SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso
  • SUXUFIYIIN KATIRSAN BBCDA ,ARDAY KA SOCDA JAALIYADAHA DIBADDA IYO SHACAB FARO BADAN OO BOOQDAY GURIGA NABADDA EE SOFIHA .

Guriga Nabadda ee SOFIHA ee lagu magacaabo guriga (Budul peace center) ayaa caawa (Dec 4) waxa booqday suxufiyiin ka tirsan Laanta afsoomaaliga ee BBCda iyo Ninka u qaabilsan tababaradda , halkaasi oo ay xaflad aad u ballaadhan kala kulmeen ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey Hay'adda SOFIHA .

Sarta Nabadda ee SOFIHA, Bosaso.

Maxwell Gaylard iyo guddoomiyaha Sofiha


SOFIHA oo soo dhoweyneysa suxufiyiinta BBCda

Xafladdaasi Booqashada oo ka dhacday Dusha sare ee Guudka SARTAASI NABADDA EE SOFIHA oo ku taal meel Badda u dhow oo saaran xeebta magaalada Boosaaso dabaqeeda sare oo si weyn loo qurxiyey , ayaa waxa soo agaasimay Hay'adda Swedishka ah ee SOFIHA halkaasi oo ay ku timaameen dadkii yimid Jawi Nabad ka tarjumaya oo ay ku naaloonayaan Ummada Puntland iyo Jawi aad u qurxoon oo Nabadeed.

Hay'adda Sofiha waxay hadda ka hor Nabadda kala shirtay oo soo booqday Uqaabilsanaha UNKa deeqaha Somaliya ahna madaxa UNDP Maxwell Gaylard oo ay shir ku yeesheen Magaalada Boosaaso , sidoo kale waxay heshiis ah in taallo loo dhiso Nabadii Puntland kala saxeexdeen Madaxweynaha DGPL Col. C/Laahi Yuusuf Axmed .

Sidee koonfurta Soomaliya looga soo dhaweeyey Ubaxyadii Nabadda ee SOFIHA u dirtay?  Guji...

Xaflad soo dhaweyn booqdayaashii saxafiyiinta ahaa oo ay ka soo qaybgaleen Mas'uuliyiin ka socota Hay'adaha Ururada Bulshada iyo Suxufiyiinta madaxa Banaan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Hay'adda SOFIHA , goobtaasi oo uu ka dhacay Caweys Aad loo xiisaynayey ayaa erayo soo dhaweyn ah waxa halkaasi ka muujiyey Gudoomiyaha SOFIHA C/raxmaan Budul oo ka sheekeeyey sida ay Hay'adda SOFIHA Nabadda uga qaybqaadatay iyo guulihii Bilad gudoonsiinta ee aan afrika laga aqoon ee ay Puntland ku bixisay Nabadeedii , isla markaasna waxa uu afka ku dhiftay in loo baahanyahay inay Suxufiyiintu Nabadda ka shaqeeyaan oo ay Qalin iyo Afba u adeegsadaan Nabad u raadinta Umadda Soomaliyeed , Gudoomiyuhu waxa uu si weyn u soo dhaweeyey oo kale Arday soomaaliyeed oo wax ka barta Jaamicadaha dalka dibadiisa iyo Ururadii Bulshada ee ay PSA ka mid ahayd ee Soo Booqday Sarta Nabadda ee SOFIHA ,waxa kale oo uu sheegay in heshiiskaasi ahaa mid xambaarsan ilbaxnimo iyo naxariis bini aadminimo ,maadaama ay HOGAAMIYAYAASHII NABADDU wewelka ka bi'iyiin dadkoodii waana wax lagu dayan karo isagoo xusay in ay dadka soomaliyida ah haysato Colaad ,Abaar, Faqri , Jahli , iyo Dawlad la'aan .

Sidoo kale waxa Halkaasi warbixin kooban ka jeediyey Madaxa Xiriirka iyo wararka ee Hay'adda SOFIHA Maxamed Cabdi Ibraahim oo sheegay Guulihii ay SOFIHA Gaartay iyo sidii Bulshadu u Abaal mariyeen isaga oo xusay in dhismaha ay Hadda SOFIHA degentahay uu Nin Ganacsade ahi ugu deeqay oo lagu magacaabo Siciid Yuusuf Budul si ay Hay'addu Nabadda ugaga sii shaqayso in Muddo ah, Ninkaasi oo maal faro badan ku bixiyey Meelmarinta Mashaariicda Nabadda ee SOFIHA , waxaana uu tibaaxay Maxamed in ay hadda SOFIHA tiigsanayso inay Meel dheer gaarsiiso dedaalkeeda Nabadda sida ay Galguduudba dhawaan baaqa ugu dirtay oo ay gogosha Nabadda ugu fidisay .

Dr. Daahir Liiban oo ah madaxa WHO Puntland ayaa Goobtaasi ka hadlay oo sheegay in Cudurada iyo Colaadaba lala dagaallamo oo loo adeegsado Warbaahinta kala duwan .

Dhallinyaradii ayaa iyana halkaasi Erayo kasoo jeediyey waxaana Goobtaasi ka hadlay Ururka Ardada Puntland (PSA ) oo ay Baxsan xasan Maxamed ku tiiqtiiqsatay sidii Nabadu Puntland uga hirgashayna xustay iyadoo dhalliil u soo jeedisay inay BBCDu ka gaabiso War ka sheegitaanka Horumarka PL iyo guuleheeda .

Dhallinyarada Suudaan ka timid ee Jaaliyadda Ardayda Soomalida ee Sudan ayaa waxa u hadlay Ismaaciil Maxamuud Ismaaciil oo sheegay sida ay Nabad la'aantu u saamayso Ardayda waxaana uu xusay sidii ay SOFIHA uga qaybqaateen Dhidiba u aasidii Nabadda Puntland taasoo ku dayasho mudan .

Weriyaasha halkaasi soo Booqday ayaa waxaa ka mid ahaa Ninka u qaabilsan BBCDa Tababarada iyo Madaxa Laanta Afka Soomaliga Yoonis Cali Nuur iyo weriyayaasha Yuusuf Xasan iyo Axmed Kismaayo oo dhamaantood u jooga hadda Puntland Arimo la xiriira Tababaro ay bixinayso BBCdu , balse waxay weriyayaashu door bideen inay Booqdaan Dhismaha Hay'adda SOFIHA ee Nabadda ka shaqaysay kuna bixisay Billadaha .

Shacabkii halkaasi yimid ayaa soo jeediyey Naqdin faro badan iyo eedaymo ay u soo jeediyeen BBCda oo ay sheegeen inaysan si hufan uga hadlin Wararka iyo waxqabadka Puntland , waxayna ku eedeeyeen inay u xagliso dhinacyada kale ee SOMALIYA , su'aal uu soo jeediyey C/rashiid Cali Axmed oo ahayd Maxaad dhibta Puntland ka dhacda uun u buunbuunisaan ? oo aad uga hadli weydaan Guulaha Ummadda Gobollada Puntland ku nool?

Jawaab iyo Bogaadin soo dhaweyn eedayn ah ayaa waxaa ka bixiyey Madaxa BBCda lanaata Afsoomaliga Yoonis Cali Nuur oo sheegay in Gobolada Soomalida oo dhan laga Naqdiyo oo Koonfuriba ay tiraahdo waa nalaga jiraa sidoo kale Somaliland , waxana uu sheegay in soddon daqiiqo ku yartahay BBCdu inay kaga waranto wax walba oo ka dhaca Soomaliya , inkasta oo ay eedaymuhu ku socdeen Axmed Kismaayo waase is difaaci waayey oo wax uu ku jawaabo ayuu garan waayey isagoo sheegay inuu Todoba war ka diray Nabadii Puntland .


Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Xorrnimo doonka ah ee Ogaadeenya Guji...
Bishii Febraayo ee 2001 ayey ahayd markii Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar  iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey... [Eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabdulqaadir]. BBC-da laanteed afka Soomaaliga waxaa la asaasay 18kii Luuliyo, 1957kii xilligaas oo Soomaalida oo dhammi ku hoos noolaayeen gumeysi.
ugu danbayntii waxa soo gunaanaday xafladaasi Booqashada saxafiyiintu ay dhismaha Nabadde ee SOFIHA ku tageen Gudoomiyaha Sofiha oo soo dhaweeyey eedayntii shacabka sheegayna in la eedayn karo saxaafadda madaxa banaan waayo waa mid u dhisan inay soo gudbiso dareenka shacabka ee anay ahayn meel cid u xiran oo aan wax laga sheegi karin , wuxuuna u mahad celiyey dhamaan ka qayb galayaashii Booqashadasi ka qayb galay .

xafladdaasi waxay ku dhamaatay si guul iyo raynrayn ah waxaana dadku aad u jeclaa inay jawigaasi qurxoon ee badda daanteeda sarta saaran ku yaal inay sii joogaan islana sawiraan Halyeyga Nabadda ee SOFIHA oo ay dadku ugu yeeraan Aabaha Nabadda .


cawaale jaamac salaad somalitalk, somaliya
jamnaf87@hotmail.com

SomaliTalk.com Dec 4

Maxaa Gaaca Biyo Jawleh: waa meel maal gelin u baahan...

Dr. Caydaruus iyo Ciise Dhollowaa oo u Safray Boosaaso
Waxaana safarkooda ku weheliya saddex qof oo ka socda Telefishanka ABC-Austria, waana safar la xiriira sidii cisbitaalka Bosaso loo... Guji


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD