Haddii aad fikirka hoos ugu dheeraato ,haddaladdan
aan kor ku xusayna hoos shisha u fiiriso waxaad arkaysaa Soomalina aan ku
cusbeyn in ragga halkaa isugu tegay intooda badan aynan ku maqnayn dan
Soomaaliyeed guud ahaan iyo danta taageerayaashooda gaar ahaan waxaa kale oo
aad dareemeysaa dowladaha daadihinayo qaabsami u socodka shirka in aynan
hogaamiyayaasha Soomaaliyeed kaga murug badnayn kagana murug badnaan doonin
xal u helida dhibaatada Soomaali dul taal.
Muduloodow markaan hoos isula dhigno
Eldorat uma muuqato in ay ka soo cadcadahay Dowlad ay Soomaaliweyn ku caana
maalaan dalka iyo dadkana ku dhaqdo cadaalad iyo sinaan sidaa darteed
saddexna waa naga digniin saddexna waa naga talo.
Ka hor inta aanan u guda gelin digniin iyo
talo isu soo jeedin waxaan idin xasuusinaynaa idinka oo ah hogaamiyayaasha
Mudulood in aad is weydiisaan talaaba walbo horteed Soomaali waa dhiban
tahay ee xaggee laga heystaa? jawaabta su'aashana ha ahaato mid ka dheer
calool jileec iyo laab la kac hana ahaato mid ku salaysan xikmad wacan kana
tarjumeyso danta Soomaaliyeed guud ahaan iyo tan deegaanka Mudulood iyo
taageerayaashiina gaar ahaan.
Muduloodow nama qabato saddexdan waana naga
dgniin.
1) Gogasha Eldorat nama qabato in aan
aqbalno doorasha ku salaysan aqlabiyad waayo raga iyo dumarka fadhiya
gogasha intooda badan ma mathalaan shacabka Soomaaliyeed tan kale meesha
looma imaan in la isu dhigo riwaayad la mid ah tii horay Soomaali loogu
dhigay degmada Carta ee dalka Jabuuti ,waxaana Eldorat loo tegay in lagu
heshiiyo la iskuna af garto keddibna loo tabaabusheysto yaa qabanaayo oo
mudan hogaanka Soomaliyeed maandeeqna maali yaqaan .
2) Nama qabato heshiis siyaasadeed ee ku
salaysan gurigaaga aan kula maamulno xamarna khadka cagaaran ha loo daayo
madaxweynahana qaado haddii aad naga hesho, Soomaalina aan mar kale ku
dayno boob, dhac iyo mooryanimo hor leh
3) Nama qabato balan la hubo iyo mid aan
la hubinba oo ku salaysan wasiirka koowaad qaado ama arimaha gudaha danaha
dadkaagana dhinac iska dhig, xamarna aan ka wada sifeyno xoogaga fadhiya
sidaana aan dhaawac hor leh ugu geysano dadweynaha deggan xamar cadde iyo
agagaarkeeda.
Muduloodow saddexna waa naga talo waana
dantiina iyo danta Somaaliyeed.
1)waa in aad taladiina ka saartaan in
waddankan nin kor laga keenay hogaamin karo haddii aynan raali ka ahayn
shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed taladiina yeynan ka maqnaan nimaan
shaqeysan shaah waa ka xaaraan iyo nabad la tuugo nabad maaha.
2) Talada ku darsada, marnaba ha ku
seexanina hana ku soo toosina in muqdisho nabad hareereyso haddaynan ka
imaan dadka deggan deegaanka xamar iyo agagaarkiisa taana waxaa idinka xigta
idinka oo midooba oo Soomalina doona.
3)Muduloodow iydana talada ku darsada dhaawaca Soomaali la kici la'adahay in
uu yahay damac in badan kaga jiro gacan ku dhigida maamulka magaalada
Muqdisho iyo talo xuma iyo towfiiq la'aan idinku raagtay.
Abdallah Moallim Mahamud(Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com
Dec 14, 2002
Faallo: Cabdow
& Cabdalla Waa Codeeyeen
Caddowna Waa Codeeyay: Faaladii Cabdallah
Macalim
Fariimo
Dhiig Xambaarsan ayaa ka imanaya Hargeysa
Faaladii XagarYare [Germany] GUJI...
Mowqifka
Somaliland iyo Meermeerka Reer Sool
Faaladii Maxamed Cabdi Diridhaba [Pakistan] GUJI...
Shaxda Eldoret: Yaa ku Guulaysan- Yaa ku khasaari?
Faaladii Siciid Cali [Canada] GUJI...
Yaa
sababay dagaalkii ka dhacay Laascaanood
Maqaal: Ibraahim Maxamed Huruuse GUJI...
Somaliland ma wax jiraa mise waa sheeko hore...
Maqaal: Axmed Maxamuud GUJI...
Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye Warqadan
oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan
beelaha.... GUJI 14/12
Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed
ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI
14/12
Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee
Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji
ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI...
14/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|