DABARKA IYO HOGAANKA AYAA U GO’AY KUWII
SOMALILAND KA HOR JEEDAY
ama abdilahi suleiman
Cigaal215@hotmail.com
Kuwa Cadawga U Ah Somaliland Oo Weli La Suuxsan
Hadalkii Ka Soo Yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi Ee Uu Ku
Sheegay In Hadii Caalamku Somaliland Aqoonsado In Aanay Waxba Ka Qabin Ayaa
Waxaa U Sii Raacayday Madaxweynaha Somaliya Cabdilahi Yuusuf Axmed Oo Isna La
Socodsiiyey Ururka Midawga Afrika Iyo Dawlada Ithiopia In Hada Laga Bilaabo
Somaliland Ay Aqoonsan Karaan Ninkii Maydku Ka Dhacay Wuxuu Yidhi Haduu Si Go’ay
Ma Hadhin Hadal Lays Yidhaahdaa Waxaa Ka Dhacday Afku Salax Ku Dheg Hadalkaa
Danbe Ee Cabdilahi Yuusuf Ayaana U Sii Quus Gooyey Kuwii Ka Hadaaqi Jiray
Meelahaas Waxayna Beryahaas Bilaabeen In Ay Qabuuraha Ka Ducaystaan Oo Oday Sula
Geeryooday Baryaan Iyo In Ay Isku Maaweeliyaan Riyooyin Aan Waxba Ka Jirin Oo Ay
Ka Dhiganayaan Waxti Isku Dhaafis Rag Badan Oo Kuwaas Ka Mida Ayaa Riyooday
Todobaadyadii Ugu Danbaysay Waxay Qaarkood Ku Riyoodeen Iyadoo Ifka Dib Loogu
Arkay Odaygii Maxamed Siyaad Barre Oo Talinaya Halka Qaar Kalena Ku Riyoodeen
Iyadoo Cabdilahi Yuusuf Gacanta Ku Dhigay Magaalada Muqdisho Kana Adkaaday Kuwii
Ka Soo Hor Jeeday Oo Uu Dhamaantood Ka Dhigay Wax La Dilay Wax La Qabtay Iyo Wax
Cagaha Wax Ka Deyey Isla Markaana Degay Madaxtooyadii Muqdisho Si Dhaqsaha Ahna
U Furay Garoonka Diyaaradaha Iyo Dekeda Muqdisho Oo Labaduba Mudo Dheer Xidhnaa
Warkaas Farxada Leh Ayaa Waxaa Soo Dhaweeyey Boqolaal Soomaali Ah Oo Qaxooti Ku
Ahaa Daafaha Aduunka 15 Sano Ee Ugu Danbeeyey Waxaana Kuwaas Ka Mid Ahaa Ragii
Xilalka Ha Hayn Jiray Xukuumadii Dhacday Ee Siyaad Barre Qaar Badan Ayaa
Telefoono Soo Diray Qaar Kalena Waxay La Soo Xidhiidheen Dad Ay Isu Dhaw Yihiin
Cabdilahi Yuusuf Waxayna Dalbadeen In Lagu Daro Dawlada Cusub Madaxna Laga
Dhigo Meelaha Bartilmaameedka Ahaa Waxaa Ka Mida Safaaradaha Soomaaliya Debeda
Ku Leedahay Iyadoo Qaar Badani Lahaayeen Waxaanu Nahay Kuwii Bararkaaga Naagnaa
Cabdilaahiyoow Ee Hana Iloobin Waxaadna Noo Magcowdaa Safaarad Hebla Iyo
Safaarad Hebla Qaar Badan Oo Kale Waxay Codsanayeen In Dekeda Iyo Garoonka
Muqdisho Shaqo Laga Siiyo Qaar Badanina Waxay Codsanayeen In Ay Iyagu Xaq Gaara
U Leeyihiin In Ay Qaataan Qandaraasyada Dib Loogu Dhisayo Dalka Qaar Kale Waxay
Codsnayeen In Baananka Madax Looga Dhigo Halka Kuwo Kalena Lahaayeen Wixii Ilo
Dhaqaale Ah Waxaa Mudan In Laga Fuudh Yeelo Beesha Cabdilaahi Nin Waliba Halkii
U Darayd Ayuu Ka Hadlay Qaar Ayaa Codsaday In Madax Looga Dhigo Xafiiska
Sirdoonka Nnsta Kuwaas Oo Cabdilahi Ka Xanaaqay Kuna Tilmaamay Kuwo
Xususuusinaya Waayihii Siyaad Barre Ee Uu Ka Dagaalamay Waxaa Buuxsamay
Madaxtooyadii Muqdisho Wajahadeeda Iyadoo Dadka Qaar Ku Qaylinayeen Waa In
Awoodii Aanu Muqdisho Iyo Koonfur Ku Lahayn Soo Noqotaa Saacadba Saacada Ka
Danbaysa Waxaa Soo Kordhayey Dadka Doonaya In La Meeleeyo Waxaase Ugu Yaab
Badnaa Markii Dhawr Boqol Oo Qof Ay Codsadeen In Mid Waliba Doonayo Inuu Noqdo
Weriyaha Khaaska Ah Ee Madaxweynaha Soomaaliya
Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf Ayaa Wuxuu U Xil Saaray Gudi Gaara Oo Soo Doora
Ninka Weriyaha Madaxweynaha Noqonaya Gudidii Ayaa Waxay Hool Weyn Iskugu Geeyeen
Dadkii U Tartamayey Jagadaas Waxaana La Weydiiyey Aqoontooda Iyo Waaya
Aragnimadooda Shaqo Waxay U Badnaayeen Dad Aan Wax Xirfad Ah U Lahayn Saxaafada
Laakiin Burburkii Soomaaliya Ka Dib Duruuftu Ku Khasabtay In Ay Siyaabo Kala
Duwan Ugu Xoogsadaan Mihnada Saxaafada Mid Waliba Sidii Ugu Fiicnayd Ee Uu Is
Lahaa Shaqo Ayaad Ku Helaysaa Ayuu Ku Dhuftay Anigu Waxaan Aqaan Sida Madaxda
Loo Amaano Waxaan Kor U Soo Qaadi Doonaa Magaca Qabiilkayaga Hadii Xilkaas Lay
Doorto Ayaa Qaar Badani Ku Jawaabeen Qaar Kalena Waxay Yidhaahdeen Anigu Waxaan
Aqaan Sida Loo Diyaarayo Wararka Macaan Ee Madaxweynuhu Ku Raaxayso Isagu Wuxuu
Nagu Yaqaanay Waagii Puntland Markaa Anagaa Mudan In Naloo Doorto Qaar Kalena
Waxay Yidhaahdeen Waxaan Si Fiican U Kala Aqaan Saxaafada Muqdisho Iyo
Weriyayaasheeda Markaa Kuwaas Ayaan Odayga Ka Difaacayaa Kii Ugu Yaabna Badnaa
Ayaa Wuxuu Yidhi Anigu Waxaan Doonaa Keliya In Aan Mar Keliya Raadyoow Muqdisho
Ka Hadlo Oo Idhaahdo Anigoo Ah Hebel- Hebel Ahna Weriyaha Khaaska Ah Ee
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed Intaas Ayaa Igu Filan
Intaas Ayaana Codsanayaa In Layga Aqbalo.
Iyadoo Riyadii Halkaas La Jibaaxayso Ayaa Waxay Maqleen Waxaa Is Haysta
Baarlamaankii Somaliland Markaasay Intii U Noqotay Xanuun Bi’in (Anti Pain)
Waxayna Ka Soo Kaceen Hurdadii Waxay Is Ogaadeen In Caawoo Dhan Waxay La Joogeen
Iyo Waxay Isu Geeyeen Ay Ahaayeen Humaag Been Ah Waxayna Ku Diirsadeen Wixii Ka
Dhex Dhacay Baarlamaanka Somaliland Iyagoo Qaarkood Lahaa Ma Iyagaa Wax Qabsan
Kara Ayaamo Markay Ku Naaloonayeen In Xaaladu La Mid Noqon Karto Ta Muqdisho Ka
Taagan Ayaa Kama Danbaystii Golaha Guurtidu Ku Dhawaaqay Goaankii Lagu Diirsadey
Ee Soo Af Jaray Xurguftii Baarlamaanka Somaliland Soo Kala Dhex Galay Xiligii
Doorshada Shir Gudoonka November 29, 2005 Waxaana Go’aanka Guurtidu Ku Noqday
Waran Si Toosa U Tumaatiyey Kuwa Ka Soo Hor Jeeda Somaliland Ka Dib Markii
Shacabka Somaliland Mucaarid Iyo Muxaafidba Si Wayn Loo Soo Dhaweeyey .
Umad Waliba Waxay Leedahay Cid Ay Ku Dhaadato Oo Loo Irkado Waqtiyaga Xaaladuhu
Adkaadaan Golaha Guurtida Somaliland Waxay Mudan Yihiin In Lagu Hambalyeeyo
Wixii Ay Qabteen Waxayna U Quus Gooyeen Cadowga Somaliland Dhanka Kalena Waxay
Baal Dahaba Ka Galeen Taariikhda Taas Oo Xusi Doonta Waxqabadkooda Maalinba Awar
Ayaa Dhaama Oo Lagu Samata Baxaa Ee Waxay Ahayd Maalintoodii Sideediina Waa Uga
Soo Baxeen Talona Waxay Noqotay Toodii Waxaan Ku Soo Gaabinayaa Heestii Hadraawi
Ee Hooyo Ee Baydadkeeda Ay Ka Mid Ahaayeen MARKAAD NIN HOOGIYO KA HOR TAGA
DAGAALKAA GARTA HUBIN YAQAANO XAQA HOOS U EEGO HALISTIYO COLAADAHA DABKA HURA
BAQTIIYOO KU HAGOOGTA DHIIGOO DADKA KALA HAGAAJOO KALA HAGE DHASHAABA HOOYO LAGU
XUSUUSTAA
Goaankaas Golaha Guurtidu Ku Dhawaaqday Maanta Oo Taariikhdu Tahay December 5,
2005 Ee Ay Ku Soo Af Jareen Xurguftii Golaha Baarlamaanka Markii La Shaaciyey Ee
Uu Meel Walba Ka Dhacay Ayaa Waxaa Hurdadoodii Ku Noqday Kuwii Aan Ka Soo
Sheekeeyey Waxaynu La Socon Doonaa Maqaalada Danbe Hadba Waxa Ka Soo Kordha
Riyadoodan Danbe
Jama abdilahi suleiman
Cigaal215@hotmail.com
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
GABAY
COD AH OO
KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)
»GABAY:::
D a c w o - Waxaa tiriyey: Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
»MAANSADA
"GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2005


|