SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - PAKISTAN
MAWQIFKA SOMALILAND IYO MEERMEERKA REER SOOL

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) | KARACHI, PAKISTAN | diridhaba2001@hotmail.com 

Tan iyo markii lagu dhawaaqay xorriyadda iyo gooni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland waxaa jiray dhaliilo farabadan oo ka soo baxaayey xukumadahii kala danbeeyey ee ka soo shaqeeyey ama ka soo taliyey aan idhaahde dalka Jamhuuriyadda SOMALILAND, waxay ahayd goor farxadleh ka dib markii odayaasha iyo cuqaasha reer laascanood iyagoo miyirkooga iyo maankooguba la joogo ay si toos ah uga soo qayb galeen shir weynahii dib ula soo noqoshada xorriyadda iyo madax banaanida Somaliland ee lagu qabtay 18 may 1991, magaalada Burco ee gobolka togdheer Somaliland, waxaa shirkaasi lagu gorfeeyey sidii dib loola soo noqon lahaa xorriyaddii luntay 1960, shacabka ku geedaman SOMALILAND BRITISH PROTECTORATE na la mideeyo, ilaahay mahadii taasi waxa ay ka hirgeshay badiba dhulka SOMALILAND, waxaa nasiib loo helay in cagta dhulka loo dhigo nidaam habaysan oo ay lahaayeen amaanteed cuqaashii, garadadii iyo waxgaradka shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan, si kastaba akhriste ha ahaate,

Hoos Akhri

alkarama

 waxaa la soo gaadhay 1993 May, goortaasi oo uu xilka la wareegay alla naxariisti janno ha ka waraabiye Madaxweynahii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ahaa hogaamiyahii ku guulaystay inuu nidaamka dawladnimo ee Somaliland gaadhsiiyo badiba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan, hadaba iyada oo ay sidaa tahay, ayaa Marxuum cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu geed gaaban iyo ku dheerba u koray sidii cuqaasha reer laascanood loo qancin lahaa waxaa loo diray reer Sool wufuud kala gedisan oo kala soo xaajoota bal waxay tabanayaan, waxaa loogu yaboohay in wax alla iyo wixii taag iyo taakulo ah ay walaalohooda reer Somaliland kala mid noqdaan, oo ay shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan diyaar ula yahiin in ay kala mid noqdaan xanuun, hagardaamo, horumar iyo horusocodba, balse nasiib darro akhristow taasi laguma guulaysanin, waxaa sida caadada u noqotay cuqaasha reer Sool oo lagu yaqiinay inay yahiin dadka ugu caqli galsan reer Somaliland ay bilaabeen inay ku socdaan hanaan farda badan fuulnimo ah, waxay ka soo jeesteen muraayado farabadan oo midba dhinac laga daawado, balse su,aasha meesha imanaysa waxay tahay Maxaa ay reer Somaliland ka kale reer Sool uga baahanyahay? 

xaqiiqdii markaan duurgal farabadan ku sameeyey ee aan guntiga dhiisha iskaga dhigay ayaa waxaan ogaaday in haba yaraate iska daa wax kaloo in irbada caradeed waxtar ah aan Somaliland ka soo gelin reer laascanood, waxaan sidaan warbixin ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee Somaliland ka dheehday ku qiyaasay hanti dhan 1000,000 $ dollarka maraykanka ah lagu kharash gareeyey cuqaasha reer Sool sidii loola xaajoon lahaa, waxaa hadaba iyaduna meesha imanaysa oo la isweydiin karaa Maxaa reer Somaliland ku kelifay inay ka go,antahay laascanood inay tahay meel somaliland ka mid ah? akhristow sideedaba sidaad ogtahay taariikhda cidina ma masaxdo lama duugin karo cidina been kama sheegi karto, waxaa jirtay in qaaraddan africa muddo haatan laga joogo laba boqol oo sanno ay gumaystayaal kala gedisani qaybsadeen, gumastayaashaasi oo u sad dhigay xuduud (boarders), dhamaanba deeganada iyo dawladaha ku ceegagan qaarad weynta africa, taasi oo jamiciyadda quruumaha ka dhexaysaana qalinka ku duugtay in sidii gumaystahu u dhigay xuduudaha africa aan dib looga noqon karin lama taabtaanna tahay. hadaba waxaad odhan karta shacabka reer somaliland oo ilaahay ku manaystay caqli farabadan iyo foojignaan dheeraad ah ayaa iyaga oo aan marnaba adeegsanayn xoog iyo xeelad militery waxay ugu yabooheen walaalahooda reer Laascanood in ay xushmeeyan qodobada iyo qaraarada caalamiga ah ee qaramada midoobay runtiina taasi waxa ay ka midho dhashay ka dib markii dhawaan suldaano, cuqaal, garaado, iyo siyaasiyiin reer Somaliland ahi ay ku qaateen muddo bil ah in ay hawlo nabadeed dhex dhexaad ka gelaan, wada xajoodna ka gelaan sidii looga wada hadli lahaa arrimahaasi, ilaahay mahadii waa lagu guulaystay waxaana laga soo saaray bayaan loo wada dhanyahay. hadaba waxaa iyaduna meesha iman karta hadii taasi lagu guulaystay maxaa meeshaba keenaya in maamul goboleedyar oo jiritaankiisuba saqiiryahay ku loolamo gobolka sool? waxaan jecelahay inaan faallo kooban ka bixiyo arrintaasi.

s1map.gif (30907 bytes)

ARGAGIXISADA GAROWE IYO GASHAANKA SOMALILAND

Somaliland waxay ay leedahay ciidamo kor u dhaafaya 60,000 oo askari oo rigli ah (permanent) iyo weliba 20,000 oo askari oo ah naftooda hurayaal si gaar ah u tababaran oo u adeega difaaca qaranka dhulkooga hooyo, waxa ay ciidamadaasi hadii loo baahdo ku qaadan karaan hawl gal (operation) in ay cagta mariyaan dhamaan argagixisada saldhiga ku leh tuulada garoowe, oo ay xitaa hadday doonan u qabsan karaan hawlo amaan ah awgeed iyaga oo ka sifayn kara hadii loo baahdo (cleaning the terorrims grouped in garowe), waxaa ficilkaasi in lagu dhaqooqo uu inyar u jirsaday maalintii doraad ahayd ka dib markii shacabka reer somaliland oo dhami ay aad uga cadhoodeen falkii argagixinimo (terror action) ee ay argagixisada garoowe ku soo qaadeen Madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waxaa laga dareemayey dhamaan talisyada ciidamada kala gedisan ee Somaliland dhaqdhaqaaq iyo shirar kala duwan, iyadoo xitaa ay dhaqdhaqaaq sameeyen qabta 26 labatanaad ee ciidanka qaranka Somaliland ee saldhigoodu yahay Magalada Caynabo si ay u adkeeyan una galaan magaalada laas canood, balse nasiib wanaag Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa amar ku bixiyey inaan wax talaabo ah la qaadin ee isaga laga war sugo intuu safarka dhamaysanaayo, balse taasi waxay cadho ka keentay ururuda mucaaridka ah sida ururada ASAD, UCID, KULMIYE, HORMOOD, waxaanay ku baaqeen in ciidamada Somaliland loo ogolaado inay hawlgalkaasi fuliyaan, taasi ma dhicin ee mudane Riyaale wuxuu ballan qaaday inuu sida ugu dhakhsaha badanleh go,aan uga gaadhi doono hawlahaasi, wuxuuna ballan qaaday in uu u adeegi doono qaranka iyo shacabka Somaliland meel wal oo ay joogaan kana difaaci doono argagisada saldhigyada ku leh GAROOWE IYO MUQDISHO labadaba. hadaba waxaa la isweydiin kara talaabo intee le,eg ayuu riyaale laga filaya inuu qaado. waxaa dadku ka warsugayaan intaanu riyaale ka soo laaban beriga Somaliland inuu ku dhaqaaqo qodobadan soo socda: -

1. In lagaga dhabeeyo ka mid ahaanshaha magaalada laascanood dalka jamhuuriyadda Somaliland.

2. in lagaga takhaluso argagisadii weerartay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

3. In dhambaal loo diro cuqaasha iyo salaadiinta reer laascanood ah kala dooro laba midkood

4. in lagaga dhabeeyo in doorashada Somaliland ka dhacdo magaalada laas canood iyo dhamaan gobolada beri ee Somaliland.

5. in ciidamada Somaliland la siiyo fursad inay ku ilaalin karaan xuduudka SOMALILAND la leedahay SOMALIA, ee sida dhibta yar u sahashay maalintii dhawayd inay argagixisadu ka soo gudubto

6. in la kaalmeeyo lana geeyo dhamaan agabkii gobolka dhaqaale iyo siyaasadeed dhamaan gobolka SOOL gaar ahaan caasimadiisa LAAS CANOOD.

7. in cunaqatayn cir dhul iyo bad ahba lagu rogo argagixisada garoowe (complete sanction)

qodobadaasi waa kuwa keliya ee qancin kara shacabka Somaliland hadii kale waxaa suuro gal ah in Mudane madaweyne Riyaale uu kala kulmi karo dooroshooyinka Qaranka Somaliland waxaan u cuntamin.

BAAQ: Waxaa shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan baaq u dirayaan cid alla iyo cidii ku soo xadgudubta ciida iyo calanka Somaliland ay kala kulmi doonto ceeb aan weligeed ka hadhin kuwa ku taamaya ee leh waa inoo qori caaradii waxaanu leenahay maaha in maatida iyo caruurta aan waxba galabsan la isku dhex qabsado ee banaanka ayaa la iska heli kara waxaa ciidanka qaranka Somaliland ilaahay hortiisa dhaar ugu marsanyahiin inay difaac dhulkooga dhiigooga u daadshaan.

ALLA MAHAD LEH SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.

WAXAA DIYAARIYEY OO ISKU DUBARIDAY

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com 

I  I  D  H  E  H

 

Dec 14,  2002

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12

... ELDORET: Taxanaha Wararka

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 

 


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

 SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD