SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - WARAR

  • Sh. Deedat oo ku Geeroyoodey 87-jir
  • Waftigii Reer Canada oo Kusoo Laabtay Kenya Kaddib Markii ay Booqdeen Jawhar
    Hosbital Cusub ayaa laga hirgeliyey Magaalada Dhahar.
  • Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Midowga Yurub oo beri ku soo food leh Soomaaliya
  • UK: Hooyo Soomaaliyeed oo Geeriyootey Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad
  • Booliska Ireland oo Shaaca ka Qaaday Aqoonsiga Ninkii Soomaaliyeed ee aan ilaa hadda madaxiisa la helin...
  • Saraakiil ka socota Ugandha oo sahan ku tagaya Soomaaliya
  • Qaramada Midoobay oo Xafiisyo ka furanaysa magaalada Jowhar...

Sheikh Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey 87-jir
K/Afrika: Daacigii caanka ahaa, dood-yahankana ahaa, Sheikh Ahmed Hoosen Deedat (Axmed Deedat) ayaa maanta oo Isniin ah geeriyoodey.. Guji... 8/8/05


Waftigii Reer Canada oo Kusoo Laabtay Kenya Kaddib Markii ay Booqdeen Jawhar

SomaliTalk.com | Agoosto 8, 2005

PhotoWaftigii uu hoggaaminayey xildhibaanka ka tirsan xisbiga Liberaalka ee haya talada dalka Canada, xildhibaan Borys Wrzesnewskyj, ayaa soo gaarey Nairobi kaddib markii uu booqday magaalada Jawhar.

Xildhibaan Borys waxa uu noqday siyaasigii ugu horeeyey ee reer Canada ah oo Sabtidii Agoosto 6 magaalada Jawhar kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha iyo xildhibaanada Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya.

Kulankii labada maalmood ahaa ee uu xildhibaan Borys la yeeshay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha baarlaamka ka dib waxa uu ku soo laabtay magalada Nairobi.

Xildhibaanka oo markii uu Nairobi yimid telefoonka kula hadlay warbaahinta Canada waxa uu sheegay sida ay muhiimka u tahay in reer Canada ay caawiyaan Soomaaliya, asagoo reer canada xusuusiyey in Canada safka hore kaga jirtey dawladihii ugu horeysey ee Soomaaliya caawiyey 1974-75 xilligaas oo Soomaaliy ay abaaro ku habsadeen. Sidoo kale waxa uu reer Canada xusuusiyey in dalka Canada uu ahaa wadankii ugu horeeyey ee aqbalay qaxootiga Soomaaliyeed kadib markii dagaalka ahliga ah uu kaqarxay Soomaaliya, haddana ay Canada ku nool yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ugu ballaaran dunida.Waxan uu xusay sida ay wadna xanuunka u tahay qaabka ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan qaranka burburay ee Soomaaliya.

Waxaa la filayaa xildhibaan Borys in uu maanta oo Isniin ah Agoosto 8 marka ay saacada Nairobi (Afrikada Bari) tahay 1:00pm uu halkaas ku qaban doono warsaxaafadeed uu kaga hadli doono safarkiisii Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 8, 2005


Hosbital Cusub ayaa laga hirgeliyey Magaalada Dhahar.

Dhahar: Wararka ka imanaya degmada Dhahar ayaa sheegaya in magaalada Dhahar laga hirgeliyey Hosbital cusub oo hadda dhismihiisu marayo heer geba-gebo ah, dhismaha Hosbitalkan ayaa waxa ku deeqday hay’adda Al-manhal oo hore mashaariic uga fulisey meelo ka mid ah gobolka Sanaag sida dhismaha iyo qalabaynta Hosbitalka Badhameed qaybtiisa cusub.

C/laahi Cabadi Shabeel oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa wargeyska u sheegay in Hosbitalka laga hirgelinayo magaalada Dhahar uu ka kooban yahay: 1- Qol hool ah oo la jiifin karo markiiba ilaa 15 qof .2- Qolka qalliinka 3- Qolka Doctorka iyo Computerka 4- Qolka raajada. 5-Qolka shaybaarka . 6- Qolka Pharmacy-ga 7- Qolka shaqaalaha. 8- Meel loogu talagalay qaabbilaadda 9-Afar suuli. 10-Saddex waji-dhaq 11- Barande. 12-Barkad biyood (taangi ) kor loo dhisay. Xagga qalabaynta waxay hay'addu ballan qaadday inay keenayso qalab casri ah oo uu ka mid yahay: 1-Shaybaar 2-Raajo (X-rey) 3-Computer.


Maxamuud Ciyoon | Calmadow
Badhan | Email:
ciyoon10@yahoo.com

Faafin: Agoosto 8, 2005


Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Midowga Yurub oo beri ku soo food leh Soomaaliya

Wafdi siyaasadeed oo ka socda Midowga Yurub ayaa ku soo wajahan gudaha dalka Soomaaliya maalinta beri ah.

Dimlomaasi ku sugan caasimada Beljamka magaalada Brussels ayaa warsidaha SomaliTalk.com u sheegay in wafdigan ka socda Midowga Yurub lagu wado in ay kulamo la yeeshaan xubnaha dawlada ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Wafdigan ayaa ka kooban sida aan ku helayno warar hoose sharci yaqaano ku taqasusay habka baarlamaaniga, waxaana loo maleynayaa in ay ku hormari doonaan magaalada Muqdisho si ay oola kulmaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo xubnaha labada gole ,ee ku sugan Hotel Saxafi.

Wafdigan Sharci yaqaanada ayaa loo maleynayaa in ay kula talin doonaan Afhayeenka Baarlamaanka in uu dhiso gudiyadii kala duwanaa ee Baarlamaanka ,inta uu isku taxalujinayo arimaha Dawlada uu Reysalwasaare ka yahay Prof-Geedi, waa sida aan warku u dhigaye.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode


UK: Hooyo Soomaaliyeed oo Geeriyootey Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad.. Laakiin qaabka ay usoo dhacday iyo Qaabka ay Dhimatay waxaa kujira shaki...

Glasgow | UK | Aug 7,2005

Hooyo Soomaaliyeed oo dhallin yaro ah ayaa geeriyootey kaddib markii ay ka soo dhacday dabaqa 13aad ee sar dheer, sidaas waxaa qortay jariidada Sunday Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriiska.

Meydkii hooyada oo da'deedu ahayd 27-jir ahaydna qaxooti ka timid Soomaaliya, haysateyn laba carruur ah, ayaa shalay laga helay magaalada Scotstoun, Glasgow.

Deriska ayaa sheegay in habeenkii ka horeeyey (helitaanka meydkeeda) ay qaylo xooggan ka maqleen dhanka qolka ay daqaba ka deganayd hooyada Soomaaliyeed.

Fatima Kashani, oo 35-jir ah waxay tiri: "Waxay ahayd qof aad u aamus badan. Inta badan waan u dhoola cadayn jirey waxana ku dhehi jirey iska warran. Waxaan u malaynayaa in ay halkan ku noolayd ilaa sannadkii tegey qiyaastii."

Paulo Ndjoba, oo 39 jir ah oo deggan aagga waxay tiri: "Waxaan arkay go' weyn oo midabkiisu caddaan yahay oo dhiig miiran ah, aad ayaan u cabsaday, waxaan u welwelayaa qoyskayga."

Boolisku waxay xaqiijiyeen in dhimashada qoftaas dumarka ay tahay mid shaki ku jiro qaabka ay u dhimatay, waa sida ay qortay Sunday Mail. [Eeg www.sundaymail.co.uk/news/].

April 18, 2000 ayey ahayd markii magaalada Toronto ee dalka Canada uu ku dhintay wiil yar oo Soomaali ah oo da'diisu ahayd 3.1/2 [saddex iyo bar jir] kadib markii uu kasoo dhacay dabaqa siddeed iyo tobnaad ee sar ku taal xaafada ay Soomaalidu ku badanyihiin ee lagu magcaabo Dixon ee magaalada Toronto, Canada. Waxaa wiilkasi yari uu daawanayey TV, ayeeyadiis oo kujirtey Jikada ayaa maqashay "Ayeeyo", laakiin markaas waxay ahayd mar aysan waxba ka qabankarin oo uu mar hore ka dhacay meel daaqad oo kale ah oo loo baneeyey qaboojiyahay guriga. [Eeg halkan].

Sidoo kale July 29, 2000 ayaa magaalada London, Ontario, Canada waxaa uu wiil Soomaliyeed ka soo dhacay dabaqa saddexaad ee sar dheer, waxana uu galay Komo. [Eeg halkan].

Isha: SundayMail & warar hore | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


Booliska Ireland oo Shaaca ka Qaaday Aqoonsiga iyo Sawirkii Ninkii Soomaaliyeed ee Dublin Lagu Diley Horaantii Sannadkan 2005....

  • Ninka Soomaaliyeed waxaa meydkiisa oo lagoogooyey oo aan madax lahayn laga helay magaalada Dublin, Ireland.. Ilaa hadda madaxiisii lama helin..

Farah Swaleh Noor

Booliska Ireland oo loo yaqaan Gardaí ayaa soo bandhigay sawirka ninkii Soomaaliyeed ee sannadkan horaantiisii meydkiisa laga helay kanaalka lagu magcaabo Royal Canal ee Dublin. Waxayna sawirka u soo ban dhigeen in ay shacabka uga helaan akhbaar si loo helo dadkii diley ninka Soomaaliyeed.

Farah Swaleh Noor oo Ireland ku noolaa ilaa 1996 waxaa meydkiisa la helay bishii March 30keedii, waxaana markaas da'diisu ahayd 38-jir.

Boolisku waxa uu dadweynaha reer Ireland uga baaqay in qofkii aqoon u lahaa marxuum Faarax Swaleh Nuur ama qofkii marayey aagga wadada Ballybough ama kanaalka Royal Canal markey taariikhdu ahayd March 28 ama March 30 uu la soo xiriiro booliska.

Bishan Agoosto 3deedii ayaa Booliska magaalada Dublin waxay xireen afar qof oo looga shakiyey in ay lug ku lahaayeen dilkii Marxuum Faarax.

Farah Swaleh Noor waxaa meydkiisa oo si xiriir ah toorey ama mindi loola dhacay oo la googooyey laga helay meel u dhow buundo dulmarta kanaalka Royal Canal bishii March ee sannadkan 2005, asagoo weliba madaxa laga gooyey, ilaa hadana madaxii lama helin. Waxaa wararku tibaxeen in meydka qaybta dhexe  laga helay ayagoo kujira bac madow, gacmahana iyo luguhuna laga helay meel u dhow. [Eeg halkan...] iyo [Halkan].

Isha: tcm.ie & iol.ie| Tarjumadii SomaliTalk.com | AUg 7, 2005


Saraakiil ka socota Ugandha oo sahan ku tagaya Soomaaliya

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | canabmumtaz@yahoo.com

Dowlada Ugandha ayaa qorshaynaysa in ay soomaaliya u dirto Wafdi ka socda Saraakiisha Ciidamada ee Ugandha si u soo qiimeeyaan xaalada Soomaaliya iyo baahida loo qabo in ay ciidamadeedu ka howlgalaan

Ujeedada socdaalkan oo aan ka waraysay Axmad cumar oo ah xubin kala shaqaysa ciidamada Ugandha xiriirka Soomaaliya ee siyaasadda Amnig Gudaha ayaa ku tilmaamay in ay ka dhalaty safarkii uu dhawaan ku tagay magaalooyinka jowhar iyo mogadisho Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulmay siyaasiyiinta Labada dhinac ee dowladda iyo Baarlamaanka Federalka ah ayna ka dalbadeen qaarkood in la soo celiyo hanaankii ay dowladda ugandha ugu diraysay ciidamado Soomaaliya ee hakadka galay si ay uga caawiyaan amniga goobaha dowladda ay dagayso ka hor inta laga helayo ciidamo xoogan oo ay yeelato Soomaaliya.

Mr.Fall ayaa ka dalbaday Dowladda Ugandha sida uu sheegay COL. PETER OLLOWERO,oo ah Madaxa ciidamda Soomaaliya loo diyaariyay in ay dowladiisa ay qabanqaabiso wafdi ka socda ciidamad Ugandha oo booqasho sahan ah ku sameeya mogadisho iyo jowhar si ay u soo diyaariyan qaabka ay ciidamadaas uga howlgalayaan gudaha Soomaaliya kulamona ay la soo sameeyaan dhinacyadd siyaasadeed ee Soomaaliya kadib si loogu gudbiyo warbixinta ay keenaan Qaramada Midoobay laanteeda Amaanka.

Wafdigan oo qorshaynayay in ay baxaan talaadada soo socota ee bari dambe ayaa dib u dhac ku yimid sida uu ii sheegay axmad cumar oo ka mid ah xubnaha wafdiga ee u ambabaxaya Soomaaliya iyagoo ugu horay tagi lahaa mogadisho kadibna jowhar.

Dib u dhaca ayaa ka dhashay kadib markii ay xiisad ka timid geeridii John Grand ka abuurtay lavada dal oo ay IGAD xiligan siinayso Muhiimad gaar ah laakiin waxaa la filayaa in ay baxaan isla Todobaaadka soo socda.


Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | canabmumtaz@yahoo.com


Qaramada Midoobay oo Xafiisyo ka furanaysa magaalada Jowhar
Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Warar aan ka helay ilo war gal ah ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay xafiiisyadii ka furnaa magaalada neyroobi loo soo wareejin doono caasimada KMG-ah ee Soomaaliya magaalada Jowhar, maadaama inta badan xubnaha dawladu ay ku sugan yihiin, waa sida warku u dhigaye. Xafiiska oogu horeeyo oo loo soo rari doono Jawhar ayaa lagu sheegay xafiiska siyaasada ee Soomaaliya ee loogu magac daray UNIPOS.

Dhinaca kale xafiiskii UNDP uu madaxda ka ahaa Maxwel Gaylard ayaa la qorsheynayaa in isna ,loo soo rari doono magaalada Jowhar mustaqbalka dhaw si uu halkaasi ooga fuliyo hawlihii gargaarka iyo mushaharbixinta dhamaan hey'adaha Dawlada.

Soo guurida Hey,adahan ee Jawhar ayaa noqoneysa mid u sahasha in ay ka hawlgalaan gudaha Soomaaliya.

  Xuseen Yaasiin Gode-Gode

  email: godegode_6@hotmail.com

Aug 7, 2005


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER
Soomaalida ku nool magaalada muslimiinta badan deggan yihiin ee Leicester ayaa muddo gaaban ku muujiyay dadaallo iyo horumar aad u ballaaran, warbixin arintaas ku saabsan ka akhri halkan... Guji... Aug 7


  • Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir
  • Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...
  • Dalka Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna tiradaasi ay u Kordheyso..

Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir


Zainab Al-Ghazali

Zainab Al-Ghazali oo si weyn loog ayaqaan dalka Masar ayaa Arbacadii taariikhdu ahayd Agoost 3, 2005 geeriyootey ayadoo da'deedu ahayd 88 jir.

Zainab Al-Ghazali waxay sannadkii 1917 ku dhalatay meesha loo yaqaan Al-Baxiira. Waxana ay ka soo jeeda qoyska Cumar Bin Khataab, Khaliifkii Labaad ee Muslimiinta iyo Xasan bin Cali ibn abii Daalib.

Zainab waxay diinta Islaamka ka baratay culmi aad looga yaqaan Jaamacada Al-Azhar sida Sheikh Ali Mahfouz iyo Mohammad El-Naggar.

Yaranteedii waxat Zainab ku biirtay ururka dumarka ee loo yaqaan "Egyptian Feminist Union", ururkaas oo sannadkii 1923  asaastay gabadha magaceedu yahay Huda Sharawi.

Laakiin Zainab ururkaas waa ka baxday waxayna sannadkii 1937 ayadoo markaas labaatan jir ah asaastay urur ay leeyihiin dumarka Muslimiinta ah oo lagu magcaabo "Muslim Women's Association", ururkaas oo loo dhisay si loo dardar gelinta dumarka ayadoo asaas looga dhigayo sida ay diintu qabto iyo ujeedada diinta.

Markii ay ururkeeda asaastay waxay isla markiiba laysan ka heshay wasaarada Awqaafta Masar si ay u dhisto 15 masjid iyo dersin kale oo ay ayadu gaar u maalgelisey.

Zainab Al-Ghazali waxay aad ugu doodi jirtey dhaqan gelinta Shareeca Islmaaka, arintaas oo ka hor keentay Madaxweynihii Masar, Jamaac Cabdi Naasir. Waxaana Zainab loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo si xun loogu ciqaabay, sida aad hoos ku arki doontid waxaa la weriyey si kasta oo loo ciqaabay in aysan marna ka leexan aaminsanaateedii hirgelinta Shareecada Islaamka.

Photo of Qutb
Sayyid Qutb:
9 October 1906 in Musha – 29 August 1966

Waxaa la weriyey in sannadkii 1962 ay si qarsoodi ah ula xiriirtay Sayyid Qutb ayadoo u fariimaha usii marisay laba gabdhood oo ay asaga walaalo ahaayeen, waxana la weriyey in ay sidaas ku heshay qayb kamid ah buug uu xabsiga ku qoraayey. Barashada quraanka iyo daalacashada buugaas Qutb ayey bilaabeen kooxo kooxo in ay si qarsoodi ah u dersaan, waxaana qorshohoosu ahaa in dadka reer Masar diinta la baro muddo 13 sano ah, taas oo looga qiyaas qaatay mudadii uu Nebi Muxamed Makka dadka ku wacdinayey. Kaddib in dadka afti laga qaado, haddii markaas boqolkiiba 75% ay aqbalaan in dalka shareecada Islaamka lagu dhaqo ay markaas ku dhawaaqaan sidaas. Haddiise taasi dhici weydo in 13 sano oo kale dadka diinta la baro, sidaas oo kalena cod looga qaado, haddii weli dadku aysan diinta in lagu dhaqo aan 75% raacsanayn in markale sidii loo soo bilaabo 13 sano oo hor leh ilaa laga gaaro waqti ay dadku aqbalaan in shareecada lagu dhaqo Masar.


Jamal Cabdi Naasir:
January 15, 1918 – September 28, 1970

Anwar Sadat
Anwar Sadat:

December 25, 1918 – October 6, 1981

Sayyid Qutb waxaa la xiran sannadkii 1954, kaddib markii la isku deyey in la dilo madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir. Waxaana Sayyid Qutb xabsiga laga soo daayey sannadkii 1964 arintaas xabsiga laga soo daayey oo uu qayb ka qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul Salaam Caarif. Laakiin 8 bilood ka dib ayaa markale dawlada Masar xabsiga u taxaabtay Sayyid Qutb, xilligaas oo ahayd 1965. Waxana lagu xukumay dil Qutb iyo lix qof oo kale, waxana Sayyid Qutb daldalaad lagu diley 29 August 1966.

Dadkii la xirxiray sannadkii 1965 waxaa kamid ahaa Zainab Al-Ghazali. Xilligaas oo ay dawlada Masar si sir ah ku ogaatey ururada siyaasadeed ee ka jira Masar waxay ku dhaqaaqday burburintooda, waxaana la xir xiray dad aad u tiro badan, rag iyo dumar, markaa sayaa la baabi'iyey ururkii ay Zainab Al-Ghazali asaastay ayadiina xabsiga loo taxaabay. Waxaana Zainab maxkamad la soo taagey sannadkii 1966 waxaana lagu xukumay xabsi daa'im ay u dheer tahay in ay qabato shaqo culus. Waxaase la soo daayey sannadkii 1971. Waa kadib dhimashadii Jamaal Cabi Naasir oo dhintay 1970. Waxaa markaas madaxweyne noqday Anwar Sadaat, sidii ayeyna Zainab u sii wadey fikirkeedii ahaa in la helo dawlad Quraanka iyo sunadu ay xukun u tahay.

Sannadkii 1981 mar waraysi lagula yeeshay gurigeeda oo ku yaal Heliopolis, Masar, Zaynab al-Ghazali waxay tiri:

Islaamku wuxuu siiyey wax kasta rag iyo dumarba. Waxa uu Dumarka siiyey wax kasta-- Xoriyad, xuquuq dhaqaale, xuquuq siyaasadeed, xuquuq arimaha bulshada, xuquuq caam ah iyo mid gaar ah. Islaamku wuxuu dumarka siiyey xuquuq aan qof kale oo qoyska ah la siin. Xorayn waa ka hadli karaan dumarka bulshada masiixiga, bulshada yuhuuda, ama bulshada aan diinba haysan, laakiin bulshada Islaamka waa khadal aad u weyn oo meel ka dhac ah in laga hadlo xoraynta dumarka. Qofta Dumarka ah ee Muslimada ah waxaa waajib ku ah in ay Islaamka barato si ay u ogaato ama ugu baraarugto in Islaamku siiyey dhammaan xuquuqdeeda.

Waxaana lagu tilmaamay in hab fekerkii Zainab uu sidaas ahaa ayna rabtey in dumarka Muslimiinta la baro diintooda si ay ugu baraarugaan xuquuqda ay diinta Islaamku siisay , dhinacoodana ay u ogaadaan waajibaadka lagu leeyahay, taas oo ay rumaysnay in ay wado u tahay helitaanka dawlad Islaam ah oo lagu dhaqo Quraanka iyo sunada Rasuulka Muxamed (scw).

Sannadkii 1981 waxa uu Anwar Sadat bilaabay in uu qabqabato xabsigana u taxaabo dad tiradooda lagu qiyaasay 1600 oo qof, arintaas oo dunda badankeedu kaga soo hor jeesatey hab lagu tilmaamay gacantiisa adag iyo xoog ku muquuninta dadka mucaaradka ku ah, iyo dhaqaalihii dalka oo aad hoos ugu dhacay.

Bishii October 6deedii sannadkii 1981 ayaa la toogtey Anwar Sadat asagoo joogey goob dabaaldeg lagu soo bandhigayey. Waxaana madaxweyne nimada la wareegey madaxweynaha hadda, Xusni Mubaarak.

Zainab Al-Ghazali intii ay noolayd buug ay qortay ayey kaga hadashay nolosheedii, buugaas oo lagu magcaabo Ayyam min Hayati.

Isha: Wikipedia & IslamOnline | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...

Sida laga soo xigtey United Press International, cod bixin ay dhowaan qaaday hay'ad Dutch ah ayaa waxaa ay sheegtay in badanaa dadka reer Netherlands (Holland) ay raacsan yihiin in dawladu ay dumarka Muslimiinta ah ee shaqaalaha ah ka mamnuucdo in ay xirtaan xijaabka, khimaarka iyo dharka kale ee Muslimiinta.

Hay'addaas oo lagu magcaabo TNS Nipo waxa ay su'aalo weydiisey 433 qof oo qaan gaar ah, kuwaax oo 63% oo dadkaas u dhashay Netherlands ay taageersan yihiin mamnuucida in dadka ka shaqeeya goobaha madaniga laga mamnuuco xirashada dharka Muslimiinta, iyo in 80% ay raacsan yihiin in shaqaalaha dawlada guud ahaan aysan xiran dhar noocaas ah.

Dadkaas su'aalaha la weydiiyey ayaa 57% waxay yiraahdeen waa in dumarka macalimiinta ah aysan xiran khimaar, halka 77% ay yiraahdeen waa in dumarka booliska ah aysan xiran khimaar, iyo 81% oo yiri waa in qareenadu aysan xiran khimaar, Waxa laga hadlayaa waa dumarka Islaamka ah'e.

Waxaa codbixintu sheegtay in fikrada dadka reer Netherlands ay wax weyn iska bedeleen marka loo barbar dhigo sannadkii 2003.

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulkaSeptember 2, 2004 ayey ahayd markii Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta uu Ka Dhaqan Galay dalka France. Guji... Halkan.

Boqorada Denmark, Margrethe II
Boqorka Begium, Albert II

Horraantii sannadkan 2005 ayay ahayd markii Boqoradda ka talisa dalka Denmark ay ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta dalkeeda jooga. Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida. Guji... Halkan..

Isla sannadkan 2005 horraantiisii ayey ahayd markii Boqorka Belgium uu Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban. Boqor Albert II ayaa bishii Janaayo 12keedii soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso. Guji.... halkan.

Isha: Qaar kamid ah wararka IslamOnline | Tarjumadii SomaliTalk.com & Warar hore | Aug 7, 2005


Dalka Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna tiradaasi ay u Kordheyso..

Sida ay werisey hay'adda wararka u faafisa Ruushka ee loo yaqaan Interfax, guddiga muslimiinta ruushka ee loo yaqaan "Council of Muftis of Russia" ayaa shaaca ka qaaday in dalka Ruushka ay hadda ku nool yihiin 23 million oo Muslimiin ah. Tirada guud ee dadka Ruushku waa 144 million.

Warbixintaas oo ay Khamiistii faafisay Interfax waxa ay intaas ku dartay in dadkaas Muslimiinta ah ee ku dhaqan Ruushka ay san ahany dad qaxootinimo ama laajinimo ku yimid ruushka, balse ay yihiin dad weligood inta taariikhdu xusuusato halkas deganaa.

Waxaa warku intaas ku daray in tirada muslimiinta  ee dalka Ruushku ay si joogto ah u koreyso dadkuna ay diinta Islaamka u soo gelayaan si aan kala go' lahayn.

Isha: Mosnews.com | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


London, UK: Amiirka u Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah


 Amiir: Tameem Bin Hamad Al-Thani
  • "Saddex nin oo Reer Qatar ah oo uu ka mid yahay Amiirka 25-jirka ah ee u caleema saaran Qatar, Tameem Bin Hamad Al-Thani, oo Khamriaysan, kuna kacay ficilo anshax xumo ah ayaa laga mamnuucay Night Club-ka ugu weyn London. Club-ka waxaa lagu magcaabaa "Good As You" oo loo soo gaabiyo (G.A.Y ). "

Sida ay qortay shabakad laga leeyahay dalka Qatar, Islamonline.net, Amiirka u caleema saaran boqornimada dalka Qatar oo ah mid wax ku bartay dalka UK, oo xilligan xagaaga ah badankiisa joogey magaalada London, ayaa waxa uu ka qayb qaatay dagaal feer la is dhaafsaday (saddexda reer Qatar oo uu amiirku ka mid yahay) iyo dhallinyaro reer London ah.

"Amiir Tameem iyo saaxiibadiis dembi laguma soo oogin, laakiin, waxaa laga mamnuucay Club-ka muddo 30 maalmoo dah" sidaas waxaa yiri mas'uuliyiin, sida ay xustay shabakada reer Qatar. Mamnuucidaas oo ay amreen booliska London waxa muddo hal bil ah ka dhigeysaa in uu san amiirku Clubka tegi karin, waa sida ay shabakaasi qortaye. Waxaaana warku intaas ku daray in meeshii feerku ka dhacay lagu xiray nin 30 jir ah oo magaciisa la yiraahdo Heard Michael oo dagaalka ka qayb qaatay.

Shabakada Islamonline.net arintaas uu ku kacay Amiirku aad ayey u cambaraysay ayadoo cambaraynteeda sal uga dhigeysa culmo tixraacaya diinta:

Shabakada oo qoraalkeeda sii wada waxa ay tibaaxday sida Allah u mamnuucay quumu luudnimada, waxana ay soo xigatey xadiiska At-Tirmidi ee lamabarkiisu yahayi: 1376.

Waxa kale oo shabakadu soo xigatey sheekha deggan Qatar ee aadka loo yaqaan, Sheikh Yusuf Al-Qaradawi oo yiri: "Culmiada Islaamka sida, Maalik, Shaafici, Axmed, iyo Isxaaq waxa ay yiraahdeen qofkii dembiga noocaas ah ku kaca waa in lagu dilo dhagax, hasoo maro guur ama yuusan soo marine".

F.G: Amiirka u caleemo saaran Qatar: Waa nin ka dhashay reer Boqorka dalka Qatar, isla mar ahaantaasna leh dhaxalka boqortooyada, bedelina doona amiirka ama boqorka hadda.. ...

ISHA:  Islamonline.net |  August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD