SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 21, 2004

WARARKA MAANTA 21, 2004
Waxaa isku soo dubaridey:
C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com

  • Maamulka Punt Land oo sheegay inay xoojin doonaan ammaanka dadka Ajanabiga ah ee ka shaqeeya deegaanadda hoos tagga Maamulkaasi,
     
  • 16 Hogaamiye Kooxeed oo qaadacay Shirka Kenya,
     
  • Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo shir ku yeelanayo Jabuuti.
     
  • Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia oo ka jawaabtay eedayntii uga timid Somali Land.
     
  • Maamulka Somali Land oo sheegay inay abaaro xoogan ka jiraan Gobaladda Sanag, Sool, iyo Togdheer.
     
  • Duqii hore ee Berbera oo sheegay in lagu deg degay eedaynta ay Somali Land u jeedisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah iyo Maamulka Punt Land.
     
  • Koffi Annan oo ku baaqay in Golaha Ammaanku ay si deg deg ah go’aan uga gaaraan ciidamo loo diro Burundi.
     
  • Ciidamada Pakistan oo qiray in Ayman Al-Dawaahiri uusan ku jirin dadka ay hareereeyeen.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Duqii hore ee Berbera oo sheegay in lagu deg degay eedaynta ay Somali Land u jeedisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah iyo Maamulka Punt Land.

Duqii hore ee magaalada Berbera Cabdala Xaaji Cali Axmed ayaa arrin lagu deg degay ku tilmaamay eedeynta ka soo yeertay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee dusha looga saaray Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia iyo Maamul Gobaleedka Punt Land Masuuliyadda Weerarkii ka dhacay inta u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera isla markaana lagu dilay haweeneey u shaqaynaysay Hay’ad Samafal,

Cabdalla oo Hargeysa jooga ayaa u sheegay STN in hadda ay baaris socoto, gacanta lagu hayo dadkii dilka geystay, sidaas daraadeedna aanay habooneyn in laga hor dhaco baaritaanka, iyadoo aan natiijo laga gaarin baarista ay ku hawlan yihiin Booliska Somali Land,

Wuxuu ku taliyay Cabdalla Xaaji Cali in laga fogaado wixii neceyb iyo caadifad abuuri kara inta baaritaanka uu socdo, isla markaana laga iska ilaaliyo wax kasta oo kala fogeyn kara xiriirka Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia oo ka jawaabtay eedayntii uga timid Somali Land.

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ayaa ku tilmaantay wax lala yaabo eedayntii ay dhawaan Somali Land u soo jeedisay,

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, C/qaadir Madaxeey oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Ku Meel Gaarka ah ayaa sheegay inay la yaaban yihiin in nin Soomaali oo sheeganaya Masuuliyad uu ku dhawaaqo eedayn aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana uu indhaha ka qarsada cadawga shisheeyaha ah ee Somalia dhibaatada ku haya, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri Madaxeey:-

Madaxeey waxa uu ku tilmaamay eedaynta noocaas ah boor isku qarin la micno ah Murtidda oranaysa Islaan Dhali wayday Aleelo ku waalatay, Wuxuuna sheegay in Maamulka Somali Land ay eedayntan uga gol leeyihiin inay ka jeediyaan shacabka guuladaradii siyaasadeed ee ay gaareen markii ay Qaramadda Midoobay soo saartay Qaraar cadaynaya Midnimadda Somalia, isagoo sheegay in gabalkeedii uu dhacay waxa uu ugu yeeray siyaasadda gacan ku rimiska ah ee cadawgu ku kala qaybinayo Somalia,

Hadalkan ayaa daba jooga hadal horay uga soo yeeray Maamulayaasha Somali Land ee lagu sheegay inay ka dambaysay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia dilkii dhawaan loo gaystay Haweeneey u dhalatay Kenya isla markaana u shaqaynaysay Hay’adda GTZ oo lagu dilay inta u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera,

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia waxay tacsi u dirtay dawladda Kenya iyo ehaladii ay ka dhimatay Haweenaydaasi oo ay ku tilmaameen inay ahayd samafalad,

Dhinaca kale Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia waxay maanta u magacawday guddi heer qaran ah aaska Xaliimo Khaliif Magool oo dhawaan ku dhimatay Magaaladda Amsterdam ee dalka Holland, iyadoo la filayo in dhawaana maydkeeda la keeno Muqdisho,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Maamulka Punt Land ayaa sheegay inay xoojin doonaan ammaanka dadka Ajanabiga ah ee ka shaqeeya deegaanadda hoos tagga Maamulkaasi,

Shir ay maanta ku yeesheen Garoowe wasiiradda Punt Land isla markaana uu guddoominayay, Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxwayne Ku Xigeenka Punt Land ayaa looga dooday sidii loo xoojin lahaa ammaanka shaqaalaha ajanabiga ah ee ka hawl gala Punt Land, Waxayna hoosta ka xariiqeen in la qaado tallaabooyin dheeriya oo lagu sugayo Ammaanka dadka Shisheeyaha ah,

Wasiirka Warfaafinta Punt Land, C/kariin Cali Mahdi oo shirkaasi kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in amar lagu siiyay ciidamada Punt Land inay xoojiyaan Ammaanka shaqaalaha hay’adaha Samafalka isla markaana ay sameeyaan feejignaan dheeriya si looga hortagga in weeraro argagixiso laga gaysto Punt Land,

C/kariin waxa uu tacsi u diray hay’adahiii iyo qoysaskii ay ka dhinteen shaqaalihii samafalka ee lagu dilay Somali Land tan iyo sannadkii hore, waxa uuna sheegay inay aad uga xun yihiin weerarada loo gaystay shaqaalahaasi, isagoo dhinaca kalana beeniyay in Punt Land ay lug ku leedahay dilalka shaqaalaha samafalka loogu gaysanayo Somali Land,

Somali Land ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay weeraro lala beegsanayo shaqaalaha hay’adaha samafalka, waxaana ay maamulayaasha Hargaysa inta badan masuuliyadda weeraradaasi dusha ka saaraan Punt Land oo xafiiltan kala dhaxeeyo iyo Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Maamulka Somali Land oo sheegay inay abaaro xoogan ka jiraan Gobaladda Sanag, Sool, iyo Togdheer.

Wasiirka Qorshaynta iyo isku duba ridka ee Maamulka Somali Land, Axmed Xaaji Cilmi ayaa ka dayriyay xaaladaha abaareed ee laga soo sheegayo Gobaladda Sanag Sool iyo Togdheer,

Wasiirka oo ka hadlayay Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in abaaruhu ay saameeyeen dadka iyo duunyadda ku dhaqan Somali Land, Wuxuuna sheegay in gobaladaasi ay ka jiraan cunno yari iyo biyo la’aan baahsan isla markaana ay jiraan qorshayaan uu Maamulka Somali Land ku doonayo in looga hortaggo sii baahidda Qatarta Abaaraha,

Axmed Xaaji waxa uu sheegay in Dekadda Berbera ay ku soo xirteen labo markab oo sahay gargaar u waday dadka ay abaaruhu halakeeyeen, Wuxuuna sheegay in raashinkaasi la gaarsiiyay dadkii u baahnaa, laakiin waxa uu sheegay inaysan labadaasi markab ku filnayn abaaraha soo wajahay Somali Land marka loo eego baaxadooda,

Mar wax laga waydiiyay Wasiirka waxay ay u qaban karaan dadka ay abaaraha dhibaataddu ka soo gaartay waxa uu sheegay inay caalamka iyo hay’adaha samafalka gaarsiinayaan dhibaatooyinka ka dhashay abaarahaasi, wuxuuna sheegay in awoodoodu ay ku kooban tahay oo kaliya inay caalamka ugu qayla dhaamiyaan,

Gobaladda Somalia oo dhan ayeey saamayn xoogan ku yeesheeen abaaruhu waxaaana meelo badan oo ka mida Somalia ka imaanaya qaylo dhaan la xiriirta abaaro xoogan oo ku dhuftay,

Gobalka Shabeeladda Hoose ayaa ka mida meelaha ay abaaruhu sida wayn u saameeyeen,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo shir ku yeelanayo Jabuuti.

Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo looga hadlayo arrinta Somalia ayaa lagu wadaa inuu 22 ka bishan uu ka furmo Dalka Jabuuti,

Shirkan oo la filayo inay ka soo qayb galaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa waxaa ka soo qayb gali doono Wasiiradda Dalalka ku jira Urur Gobaleedka IGAD oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Yuusuf Xasan Ibraahim "Dheeg"

Shirkan oo daba jooga shirkii ay horay Nairobi ugu yeesheen Qaar ka mida Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii horay loogu socod siin lahaa Shirka Soomaalida isla markaana loo guda gali lahaa Wajiga Saddexaad ee Shirka, Waxaa Sidoo kale la filayaa in shirkaasi ay ka soo baxaan go’aano adag oo ku wajahan kooxaha diidan Nabadda Somalia,

Yusuf Dheeg ayaa lagu waddaa in shirkaasi uu ka jeediyo Warbixin ku saabsan horumarka laga gaaray Dib U Heshiisiinta Somalia, Wuxuu sidoo kale Shirka Wasiiradda hor dhigi doonaa Ashtako ka dhan ah Dawladda Ethiopia oo ay ku eedeeyeen inay dhawaan soo galisay hub gudaha Somalia,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

16 Hogaamiye Kooxeed oo qaadacay Shirka Kenya,


Xuseen Caydiid

16 hogaamiye Kooxeed ayaa shalay qoraal ay ka soo saareen Nairobi waxa ku qaadaceen Shirka Soomaalida uga socda Kenya,

Qoraalkaasi oo uu saxaafaddu u aqriyay Xuseen Caydiid oo ka mida Guddoonka Sare ee SRRC ayaa lagu sheegay inay ka baxeen shirka Kenya isla markaana aysan dib ugu soo laaban doonin inta laga saxayo waxyaabaha ay diidan yihiin,

Hogaamiye Kooxeedyadan waxay sheegeen inay ka b axeen shirka kadib markii ay IGAD ku guulaysan waysay inay xaliso Qodobka 30,aad ee Dastuurka Federaalka oo ahaa meesha khilaafka ugu wayni ka taagnaa, waxay sidoo kale sheegeen inaan looga soo jawaabin qoraalo is daba joog ah oo ay u direen Beesha Caalamka iyo IGAD si loo turxaan bixiyo Qodobadda ka qaldan Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia,

Shirkii Soomaalida lagu maaweelinayey oo qarka u saaran Burbur.... GUJI

Qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen Hogaamiye Kooxeedyo ay ka mid yihiin, Xuseen Caydiid, C/laahi Yuusuf, Xasan Abshir, iyo rag kale ayaa waxaa ka mid ahaa Kooxihii dhawaan Isbahaysiga uga dhawaaqay Jawhar iyo Hogaamiyayaal kale oo aan joogin Madasha Shirka,

Xuseen Caydiid oo ka mida Guddoonka Sare ee Golaha SRRC ayaa warsaxaafadeedkaasi kadib waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Reuter in la marin habaabiyay shirka Soomaalida uga socday Kenya,

Caydiid waxa sheegay in Shirka uu galay Xaalad Jaantaa Rogan ah isla markaana ay shirka qaseen Bayaano iska soo horjeeda oo ay soo kala saarayaan Xubnaha IGAD, Beesha Caaalamka iyo Soomaalida Qudhooda, Wuxuuna sheegay in shirka imminka laga bixiyay gacantooda, taasina ay keeni karto in shirka ay soo wajahaan caqabado kale,

Caydiid waxa uu ku hanjabay inay qaadici doonaan Geedi Socodka Nabada Somalia hadii aan la sixin qaladaadka hareeyay Shirka, Wuxuuna sheegay in Golaha SRRC ay isku mawqif ka yihiin shirka Isla markaana ay doonayaan in wax la saxo ee aysan qaadicin illaa iyo hadda Shirka Kenya,

Hadalka Caydiid oo u muuqda inuu jeclaan lahaa in wax la saxo laakiin aan laga bixin shirka ayaa waxa uu ka horimaanayaa qoraalkii uu saxaafadda shalay ka hor aqriyay isla markaana uu ku sheegay inay qaadaceen Shirka Kenya,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Ciidamada Pakistan oo qiray in Ayman Al-Dawaahiri uusan ku jirin dadka ay hareereeyeen.

Ciidamadda Pakistan oo dagaal culus kula jira Beelo Daga Gobalka Waziristaan ee galbeedka dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen 100 xubnood oo ka mida dagaalyahanadda Al-Qaacidda iyo Taliban,

Dadka la qabtay oo qaarkood saxaafadda lagu soo bandhigay talefashinadda Caalamka ayaa waxay ka xirnaayeen Indhaha, Waxaana ka muuqatay diif aad u daran,

Warar goor dhawayd soo baxayna waxay sheegayan inay dagaalka ku biireen diyaaradaha Maraykanka oo billaabay inay duqayn xoogan u gaystaan dagaal yahanadda Al-Qaacidda iyo Taliban,

Taliyaha Hogaaminaya Ciidamadda Hawlgalka ku jira, Jen Saftar Xuseen ayaa sheegay inay hawada ka qabteen Fooneey ay ku wada hadlayeen dagaalyahanadda Taliban iyo Al-Qaacidda oo uu hogaaminayo nin la rumaysan yahay inuu u dhashay Jeejniya ama Uzbikistaan, Wuxuuna meesha ka saaray in dagaal yahanadda ay ku hareeraysan yihiin uu ku jiro Ayman Al-Dawaahiri,

Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in Osama Bin Laden iyo Ku Xigeenkiisa Ayman Al-Dawaahiri ay ku dhuumalaysanayaan gudaha Afghanistan,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Koffi Annan oo ku baaqay in Golaha Ammaanku ay si deg deg ah go’aan uga gaaraan ciidamo loo diro Burundi.

Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Koffi Annan ayaa ku booriyay Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay inay qaataan go’aan deg deg ah oo ciidamo nabad illaalin ah loogu dirayo Dalka Burundi si loo soo afjaro xiisadaha ka taagan dalkaasi,

Annan waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in go’aanka goluhu uu soo baxo ka hor 2 bisha April oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee ay soo gabagabaynayaan hawsha ay dalkaasi ka hayaan ciidamadda nabad illaalinta ee Afrika, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in Nabad illaaliyaasha Qaramadda Midoobay inay kor ka illaaliyaan doorashadda Dimuquraadiga ah ee ka dhacaysa dalkaasi Bisha October ee sannadkan.

Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa la filayaa inay maalinta bariya dood ka yeeshaan ciidamo loo diro Burundi oo tiradoodu gaarayso 6000 oo askari, waxaana ciidamadaasi looga gol leeyahay inay door muuqda ku yeeshaan Xasilinta Dhibaatadda Burundi,

Waxaa isku soo dubaridey:
C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2004


WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD