SomaliTalk DALSAN
 
East

Africa

University

MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika.
Shirweynihii Jan 12, 2003 lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, kaas oo ay ka hadleen waftigii C/Weli C/raxmaan Geyre [Guji...]

Ololaha Horumarinta Waxbarshada Puntland: East Africa University.
Dunidu waa ayaamo tirsan, qofkii ku faafiya wanaaga ayaana liibaaney, barista cilmigu waxay kamidtahay wanaag lasameyeeyo kuwa ugu ajarka badan, taas oo ay weliba qofka ka harto sadaqo weligeed socota (sadaqa jaariyah) oo ah cilmigii qofkaas laga faa'iidey oo weligii soconaya. [ Giji...]


Warbixintii Jaamacada ee 2001
Jaamacaddan “jaamacadda Bariga Afrika” (East Africa university) waxaa si rasmi ah loo furay markay taariikhdu ahayd 23/10/1999, waxaana lagu bilaabay 95 arday oo ku baasay imtixaan horudhac ahaa oo laga qaaday dadkii soo dalbaday, kuwaasoo loo furay bilowgii koorasyo barashada luqada; carabiga, ingiriiska iyo xisaabta ah. Bishii Oktoobar 2000 ayayna ardaydaasi waxbarashadoodii rasmiga ahayd ee jaamacadeed bilaabeen.
[ warbixintii Maxamed-Deeq Cabulqaadir, Bosaso, Abriil 2001]

Warbixintii Mohamed Deeq
Akhri/Read | Daabac/Print


Qaabdhismeedka Jaamacada
Akhri/Read | Daabac/Print


Buugaagta Jaamacaddu u baahantahay
Akhri/Read | Daabac/Print
 

Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal
 
.Home | CProgram | HTML | TellFriends | Search | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
Wafti Kasocda Jaamacadda Boosaaso oo Kusii Jeeda Australia iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland oo hadda kusugan Melbourne.

SomaliTalk.com | Melbourne, Australia | Aug 16, 2003

Sawiradani waa diiwaan ka yimid booqashadii waftigii jaamacada Latrobe University, Australia ee bilowgii sannadkan 2003 booqday Jamacada Boosaaso

Dr. David oo salaamaya Wasiirka Waxbarshada Puntland Hassan Dhiillod iyo Cabdirisaaq Shoole oo dhexdooda ku beegan.

Bidix: Ciise  Dhollowaa iyo Xaaskiisa, Maryan Treweeke. Midig: Ciise & Dr. David

Waftigii Dr. David oo lagu soo dhoweeyey Boosaaso.

CabdiWeli C/raxmaan Geyre , Hormuudka kulliyada dhaqaalada jaamacada Boosaaso.

Wafti kasocda Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso ayaa kusii jeeda dalka Austarlia. Waftigaasi waxay magaalada Melbourne ku aadan yihiin maalinta Isniinta ee soo socota, ayagoo Axada ka duuli doona Dubai oo ay hadda kusugan yihiin, waxay waftigaasi dhowaan kasoo dhoofeen magaalada xeebta ah ee Boosaaso.

Waftiga Dubai ka duulaya waxaa kamid ah Cabdirisaaq Shoole oo ah diiwan-hayaha (Ragistrar-ka) Jaamacadda Bariga Afrika (East Africa University) iyo CabdiWeli C/raxmaan Geyre oo ah hormuudka kulliyada dhaqaalada (Dean of Business Administration) ee jaamacada Boosaaso.

Waftigaas waxaa Australia uga sii horeeyey wafti kale oo uu hogaaminayey wasiirka waxbarashada Puntland Xassan Dhiillod. Waftiga wasiirku waxa uu Asutralia tageen bartamihii toddobaadkan.

Waftiga ku soo fool leh Austrlia iyo waftiga Wasiirka ee hadda jooga Melbourne waxay u socdaan arimo la xiriira xoojinta xiriirka Jaamacada Boosaaso iyo Jaamacado kuyaal dalka Australia, waxa ay waftigu marti u yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Autsrlia, Dr. David Dorward (oo ah agaasimaha macHadka cilmi baarista Afrika), iyo Ciise Maxamud Dhollowaa iyo Xaaskiisa, Maryan Treweeke.

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas. [Warbixintaas halkan ka akhri].

Wixii fariin ah oo loo gudbinayo waftiga jaamacada ee booqanaya Australia waxaa loogu hagaajin karaa Ciise Dhollowaa oo laga helo: imfarah@students.latrobe.edu.au ama Telefoon: 61.415.172.025.

Lasoco wixii wararka waftigan kusoo kordha iyo sida loogu soo dhoweeyo Australia.

Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

TAAGEER WAXBARSHADA SOOMAALIYA


 



www.Somalitalk.com
All About Somalia and More...
Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy
 

HTML CD