SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Senator Norm Coleman
Senator Coleman oo la shiray hogaamiyeyaasha Soomaalida Minnesota.
wq. Maxmuud Wardheere
Minneapolis, MN, USA
April 21, 2003

Sanadkii la soo dhaafay ayay bilaabeen Soomaalida Minnesota in ay is habeeyaan oo codkooda ururiyaan si ay xaqooda iyo xuquuqdooda u daafacaan. Waxay samaysteen urur la yiraahdo Somali Action Alliance kaas oo dallad u noqon kara dhamaan Soomaalida Minnesota. Sanadkii hore Oktoobar 19keedii ayay meel isugu keeneen labao murashax oo kala ahaa Senatorkii dhintay ee Wellstone iyo Coleman, labaduba waxay waagaas balan qaadeen in haddii ay guulaystaan mudo 90 beri ah gudahooda ay kula kulmi doonaan bulshada Soomaalida ee Minnesota ku dhaqan si ay u wada shaqeeyaan. Senator Wellstone waa dhintay meeshiina waxaa ku guulaystay Senatorka hadda ee Coleman.

Coleman balantii kowaad waa ka soo baxay oo maanlintii Isniinta ee Aprill 14ka ayuu u yimid Jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota halkaas oo markii u horaysay isbarasho iyo balan qaad labada dhinac ay ka dhaceen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen. Soddomeeyo masuuliyiin Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shirkaas oo ku dhacay jawi is afgarad iyo wanaag.

I  I  D  H  E  H

Coleman oo is barayay dadka Soomaaliyeed ayaa yiri siyaasadda waxaan u soo galay waxaan ka soo jeedaa qoys siyaasadeed sidiinoo kalena waxaan ka soo jeedaa qoys wayn oo 8 ayaa ila dhalatay. Wuxuu kale oo uu sheegay in uu ka mid yahay gudiga senateka ee qaaradda Africa iyo Bariga dhexe. Madaxna waxaan ka ahay hay’adda daba galka hawlaha dawladda iyo kambaniyada gaarka ah iyo howlaha Peace Corps.

Coleman oo markii uu arday jaamacadeed ahaa waxaa uu ka mid ahaan jiray kuwa dawladda ku banaan baxa oo dagaalkii Vietnam diidi jiray oo xataa marbaa iskuulka laga eryay intii uu sameeyay waxa la yiraahdo “sit-in” oo ah nooc mudaaharaadka ka mid ah. Adduun iyo xaalkiis maanta asagii baa senator ah oo lagu banaan baxaa marwalba oo xataa xafiiskiisa “sit-in” or “die-in” lagu sameeyaa!.

Coleman oo ahaan jiray duqa magaalada St. Paul mudo sideed sano ah waxa uu gacantiisa ku samaystay oo uu leeyahay cadow siyaasadeed oo aad u tiro badan waxaana cadawgiisa ka mid ah kooxda Gay la yiraahdo oo u xanaaqay markii uu ajandahooda taageeri waayay banaan baxoodana ka qayb geli waayay, waxaa kale oo neceb haweenka ilmaha iska soo tuura “pro-choice”ka dib markii uu ka diiday inuu ku raaco ajandahooda (abortion), waxaa kale oo neceb qolada u dooda welfare waxa loo yaqaano oo ay Soomaaliduna tiraahdo “cayr” waayo wuxuu aaminsan yahay shaqo, waxaa kale oo neceb xulafada xisbiga dimoqraadiga oo uu mar ka mid ahaan jiray intii uusan u soo wareegin xisbiga Jamhuuriga. waana nin aan la gaban fikradiisa xataa haddii lagu nacayo.

Coleman wuxuu balan qaaday inuu intii karaan kiisa ah la shaqayn doono Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota. Kulankan waa kii ugu horeeyay mana noqon doono kii ugu danbaeeyay Insha alla. Waxaa la filayaa in uu muujiyo waxqabad cad oo ku wajahan umadda Soomaaliyeed oo ah dhinaca waxbarashada, guryaha, waaxda socdaalka oo hadda looga yaqaan America “Homaland Security”iyo shaqooyin badan oo laga abuuro Minnesota.

Mahamoud N. Wardere
mnwardere@yahoo.com 

April 21, 2003

Wardheere Archive...... 

.....Sanatoorka Minnesota ee Norm Coleman oo bilaabay barashada af-Soomaaliga 

Wardheere oo Laga Dhigay Lataliyaha
Senetor Norm Coleman - Minnesota
shaqadiisuna waxay noqon doontaa xiriirinta Soomaalida Minnesota iyo African-ka kale  iyo.... GUJI.. Feb 20

Senator Norm Colemanka Minnesota oo Madax Looga dhigay Gudi Hoosaadka Baarista
iyo daba galka guud ee dawladda Maraykanka..
.. GUJI 20/1

mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III
, Maxamuud Nuur Wardheere: Photo WQ: Maxamed Cali / SomaliTalk.com | GUJI...

Senatorka cusub ee Minnesota Norm Coleman oo la dhaariyay
Waa Senatorkii u ballanqaaday in uu la kulmi doono bulshada Soomaalida ee Minnesota saddexda bilood ee u horeysa gudaheeda haddii uu doorashada ku guulaysto GUJI..  9/1/3

 Waa latarxiilay, laguna banaanbaxay ee maxaa u diidey in  ay Joogaan dalkooda
Wararka iyo Faalooyinkii Maxamuud Wardheere ee toddobaadkan oo ay ka mid yihiin...... GUJI.. 

Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12


 ELDORET: Taxanahii Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD