SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 22, 2004

Dr Muriidi Golf Ururka SANU/NSC ee Banaadiriga oo sidiiran logu soo dhaweeyay in u ka mid noqdo Golaha Samatabixinta Qaranka Somaaliyeed ee lagu soo dhisay magaalada Balcad .


Kabilow bidix: Muuse suudi, farax sindiko, jaamac cali jaamac, muriidi Golf iyo cusmaan caato.

Golahaas oo ku bahoobay ama ay isku bahaysteeyn Ururo Siyaasadeed oo kor u dhaafay 20 tan-meeyo oo ad moodid midka kaliya ee qura ee marxalada manta Dalka maraaya u tafa xaaytay in uu samata-Bixiyo,badbaadiyo Dib u soo celinta Sharafta iyo qaranka Soomaaliyeed.

Sida aan ognahay Golaha Samata-bixinta waxaa la’aas-aasay Taariikhdu markay aheyd 30kii Septeenber 2003dii magaalada Balcad, ayaa la moodaa durbadiiba inuu golaha ku talaabsaday guulo iyo horumar Siyaasadeed .

Guddoomiyaha SANU/NSC Dr Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidi Golf) aya shaaca ka qaaday in u ururkooda ku biiray Golaha Samata-bixinta qaranka Mr.muriidigolf wuxuu sheegay ururkiisu ka mid-yahay ururadii Siyasadeed ee dalka ugu horeeyay kaalin weeyn ka soo qaatay halgankii xurniimo doonkii.

Mar u guddoomiyaha ka hadlaayay ururka SANU/ NSC ee Banaadiriga waxuu Daboolka ka qaaday ama shaaciyay in uu Bah wadaag la’ yahay Golaha Samata-bixinta Qaranka,uuna madax ka yahahay Mudanne Al Xaaji Muuse Yalaxow.


Dr Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidi Golf) Guji halkan

Ururka SANU/NSC ee Banaadiriga waa urur Salbalaaran wuxuuna Dagaano iyo taageerayaalba ku leeyahay guud ahaan goballada dalka gaar ahaan gobolka Banaadir,gobolka Shabeelaha Hoose,gobolka Jubada Hoose iwm. Wuxuuna intaas ku daray guddoomiyaha SANU/NSC muriidigolf iyo taageerayaashiisa in ay Siyaasad ahaan ay taageesanyahiin hashiiskii 29kii Janaayo 2004 ee koxaha Soomaaliyeed ku gaareyn magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Muriidi golf mar u ka hadlaayay mabda’a iyo hadafka Golaha Samata bixinta qaranka wuxuu sheegay in ay tahay Biiyo kama dhibcaan sidii lo badbaadin laha qaranka midniimada Caddaalada,Sinnaanta iyo sii looso Celiyo nidaamkii iyo kala dambeeyntii loona helo Dawlad matasha Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed .

Mr. Golf Mar u kadlaayay hakadka shirka dib u hashiisinta soomaaliyeed wuxu yiri waa hadiiba ay dhacdo oo ururada qaar sida SRRC da qaar kooda ay shirka ku hanjabaan in ay isaga baxaayaan shirka dib u hishiisinta ee Nairobi ka socda .

Anaga hadii aynu nahay Golaha Samata bixinta waxaa naga go’an mabda’eeyna oo ah inaan mar waliba ku dadaalnaa garab istaagna sidii uu shirka mirradhal ku noqon lahaa inagoo eegeeyno arrimaha Soomaaliya ee sii cakirmayo maalin ba maalinta ka dambeeyso,waxaana naga go,aan jidkasto oo shirka ku najaxi karo.

Dahir Abdule Alasow Nairobi, kenya
asoj@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2004

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD