SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Nin oo Fiidkii Caawa Lagu Diley bartamaha magaalada  Kismaayo...
  • Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka dalbaday Dowlada Kenya in ay Tixgalin siiso Dadka Soomaaliyeed ku Nool dalkeeda.
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah Shariif Xasan oo Maanta u dhoofay Dalka Yaman.
  • Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Banka Dowlada ee Boosaaso iyo Qasnada Furdada...

Hal qof oo 8:15 fiidnimo la diley, mid kalena dhaawac halis ah ayaa soo gaaray agagarka hotel maqdas oo ku yaala Bartamaha magaalada kismayo

  • Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
    Kismaayo soomaaliya | Cabdiqadar84@hotmail.com

June 16, 2005

Qofkaan caawa fiidkii la dilay ayaa waxaa lagu dilay bartamaha magaalada kismaayo gaar ahaan halka loo yaqana aargada asaga oo markaasi ku suganaa hotel uu  ka daganaa magaalada kismaayo oo lagu magacaabo hotel maqdas. 

Ninkaan la dilay oo lagumagacaabi jiray Eng. Cabdi Yare ayaa waxa uu ahaa sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah asxabtiisii hotelka la daganayen nin magaalada musaafur ku ahaa oo dhawaan soo galay ayadoo ragga dilayna ay ahaayeen rag masgaari ah oo ay wajiyada u duubnaayeen ayagoo dilka ninkaan musaafurka ah u adeegsaday bastoolad sadex xabadoodna madxa kaga dhuftay. 

Hadaba qofka kale ee la dhaawacay ayaa waxa uu ahaa qof isagana markaa ka agdhawaa ninka la dilay ayadoo ninka dhaawaca ahna lagu magacaabo Xuseen Codwyen islamarkaan la sheegayo in ay ninkaan dhaawaca ah ay haleeshay xabadahii lagu waday marxuunka dhintay balse aan asaga loo socon, ayadoo islamrkiiba loola caray ninkii dhawaca ahaa isbitaalka guud ee magaalda kismaayo. 

Lama garanayo ilaa iyo hada sababta dhabta ah ee ka danbeysay dilka ninkaan balse waxa ay wararku sheegayaan in dadkaan loo dilay aano qabiil islamarkaana iyo aargoosi beeleed mana jiraan ilaa iyo hada wax talaabooyin ah oo  lagu soo ogaanayo dadki falkaan gayestay ayadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo falal cayen kaan oo kale ah ay ka dhacaan gudaha magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda. 

Waxay ahayed maalinimadii shalay ahayed markii labo qof lagu dilay deegaanka beer xaani halka maalinmadii daraad ahayedna shan qof si aano qabiil ah loogu dilay deegaanka beerxani oo ay baryahaan ka socotay dilal aargoosi ah waxaan jira dadaalo ay wadaan ciidamada amaanka ee isbahaysiga dooxada juba oo wax looga qabanayo falalkan dilka ah ee ku salaysan aargosiga. 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya | Cabdiqadar84@hotmail.com

###

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka dalbaday Dowlada Kenya in ay Tixgalin siiso Dadka Soomaaliyeed ku Nool dalkeeda.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Naiirobi
mail: canabmumtaz@yahoo.com | June 16

 
Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediRa'iisul wasaaraha Somaliya prof Cali Maxamad Geddi ayaa ka dalbaday Dalka Kenya in aan lagu xadgudbin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dalka Kenya iyo waliba kuwa ku nool magaalada Nairobi ee u jooga Dalka arrimo Nabad galyo,ganacsi iyo Arrimo kale oo badan maadaama ay dowladii Soomaaliya ka guurayso Dalka Kenya xili uu kulan gaar ah la yeeshay Shalay galinkii dambe Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Mr.Modhi Awori.
 
Hadalka Ra'iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmay Kadib markii shalay uu hadal ka soo baxay Gudoomiyaha Laanta Socdaalka ee dalka kenya Haweenayda lagu magacaabo Mrs Kilimo oo sheegtay in dadka Qaxootiga ah ay is diiwaan galiyaan si loo ogaado dadka ay dhabta ka tahay qaxootinimadooda,waxa ayna intaas ku dartay in ay jiraan dad badan oo maalin walba soo buuxiya xafiiskeeda iyagoo sheegaya sida ay sheegtay in ay yihiin Qaxooti,waxa kale oo ay xustay in dowlada xubnaheeda ka harsan ee aan haysan sharciga ay ka baxaan dalka mudadii ay qabsadeen. 
 
Mrs kilimo Waxaa uga jawaabay hadalkaas u Qaybsanaha Laanta Qaxootiga QM ee UNHCR Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan Mr.Goerge,waxa uuna ku tilmaamay warka hawenaydan laanta Socdaalka ka soo baxay in uu yahay mid xadgudub ah,waxa uuna intaas ku daray in xafiiskiisa ay ka diiwaan gashan yihiin dadweyne Soomaaliyeed oo Qaxooti ah oo gaaraya 500 oo qoys,wax ay haystaan ayuu yiri aqoonsiga Qaxootinimo marka laga saaro kuwa ku sugan xeryaha ee la ogyahay Qaxootinimadooda ay haystaan aqoonsiga hay'adda.
 
Haweenaydan ayaa horay u sheegtay in dalka ay iskaga baxaan waxii aan haysanin sharci,wax ayna magaalada Naiorbi ka soo saartay dhawaan dad u dhashay dalka Hindiya goobo ganacsina ku lahaa Magaalada Nairobi,kadib markii ay ku soo oogtay dambi ah in aysan haysanin ogolaanshaha ku ganacsiga dalka kenya.
 
Arrintan ayaa Soomaali badan Walwal ku abuurtay,waxa ayna haweenaydani ku dhawaaqday bishii maarso ee Sanadkan in ay raaf u gaysan doonto dadka soomaalida ah ee aan haysan sharciga,sidoo kale waxa ay daba gal ku samaysay baasaboorada ay wataan Soomaalida ganacsatada ah oo badankood haysta baasaboorka kenya kadib markii la diiday kii Soomaaliga ahaa oo ay ku tagi jireen wadamada uu kaga xiran yahay ganaciga sida Khaliijka kenyana ay u diiday in Vissa ku dhiibto baasaboor Soomaali ah.
 
 
Cali maxamad Geddi waxa kale oo uu ka dalbaday Dowlada Kenya in ay ka caawiyaan Dowlada Soomaaliya dhinaca tabarida Ciidamada,waxa uuna sheegay Awori in aysan Somaliya ka jirin milatari La'aan oo ay jiraan dad badan oo aqoon u leh dhinaca Milatariga iyo tabarida maliishiyaadka,laakiin ay dowladiisu mar walba la garab taagnaan doonto Dowlada Soomaaliya taageero Nabadeed.

Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

###

Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Banka Dowlada ee Boosaaso iyo Qasnada Furdada...

c/fatax jaamac | SomaliTalk | Bosaso
Email:
somalitalkpl@yahoo.com

June 16, 2005


Askarigii wax ay ku gareen Bamka, K-Sadexaad Ibrahin X. Cali Ciise Boos

Habeenimadii ay Khamiista ay soo Galaysay Tariikhduna ahayd 16-06-2005 ayaa Bomamka Gacanta laga tuuro lagu tuuray Labo Xarumood oo kala ha Banka Dowlada ee Boosaaso iyo Qasnada Furdada ee lagu Qabto lacagta Canshuuraha Dekada oo aan waxba u jirin Dekeda Boosaaso  Bamamkaa ayaa ilaa hada aan la Cadeyn cid ka dambaysay iyo ulajeedada loola dan lahaa lakiin uu Gudoomiyaha Gobolka Bari Mr. Dhado uu noo sheegay in ilaa hada loo qabtay Shan qofood mar uu war saxaafadeed ku qabtay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso, Gudoomiyaha ayaa noo sheegay in ay Bomkaa Markii ugu horeeyey lagu Dhuftay Qasnada Dekada mar ay saacadu ahayd 12:10 pm kadibna kan kale lagu dhuftay Banka Dowlada 12:50 pm.  

Bamamkaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Nin ka Mida Ciidamada Ilaalada Banka Dowlada Boosaaso Ninkaa oo lagu magacaabo Ibraahin X. Cali Ciise Boos sida naloo sheegayna ahaa K/ Sadexaad Ciidanka Booliska ayaa waxaa ii suuro gashay in aan ku booqdo Cusbitaalka uu ku jiro oo ah Cusbitaal Prived ah ayaa waxaa uu u muuqday Nina aad u liita mar aan Xaaladiisa wax ka waydiiyay Eheladiisa ayaa ay ii sheegeen in uu Go'ay Sambabka hadana ay Fadhido Dhuunta Qayb ka mida Qaraxii. Askarta ayaan haysan wax Daryeela marka ay wax soo Gaaraan Dhaawacyada kaga yimaada iyagoo Shaqo ku jira culayskaana uu ku koobnaadaa Dadka Ehelka u ah kaliya.


Gudoomiaha Gobolka Bari Yusuf Waces Dhado oo war saxaafadeed ka bixinaya Qaraxii Bomka

Qaraxaa Bomka oo uu Warsaxaafadeed ka bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Wacays Dhado ayaa sheegay in ay socoto Baaris lagu doonayo lana hayo raad lakiin uu hada ka hor dhacayn ilaa inta ay cadaanayso.

Qaraxaan Bamamka ayaa argagax ku beeray Dadweynaha ku nool Boosaaso iyo Guud ahaan Puntland kadib markii baryahaan laga hadlayay Nabadgalyo Darada isa soo taraysa oo sida cad loogu kacaayo Dilal, Jidgoyooyin iyo Qarxyo Bam tasoo walaac ku beertay Dadweynaha ayagoo tilmaamaya in ay ka imaanayso Daryeel la,aanta Ciidanka Booliska oo Dhaqaalihii ay ku dhacayso Shaqsi Jeebkii iyo Garsoorka oo aan u shaqeyn sidii sharcigu ahaa.

C/Fataax | somalitalkpl@yahoo.com

###

Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah Shariif Xasan oo Maanta u dhoofay Dalka Yaman.

June 16, 2005
 

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa saakay ka duulay Caasimada Somaliya ee mogadisho isagoo ku sii jeeday magaalada sanca ee caasimada dalka yaman.
 
Dowlada yaman ayaa horay ugu yeertay Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha Dowlada Federalka KMG ah sababo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ku dhex jira labada golle ee ay kala hogaamiyaan Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somaliya.
 
Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ayaa tagi doona magaalada sanca ee dalka yaman,kadib marka uu u soo dhamaado shirka ay leeyihiin Wadamada G77 ee magaalada Doxa ee dalka Qadar ka socda.
 
Madaxweynaha Yaman Cali Abdala Saalax ayaa wadahadal gooni ah la yeelan doona Labada mas'uul ee Somaliya,una soo bandhigi doona in ay ka heshiiyaan khilaafkii jiray ee ku aadanaa Dastuurka.
 
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay si toos ah ay isku soo hor fariistaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan & Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/llaahi yuusuf,waxaa jirtay in marmar badan ay iskugu yimaadeen kulamo laakiin aysan waxba ka soo baxin,balse kulankan ayaa si wayn loo filayaa ugu yaraan isku aragti noqdaan lagana heshiiyo waxii keenay khilaafka.

Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

###

Xagguu ku dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye: Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar: Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 16

Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005


Maxaa iska badalay Qorshihii dowladu ku dagaysay Jowhar iyo Baydhabo
Waxaana soo baxaya warar u eg diidmo oo uu Mas'uulka gacanta ku haya Magalada jowhar ku diidayo in.. Guji...

Arday Soomaaliyeed oo Qayb Ka ahaa Koox Ku Guuleysatey Tartankii Microsoft...
Tartan ay ka qayb galeen ardayda 9 gobol oo Maraykan ah oo lagu qabtay New York ayaa waxaa guushii ku raacday.. Guji..

7 Qof oo ilaa Shalay  Lagu Diley Beerxaani
»Kismaayo: Laba Qof ayaa Maanta lagu Diley Beerxaani
»Sweden: kulan dhaxmaray Xisbiga SSUP & Wasiirka Deeqaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  June 15

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.. Guji... Jun 14

Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof.. Guji... June 14

Cabdullaahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu. Guji Jun 13 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD