SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnlin.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror
 MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 

VIDEO: ITV | Reuters TV  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 9aad | 8aad | 7aad |  6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai

..... WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...

55 QOF OO CIRAAQIYIIN AH AYAA KU NAF WAAYAY SUUQ KU YAALA BAGHDAD

 

Sawirka: IOL

Dad gaarayay 55 qof oo u dhashay reer Ciraaq ayaa ku dhimatay, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaaalabnimadii maanta uu gantaalka loo yaqaano B2 ku soo habsaday suuq weyn oo ku yaala galbeedka Baghdad laguna magacaabo Suuqa Al-Nasr.

Xasuuqan naxdinta leh oo la iska tusay taleefishinka caanka noqday ee Aljazeera ayaa la arkayay iyadoo la gurayo meydadkii dadkii ku dhintay gantaalkaas oo la qiyaasayo inuu culeyskiisu ahaa ilaa 2000 kg, waxayna dadkii waday meydadka ku hutaafayeen oraahda tarbiirta iyagoo leh Allahu akbar allahu akbar. Waa sida warku u dhigaye.

Wararku waxay intaas ku darayaan in laga yaabo inay korodho tirada dhimmashada, kadib markii laga warhelay inay jiraan dad kale oo ku hoos jira daarihii burburay.

Dhinaca kale, isla maanta subaxnimadeedii ayaa wuxuu isla kanaalka Aljazeera sheegay inay 8 qof oo ciraaqiyiin ah ay dhinteen, 33 kalena ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha ciidamada mareekanka ay duqeeyeen xaafadda lagu magacaabo Al-mansuur ee ku taalla bartamaha magaallada Baghdad

Xasuuqan dhacay maanta ayaa ahaa kii labaad oo sidan oo kale ay ugu dhintaan dad badan. Maalintii arbacada la soo dhaafay ayaa goob xaafad la deggan yahay ay ciidamada Mareekanka iyo Britain ay ku soo rideen labo gantaal, kaasoo sababay dhimmasho 14 qof ah iyo dhaawac gaaraya qiyaastii 33 qof. Saldhiga milateriga ay ku leeyihiin ciidamada mareekanka dalka Qatar way qirteen labadaas gantaal ee ay ku dhinteen 14-ka qof.

Waxaa hubaal ah inay weerarada ciidamada Mareekanka iyo Britain ay inta badan dhibaato soo gaarsiinayaan dadka rayadka ah ee reer Ciraaq, kadib markii ciidamada Ciraaq ee gaarka ah ee loo yaqaano “Fiddaa’iyii Saddaam” ay qaarkood dhex galeen shacabka, iyadoo ay adag tahay in laga garto shacabka caadiga ah. Inkastoo dhimmashada ciraaqiyiinta ay sii badanayso, haddana waxaa sidoo kale isa soo taraya dhimashada ciidamada Mareekanka iyo Britain.

Maalintii shaleey ahayd, nin u hadlay wasaaradda gaashaandhiga Mareekanka ee Pentagon ayaa tilmaamay inay 28 qof oo ciidamada mareekanka la dilay laga soo billaabo markii uu billawday dagaalkii Ciraaq, taasoo ay u arkaan maamulka Ciraaq inay tahay mid xaqiiqda ka fog.

WARARKA KALE EE MAANTA... 29/3

Isha warka: aljazeera.net + wakaaladaha wararka caalamiga

Tarjumadii Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com 

March 29, 2003

.... VIDEO: Daawo Dagaalka Najaf
.... VIDEO: Daawo Dagaalka Basra
Ra'iisul wasraahada Australia, John Howard, oo sharaxaya gaaankiisii uu ciidanka Australia ugudiray dagaalka Ciraaq  (RealVideo).. DAAWO Australia ABC March 20, 2003 

OHogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka, Simon Crean, oo u jawaabaya Hadalkii Ra'iisul wasaaraha Australia  uu ciidanka ugu diray Ciraaq. (RealVideo)... DAAWO Australia ABC March 21, 2003

 WIXII KUSOO KORDHA DAGAALKA KA AKHRI: 
IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
CIRAAQ MAALINTII: 5aad | 4aad3aad | 2aad & 1aad

<><><>TAARIIKHDA CIRAAQ... GUJI<><><> 

CIRAAQ: WARARKII MARCH 28
»» Gantaalo lala Beegsaday Magaalada Kurdish-ku gacanta ku hayaan ee Chamchamal 
»» Dagaalkii Nassiriya oo sii xoogeystey
»» Baqdaad oo Markale la duqeeyey Habeenimadii Jimcada
»» Japan oo ka welwelsan Dagaalak Ciraaq oo daba dheeraada
»» Dagaalo Xoogbadan oo kadhacay Koonfurta Ciraaq
»» Baarlamaanka Koonfurta Korea oo dib u dhigay Codbixin kusaabsanan Ciraaq
»» Diyaarad laga soo ridey USA
»» Interfax: Dadka Ruushka oo Diidan dagaalka Ciraaq.
»» Iimaamada Baqdaad oo kubaaqay Jihaad

Dhammaan ka akhri halkan  28/3

CIRAAQ: WARARKII MARCH 27 
»» Dagaal ka Dhacay Zubayr oo 20km u Jirta Kuwait
»» Ciidanka Ciraaq oo Duulaan usii Ah Koonfurta Ciraaq
»» 650 Ciraaqiyiin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Najaf 
»» Dagaalka Cimilada Ciraaq
»» Baqdaad oo Xalay Markale la duqeeyey
»» Xisbiga Liberal-ka Canada oo kawada hadaly sidii ay ka yeeli lahaayeen Hadalkii Safiirka USA
»» Al-Jazeera oo Maraykanka ugu Baaqday in uu Xaqiijiyo Dhawrida xornimada saxaafada
»» 24 ayaa ka dhintay Maraykanka, 28 waa ka dhaawacmeen. 10 kalena waa la'layahay.
»» Dagaalka Ganacsiga ee Lagasoo Horjeedo waxyaabaha uu soo saaro Maraykanka.
»» Ciraaq oo Maraykanka ku eedaysay in ay Weerarayaan Shacabka

Dhammaan ka akhri halkan  27/3

 

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <> 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD