Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
QABRIDAHAR : MAGAALO LABA CADOW LEH EE KEEBAY
LA DARISTAA
Waxaan halkan mahad balaaran uga soo jeedinayaa
marka hore shaqaalaha dhamaanba saxafada xorta ah ee soomaaliya
Intaa kadib
Hadii aan u soo noqdo maqaalaka kor ku xusan
waa in aan dul mar guud ku sameeyaa magaalada qabridahar & nawaaxigeeda
taariikhdeeda halka ay map aduunka kaga taal si kan aqoonta u leh uu u sii
kororsado kan aan aqoonta u lahayna uu uga faa,iidaysto mashruucan cusub ee
maqaalka kan uu ku fadhiyo
Qabriddahar waa magaalo ku taala bartamaha
dhulka soomaaligalbeed (Ogadeniya ) waa magaalo halgameed isla markaana ah
magaalo qadiim ah oo dadkeedu ahaayeen haddan wali yihiin iftiinka umadda
dhulwaynaha soomaaligalbeed waa halka ay ka kici jireen kacdoonada ugu horeeyay
1960-1964-1972 & ugu dambaynntii kii 1992 oo markaas uu bilowday kacdoonkii
islaamiga ahaa ee ay wadeena dhalinyaradii barakaysnayd ee u dhalatay gabi
ahaanba dhulwaynaha ogadeniya kaas oo laga soo horjeedo gumaysiga cusub ee
tigreega
Qabridahar waa magaalo ku waabariista gumaad &
dhiig daata oo ay galayaan laba kooxood oo mid walaba dano gaar ah ka leedahay
degaanka ogadeniahy gaar ahaa qorahay waxaan u kala saari doonaa labadana
kooxood cadowga dibadda oo ah tigreega ka soo duulay 7000 km oo dhanka waqooyi
kaga aadan qorahay & qabridahar & koox kale oo maxali ah oo degaanka falal dil
dhac ah ka wada iyagoo ku soo gabanay magaca munaadil ama halgamaa waana kooxda
ONLF oo xubnahooda u sareeya ay wada exile ku yihiin dibadda iyagoo la baqday
xaasaskoodii & caruurtoodii
Kooxda Koowaad waa tigreega walaalayaal
akhristayaa tigreegu uma dhalan wadankeeena waxayna ku yimaadeen dool ama dad u
soo daaqsin tagay oo kale amaba waxay ku yimaadeen dabayla raac ama duulaan xoog
ku qabsasho tan danbe ayaa sax maxaa yeelay laguma soo dhawayn caleemo qoyan ee
waxaa ka hor tagay iska cabin ay iska caabiyeen dadkii ay ku soo duuleen ee
soomaalida ahaa degaanka lahaa oo ay hor kacayeen cuqaasha culimaaudiinka
waxgarada & dhalinyarada waxay maalin walba degaanka ogadeniay ka gaystaan
tacadiyao farabadan kuwaas oo isku jira dil dhac & kufsi aan xad lahayn waxaan
dheer inay ay bulshadda kala qaybinayaaa mar walba wax doorasha ah xor ah kama
dhacdo qabridahar ee waxaad ku qasabantahay inaan u codayso SPDP oo ah xisbi
gacan ku rimis ah oo tigreegu maamulaan siday doonaan ka yeelaan waxaa
xabsiyadda qabridahar ka buuxa maxaabiis shacab ah oo tirada ka badan & kuwa
soomaaliya iyagoo ka yimid baabuurta laga dagay waxaas oo dhan oo tacadiya oo
ay samaynayaa tigreegu waxaa ku weheliya soomaali ama maamul ku sheega ha ku
jiraan ama banaanka ha ka ahaadaan
Kooxda nabad diidka ah ee ONLF ee dibad jooga
aha Exiles waa koox ku qaraabata in ay u halgamayaan dhulka soomaali galbeed
laakiin su,aasha meesha taala ayaa ah xagay joogaan dhulka ogadeniay tigree ayaa
xoog ku haystee ma LONDON mise AUSTRALIA mise DENMARK mise GERMANY kooxda waa
koox burcad ah isla markaana wax kalsooni ah aan ka haysan shacabka ogadeniya ee
dalka waxay dhamaantood joogaan dibadaha iyagoo dhulkii kuwooda ugu sokeeya ay
ka soo maqan yihiin 20 sano waa afhayeeno BBCda markay ka hadlayaan aad mooday
inay dhulka daryaaminayaa laakiin waa kuwo aan waxba kala ogayn DOLAAL waa
afhayeenka rasmiga ah ee British Broadcasting Corporation uga hadla kooxda oo xaruntoodu tahay LONDON waa
kuwo ku naaxay beenta isku dirka shacabka ogadeniay dolaal haddii la waydiiyo
su,aal ah aaway gudoomiyaga mohamed omar osman ma yaqaano meel u maanta ku sugan
yahay,
Waxuu maanta joogaa mohamed omar osman
magaalada BARAAWE halkaas oo ay wadashaqayn qanacsi & maaweelo shacbi uu la
wareegaysanayo soomaaliya gudaheeda waxaa sida warbixinta qaramada midoobay
sheegtay in kooxda ONLF ay dhulka soomaaliyeed hub soo galiyaa iyadoo horay
xayiraad xaga hubka ah lagu soo rogay iyagoo Ereteria xarun u tahay lagana soo
dagaal galiyo waxa uu mohamed omar osman oo kooxdan hogaamiya xariir la leeyahay
qabqablayaal ku sugan koonfurta soomaaliya oo xashiish ku beera dhulka
soomaaliyeed iyagoo faaiidada ay ka helaan hub soo siista si ay faaiido uga
helaan
kooxdan dhulka soomaaligalbeed waxaa looga
yaqaana exile groups oo kooxda dibadah ku nool waxay auursadaan qaraan bileed
been abuur ah oo loogu magac daray billka halganka inkastoo dadkii nay wada
diideen inay bixiyaan maadama ururkan wax dhib ah mooyee aanu shacabka wax nacfi
ah u soo wadin kaidb markii ay arkeen dadka degaanada oo wada dadaalo xagga
nabaddda
Falalka burcadnimada ah ee guud ahaa dhulka
ogadenya gaar ahaa gobolka qorahay & magaalada Qaridahar ee ay u gaystaan
Kooxdan nabad diidka ah ee ONLF qaybta burburinta & baab,inta dadka waa ay badan
yihiin tirada reer dhimashada ee degaanka qabridahar ee falalka kooxdan burcad
ayaa kor u dhaafay dhowr boqol oo la wada yaqaano oo xabad jidka ay la
taagnayeen ku dhinta ama miino ay dhigeen ku dhintay ama tuulooyin ay gubeen
lagu laayay waxaana ka sheegi karnaa DALAAD, SHINIILE & CEELOGADEN oo
dhamaantood hoos taga qorahay waxa kaloo kooxda sida sharci darada ku shaqaysa
ay ay gubeen baabuur isku jira kuwa degaanka laga leeyay & kuwa soomaaliya ka
soo gudbay oo bucshad waday waana nasiin daro koox yar oo burcad ah isla markaan
dibadda laga hago inay shacabka dhibaato u gaystaan laakin maanta shacabkii waa
tashaday magaalo walba waa laga soo cayriyay & degaanada ku wareegsan kadin
markii ay qabaa,ilku samaysteen malayshiyooyin taabcsan qabridahar waxay
leedahay laba maleeshiyo beeleedyo raasado kooxahan qudhaacu dhariiq ah
Waxaa mar dhawayd qabri dahar ka dhacay layn
aad u farabadan laakiin warar is khilaafsan ka soo baxayaan wararka ugu badan
looguna kalsonyahay ayaa ahaa in koox maxaabiis ah oo dagaal lagu soo qabsaday
oo markii horana Ereteria ay ka soo dagaal galiyeen kooxda exile groups ka ayaa
diidanaa in loo qaado jiida hore ee dagaal la filayo in uu ka dhex bilowdo
ETHIOPIA & ERETERIA waxayna isku dayeen inay baxsadan dadkii dhexdiisii &
magaaladii ayay soo galeen meel kastana waa la hareereyay mar may laba xaladood
mid saameeyaan si magaaladu ayna dhib soo gaarin illeen iyagaa doontay
dhibaatada ka dib been loo sheegay laguna yiri hal hawlgal kadib yurun ayaan
scholarship idiinka helanaa xeradu waa banaaka magaalada afaakeeduna wax uu ku
yaalaa ku soo jeedka magaalada may ka baxaan dhinca & galbeedka magaaalada si
markaa khasaaruhu u yarada tan kalna waa iyago sameeya inay yeelan qaadista si
markaa looga horgeeyo ku wii soo diray ee Ereteria
Hadaba waxaa wax laga xumaado ah in caruurta
halkaas ku nool lagula dhex wareego hub & rasaas aan amxaarada lala doonan karin
maa la weeraro magaalooyinka inta jidka dadka shacabka ah maalin walba lagu
laynayo maa la qarxiyo bararka khamriga ee lagu iibiyo magaaloyinka waaweyn
Ethiopia inta passport la sugayo
Waxaa dadwaynaha ogadeniya u sheegaynaa in
maanta loo baahanyahay xal dhab ah oo la fiirsan dhowr shakhsi oo waa hore is
meelayay isla markaana caruurtoodii & xaasakoodii ay u joogaan guri barwaaqo
isla markana xariir la leh qaar ka tirsan kuwii shalay gugay dhooblay oo isla
dadkeenu degaan
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
Ahmedpo@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 17, 2005
Cid aan aniga
ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo
soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey
labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi...
Guji... Nov
16


|