Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Jawaabta ninka sida sawiradda habla dhabanka u
haysta Fahad Yaasiin
Tan iyo intii Prime ministerka Somaliya ku
dhawaaqay in aanu waxba ka qabin hadii la ictiraafo Somaliland, waxaad ku
arkaysa websiteyada Somalida qaarkood qoraalo baroor ah oo Somali Bi'sku ku soo
qoreen, kuwaas oo ku shaqaysan jiray magaca Soomaali weyn oo waxay maal iyo
muunad lahayd madhiyey, hadana muraadka keliya ee ka leeyihin midnimada in ay
halkii ka sii wadaan xaaraantii gubtay.
Waxaan qoraalada wax yar ka odhanay ninka sida sawiradda habla dhabanka u haysta
ee Siteka Somalitalk sunta ka soo afuufa, markii aniga iigu dambayasay ee aan
akhriyo qoraal uu leeyahay oo ku saabsan Somaliland waxay ahayd markii uu lahaa
" Somaliland waa beer beerkana qadada ayaa lugu suga " mudo badan ayaa ka soo
wareegtay markii aad hataatacaagaas ,wax badanina way is badaleen, waxansa
moodaayey inaad quusatay adiga iyo kuwa kula qayrka ahba laakin waa halkii
Faarax Nuure DADKU INUU SAMRAAN MOODAYE WAA SIDII WELI NAFTA MIRIDHO IYO SAACADO
U HADHEEN LOO SALDHIGI WAAYE.
Waxaad iska dhigtaa nin aqoonyahan ah laakin ma tihid, waayo waxad joogtay
markii beesha caalamku ku xidhay suurta gelinta dib u heshiisiinta Somalia in
aan soo qaadin Somaliland. sidaana ay aqbaleen xubnihii shirkaa ka qayb galay in
yar mooye. Cabdilahi yusufna waa sida sababta uu kursiga ku helay. Geedina wuxuu
sidaa u yidhi waxanad ogayn ayuu ogyahay, horena waxaa sidaa u yidhi Shariifka
markaa maxaa kuu yalaa.
Waxanse kuu sheegaya sababta aan cataabkii aad u qortay Cabdilahi Yusuf loo
aqbalin oo ahaa Cabdilahi maanta uma madax banaan inuu amar bixiyo waayo Geedi
waa ninkii keenay Jawhar haduu far saaro isaga ayaa la waayaya.
Maqaalkaaga waxa ku jiray been abuur aad iska samaysatay oo aan anigu
qoraaladaada ku aqaano oo aad tidhi Cabdilahi ayaa Geedi canaantay, waxba kama
jiraan haduu u bato waa hadii uu yidha waar maad si kale u tidhaahdid hadalka
maxaad cadowga inoogo sii badisay.
Waxadna ogaataa in Dawlada Kenya lagu soo dhisay in aanay maanta sidii tii
Cabdiqasim odhan karayn Somaliya waa muqadas waayo waxay ogyihiin in aanay
aqoonsi helayn.
Websityada qaar Somaliya ka soo baxa ayaa waxay
sheegayaan in Wefdigii Itoobiyaanka ahaa ee Jawhar tagay si cad ugala hadleen
Cabdilaahi Yusuf Ictiraafka Somaliland.
Hadal iyo dhamaantii Somaliland hadii Dawlada Imbigaati Ictiraafto iyo hadii
kaleba, iyo hadii aad dawlad cagaheeda ku taagan noqotaanba waxa adiga iyo
qayrkaa toona wax laga waydiinyo maaha , waa arin u taala shacabka Somaliland
daga halka ay u bataan ee afka boodhka ka qarso.
Hayaan Cabdi.
hargiesa R.SOMALILAND
xuudon62@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 17, 2005
Cid aan aniga
ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo
soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey
labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi...
Guji... Nov
16


|