BISMILAAHI RAXMAANI
RAXIIM.
Illaah baa mahad, leh nabad gelyo
iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato
midka ugu sharfanaa uguna danbeeyay Rususha iyo Nabiyada Eebe Muxammed(nnk).
Su'aasha ah in shareecada Islaamka Soomaaliya lagu
maamulo, waa su'aal aan meesha oolin, oo maba isweydiin karno, waxaana
su'aashan isweydiin karnaa ama uu boos nooga banaanaan karaa su'aal sidan oo
kale ah baan u maleynayaa, haddaan nahay dad 50% ama 30% Islaam ah.
Illaahna sidaa inagama dhigee, ee dad 100% Islaam ah,
in shareecada Islaamka lagu maamulo in la su'aalo maba aha.
Waa jiraan qaybo yar oo inaga mida oo la marin
habaabiyay amaba soo barteen mabaadii' uu aasaasku ka qaldan yahay, inay ka
didaan maqalka shareecada Islaamka oo la isku maamulo.
Xaqiiqdu siday tahayse maanta waa halka nalaka haysto,
illeen waxaan aaminay oo raacnay shuruuc ay dajiyeen kuwo aan waxba ka ogeyn
aadanaha samaantiisu iyo xumaantiisu waxay ku jirto. Waxaana anigu aaminsanahay kuwan ka carara
shareecada Islaamka inay rabaan uun in ay hawadooda iyo hungurigooda u
noolaadaan, oo ayan dan ka lahayn inta kale ee ay dhibaatadu ka soo gaarayso
mabaadii'da ay wataan, oo kuli uu dhib ugu sugan yahay dadka ay doonayaan inay
mabaadii'daa qaldan ku maamulaan, ahna mushkiladaha aan xalismeynin ee maanta
jira oo nooga muuqda waddamadda raaca mabaadii'daa.
Aniguna fursadaan aan u helay ka hadalka shareecada oo
la isku maamulo, ayaan rabaa inaan soo qaato meel aan u arko inay ugu weyn
tahay oo nalaka soo galay, oo mashaakil oo dhan naga soo waajahayo. Tan ugu
weyn ee naloo kugu soo gabaday waa dumarka oo markii ay darseen cadawyada
Islaamku sharafta iyo qiimaha uu Islaamku siiyay qafta dumarka ah ayay rabaan
inay sharaftaa ka xayuubiyaan oo meel cidlo ah soo istaajiyaan ayadoo qaawan,
iyagoo u tusinaaya in shareecada Islaamku dumarka dib u dhigayso, oo ay dusha
danbe ee guriga ku soo xireyso, ayna xakameyneyso xoriyadaheeda oo dhan, u
ogoleyn dibad u baxa, xijaab u galinayso,ayan lahayn xoriyad hadal ama
fikradeedba iwm. Kuwaasoo kuli ah been been iyo wax la buun buuninayo, oo
inanta caaqisha ah ee caqiidadeeda aan culeys iyo caburin u aragi fahmayso, oo
in yar oo dibad buxu la fiican yahay dhib u arkayaan waxa shareecada Islaamku
qabto.
Dumarkana markuu noo sifeynayay Rasuulkeenii
Suubanaa(nnk) uu ku sifeeyay wixii laga abuuray, oo ahaa feercalaantii Nabi
Aadam(nnk). Feercalaana waan wada naqaanaa, waa laf yar oo jilicsan oo qaloocan,
oo hadduu mid isku dayo inuu toosiyo uu jabinayo uun oo ayan u suurtoobeyn,
hadduu jabinteeda rabana ay aad u fududahay. Dumarkuna uu sidaa la mid yahay
oo haddii wax walba oo samaana iyo wanaag aad la doonto,
ay haddana yihiin kuwo u dabacsan xumaanta iyo lugooyada, oo si fudud loo marin
habaabin karo, ayna wax walba u laab furan yihiin, ayna ka fiirsanba. Qaarbaa
waxay u qaadan karaan halkan inaan ku weerarayo dumarka kuma weerarayo ee waa
xaqiiqdii.
Bal haddana dhagaysta waxa uu na faray midka aan
nafsadiisa hawadeeda ku hadlin, ee waxyi ku soo dega ku hadla Rasuulkeenii
Suubanaa(nnk)
"DUMARKU WAA WALAALAHA RAGGA"
"DUMARKA U DARDAARMA KHEYR"
Xaqiiqdii ma jiro maanta xeer ama qaanuun ay qaateen
dadku oo sidan u dhowra xuquuqda dumarka, siinayana darajadaan, in dumar oo
dhan walaalaheen yihiin(marka laga reebo inta uuna xarigu noo qaban). Ayna
dumar oo dhan noqdeen walaalihii raga.
Majiro mid raba in walaashii la ihaaneeyo, ama la
xumeeyo oo xurumaadkeeda lagu xad gudbo, oo mid walba wuxuu ka dhiidhiyaa
dhibaatada loo geysto walaashiis. Marka yaad xumaan u geysataa haddii dumar oo
dhan walaalahaa noqdeen. Tana waa mida maanta u ami la' shabeel naagoodyada*
doonaya inay dibad u baxa dumarka ku dubtaan.
Waxaad jeceshahay inaad wanaag oo dhan u dardaaranto
walaashaa, oo aad uga digto meel walba oo dhibaato ka soo gaareyso.
Waxaana xasuustaa waano uu nin adeerkeey ah siin jiray
gabdhihiisa, aniga oo inan yar ah, markaana ma aan fahmeynin waxa uu ka watay,
balse ii cadaatay markuu caqligeygii koray oo ahayd
"Raggu waa tukee iska ilaaliya, oo haddaadan tuurina
hilibkuu idiin kala tagaa"
Oo sida caadada ah tukuhu korkaasuu duul duulaa halka
hilibka lagu qalayo, hadduu waayo wax eryana, wuxuu ku soo degaa meel aad
tuuryada kala gaarto, oo haddaadan tuurin wuu soo dhawaadaa, ilaa uu hilibka ku
soo dhaco, oo maxaa dhiman mar hadduu hilibka kaala tago. Marka haddaan dumarka
u dardaarano kheyr halkee naloo kugu soo gabanayaa.
Balse diide shabeel naagoodyadu midaa oo waxay wax
walba oo ay u rabaan maanta xayeysiin hormuud uga dhigeen dumarkii,
xayeysiintaan inan quruxsan ayan ku gaaf wareegeyn xayeysiin looma arko,
xaafiiskay inan xaragoonaysa xarunta u fadhinina xaafiis maba aha, oo soo
dhaweyni meel walba oo ay ahaato, waa in inan cod macaanoo, muunad iyo muuqaal
leh ku soo dhaweysaa. Marka midkee baan walaashiis waxa kan oo dhan uga digeen
inay iska ilaaliso. Waxaanoo kuli u fududeeyay shabeel naagoodyadii ugaarsiga,
oo markuu helo fursad daqiiqada oo ay kula kaliyoowdo inantu ayuu been u dhuraa,
uuna u daadsadaa dabintiisa, ayana ay si fudud ugu soo dhacdaa ileyn waa mid u
nugul in dibad u baxa lagu cunee.
WAXBARASHADA CARRUURTA |
"Dadka
Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah, Cabdul
Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay
wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu
daydaan." Guji... |
C/siis
C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee
tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan |
Flip to
any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite
it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay
dadalka Galbeedka Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada
Guji... |
Ilaahna uu uga digay dumarka farayna inay iska
ilaaliyaan dibad u baxa
"Kuna sugnaada guriyihiina, hana u
wareegaysanina(idinkoo isfeydi) sidii jaahiliyadii horeeyasay"
Qur'aanka Kariimka ah Surat Al-Axzaab aayada 32.
Waana waxa dhibaatooyinka maanta caalamka ka jira u
xalismi la' yihiin, uuna u qiimo beelay dumarkii wadamadda dibad u baxa dhiiro
galiya, oo ogolaaday isdhexgalka raga iyo dumarka, taasoo qof walba oo caaqila
u muuqata, ilaa uu yahay mid ogol ugaarsiga dumarka maahee.
Uuna Ilaah ugu sii cadeeyay faa'idada xijaabku u
leeyahay dumarka, oona ah inaan la aqoonsanin.
"Nabiyoow ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaada iyo
haweenka Mu'miniinta isku dada shukooyinkiina, taasoo idiinku dhaw in laydin
aqoonsado oo laydin dhibine"
Quraanka Kariimka ah Surat Al-Axzaab aayada 59
OO inantu haday wajigeeda qarsato way ku adagtahay
shabeel naagoodku inuu aqoonsado ama isku dayo inuu dhibo, oo markuu arkayo wuu
aabeeyaa maalin walba, ilaa uu ka helo halka ay u nugushahay, oo halkaa ayuu ka
soo galaa. Ee hadday iska shareerto yuu ku shegaa waa tii fanaankii
Soomaaliyeedi uu lahaa
shaydaan aan la arkeynin, waa naag shaadir hagoogatay,
oo indhaha soo shareeratay, oo shaambinaysa agtaada, ee yaad ku sheegi lahayd!
Walaalaheey sheydaan kuma sheegi karo, ee halkaan
waxaan u soo qaatay ereyadaan. Yuu ku sheegi lahaa shabeel naagoodku inantan
shaadirka hagoogatay, oo indhaha soo shareeratay?
Ilaahna uu noo sheegay waxa ay uga badbaadi karto qofta
dumarka ahi, inta niyada ka bugta ee ragga ah oo ah.
"Hadalka ha nugleynina oo uu damco midka qalbiga ka
buka"
Quraanka Kariimka ah Suurat Al-Axzaab aaayada 32
Rag oo cod dumar oo dabacsan maqlaa durba wuxuu u
degdegaa inuu dareenkeeda soo jiito, oo uu u diyarsado wax walba oo uu ku soo
xero galin karo.
Gabagabadii Islaamku qof walba muhiimad u gaara ayuu
siiyay, dumarkuna waa hooyooyinkii hoyga uu horumarkeenu ku jiro, oo ayagoo
habsan u qaata hanuunkii Eebe oo ku hogaansamaan, heer sare ku gaarnaayoon
heybad ku yeelanaa. Taasna waxaan ku heleynaa inaan walaalaheen u dardaarano
kheyr, oon kala dagaalano horarka u horseedaya inuu hugeedii ka tuuroo, halka
cidlada ku cuno
Waa Walaaliin
YUUSUF CABDI SAHAL
(YUUSUF XIDDIG)
yussuf_hiddig@hotmail.com