadiniin aan waxba galabsan, waxay kaloo sheegtay in dumarka la fara xumeeyey, lana dhacay oo la boobay hatidii ay dadku sida gaarka ah u lahaayeen iyo in si ula kac dil loola beegsaday dadka aan hubaysnayn ee ay ka mid yihiin, dhakhaatiirta, suxufiyiinta, fanaaniinta, iyo hawl wadeenada hayadaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah., Maryan Ismaaciil waxay kaloo talo ku soo jeedisayin la xaq dhawro xabad joojintii Eldoret ee lagu heshiiyey 27 Octobar.

Qaybta ugu dambaysa ee Xaashidii ay khudbadeeda ka akhriyeysey waxay Maryan ku soo ban dhigtay xad gudubyada sanadkan ka dhacay oo sheegtay in xad gudubyada sharafta qofnimo ay sanadkan u dhinteen dad gaaraya 277 qof, halka ay isticmaalka xoog siyaado ah iyo ku xad gudubka sharciga bani-aadamka ee goobaha dagaalkana ay ku dhinteen dad gaaraya 470 qof. Dadka kufsiga sanadkan lagula kacayna waxay ka dhigtay 50 qof, iyadoo tirada dadka sanadkan soomaaliya lagu afduubayna ka dhigtay 133 qof.

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji.... 6/12

Baaqii Amnesty International oo Afsoomaali Loorogey
Tarjumadii Abdulfatah M. Abdulle ... GUJI [19/11] 


Dhambaalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Afsoomaali loorogey
Tarjumadii Axmed F. Cali idaajaa

Ugu dambayntii waxaa xafladdaas lagu maamuusayey sanad guuradii 54 aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha waxaa ka hadlay wakiilka xogahayaha guud ee qaramada midoobey oo isagoo tixraacaya ninkii yidhi: “soomaaliyi waalataye, caalamkuna ma waalan yahay” sheegay in marka uu soomaalida la joogo uu dareemayo inay soomaalidu cid walba ka og tahay dhibaabaha jira oo ay yihiiin dad ogaal badan, wuxuu yidhi: ‘dadka soomaalidu waa dad leh awoodda wax sheegidda wixii markaa laga hadlayo ee la doonayo in horay loogu socdo”, wuxuu soomaalida u sheegay in New York laga og yahay bur burka soomaali ku dhacay balse soomaalida laga rabo inay wax qabad ku dhaqaaqaan markaas buu yidhi caalamku wuu idin taageeri karaa, wuxu sheegay inay soomaalidu tahay hal qoys wuxuuna intaa ku daray oo yidhi: “ ma aha inaad dhibka idin haysta sheeg sheegtaan uun ee waa inaad ku dadaashaan sidii aad dhibka idin haysta uga bixi lahaydeen, markaad sidaas fashaan caalamka oo ay UN hor socotaa way idiin iman doonaan”.

Wuxuu xusay inay arinta xuquuqul Insaanku tahay arrin asaasi ah oo ixtiraam u baahan taas oo uu ku tilmaamay mid haddii uu qof waliba fuliyo ay dadka kalena u soo joogsanayaan, mar uu wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey ka hadlayey hubka soomaaliya ku soo qul-qulaya oo ay soomaali badani ka hadashayna wuxuu sheegay inaysan dadka madoobi hubka samaysan haddana ay si weyn u haystaan oo uu si daran u dhibaateeyo, isagoo carabaabay inuu arinta hubka gaadhsiin doono madaxda ka saraysa, wuxuu sheegay in markuu hadalkii soomaalida dhegaysanayey uu yaqiinsaday inay soomaalidu hal qoys wada tahay haddana ay is weeydaarsanayaan figrado mararka qaarkood si weyn isu diidan oo iska soo hor jeeda, wuxuuna hadalkiisii ku soo geba gebeeyey isagoo sheegay in taagweerada UN’ta ay soomaalidu arki doonaan marka ay wejiga sadexaad ee shirka Eldoret ka midha dhaliyaan.

Xafladdaas waxaa laga sheegay in la qaban doono tartamo suugaaneed lagu maamuusi doono sanad guurada 54 aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha taas oo ay ciddii wax isku haysaa kaga qayb qaadan karto sawir gacmeedyo, gabayo, geeraaro, heeso iyo wax kasta oo la is leeyahay waa lagu tar tami karaa oo ka mid ah waxyabaha ay dadku curiyaan. 

Human Rights Day - Click

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Liiska Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah
»» Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 09/12

Sagaal ilaalada Col.C/laahi Yusuf oo ku geeriyootay
shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa Qayaadsame iyo Dalweyn, waxa kale oo dhaawacmay 7.. GUJI  9/12

I  I  D  H  E  H

 Hogaamiyo Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdisho
iyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret  xabsiga ugu taxaabay Saddex Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 07/12

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

Dhibaatooyinka Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12

Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka jawaabayey.... GUJI... 02/12
 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]