SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
HAMBALYO AROOS:::

Anagoo ah:
1. Nuur C/laahi Jamac.
2. Eng.Ciise Cusmaan Faarax.
3. Yusuf Mohamoud Said(Xanaf).
4. Jamac Cumar Maxamuud(Xanaano)
5. Cumar shire yuusuf.
6. Mohamed jamac Mohamed.
7. Mohamoud Mire Jamac(Xaaji kheyr)
8. A/risaaq Mohamed A/laahi..
9. A/risaaq casayr said.
10. A/kafi Mire Adan.
11. Idle Mohamed shire.
12. Mohamed Ali Mohamed.

Dhamaan dadkaan waxay tahniyad iyo bogaadin u dirayaan Arooska iyo Aroosada kala ah:

Xabiib Farax Maxamuud iyo Fartuun Siciid Waaberi.

Oo arooskoodu ka dhacey magaalada Dubai ee wadanka imaaraadka carabta taariikhdu Markey aheyd 18/07/2005 waxayna leyihiin noqda kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela.

Gabar iyo caano Wiil iyo Caano.

Aamiin Aamiin Aamiin

Hambalyada waxaa lagu soo aadin karaa: xanaf3@yahoo.com



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga


  • C/Laahi Yuusuf oo kasoo Degey Jawhar
  • Markab Talyaani ah oo Lagu Weeraray Badda Cas Meel Soomaaliya u Dhow.
  • Kismaayo: Shahaadooyin la guddoonsiiyey ardayda loo samaynayay dhaqan celin

C/Laahi Yuusuf oo kasoo Degey Jawhar

July 26, 2005

Wararka ka imanaya magaalada Jawhar ayaa sheegay in madaxweynaah DFKMG, Cabdullaahi yuusuf Axmed, uu maanta ka soo degey magaaladaas, kaddib markii uu ka soo duulay magaalaad Galkacyo oo uu beryahan ku sugnaa.


Jawhar waxay 95 Km woqooyi ka xigtaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Jawhar waxaa horay u joogey ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, oo dhowaan ka soo laabtay safaro uu ku tegey dalka Liibiya.

Waxaa wararku tibaaxeen in Cabdullaahi Yuusuf iyo waftigiisa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar.


IIDHEH:::: Ma Ogtahay in Shirkadda Kaah ee Columbus ay dhowaan Heshay Sharciga/License-ka Gobolka Ohio.. Adeegso Xawaalada Kaah Columbus, Ohio....

Markab Talyaani ah oo Lagu Weeraray Badda Cas Meel Soomaaliya u Dhow.

Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in markab laga leeyahay dalka Talyaaniga maanta lagu weeraray meel xeebta Soomaaliya u jirta 85 Miles o ah dhanka Badda Cas. Markabka oo lagu magcaabo "Cielo di Milano" oo dhererkiisu dhanyahay 174 miter, waxa uu siday 24000 tonnes oo xamuul ah iyo 24 qof oo shaqaalaha markabka ah. Waxa warku intaas ku daray in laba doonyood oo soo weeraray uu markabkaasi iskaga celiyey aalada dab-damiska ee markabka.

Bishan July 20keedii ayey ahad markii sidoo kale la sheegay in u dhacay isku day weerar markab kale oo magaciisa la yiraahdo "Jolly Marrone" oo markaaa marayey badda cas meel Soomaaliya u jirta 125 miles.

Wararka kale ee ka imanaya markabka lagu haysto aagga magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in dableyda markabkaas haysta aysan rabin madax-furasho balse ay rabaan shixnadda Markabka saaran, shixnadaas oo ah cunto loo wadey dadka ku waxyeeloobey dhibaatadii Bad-gariirka ee ka dhacday xeebaha Soomaaliya. Warar kale ayaa sheegaya in dableyda markabka haysta ay sheegeen in ay siideyn doonaan siddeed qof ee u dhashay dalka Kenya ee shaqaalaha ka ah Markabka. [Wararkii hore ee markabkan ka akhri halkan..]

###

Xarunta dhalin yarada KANEVA oo maanta shahaado gudoonsiisay dufcadii labaad ee ardayda loo samaynayay barnaamijka dhaqan celinta  

July 26, 2005

Xafladan balaaran ee saakay shahaadada lagu guddonsiinayay ardayda gaaraysay ilaa 60 qof ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka isbahaysiga dooxada jubba, gudoomiha maamulka degmada, dalada  jubbo net oo ay ku bahoobeen in ka badan 32 urur oo maxali ah iyo saraakiil ka socta heyada UNDP oo haatan ku sugan magaalada kismaayo. 

Xafladan oo shahaado lagu gudoonsiinayay dufcadii labaad ee ka qalin jabisa barnaamijka wacyi galinta dhalinta soomaliyeed ayaa waxaa uu socday muddo gaaraysa 6 bilood ayadoo dhalintan la barayay casharo fara badan oo ay ka mid yihiin farsamda gacanta sida harqaanka, farsamda baabuurta iyo aqoon kale ayaa waxaa ay tahay dufcadii labaad ee ay xarunta dhalinyarada KANEVA ay siiso shahaadan. 

Xarutna dhalinyarada KANEVA oo ayadu ardaydan manta gudoonsiisay shahaadoyinkan ayaa waxaa ka caawiyay dhinaca dhaqaalha sida uu noo sheegay gudoomiyaha xaruntan yaxye jaamac samatay, heyada xaquuqda aadanaha ee ELAMAN oo u fadhigeedu yahay magaalada muqdisho, heyada qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNCEF, iyo heyada CIDA oo uu fadhigeedu yahay dalka Canada . 

Xafdalan maanta lagu gudoonisiinaya shahaada dhalinta loo samayanayay dhaqan celinta oo ay da'doodu  tahay 14 ilaa 18 ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyntii gudoomiyha degmada Daahir maxamed cilmi daahir carabeey isagoo xusay in ay maanta xarunta dhalinyarada KANEVA ay mudanyahiin ayagu laftoda in la siiyo shahaado maadaama ay dhaqan celin u sameeyeen dhalinta hubaysan ee ay dadoodu ka yartahay 18 ayadoo uu sidoo kale gudoomiyahu ku baraarujiyaya xarunta dhalinyarada KANEVA  in ay sii wado howlaheeda ay dhaqan celinta ugu samaynayso dhalinta yar yar ee hubka sidata ayadoo  uu halkaa ka halday sidoo kale gudoomiha xarunta dhalinyarada KANEVAE Yaxye jaamac samatay isagoo sheegay in uu ku faraxsanyhaya sida ay maanta u muujiyeen wanaaga ayagoo doonaya in ay dhalintooda soomaliyeed heer fican gaaraan . 

Xafladan ayaa waxaa ay ahayd xafladii labaad oo shahaado cayn kan oo kale ah lagu gudoonsiiyo arday loo sameeyay dhaqan celin ayagoo sanadkii horena ay sidan oo kale dhaqan celin u sameeyeen arday gaaraysa ilaa 60 arday oo maanta ku faraxsan aqoonta ay ka faaiideen simnaarkii loo furay, gabagabdii ayaa waxaa xafdalaas ka hadalay marti sharaf fara badan ayagoo dhamaantoodaba xusay ahmiyada ay xarunta dhalinyarada KANEVA ay siisay dhalinta somaliyeed taasna ay tahay mid ku dayasho mudan . 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 26,  2005

Labadii Nin ee Booliska London Magacaabeen oo Lagu Sheegay Eritrean iyo Soomaali
Wararka ka imanaya dalka Britain ayaa sheegay in Guji.. July 26

Dagaallo Ciidammada Gumaysiga lagu Naafeeyay
iyo Bayaan ay JWXO ka soo saartay doorasho ku sheegta Ogaadeenya iyo qaraxyada... Guji...

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji.. July 25

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD