w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
SOMALILAND XAQ AYEY U LEEDAHAY IN AY ARGAGIXISADA DHULKEEDA KA DIFAACDO
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Waxaa mahadleh ilaahay subxanahu watacalaye abuuray dhammaan dunida oo dhan
mahad waxay u sugnaatay nebigeena suuban Maxamed (C.S.W).
intaa ka bacdi waxaan jecelahay inaan fasilaad ka bixiyo hawlgal ay
wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland todobaadkii ugu
danbeeyey ku qabqabatay dad lagu tuhmay inay ka tirsanyahiin ururo aan sharci
ahaan Somaliland aqoonsanayn,(Unrecognized guirella organizations) Maadama oo
aanay ururadaasi siday doonan ha u jiraane aanay Somaliland aqoonsanayn waxaa
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo xeerinaysa qodobadani:-
- 1. Amaanka guud ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. Ammaanka mandaqadda beriga Africa
3. Xidhiidhka sokeeye ee dalalka la jaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland
sida Ethiopia, Djibouti, Somalia, iyo Gacanka Carbeed
4. Xeerarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (United nation security
regulations)
5. Iskaashiga caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo argagixisada caalamiga
ah (the international confederation fighting against terrorism)
waxay Garawsatay inay tallaabo ka qaado tiro dad ah oo lagu tuhmay inay ku
lug leeyahiin khalkhalgelinta amaanka mandaqadda geeska africa (Violating
the security of the region), dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka
mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee
Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF, inkasta oo baadhitaanku socdo hadda oo
aan sina loogu caddayn karin ama lagu xaqiijin karin in dadkan ay booliska
Somaliland ku qabqabteen hawgalka ka mid yahiin ururadaasi, hadana waxaa aanu
xaq u leenahay inaanu dalkayaga indho gaar ah kaga ilaalino waxyaabaha fal
qaladda u keenaya ha noqoto Hawlgalada ay ururadaasi sida argagixisada ah ugu
soo qaadayaan dawladaha dariska ah ama kuwa ay gudaha Somaliland ka
fulinayaanba, Waxaa jira dad badan oo isku khaldaaya dawladnimo iyo qabiil,
waxaan hadaba jecelahay inaan ka shaafiyo ashkhaastaasi in aanay Somaliland
ahayn qabiil, urur, ama wax la halmaala ee ay Somaliland tahay qaran jira oo
leh shuruuc u dejisan (authenic constitutions),
Dastuurka qaranka Somaliland waa dastuurka keliya ee dunida dhigaya in
argagixisada lala dagaalamo, waxaanu aaminsanahay in aanay argagixisadu lahayn
qolo, qabiil, qaran,diin,jinsi iyo midab intaba, cid alla iyo cidii isku dayda
inay khal khal gelin ka abuurto gudaha somaliland ama hawlgalo argagixisa ah ka
fulisa dawladaha jaarka aanu nahay dabadeedna isku dayda inay Somaliland tahay
hoy ay ku gabban karaan waa khaldameen,(if they thought that Somaliland is a
country which they can hide doing terror actions for our neigbour countries
they are mistaken) waxaanu usoo jeedna oo aanu indho gaar ah ku eegayna in aanu
dalkayagu noqonin Gabood ay argagixisadu ku gabato.
Midda kale annagu waxaanu xeerinayna daris wadaaga, waxaanu xeerinayna
dhaqanka iyo degaan xeeran ee aanu la leenahay dhamaan maamulada iyo dawladaha
nagu geedaman, Waxaanu hadda xaqiijinayna horana u xaqiijinay in cidda wadda
fadqaladda dariskayagu ay noola mid tahay fadlqalad lagu fuliyey dalkayaga
dhexdiisa, Waxaanu leenahay walaalahayga jecel daris wadaaga ee ku nool dhulka
ismaamulka soomalida ee Kililka shanaad ee Dawladda Federaalka Ethiopia
ganacsigii iyo xidhiidhkii Sokeeye ee inaga dhexeeyey sidii ayuu u jira una
jiri doona, waxaanu idinku baraarujinayna in aanay idinka faa'idaysan dadyow
badan oo warxuma tashiilku u shaqa yahay. Waxaan ku soo gunaanadaya
Qoraalkaygani xikmadda aanu u diraayo kuwa qallinka ka dhigay argagixisada
Rag darmaano soo fuul
Ragna dalawadiisii
Iyo doobigii keen
Ragna deer-cadkiisoo
Baar-baq dooblyayaa wado
Bandhigii ku soo daa
Nin dameero soo horay
Yaan la odhan denbuu galay
Billay duunyadiis tahay
Waxes iga dardaarana
Ninka daaqasanaayow
Dafac laa gosheediyo
Dixda hayska joogtee
Yaanay nagu dannaaniyin
Ama geela naga didin
Nirgo daaddah baradaa
Derrimaha madheedhka leh
Sida digirin jiifee
Yaanay naga danbaabidhin
Doqon yahay masayrkiyo
Danni lagu abuuree
Deeqdii Illaahay
Deelqaaf ka mudataay
Adigiyo dangaladaa
Da'kastaydin qooqdaan
Waxa aydin dihataan
Daratiyo ma caal baa?
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2003
Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
Denmark:
Saciid Wesing :
“dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
|
|