SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnlin.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror
 MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 

VIDEO: ITV | Reuters TV  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 9aad | 8aad | 7aad |  6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai

..... WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

HADDA.SOCDA:LIVE ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA

WARARKA MAANTA EE ABU-DHABI TV: VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3

DAGAALKA CIRAAQ:  MARCH 29, 2003   

»» 4 Askari oo Maraykan ah oo lagu diley Qarax Is-biibayn ah
»» 55 Shacab ah ayaa Xalay kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
»» Rumsfeld oo Suuriya iyo Iiraan uga digey in aysan Caawin Ciraaq 

55 Shacab oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad

Ugu yaraan 55 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay suuq kuyaal Baqdaad, 50 kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii ay duqeeyeen diyaadaha Maraykanka iyo Ingiriisku.[ISHA]. Arintaasi waxa ay dhacday gelinkii dambe ee Jimcadii, kaddib markii xaafad ay dadku aad ugu badan yihiin ee uu ku dhexyaal suuq uu kusoo habsadey madfac diyaadahada dagaalka laga soo tuuray. Arintani waxay ka dambeysey laba maalmood ka dib markii isla magaalada Baqdaad suuq kuyaal uu ku soo dhacay gantaal Maraykanku soo tuuray halkaasna ay ku dhinteen 14 qof ayna ku dhaawacmeen 30, sidaas waxaa weriyey IOL. Ciraaq waxay sheegtay in dagaalkaas ay ku dhinten 62 qof. [ISHA]. [HALKAN].

 Akhri Warkaan oo Faahfaahsan... Guji

4 Askari oo Maraykan ah oo lagu diley Qarax Is-biibayn ah

TV-ga CBS ayaa weriyey koonfurta Ciraaq lagu diley 4 askari oo Maraykan ah. Sidoo kale TV-ga CBC ayaa sheegay in gaari Taxi ah uu qarxay markii ay askarta kusoo dhowaadeen, waxayna arintani ka dhacday Najaf. Waxaana tan lagu tilmaamay dilkii isbiimaynta ahaa ee ugu horeeyey ee ciraqiyiinta. [ISHA].

Rumsfeld oo Suuriya iyo Iiraan uga digey in aysan Caawin Ciraaq

Halkan Ka Daawo Hadalkii Rumsfeld:

Donald Rumsfeld, Xoghaya Difaaca Maraykanka: Daawo: Sawirka IOL 

Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld, ayaa Jimcadii digniin adag u jeediyey dalalka Suuriya iyo Iiraan.

"Waxaan haynaa akhbaar ah in xamuul militari laga gudbiyey xadka Suuriya oo loo gudbiyey Ciraaq, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka habeenkii wax lagu arko" ayuu yiri Donald Rumsfeld oo warsaxaafadeed kuqabtay xarunta looga taliyo ciidanka maraykanka ee pentagon-ka. "alaabtaas la gudbinayo waxay halis toos ah ku yihiin ciidanka iskudhafka ah, waxaana u arkeynaa ficil cadaawadeed, waxaana mas'uulkeeda leh dawladda Suuriya" ayuu ku daray. Waxana uu sheegay in Suuriya ay mas'uul ka tahay xadkeeda. [Daawo].

Siiriya eedayntaas maraykanka aad ayey u beenisey, Abmaadoorka Siiriya u fadhiya UN-ka ayaana sheegay in eedayntaas uu Maraykanku ku qarinayo niyadjabka ciidanka Maraykanka kasoo gaarey dagaalka Ciraaq.  [ISHA]

  Bashar Assad, Madaxweynaha Suuriya. Sawirka IOL 

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Assad, waxa uu dagaalka Maraykanka ee Ciraaq marsii horeysey ku tilmaamay "mid iska cad oo ah qabsi kasoo horjeeda xeerka qaramada midoobey".

Suuriya waa wadanka keliya oo Carbeed oo hadda kamid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhanka kale  Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld waxa kale oo uu dalka Iiraan uga digey in aysan faragashan Ciraaq, waxana uu sheegay in iiraaniyiinta isku urursada gudaha Ciraaq loo arki doono dagaalyahaniin. Waxana uu yiri  ciidanka hubaysan ee loo yaqaan Badr Corps waxaa tababara oo hubeeya oo amarka siiya ilaalada kacaanka islaamiga ah ee iiraan, waxaana ficilkooda mas'uul ka ah dawlada Iiraan, waxyaabaha ay ka qabtaan gudaha Ciraaqna waxaa loo arkayaa mid sharci darro ah. [ISHA]. Iiraan arintaas waa beenisey. Afhayeen u hadlayey dawladda iiraan oo lagu magcaabo Abdollah Ramazanzadeh waxa uu yiri "Badr Brigade waa koox ka madax bannaan dawladda iiraan".  

Badr Brigade waa lagu tilmaamay koox la shaqeeya ciraaqiyiinta dalka dibada kaga maqan si ay xukunka uga tuuraan Saddaam Xuseen.  [ISHA].

"Faafiyayaasha Diinta Masiixiga ayaa daba socondoona Dagaalka Ciraaq": Sidaas waxaa qora shabakada IOL. 

Qoraal dheer oo maalintii Jimcada kusoo baxay shabakada IOL ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ay daba socon doonaan kuwa faafiya masiixiyada ee loo yaqaan "Missionaries". Akhri Qoraalkii IOL 

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

<><>

WARARKII MARCH 28

DAAWO: Daawo Australia TV oo Ka warbixinaya Woqooyiga Ciraaq.

iraq Daawo Halkan: Ceel Oil ah oo ka gubanaya meel duleedka ka ah Baqdaad. . Sawirka REUTERS

DAAWO [ABARBIC] VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3

Gantaalo lala Beegsaday Magaalada Kurdish-ku gacanta ku hayaan ee Chamchamal 

TV-ga Australia ee ABC ayaa weriyey in magaalada ay gacanta ku hayaan kurdishku ee Chamchamal lagu soo weararay gantaalo, taas oo sida TV-gu sheegay ay u muuqato in ay weerarkaas geysteen ciidanka Saddam Xuseen oo lagu soo waramay in ay horay magaaladaas dib ugaga gurteen magaalada hodanka ku ah saliida ceeriin ee Kirkuk. Waxaa warku intaas ku daray in qaraxyo laga maqlayey meel buur korkeed ah oo u dhow magaalada Chamchamal iyo meel ay joogaan waardiyayaasha magaalada. Daawo halkan.....

Dagaalkii Nassiriya oo sii xoogeystey
Afar Maraykan ah oo lawaayey Maanta

Magaalada Nassiriya ayaa lagu soo waramay in maanta uu ka dhacay dagaal xoog badan kaas oo ay iskaga hor yimaadeen Ciidanka Maraykanka iyo kuwa Ciraaq. Saraakiil ka tirsan militariga Maraykanka ayaa muujiyey sida ay ula yaabeen Ciraaq difaaceeda ay iskaga caabiyeen ciidanka uu horkacayo Maraykanku. ISHA.

Ciidanka Briton oo gargaar u qaybinaya Ciraaq: Sawirka The Mirror 

Wararka kale ee maanta oo Jimce ah ka imanaya Ciraaq ayaa sheegay dagaalkaas kulul ee khacay magaalada Nassiriya kaddib in la waayey afar askari oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka. Lama soo sheegin waxa soo gaarey Ciidanka Ciraaq.

Waxaa kale oo warar ka imanaya magaalada  Basra ay sheegen in weriye ka tirsan Al-jazeera TV la la'yahay.

Dhanka kale jariidada The Mirror ee dalka UK ayaa werisey in sarkaal Ingiriis ah uu yiri in magaalada Basra aysan u dhoweyn in ay qabsadaan ciidanka xulafada. Colonel Chris Vernon waxa uu yiri "waxaa cad in magaalada Basra aysan u dhoweynin ay gacmahanaga soo gasho, isla mar ahaantaana suurtagal ma ahan in la gaarsiiyo gargaarka bini aadamino" sidaas waxaa werisey The Mirror.

Dhanka kale warar ay werisey Idaacada Talyaaniga ee loo yaqaan Rai ayaa sheegay in iimaamada magaalada Baqdaad ayaa salaadii jimacda ku baaqay in dhammaan muslimiinta adduunku ay ka qayb qaataan dagaalka Jihaad ee lagaga soo horjeedo weerarka maraykanka, waa sida warku u dhigaye...  ISHA [Italian].

.... VIDEO: Daawo Dagaalka Najaf
.... VIDEO: Daawo Dagaalka Basra
Ra'iisul wasraahada Australia, John Howard, oo sharaxaya gaaankiisii uu ciidanka Australia ugudiray dagaalka Ciraaq  (RealVideo).. DAAWO Australia ABC March 20, 2003 

OHogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka, Simon Crean, oo u jawaabaya Hadalkii Ra'iisul wasaaraha Australia  uu ciidanka ugu diray Ciraaq. (RealVideo)... DAAWO Australia ABC March 21, 2003

 WIXII KUSOO KORDHA DAGAALKA KA AKHRI: 
IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
CIRAAQ MAALINTII: 5aad | 4aad3aad | 2aad & 1aad

<><><>TAARIIKHDA CIRAAQ... GUJI<><><> 

CIRAAQ: WARARKII MARCH 28
»» Gantaalo lala Beegsaday Magaalada Kurdish-ku gacanta ku hayaan ee Chamchamal 
»» Dagaalkii Nassiriya oo sii xoogeystey
»» Baqdaad oo Markale la duqeeyey Habeenimadii Jimcada
»» Japan oo ka welwelsan Dagaalak Ciraaq oo daba dheeraada
»» Dagaalo Xoogbadan oo kadhacay Koonfurta Ciraaq
»» Baarlamaanka Koonfurta Korea oo dib u dhigay Codbixin kusaabsanan Ciraaq
»» Diyaarad laga soo ridey USA
»» Interfax: Dadka Ruushka oo Diidan dagaalka Ciraaq.
»» Iimaamada Baqdaad oo kubaaqay Jihaad

Dhammaan ka akhri halkan  28/3

CIRAAQ: WARARKII MARCH 27 
»» Dagaal ka Dhacay Zubayr oo 20km u Jirta Kuwait
»» Ciidanka Ciraaq oo Duulaan usii Ah Koonfurta Ciraaq
»» 650 Ciraaqiyiin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Najaf 
»» Dagaalka Cimilada Ciraaq
»» Baqdaad oo Xalay Markale la duqeeyey
»» Xisbiga Liberal-ka Canada oo kawada hadaly sidii ay ka yeeli lahaayeen Hadalkii Safiirka USA
»» Al-Jazeera oo Maraykanka ugu Baaqday in uu Xaqiijiyo Dhawrida xornimada saxaafada
»» 24 ayaa ka dhintay Maraykanka, 28 waa ka dhaawacmeen. 10 kalena waa la'layahay.
»» Dagaalka Ganacsiga ee Lagasoo Horjeedo waxyaabaha uu soo saaro Maraykanka.
»» Ciraaq oo Maraykanka ku eedaysay in ay Weerarayaan Shacabka

Dhammaan ka akhri halkan  27/3

 

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <> 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD