SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
DIIHOOD IYO RIYAALE OO SI INDHA LA,AAN AH U TURUNTUROONAYA

wq. fuad duale | halgan69@hotmail.com

Feb 23, 2003

Waxaa layaab leh in ninkan indhaha la, ee la yidhi waxaad raadinaysaa gooni isu taaga somaliland uu si indha la,aana u jibaaxayo kaymo cidlo ah, iyadoo hubaal kuwa uu la kulmayaa ay ka riwaayadaysanayaan. Qaasatan baarlamaanka ingiriiska oo odayaasha ku jira uu xasuusiyey waayihii murugada lahaa, ee isticmarka ingiriisku uu goostay dhinaca waqooyi oo uu ku magacaabay Somaliland, maxayse ku odhanayaan ayad qiyaasaysaa ”Mudane Diihood miyaadan maqal in gumaysigii ingiriiska ee afrika la soo afjaray oo Zimbabwi ayaa ugu danbaysay, iminka waxaa socda gumaysiga cusub, waxaana aan leenahay dabadhailifyo inoo shaqeeya oo danaheena fuliya”

Diihood waxaa uu dawlada ingiriiska ka dhadhicinayaa in dadkiisu ay si daacadnimo ah ugu adeegi jireen gumaystaha, oo weliba ay ka soo dagaalameen wadamada ingiriisku gumaysan jiray amaba uu dagaalka kula jiray sida jarmalka iyo japan, Hadaba miyeeysan ahayn foolxumo weyn oo laga murugoodo in qaabkaasi oo kale loo raadiyo aqoonsi, Miyeeysan taasi godob iyo meel ka dhac ku hayn halyeeyadii gobanimada Somaliland kaynta u galay ee mutaystay xabsiga, iyo dilka, si ay heeryada gumaysiga ingiriiska uga qaadaan-

Balse tani maaha tabtii ugu horeeysay ee qaar kamid ah masuuliyiinta isku magacaabay Somaliland ay isticmaalaan, waxaa dadku aad u hadal hayn jireen marxuum cigaal iyo warqadiisii uu u diray dawlada israaiil ee uu ku doodayey in ay labada shacbi ay aad isugu dhaw yihiin oo ay hareereeyeen dad ka duwan oo khatar ku ah degenaanshaha gobalka iyo danaha israaiil, gebegabada warqadaasi waxaad ku arkaysay ” adeegahaaga daacada kuu ah Cigaal”

Aan is weeydiinee gooni isutaaga Somaliland ma sidaasi ayeey quus u tahay, meeday karaamadii iyo sharaftii shacabka reer somaliland, ma waxaa ka xoog badiyey caadifada iyo jahawareerka koox yar oo siyaasiyiin ah oo u dhaqmaya sidii dad aan damiir iyo sharifba lahayn, kuwaasi oo hubaal khasaaro xoog leh u gaysanaya, wax kasta oo shacabka reer somaliland ay ku talaabsadeen sanadihii u danbeeyey

Waxaa ay kuwaasi yihiin kuwa ka masuulka, kala daadsanaanta siyaasadeed ee Somaliland,abuuritaanka cadaawada deris, sida dhiirigelinta burburka puntland , iyo weliba siyaasdaha ismaadaaminta ku dhisan ee riyaale, tusaale ahaan safarkiisii laascaanood oo ahaa mid abuuray xiisad , sababi karana dagaalo ka qarxa gobolka oo idil, taasi oo maamulka somaliland ay iyagu ka masuul yihiin, dabcan iyaga oo gacan ka helaya kuwa sidooda haboowsan oo ka soo jeeda gobolada sool sanaag iyo hawd, shacabka goboladaasi degaa waxa ay si cad u muujiyeen in aysan diyaar u ahayn in ay mar kale xariiqaan xuduudihii gumaysigii laga xaroobay 43 sano ka hor, waxaana wax garadka goboladaasi ay soo dhaweeynaan talaabooyinka derisnimada ah ee ka dhaxeeya labada dad.

Maamulka somaliland waxyaabaha laga yaqyaqsoodo oo ay caadaysteen waxaa ka mid ah been aan xad lahayn oo mar kasta ay isku dayaan in ay aduunweynaha ku marin habaabiyaan xaalada dhabta ay ee ka jirta gobalka, iyo mawqifka ay dadyawga kale ka qabaan gooni isutaaga somaliland, kuwaasi oo mararka qaarkood aad loogu qosli karo, khaasatan marka isgaarsiinta somaliland u adeegtaa ay daabacayaan amaba ay dhegaha dadka ku afuufayaan tirakoobyo dhoodhoob ah oo ka soo baxay doorshooyinka gobolada dersika la ah somaliland.

Gebegabadii waxaa ay ila tahay in xil weyn la iska saaro sidii loo hagaajin lahaa nabadgelyada iyo xasiloonida deegaamadaasi, waxaanan kula talinayaa raga siyaasiyiinta ah iyo maamulka riyoolaba in ay ka waantoobaan riyadooda siloon oo sababi karta qasaare weyn, ayna mihimada siiyaan talaabooyinka horumarineed ee danta u ah dadkooda, intii ay waqti badan iyo miisaaniyadba ay ku boxon lahaayeen aqoonsi aan xaqiiqo u muuqan, joojiyaana ololaha nacayb abuur ee aan dhamaadka lahayn, ee maamulka riyaale uu ku mashquulsan yahay

wq. fuad duale | halgan69@hotmail.com

Afeef" aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

[qoraalo kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

»»Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
»»Qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida  

»»CIIDANKII USAAMA BINU SAYD [siiro 81aad]

Dab Qabsadey Dekadda Ceel-macaan
Xaley Abaarihii 7:00pm fiidnimo wuxuu si lama filaan ah dab u qabsadey Dekadda Dabiicigaa ee Ceel-macaan Dabkaan oo.. GUJI..  

Wardheere oo Laga Dhigay Lataliyaha
Senetor Norm Coleman - Minnesota
shaqadiisuna waxay noqon doontaa xiriirinta Soomaalida Minnesota iyo African-ka kale  iyo.... GUJI.. Feb 20

I  I  D  H  E  H

»»WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH

»»CAALAMKA NINKII UGU HOREEYAY EE LOOXUKUMO QARAXII U.S.A 

Laba Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Baxsaday: Wararkii Radio xoriyo ee maanta....  GUJI 

Dagaal ka Dhacay G/Shabeelada Hoose
Dagaalkaas oo la xiriirey dhul-beereed waxaa ku dhintay..... GUJI..

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!!!??..... WQ.Cabdi Warsame Feb 18

»» SOOYAALKA TAARIIKHEED EEDAHSOON IYO DIRIRTA TOGAN
»» Xuskii UFO iyo sanad guuradii 21aad 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI

BILICD SOOMAALIYA..... GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD