SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga ,Eldoret, 11/12/2002

Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli laha loona duudsiin cidna xuquuqdeeda, kadib markii lagu fashilmay dhawr jeer furitanka dekadda, airporka,iyo dhismo maamul aan loo wada dhammayn . ayna sabab u ahayd Caddaaladdaro iyo Xaqiraad, Xuquuqeeyd .Hadaba ayadoo laga amba qaadaayo tahdiidka tacadiga loo geysto Qowmiyada Banaadiriga.walina aan laga waantoobin . Hoos Akhri

Waxaa jirtey in taariikhdu markay ahayd 04/disember 2002,xubno ka tirsan kuwa ku hubeysan magaaladda xamar.in ay shir ku yeesheyn hotel sirikwa ee Eldoret Kenya ayna ka soo saareyn Baaq ku wajahan Gobolka Banaadir Baaqaas oo lagu inkiray jiritaanka Bahweeynta Banaadiriga .sidaasi awadeeda waxaa shir deg deg ah iyo bayaanba ka so saaray Qowmiyadda Banaadiriga ay shir isugu yimaadeeyn magalada Eldoret ee Dalka Kenya ayagoo ka jabaab celinaayo Baaq ka soo Baxay hogaamiyaasha Hubeeysan ee Xamar .goobtii shirkaas waxaa si qotodheer looga dooday,loona falaanqeeyey,xaaladda murugada leh ee ay ku sugan tahay Beesha ku abtirsata Bahweynta Reer Banaadir dalka Soomaaliya Gudihiisa iyo dibeddisaba ayna ugu daran tahay cadaaladdarrada, duudsiga xuquuqeed iyo awood sheegashada aan geed loogu soo gambanin ee looga hortaagan yahay iney ayagu kaalin horyaalnimo ku yeeshaan dhismaha maamulka gobolka Banaadir,ayakoo cid kastaba ka mudan,ugana xaq leh.

Runtii doodahii kulankaas ka yeesheyn waxaa kasoo ifbaxayt,arrimaha hoos ku xusan . Talo soo Jeedin

A. In maamulka dawladaha hoose loo daayo cid kasta gobolkeeda iyo aaya-ka-talinteeda.

B. In laga waantowo in weli fogtahay, xallinta dhibaatada ka aloosan Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir maadaamo Beelaha qaarkood ay ka weecanaayaan in si xaq ah oo Alla raali ka yahay wax lagu qeebsado.

C. In laga waantowo markasta waxaa xoogga la saaraa Beelaha hubeysan,tixgalin iyo mudnaana mar kasta ayagaa la siiyaa xittaa hadday gardaran yahiin.

D. In laga waantowo in ay socoto been abuur lagu beddelayo khariidada degaaneed ee qabaailka Soomaaliyeed taariikh ahaan, taas oo ay ujeeddadeedu tahay inkiraad jiritaanka Qowmiyadda beelaha reer Banaadir iyo boob cad oo ku takrifal ah oo loo geysanaayo dhulkooda iyo xadaaradooda Qowmiyada.

E. Waxaanu soo dhaweyn buuxda siinaynaa in waxii Shacbiga ku nool gobolka Banaadir danteedi ah isku raacdo yaa isku deegaan ah ama- isku dan ah,marnaba gacansiinnmayno yaa isku qolo ah ama isku isir ah.

F. In lagu shaqeeyo hab walaaltinimo iyo deris wanaag oo lala yeesho dhamaan beelaha kale ee la dagga qowmiyadda Banaadiriga .

G. In qowmiyadda Banaadiriga ka qaybqaato halgan kasta oo aan hub iyo dhiig la daadiyo u baahnayn,laakiin u baahan dhqaalo iyo maskax fayow,iyo in si wadajir ah cod loogu taageero ciddii jecel maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

H. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan ururada siyaasiga ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda jecel ineysan ku taageerin dadka soo saaray go”mo ku sheegaas ku saleysan Caddaalad-darada,xaqiraada taariikhda ranta ahna ka fog.

Hadab waxaan ku soo gaba gabeynayaa taariikhduna xustay xusina doonta halagu xesaabtamo in ay jiraan Qowmiyadda Reer Banaadiriga (reerxamar) oo ah hooyadii ama magacoodu yahay Reer Banaadir.sida ku cad Dhamaan Taariikhda Ummadda Soomaliyeed,iyo midka caalamiga ahba sidaasi darted waxaan soo jeydineynaa in nabadeenta Xamar waxaanu diyaar u nahay in aan ka qeybgalno hadii mudnaanteeni sii caddaan ah shaaca looga qaado, xaqiraadu iyo duudsiga la joojiyo . waxaanu markale diyaar u nahay in kaalinteeni iyo waajibkeyni gudan doono hadii Allaha Awooda leh idmo.

Wabilaahi Towfiiq

afhayeenka Qowmiyada Banaadiriga

Dr. Abdulkadir Sufi (muriidigolf)

Waxaa qoraalkan la soo gaarsiiyey SomaliTalk Eldoret

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 

Liiska Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah
»» Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 09/12

Sagaal ilaalada Col.C/laahi Yusuf oo ku geeriyootay
shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa Qayaadsame iyo Dalweyn, waxa kale oo dhaawacmay 7.. GUJI  9/12

I  I  D  H  E  H

 Hogaamiyo Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdisho
iyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret  xabsiga ugu taxaabay Saddex Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 07/12

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

Dhibaatooyinka Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12

Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka jawaabayey.... GUJI... 02/12
 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD