SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - UK
ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

Maxamuud Maxamed Jaamac, Agaasimaha OnePound Plus

Gudaha dukaanka OnePoundPlus

Madaxa DalsanTravel, Abdirisak Khalif Hirsi

Xafiiska DalsanTravel


Ahmed Bile Rafle, Guddoomiyaga DanSomCommunity

Soomaalida ku nool magaalada muslimiinta badan deggan yihiin ee Leicester ayaa muddo gaaban ku muujiyay dadaallo iyo horumar aad u ballaaran, hadday horumarkaasi noqon lahayd dhinaca shaqada, waxbarashada iyo guud ahaan waxqabadka ururrada kale ee magaallada ka jira. 

Haddaba, mar aan maalmahaan booqasho gaaban ku joogay magaallada Leicester ayaa waxaan u kuur-galay goobaha ganacsiga soomaalida ee magaallada ka jira, waxaana ka mid ahaa ganacsatidii aan booqday Maxammuud Maxammed Jaamac oo isagu dukaan ku leh xaafadda St. Mathew ee ay ku badan yihiin soomaalida. 

Dukaankan oo alaabta taalla lagu iibsado hal pound ayaa waxaad ka helaysaa dhammaan noocyada kala duwan ee raashinka, cabitaannada, cadarrada iyo barafuunnada, waxyaabaha la isku qurxiyo, maacuun noocyo kala duwan ka kooban, roogyada iyo alaabta lagu qurxiyo guryaha iyo weliba alaabta ay caruurta ku cayaaraan.

 “Alaabaha dukaanka yaalla badankoodu waxay joogaan hal pound, waa dukaanka keliya ee noocaan ah ee xaafadda ku yaala, macaamiisheena waxay noo muujiyaan inay nagu faraxsan yihiin, codsiyadooda iyo dalabaadkooda si farxad leh ayaan u soo dhoweynaa” ayuu yiri M.M.J oo ka mid ah agaasimayaasha dukaanka One Pound Plus kuna ag yaala masjidka weyn ee Quba ee ay maamulaan Soomaalida. 

Dukaanka One Pound Plus meel aad ugu dhow ayaa waxaan misna ku soo maray hoyga xawaaladda ee Dalsan Travel oo ah xarun gacansi aad ka heli kartid adeegyo kala duwan sida tigidhada diyaaradaha oo jaban, xawaalad, internet iyo taleefan, kaararka taleefannada iyo waxaa intaas dheer iyadoo dukaankan laga heli karo dhammaan waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan. 

Cabdirisaaq Khaliif Hirsi oo ah agaasimaha Dalsan Travel ayaa ii sheegay inuu ku kalsoon yahay miradhalka hoygiisa ganacsi, isla mar ahaantaasna uu rajeynayo inuu ku sameeyo xaruntiisa ganacsi dib-u-habayn casri ah, qancisana dhammaan macaamiishiisa kala duwan. 

“Waxbarashada aan Jaamacadda magaalladan Leicester ka qaatay waa computer-ka oo waxaan bartay maaddada computer science-ka, nasiib darro muddo sannad ayaan shaqo raadinayay oo ma aanan helin, ugu danbeyntii waxay ka fursan wayday inaan u bayro xagga ganacsiga” ayuu yiri Abdirisaaq oo ka mid ah ganacsatada deggan magaallada Leicester. 

Waxaa sidoo kale xaafadahaan ay soomaalida ku badan yihiin aad ku arkaysaa maqaayado laga cunteeyo oo aad u heersareeya iyo maktabahada ay yaaliin kutubada iyo cajaladaha islaamiga ah, waxaana intaas dheer xarumo kale oo dadka ay ka heli karaan macluumaad iyo talooyin la xiriira ardayda doonaysaya inay waxbarasho billaabaan iyo kuwa iyagana xiiseenaya inay furtaan xarumo ganacsi. 

Madaxa Ururka DanSom community Ahmed Bile Rafle ayaan ku soo booqday xafiiskiisa ku yaalla xaafadda St. Mathew’s, wuxuuna ii sheegay inuu ururka xubnihiisa ay yihiin soomaali-deenish ay wada shaqayn fiican la leeyihiin xarumaha dowladda ee Leciester iyo weliba safaaradda Denmark ee Uk. 

Xafiiska Ururka DanSom community waxaa ku ag yaalla xarumo kale sida Xawaaladda Al-Amal, xarunta talobixinta ganacsatada, xarumaha lagu qabto xafladaha iyo kuwo kale oo lagu qaato tababaro kal duwan. Isla xarumahaan hoostooda waxaa ku yaalla Maqaayadda lagu magacaabo Kilimanjaaro, ayna soomaali badan galabtii u soo doontaan shaahii soomaaliyeed ee macaanaa.  

Dhammaan ganacsatadaas soomaaliyeed inkastoo aad mooddo inay gadayaan alaabo isku mid ah, haddana waxaad dareemaysaa inay ku faraxsan yihiin ka gun-gaaridda yoolka ay ganacsigooda ka leeyihiin. Waxay leeyihiin urur-ganacsi iyo wada shaqayn aad u sarraysa, waxay iskaashi ka qaataan taageerada xarumaha diinniga sida kirada masaajiddada oo ay ka qaybqaataan iyo baahidii kale ee si kedis ah ugu soo siyaadda jaaliyadda. 

Magaallada Leicester oo ay deggan yihiin soomaali tiradooda kor u dhaaftay dhowr iyo toban kun waxaa la oran karaa waxay ku sifoobeen tilmaamo ku dayasho mudan. Magaalladu waxay leedahay masaajiddo waaweyn oo aad u qurxoon sida Masjid Cumar iyo Masjid Al-Nuur, waxaana maamula qowmiyadaha ka yimid Asia, halka soomaalida ay leeyihiin masaajiddada Al-Huda iyo masjidka Quba oo lagu aqriyo duruuso diinni ah oo lagu soo jeediyo afka soomaaliga. 

Waxyaabaha indhahayga soo jiitay waxaa ka mid ahaa markii la gaaro  waqtiyada salaadda oo aad arkaysid goobihii ganacsiga oo albaabada loo laabay, iyadoo xittaa dadka markaasi ku jira loo sheegayo in loo dareerayo salaadda. Waxaa dhacda, kan aan tukan inuu ku qasbanaado markuu joogo goobaha ganacsiga qaarkood inuu raaco dadkaasi masjidka aadaya, hadduusan markiisii hore tukan. 

Dhacdooyinkii qaraxyadii qaar ka dhacay London kuwii kale ee fashilmay, loona tiiriyay inay ka danbeeyeen qaarkood dad soomaali ah ayaa culumada soomaaliyeed iyo dhammaan ururrada soomaaliyeed ee deggan Leicester waxay ka soo saareen bayaan ay ku dhaleeceeyeen dadkii ka danbeeyay qaraxyadaas, waxayna maamulka degmada iyo booliiska Leicester si cad ugu gudbiyeen inay soomaalida yihiin dad nabadda jecel, isla markaasna ayna raalli ka ahayn waxyeellada iyo dhibaatada loo gaysanayo dadka rayidka ah ee aanan waxna galabsan.

Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


Wafdigii ka socday Canada oo ka soo degay Garoonka Jowhar Airport
»6nin oo looga shakiyey fulin Qaraxyo oo lagu xiray Jowhar
»Markabkii lagu heystay Xarardheere oo lasii deynayo
»Wariye ku xiran Xabsiga Magaalada Jowhar...
Wararka oo dhan ka akhri halkan...


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Guji... Jun 23, 2005

DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV
Warbixintii Ibraahim Saalax...


Laascaanood: Dhuxul shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay

  • Dadkii Loo Haysto in ay Gubeen Dhul Soolasha Oo Gaadhay 50 Maxuus Ayaa Jeelka Laascaanood Lagu Hayaa.
  • Labo Oromo ah oo kamid ah dhuxul shidayaasha.....

Waxaa Soo gaadhay magaalada Laacaanood dadkii looga shakisanaa in ay gubeen dhulka Soolasha, dadkaas oo gaadhaya 50 maxbuus, waxana haatan lagu hayaa jeela magaalada Laascaanood.


Dhuxul Shidayaasha la xiray, loon ahaysto in ay gubeen dhul daaqsimeen

Dadka la soo qabtay ayaa waxa ka mid aha laba qof oo Qawmiyada Oromada ah ee dalka Itoobiya kuwaas oo ay shaqaaleeyeen dad deegaanka u dhashay oo dhuxusha shida.


Oromada dhuxusha ka shidayey Soomaaliya ee la xiray

XAALUFINTA SOOMAALIYA:::

Waa geed Cambe ah oo qoyan oo la jarayo si looga shido Dhuxul. Akhri wararka maalinta dhirta Guji

Taliyaha hawlwadeenkan Gaashaanle Maxmuud Nuur Muuse ayaa saxaafada u sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan dadkaas , iyada oo ay hada gaadhayso dhulka ay gubeen 80km, oo u badanaa dhul daaq sameed dabkuna uu sii fidayo. 

Max’med Max’muud Gaaxnuug
SOMALITALK LAASCAANOOD
August 1, 2005


UNDP oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Soomaaliya:

Hay'adda Qaramada Midoobey ee UNDP ayaa soo saartay warbixin ku saabsan Soomaaliya, taas oo ay ku eegeyso saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo xaaladaha Soomaaliya. sawirka hoose oo muujinaya Cali Maxamed Geedi oo ka qayb galay furitaanka kanaalka webi Shabelle oo kamid ah warbixinta ka akhri halkan.... [PDF


Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir


Zainab Al-Ghazali

Zainab Al-Ghazali oo si weyn loog ayaqaan dalka Masar ayaa Arbacadii taariikhdu ahayd Agoost 3, 2005 geeriyootey ayadoo da'deedu ahayd 88 jir.

Zainab Al-Ghazali waxay sannadkii 1917 ku dhalatay meesha loo yaqaan Al-Baxiira. Waxana ay ka soo jeeda qoyska Cumar Bin Khataab, Khaliifkii Labaad ee Muslimiinta iyo Xasan bin Cali ibn abii Daalib.

Zainab waxay diinta Islaamka ka baratay culmi aad looga yaqaan Jaamacada Al-Azhar sida Sheikh Ali Mahfouz iyo Mohammad El-Naggar.

Yaranteedii waxat Zainab ku biirtay ururka dumarka ee loo yaqaan "Egyptian Feminist Union", ururkaas oo sannadkii 1923  asaastay gabadha magaceedu yahay Huda Sharawi.

Laakiin Zainab ururkaas waa ka baxday waxayna sannadkii 1937 ayadoo markaas labaatan jir ah asaastay urur ay leeyihiin dumarka Muslimiinta ah oo lagu magcaabo "Muslim Women's Association", ururkaas oo loo dhisay si loo dardar gelinta dumarka ayadoo asaas looga dhigayo sida ay diintu qabto iyo ujeedada diinta.

Markii ay ururkeeda asaastay waxay isla markiiba laysan ka heshay wasaarada Awqaafta Masar si ay u dhisto 15 masjid iyo dersin kale oo ay ayadu gaar u maalgelisey.

Zainab Al-Ghazali waxay aad ugu doodi jirtey dhaqan gelinta Shareeca Islmaaka, arintaas oo ka hor keentay Madaxweynihii Masar, Jamaac Cabdi Naasir. Waxaana Zainab loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo si xun loogu ciqaabay, sida aad hoos ku arki doontid waxaa la weriyey si kasta oo loo ciqaabay in aysan marna ka leexan aaminsanaateedii hirgelinta Shareecada Islaamka.

Photo of Qutb
Sayyid Qutb:
9 October 1906 in Musha – 29 August 1966

Waxaa la weriyey in sannadkii 1962 ay si qarsoodi ah ula xiriirtay Sayyid Qutb ayadoo u fariimaha usii marisay laba gabdhood oo ay asaga walaalo ahaayeen, waxana la weriyey in ay sidaas ku heshay qayb kamid ah buug uu xabsiga ku qoraayey. Barashada quraanka iyo daalacashada buugaas Qutb ayey bilaabeen kooxo kooxo in ay si qarsoodi ah u dersaan, waxaana qorshohoosu ahaa in dadka reer Masar diinta la baro muddo 13 sano ah, taas oo looga qiyaas qaatay mudadii uu Nebi Muxamed Makka dadka ku wacdinayey. Kaddib in dadka afti laga qaado, haddii markaas boqolkiiba 75% ay aqbalaan in dalka shareecada Islaamka lagu dhaqo ay markaas ku dhawaaqaan sidaas. Haddiise taasi dhici weydo in 13 sano oo kale dadka diinta la baro, sidaas oo kalena cod looga qaado, haddii weli dadku aysan diinta in lagu dhaqo aan 75% raacsanayn in markale sidii loo soo bilaabo 13 sano oo hor leh ilaa laga gaaro waqti ay dadku aqbalaan in shareecada lagu dhaqo Masar.


Jamal Cabdi Naasir:
January 15, 1918 – September 28, 1970

Anwar Sadat
Anwar Sadat:

December 25, 1918 – October 6, 1981

Sayyid Qutb waxaa la xiran sannadkii 1954, kaddib markii la isku deyey in la dilo madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir. Waxaana Sayyid Qutb xabsiga laga soo daayey sannadkii 1964 arintaas xabsiga laga soo daayey oo uu qayb ka qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul Salaam Caarif. Laakiin 8 bilood ka dib ayaa markale dawlada Masar xabsiga u taxaabtay Sayyid Qutb, xilligaas oo ahayd 1965. Waxana lagu xukumay dil Qutb iyo lix qof oo kale, waxana Sayyid Qutb daldalaad lagu diley 29 August 1966.

Dadkii la xirxiray sannadkii 1965 waxaa kamid ahaa Zainab Al-Ghazali. Xilligaas oo ay dawlada Masar si sir ah ku ogaatey ururada siyaasadeed ee ka jira Masar waxay ku dhaqaaqday burburintooda, waxaana la xir xiray dad aad u tiro badan, rag iyo dumar, markaa sayaa la baabi'iyey ururkii ay Zainab Al-Ghazali asaastay ayadiina xabsiga loo taxaabay. Waxaana Zainab maxkamad la soo taagey sannadkii 1966 waxaana lagu xukumay xabsi daa'im ay u dheer tahay in ay qabato shaqo culus. Waxaase la soo daayey sannadkii 1971. Waa kadib dhimashadii Jamaal Cabi Naasir oo dhintay 1970. Waxaa markaas madaxweyne noqday Anwar Sadaat, sidii ayeyna Zainab u sii wadey fikirkeedii ahaa in la helo dawlad Quraanka iyo sunadu ay xukun u tahay.

Sannadkii 1981 mar waraysi lagula yeeshay gurigeeda oo ku yaal Heliopolis, Masar, Zaynab al-Ghazali waxay tiri:

Islaamku wuxuu siiyey wax kasta rag iyo dumarba. Waxa uu Dumarka siiyey wax kasta-- Xoriyad, xuquuq dhaqaale, xuquuq siyaasadeed, xuquuq arimaha bulshada, xuquuq caam ah iyo mid gaar ah. Islaamku wuxuu dumarka siiyey xuquuq aan qof kale oo qoyska ah la siin. Xorayn waa ka hadli karaan dumarka bulshada masiixiga, bulshada yuhuuda, ama bulshada aan diinba haysan, laakiin bulshada Islaamka waa khadal aad u weyn oo meel ka dhac ah in laga hadlo xoraynta dumarka. Qofta Dumarka ah ee Muslimada ah waxaa waajib ku ah in ay Islaamka barato si ay u ogaato ama ugu baraarugto in Islaamku siiyey dhammaan xuquuqdeeda.

Waxaana lagu tilmaamay in hab fekerkii Zainab uu sidaas ahaa ayna rabtey in dumarka Muslimiinta la baro diintooda si ay ugu baraarugaan xuquuqda ay diinta Islaamku siisay , dhinacoodana ay u ogaadaan waajibaadka lagu leeyahay, taas oo ay rumaysnay in ay wado u tahay helitaanka dawlad Islaam ah oo lagu dhaqo Quraanka iyo sunada Rasuulka Muxamed (scw).

Sannadkii 1981 waxa uu Anwar Sadat bilaabay in uu qabqabato xabsigana u taxaabo dad tiradooda lagu qiyaasay 1600 oo qof, arintaas oo dunda badankeedu kaga soo hor jeesatey hab lagu tilmaamay gacantiisa adag iyo xoog ku muquuninta dadka mucaaradka ku ah, iyo dhaqaalihii dalka oo aad hoos ugu dhacay.

Bishii October 6deedii sannadkii 1981 ayaa la toogtey Anwar Sadat asagoo joogey goob dabaaldeg lagu soo bandhigayey. Waxaana madaxweyne nimada la wareegey madaxweynaha hadda, Xusni Mubaarak.

Zainab Al-Ghazali intii ay noolayd buug ay qortay ayey kaga hadashay nolosheedii, buugaas oo lagu magcaabo Ayyam min Hayati.

Isha: Wikipedia & IslamOnline | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...

Sida laga soo xigtey United Press International, cod bixin ay dhowaan qaaday hay'ad Dutch ah ayaa waxaa ay sheegtay in badanaa dadka reer Netherlands (Holland) ay raacsan yihiin in dawladu ay dumarka Muslimiinta ah ee shaqaalaha ah ka mamnuucdo in ay xirtaan xijaabka, khimaarka iyo dharka kale ee Muslimiinta.

Hay'addaas oo lagu magcaabo TNS Nipo waxa ay su'aalo weydiisey 433 qof oo qaan gaar ah, kuwaax oo 63% oo dadkaas u dhashay Netherlands ay taageersan yihiin mamnuucida in dadka ka shaqeeya goobaha madaniga laga mamnuuco xirashada dharka Muslimiinta, iyo in 80% ay raacsan yihiin in shaqaalaha dawlada guud ahaan aysan xiran dhar noocaas ah.

Dadkaas su'aalaha la weydiiyey ayaa 57% waxay yiraahdeen waa in dumarka macalimiinta ah aysan xiran khimaar, halka 77% ay yiraahdeen waa in dumarka booliska ah aysan xiran khimaar, iyo 81% oo yiri waa in qareenadu aysan xiran khimaar, Waxa laga hadlayaa waa dumarka Islaamka ah'e.

Waxaa codbixintu sheegtay in fikrada dadka reer Netherlands ay wax weyn iska bedeleen marka loo barbar dhigo sannadkii 2003.

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulkaSeptember 2, 2004 ayey ahayd markii Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta uu Ka Dhaqan Galay dalka France. Guji... Halkan.

Boqorada Denmark, Margrethe II
Boqorka Begium, Albert II

Horraantii sannadkan 2005 ayay ahayd markii Boqoradda ka talisa dalka Denmark ay ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta dalkeeda jooga. Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida. Guji... Halkan..

Isla sannadkan 2005 horraantiisii ayey ahayd markii Boqorka Belgium uu Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban. Boqor Albert II ayaa bishii Janaayo 12keedii soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso. Guji.... halkan.

Isha: Qaar kamid ah wararka IslamOnline | Tarjumadii SomaliTalk.com & Warar hore | Aug 7, 2005


Dalka Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna tiradaasi ay u Kordheyso..

Sida ay werisey hay'adda wararka u faafisa Ruushka ee loo yaqaan Interfax, guddiga muslimiinta ruushka ee loo yaqaan "Council of Muftis of Russia" ayaa shaaca ka qaaday in dalka Ruushka ay hadda ku nool yihiin 23 million oo Muslimiin ah. Tirada guud ee dadka Ruushku waa 144 million.

Warbixintaas oo ay Khamiistii faafisay Interfax waxa ay intaas ku dartay in dadkaas Muslimiinta ah ee ku dhaqan Ruushka ay san ahany dad qaxootinimo ama laajinimo ku yimid ruushka, balse ay yihiin dad weligood inta taariikhdu xusuusato halkas deganaa.

Waxaa warku intaas ku daray in tirada muslimiinta  ee dalka Ruushku ay si joogto ah u koreyso dadkuna ay diinta Islaamka u soo gelayaan si aan kala go' lahayn.

Isha: Mosnews.com | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


London, UK: Amiirka u Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah


 Amiir: Tameem Bin Hamad Al-Thani
  • "Saddex nin oo Reer Qatar ah oo uu ka mid yahay Amiirka 25-jirka ah ee u caleema saaran Qatar, Tameem Bin Hamad Al-Thani, oo Khamriaysan, kuna kacay ficilo anshax xumo ah ayaa laga mamnuucay Night Club-ka ugu weyn London. Club-ka waxaa lagu magcaabaa "Good As You" oo loo soo gaabiyo (G.A.Y ). "

Sida ay qortay shabakad laga leeyahay dalka Qatar, Islamonline.net, Amiirka u caleema saaran boqornimada dalka Qatar oo ah mid wax ku bartay dalka UK, oo xilligan xagaaga ah badankiisa joogey magaalada London, ayaa waxa uu ka qayb qaatay dagaal feer la is dhaafsaday (saddexda reer Qatar oo uu amiirku ka mid yahay) iyo dhallinyaro reer London ah.

"Amiir Tameem iyo saaxiibadiis dembi laguma soo oogin, laakiin, waxaa laga mamnuucay Club-ka muddo 30 maalmoo dah" sidaas waxaa yiri mas'uuliyiin, sida ay xustay shabakada reer Qatar. Mamnuucidaas oo ay amreen booliska London waxa muddo hal bil ah ka dhigeysaa in uu san amiirku Clubka tegi karin, waa sida ay shabakaasi qortaye. Waxaaana warku intaas ku daray in meeshii feerku ka dhacay lagu xiray nin 30 jir ah oo magaciisa la yiraahdo Heard Michael oo dagaalka ka qayb qaatay.

Shabakada Islamonline.net arintaas uu ku kacay Amiirku aad ayey u cambaraysay ayadoo cambaraynteeda sal uga dhigeysa culmo tixraacaya diinta:

Shabakada oo qoraalkeeda sii wada waxa ay tibaaxday sida Allah u mamnuucay quumu luudnimada, waxana ay soo xigatey xadiiska At-Tirmidi ee lamabarkiisu yahayi: 1376.

Waxa kale oo shabakadu soo xigatey sheekha deggan Qatar ee aadka loo yaqaan, Sheikh Yusuf Al-Qaradawi oo yiri: "Culmiada Islaamka sida, Maalik, Shaafici, Axmed, iyo Isxaaq waxa ay yiraahdeen qofkii dembiga noocaas ah ku kaca waa in lagu dilo dhagax, hasoo maro guur ama yuusan soo marine".

F.G: Amiirka u caleemo saaran Qatar: Waa nin ka dhashay reer Boqorka dalka Qatar, isla mar ahaantaasna leh dhaxalka boqortooyada, bedelina doona amiirka ama boqorka hadda.. ...

ISHA:  Islamonline.net |  August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]