Gabar Muslimad ah oo ka mudaharaadeysa mamnuucida Khimaarka France |
September 2, 2004
Maanta oo ku beegan Khamiis (September 2, 2004) oo ah
maalinta ugu horeysa sannad dugsiyeedka 2004-2005 ee dugsiyada Hoose/Dhexe
ee dalka Faransiiska ayaa waxaa dalkaasi ka
dhaqan geliya sharcigii uu madaxweynaha dalkaasi ku mamnuucay in gabdhaha
Muslimka ay Iskoolka ku xirtaan Khimaarka.
Waxaa sharcigaasi si toos ah u khuseeyaa oo ay tahay in ay u
hoggaansamaan waa 12 million oo arday kuwaas oo dhigta 60,000 oo ah Dugsiyo Hoose iyo 11,000 oo ah Dugsiyada
Sare ee dalka France, waa sida ay werisey hay'ada dalkaasi warka u faafisa ee AFP.
Waxayse arinta Khimaarku si gooni ah saamayn ugu yeelaneysaa Muslimiinta ku
dhaqan France oo tiradoodu tahay 5 million.
Ms Jenny Taylor oo ah qortay "Islam & Islam and Secularisation" oo ay soo xigatey hay'ada wararka ee CNA
(Asia) waxa ay sheegtay in
'xijaabka loo arkay aasaaska islaam ka dhigidda, taas oo ay
sheegtay in ay u malaynayso in faransiisku arkeen..."
Waxaa
Soomaali badan weli madaxooda ka guuxaya hadalkii sannadkan 2004 horaantiisii
kasoo yeeray
Maxamed Dheere ee mamnuucida Indha Shareerka gabdhaha Muslimaadka ah,
taas oo markiiba dad badan xusuusisay arintan Faransiiska oo aan markaas
weli dhaqan gelin.
TAARIIKHDA DIIMAHA OO ISLAAMKU KAMID YAHAY AYAA MARKII UGU HOREYSEY LAGU
DHIGI DOONO DUGSIYADA RUUSHKA
Waxaa sannad dugsiyeedkan 2004/2005 markii ugu horeysey iskoolada Ruushka
lagu dhigi doonaa taariikhda Diimaha, taas oo ardayda fursad u siin doonta
in ay bartaan taariikhda diimaha oo uu Islaamku kamid yahay. Sidaas waxaa
shaaca ka qaaday wasiirka waxbarshada Ruuska, waxa uu wasiirku arintaas ku
sheegay warsaxaafadeed Agoosto 31, 2004, sida ay faafisay
islamonline. Dalka Ruushka waxaa ku dhaqan 19 million oo Muslimiin ah,
taas oo islaamka ka dhigeysa diinta labaad ee dalka Ruushka ay dadka ugu
badani haystaan..
Jacques Chirac | Lila iyo Alma Levy |
Wararka ka imanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in
dalkaasi uu Qarka u Saaran in uu Khimaarka ka Mamnuuco Goobaha Dawladda,
gaar ahaan iskuulada, taas oo ah in aan gabdhaha muslimiinta ahi khimaar ku
xiran karin iskuulada.
Guddi katirsan madaxtooyada Faransiiska ayaa soo jeediyey
arintaas mamnuucida xijaabka (khimaarka) muslimiinta in aan lagu xiran karin
iskuulada dawladda, waxa kale oo mamnuucidaas la socda calaamadaha istalaabta
ee kiristaanka iyo kuwa yuhuudda. Arintaas oo hadda siweyn u kala qaybisay
Faransiiska. Waxaana la sheegay in madaxweynaha Faransiiska, Chirac, uu
arintaas go'aan ka gaari doono toddobaadkan, taas oo qaar warbaahinta ka mid
ah ay tilmaameen in uu muujiyey sida uu u raacsan yahay go'aankan mamnuucida
ah.
Guddiga arintan loo saaray oo ka kooban 20 qof oo uu
hogaaminayo wasiir hore ee dawlada France oo lagu magcaabo Bernard Stasi,
ayaa khamaiistii lasoo dhaafay soo jeedintooda u gudbiyey madaxweynaha
Faransiiska Jacques Chirac, waxan arintaas ay gudigaasi soo falan qaynayeen
muddo saddex bilood ah.
Waxaa wararku sheegeen in sababta sharcigan mamnuuca ah ka
dambaysa ay tahay (waa sida Faransiisku sheegtay'e) xeerka loo yaqaan kala
saaridda xukunka iyo diinta - oo ah in la kala saaro diinta iyo xukunka. Laakiin Waxa warbaahinta qaarkeed ay si
qayaxan u tibaaxeen in arintan si bareer ah loogu dan leeyahay Muslimiinta
ku dhaqan
dalka Faransiiska.
Dadka Faransiiska oo tiradoodu dhan tahay 60 million waxaa
Muslim ka ah qiyaastii boqolkiiba toddoba (7%).
Alma Levy, oo 16 jir ah, oo xigta dhanka bidix, waxay
tilmaameysaa khimaarka walaalsheeg Lila oo 18 jir ah, markaas oo ay
warbaahinta l ahadlayeen ayagoo jooga Faransiiska taariikhduna ahayd
Oct. 13, 2003 [Sawirka AP]
In xijaabka laga fogeeyo albaabada iskuulka waa arin lagag adhaqmo
wadamo badan, ka akhri IslamOnline..
Guji |
Arinta Khimaarka gabdhaha ee iskuulada Faransiisku waxa ay
hoos ka holceysey ilaa sannadkii 1989. Markaas oo laba gabdhood oo walaalo ah
ay diideen in ay iska qaadaan khimaarka, waxayan arintani sii xoogeysatey
markii Octoobartii lasoo dhaafay iskuulka laga cayriyey laba gabdhood oo
walaalo ah oo la yiraahdo Lila iyo Alma Levy, taas oo cayrintooda sabab
looga dhigay in ay jebiyeen xeerkii iskuulka u dhignaa - khimaarka ay xiran
yihiin awgeed.
Gabar yar oo uu warameysey Telefishanka NBC ee Maraykanka
ayaa tiri wax rajo iyo mustaqbal ah ugama jeedo Faransiiska, waxaa
mustaqbalkaygu yahay Ameerika iyo Briton oo gabdhuhu ay xor u yihiin
khimaarkooda.
Sida ay warbaahintu sheegtay xeerkani kuma koobna khimaarka,
waxaa sida la sheegay ku qoran warbixinta qormada xeerkaas (ayadoo aan la magcaabin diin) in qaar kamid
ah cisbitaalada faransiiska dhexdooda meelaha dadku maro laga dhigay meelo
lagu tukado iyo in qaar rag ah ay dumarkooda u diideen in ay dhakhaatiir rag
ahi daaweeyaan, taas oo qoraalku arintaas ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan
kooxo nidamsan oo tijaabinaya iska caabinta dadweynaha.
Jariidada lagu magcaabo Al-Watan ee
kasoo baxda Qadar waxa ay sheegtay in ay kalsooni ku qabto in madaxweyne
sida Jacques Chirac oo kale ah uu leeyahay xikmad uu sharcigaas ku baabi'yo,
sharcigaas oo aan taabanayn Muslimiinta Faransiiska oo keliya balse saamaynaya
isla markaana carqaladayndoona dalalka Muslimiinta ah.
Jariidada Al-Quds Al-Arabi oo ka soo
baxda London waxa ay soo jeedinta sharcigaas mamnuucida khimaarka ku tilmaantay mas'uuliyad xumo. "Waxaan
caqliga gelayn in sharciga Faransiisku u ogolaado in gabdhuhu xirtaan
goonooyin gaagaaban, kuwaas oo naasohoodo muujinaya, una diidaya in ay is
asturaan" ayaa jariidadu qortay ayadoo ku dartay "Waxaa sharci darro ah in
qof uu madaxiisa asturo, laakiin in uu muujiyo nasihiisa, hoostiisa,
lugihiisa waa sharci" miyaa ayaa jariidadu tiri.
Jariidada China Daily ee shiinaha waxa ay tiri
Madaxweynaha Faransiiska Jacques Chirac oo hadda ka hor si cad u sheegay in
uu kasoo hor jeedo khimaarka lagu xiranayo fasalada, Arbacada ayuu cadayn
doonaa ama ku
dhawaaqi doonaa in uu sharcigaas taageersan yahay iyo in kale.
Chirac oo toddobaadkii hore mar uu safar ku tegey Tunisia,
la hadlayey arday dhigta dugsi sare waxa uu yiri khimaarka waxaa dalka
Faransiiska looga arkay 'nooc weerar ah'.
Kaniisadaha Kirirshtaanka iyo Yuhuudu aad ayey arintaas
mamnuucida khimaarka uga soo hor jeesteen, waxayna weydiisteen in sharcigaas
aan la hir gelin. Laakiin qaybta loo yaqaan Protestant Federation of
France waxay yiraahdeen arintani wexey u muuqataa mid la aqbali karo.
Arintan khimaarka sida ay wararku sheegeen kuma eka
dalka Faransiiska oo keliya.
Fereshta Ludin oo ku guulaysatey in loo
ogolaado khimaarka marka ay iskuulka wax ka dhigeyso. |
Dalka Jarmalka 16ka gobol ee uu ka kooban yahay aad ayey
ugu kala qaybsan yihiin arinta mamnuucida khimaarka, taas oo gobolada
qaarkood aysan wax dhib ah u arkin khimaarka, halka gobolada Bavaria iyo Baden-Wuerttemberg ay sannadkan soo
jeediyeen in lasoo saaro sharci mamnuucaya khimaarka
iskuulka ee ay xirtaan gabdhaha Muslimiinta ah. Weliba dalka Jarmarka
mamnuucida kuma jiraan calaamadaha Kirishtaanka iyo Yuhuuda.
Bishii September ee 2003 ayey ahayd markii ay maxkamad sare
oo ku taal gobolka Baden-Wuerttemberg ee dalka Jarmalka ay xukuntay in
macallimad Muslim ah xiran karto khimaarkeeda marka ay Iskuulka dhigeyso,
macalimadaas oo lagu magcaabo Fereshta Ludin, da'deeduna tahay 30 jir, asalkeediina ka timid dalka
Afghanistan. Macalimadaas waxaa sannadkii 1998
loo diidey shaqada macalinimada sababtoo ah waxay ku adkaysatay in ay xiran
doonto khimaarkeeda. Arinta maxkamada waxay guul weyn u ahayd macalimadaas,
laakiin arintaasi waxay sababtay in gobolka oo dhammi uu hadda u diyaar
garoobayo in la soo saaro sharci iskuulada ka mamnuucaya khimaarka.
Sannadkii 1999kii ayey ahayd markii ay dumar Muslimiin
ah ay socod ku mareen wadooyinka magaalada Turin ee dalka Talyaaniga ayagoo
dalbanayey in loo ogolaado in khimaar u xiran karaan sawirada aqoonsiga
rasmiga ah ama dukumiintiga rasmig ah sida baasabaoorada iyo teesarayaasha.
Dumar u dhashay qabiilka Tatar |
Bishii May ee 2003 waxay u ahayd guul dumarka dalka Ruushka
kaddib markii loo ogolaaday in ay xiran karaan khimaar marka ay iska
qaadayaan sawirka basaaboorka, arintaas oo ay u dagaalamayeen koox muslimiin
ah oo u badan gobolka muslimiintu ku badan yihiin ee
Tatarstan, ayagoo ka dagaalamayey xukunkii uu sannadkii 1997 soo saaray
wasiirka arimaha gudaha ee ahaa in la mamnuuco khimaarka loo xiranayo
Baasaboorka.
Saddexda dumarka ah ee dhanka bidix ka muuqda waxa ay ka
dhasheen qabiilka Tatar ee
Tatarstan waxayna dacwad soo oogeen kadib markii hay'adda baasaboorada
qaabilsan ay diidey codsigoodii baasaboorka sababtoo ah waxay xirnaayeen
khimaar, arintaasi waxay dhacday bishii August ee 2002, waana tan ay
sannadkan guusheeda heleen.
Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii iskuul kuyaal
dalka Singapore laga cayriyey laba gabdhood, kaddib markii ay diideen in ay
iska qaadaan khimaarka, labadaas gabdhood oo aad u da'yar aad ayey uga
xumaadeen in Iskuulku u diidey in ay xirtaan khimaarka ay jecel yihiin
xirashadiisa.
Nurul Nasihah oo 7jir ah aad ayey uga
xumaatay markii iskuulka loo diidey khimaarkeeda awgeed |
Mid kamid ah gabdhahaas oo magaceeda la yiraahdo
Nurul Nasihah da'deeduna tahay 7 jir, waxaa la sheegay in ay
aad u oydey. Aabeheedna waxa uu yiri gabadhaydu
aad ayey ogdey markii loo diidey iskuulka.
Maamulaha iskuulkuna waxa uu u sheegay in ay
Iskuulka kusoo laaban doonto gabadhaas yari haddii ay khimaarka iska soo dhigto, laakiin
aabeheed wuxuu yiri
waxaan maamulaha u sheegnay in aan gabadhanadu iskuulka ku aadayn khimaar
la'an ayadoo ka tegeysa diintanada. Waxaan ogolaan karaa khimaar la'aanta
haddii iskuulku qoraal rasmi ah ii qoro kaas oo ah in gabadhaydu ay iskuulka
ku xiran doonto khimaarka marka ay qaan gaarto ama ay gaarto dugsiga sare.
Qiso ka dhacday dalka Turkiga bishii April ee 2003 ayaa
ahayd in xaaska mid ka mid xubnaha baarlamaanka dalkaasi ay go'aansaday in
aysan ka qayb gelin mid ka mid xaflad uu ninkeedu qabaneyey sababtoo ah
muran ka yimid khimaarka ay xiran tahay. Sida wararku sheegeen dalka Turkiga
oo dadka ku dhaqani ay Muslim u badan yihiin waxaa mamnuuc ah in khimaar
lagu xirto dhismayaasha dawladda.
Bishii July ee 2002 ayey ahayd markii ay gabdhaha Turkigu
dhigeen mudaharaad si loogu ogolaado in ay iskuulka ku xiran karaan
khimaar. Dalka Turkiga nidaamka uu hadda ku dhaqmo waxaa u dejiyey
Mustafa Kemal Ataturk, markii uu dejiyey
nidaamka uu u bixiyey Turkiga cusub sanadadii 1920-naadkii.
Dhankaa iyo dalka Ingiriiska, Gabar lagu magcaabo Shaista
Aziz ayaa bishii September ee 2003 waxay qortay: "Waxaan ahay Muslimad
Ingiriis ah, Dharka ayaa aad iigaga qiima badan wax kasta, dharka aad xiran
tahay waa aqoonsi,
muddo markii aan jid dheer soo maray kadib ayaan go'aan saday in aan xirto
xijaabka (khimaarka)."
Islam Amin |
Bishii
Augosto ee 2000 ayaa Dacwad socotay muddo labo sanno, kuna saabsanayd
gabar khimaarka (masarka) madaxa u saarnaa awgeed loogu diiday inay si
tababar ahaan uga shaqeyso dukaan weyn oo la yiraahdo "MAGAZINE", kuna yaala
bartanka magaalada Odense ee dalka Denmark, ayaa xukunkii ugu danbeeyay soo
saartay maxkamadda sare maalinimadii khamiista ee ina dhaaftey.
Gabadha oo la yiraahdo Islam Amin una dhalatay dalka Ciraaq 17 jir
ahna ayaa si weyn ugu faraxday natiijadii maxkamadda, ka dib markii ay
maxkamadda ku xukuntay dukaanka Magazine inuu gabadha magdhow ahaan u siiyo
10.000 kr (qiyaastii 1200 USD), iyadoo ay maxkamaddu xukunkaas u cuskatay
sharciga diidaya kala sooca iyo midabtakoorka dadka. Reerka gabadha ay ka
dhalatay iyo jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalka DK ayaa si aad ah
ugu riyaaqay natiijadii maxkamadda. [Warkaas
oo dhan halkan ka akhri]
Fartun Nur, gabar
Soomaaliyeed oo degan Minneapolis |
Bishii June ee 2000 ayey
ahayd markii ay Jariidad kasoo baxda Minnesta ay qortay hadalkan: "Marka
hore waxay xirataa maro-dheer oo dhulka joogta. Kaddibna shaati gacmo-dheere
ah. Xijaabka iskama bixiso, wayna isku hagaajisaa (khimaarka) si ay u
xaqiijiso in uu weli asturayo timaheeda. Kaddib, waxay gashataa surweel u
jooga ruugagga, waxayna ku carartaa fasalka jirdhiska ee gabdhaha keliya u
gaarka ah." - Gabadha sidaas looga sheekaynayaa waa Fartun Nur, oo markaas
17 jir ahayd, deggana Minneapolis, USA. Waxay markaas jariidadu is barbar
dhigeysey gabdho soomaaliyeed... [warkaas
oo dhamaystiran halkan ka akhri]
Qoraalkan Waxaa soo uriryey Bahda SomaliTalk.com | December 14, 2003