Maamulka punt land iyo abaarta xaalufisay dad iyo duni!
asad abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com
abaarta maanta kajirta dalka punt land ma ahan wax
ubaahan kahadal ama siicadayn oo waynu lasoconaa in ay gaartay abaartu
marxalad aan lagu muujin karin qoraal ama aan lagu sifayn karin suurad aad
iyo aad ayay musiibado ubalaadhatay ayna usaamasay qofwalba iyo guri
walbaba.
xaalada abaartu ma ahan wax cusub oo aan maqaalkaan hada
ku wargalin dadka oo dhamaanteen waynu la soconaa lakiin waxaan wax la
fahmi karo ahyn maamulka punt land oo aan isagu wax uu ka qabtay ama uu
sheegay in uu ka qabanaayo ayan jirin
maamulku waa uu iska idha tiray abaarta ka jirta gobalka
ma uusan galin wadanka xaalad dag daga amar ma uusan soo saarin in
wasaaradaha iyo dhamaan xooga dalka oo dhan la galiyo xaalad dag daga taasi
waxa ay dhacday markii uu maamulka ilaashanaayay jiritaankiisa oo dagaalka
uu galay lakiin maanta maa daama ayan jirin wax khatar ah oo ku foole
amaankiisa, dhag uma dhigin abaarta xaalufisay dhamaan hantidii shacabka
qaar kamid ah dad iskood isu xil saaray ayaa xaqiijiyay in %40 xoolihii
dadka ay abaartu qaaday ilaa wax kabadan boqaal qofna oo reer guuraa ahi
soo galeen magaalada iyagoo cayroobay oo fara maran dadkaasi xagee bay
tagayaan, kadib markii ay waayeen hantidoodii ma latahay mamulku inay ka
nabad gali doonaan dadkaas oo ayan isku dayin in xataa ugu yaraan %5 ay ka
siiyaan xoolahooda ay rag yari ku raxaysanayaan.
lakiin hadana dhanka kale shacabka reer punt land
laftoodu mayan ahyn dad aan fahansanayn inay xaq kuleeyihiin maamulkaan oo
lacagta iyo dhamaan wax uu ku dhaq dhaqaaqaayo ay tahay hanti uu isagu
leeyahay, lacagta kasoo gasha mamulka dakada iyo ayraboorka iyo cashuurta
ay ka qaadaan shacabka oo dhan oo lagu daro maraakiibta bada punt land
xaalufinaaya dhamaan waxaasi mayan ahayn hanti shacabku uu leeyahay oo
waajib ay ku tahay maamulku inuu dadka danta yar uu wax ugu qabto dalkana
ku hormariyo , madareen san yihiin dadku in ay iyagu ka gaabiyeen inay
dalbaan xaqooda ? oo ay mudaaharadaan diidaana fasaadka kajira dhamaan
waaxaha maamulka punt land? inay codkooda kor uqaadaan oo ay dhahaan ma
ogolaan karno in qaarna ay baabuur casri ah ku maraan wadooyinka garoowe
iyo bosaso qarna ratigoodii biya la aan uu ladhimanayo? dadku ma ayan oga
runtii in balaayiin doolar oo hantidooda ah lagu kharash garaynaayo shir
ladamacsanyahay in lagu qabto somalia iyaguna ay haraad uga dhimanaayaan !?
haa ma dareen sana shacabka punt land in uu xaq uleeyahy
waxaas oo dhan waana dhibta wayn oo na haysata waana dhib sii siyaadaysa
marka aad maqasho warkii xalay SBC ay sheegtay in shil baabuur oo kadhacay
wadada qardho iyo bosaso isku xirta ay ku dhimatay 6 ruux 25 kalana ay ku
dhaawacantay, hadaba waxa aan warkaa usoo raray waa wariyaha idacada oo
sheegay in dhawaca ay ka mid ahaayeen ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha
DGP looqaaday dalka dibadiisa si loogu daaweeyo halka intii kale
cisbitaalka bosaso loo keenay in lagu daweyo , dadka in badan ama waxay u
arkaan cadi ama maba fahan sana dhacdadaas lakiin waa tusaale ku tusinaaya
in maamulku uusan shacabka uusan u arag inay yihiin dameero la rarto moyee,
lakiin ilaalada gaarka ah iyagu waa xoogii dalka iyo difaaciisa lama
garanayo waxa ay difaacayaan saa shacabkiiba waa sii dhamaanayaaye,
wararka abaarta oo midba midi kasii naxdin badan yahay
ayaa qaar sheegayaan in reer dhan oo lahaa torooyin ariya ay lasoo galeen
magaalada 40 neef oo qura, oo iyaguna lafo moyee wax kale ayan ka muuqan 7
ruux oo qooskaasi ka koobnaana ay maanta cayroobeen , lakiin maamulka ayaa
dadaal wayn uu sameeyay wasiir kamid ahi uu sheegay in ay WFP ubalan qaaday
in ay soo gaarsiin doonto punt land mucaawinooyin , wasiirku ama war buusan
hayn ama waxuu rabaa digsi maran oo dabsaaran waxa kasoo bixi doona
shacabku ay sugaan , lakiin nooma sheegin balaayiinta doolar ee maamulka
soo gasha meesha ay aaday ama loowado , ma umalaynaysaan in reerkaa aan
sheegay ay sugi karaan WFP mucaawanada ay balan qaaday waa hadii ay jirtee!.
isla muuqaal kale ayaa waxaa jornaladu soo qoreen
madaxwaynihii oo uu waheliyo sxbkiisa dacada ah cadde muuse ay soo geereen
magaalada bosaso iyo dadkoo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay wafdiga balaaran
, in kastoo aan is iri wariyuhu warka kama fiirsan markuu yiri caleen qoyan
waayo caleen qoyan hada laguma sheegin punt land , madaxwaynuhu tolow ma
bosasuu danbiday oo garoowaa abaar kunoqotay , mise intuu wadanka ka maqnaa
ayaa wasiiradu lacagtii kukala tageen oo xisaabtan ayuu usocdaa , labaduba
waa macqul lakiin waxaan hubaa inaan midna dan ugu jirin dadka abaarta iyo
haraadka la ooman.
cadde muuse tolow isagu malaha waa lalayaaban yahay waayo
maxaa daba dhigay madaxwaynaha , ma wasiirbaa ma lataliyaa ma barlamaankuu
karaja qabaa wali wax macada lakiin sida aynu ognahay cadde ma yaraysan
dadaal c/lahi waa lataliyay nabad waa keenay kanoqo kororsigii xilka waa
yiri balse waxii kale wax uu ka qabtay ma muuqdaan wax soo socdana alaa og.
amaan lakiin dag dagay oo aanan ufiirsan sida ay wax
yihiin ama xaalada dhabta ahi waxay tahay , waayo madaxwaynuhu haduu kayimi
shirkii mudadaana waa uu mashquulsanaa inuu hada wax qaban doonaa la
sugayaa oo is badalo samayn doono .!
bal aynu dhowrno , waxa ilaa maalmahaan ay qaban doonaan
lakiin waxaan hubaa inaan marna ayan dhici doonin in ciidanka heegan
lagaliyo lacagta bangiyada taalana loo adeegsan doono sidii abaarta loola
tacaali lahaa , waayo maamulkuna ma qabo in xaq lagu leeyahay inuu wax ka
qabto shacabkuna ma aamin sana inuu xaq uleeyahy in wax loo qabto. hadaan
labadaas wax iska badalina rajo yaan lasugin
ilahow hadii aanu aad noo caruutay bahaayimta ilahow
waraabi.
waad mahad san tihiin
asad abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag
aku saxiixan