Maansada "GARBADUUB"
Gabay ku socda Cali Geeddi II
12/04/2005
Waxaa
tiriyey
Maxamuud
Axmed Cabdalla
Email:
abdalle9@hotmail.com
Hordhac:

SSI: You were quoted as
saying if the international community recognizes Somaliland we don’t
have a problem, we will accept them. If that is right and if the
international community comes to recognize Somaliland as a separate
entity, what would be the outlook of your government?
P.M. A Gedi: First of
all, the decision and destiny is in the hands of the Somali people
not in the hands of the international community. The international
community operates through the charter of the United Nations and
International Organizations. And in nowhere in that charter is a
separation and division of nations possible, so the recognition must
come from the Somali people through referendum, through acceptance
and through willingness. That was the process of the unity from the
beginning and it needs the same process. No country, no
international organization can recognize them.
SSI: If Somaliland calls for a referendum, would you support
that, to see whether the people would opt for unity or separation?
P.M. A Gedi -A referendum must include all Somali people,
not part of the Somali people. This is not an easy task. It is not
like local administration, it is the destiny of the whole nation. So
it must be all-inclusive and it must express all of Somalia, if a
referendum is deemed necessary for the restoration of the
reunification.
Read More......

C/Risaaq
Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta
gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul
wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen,
si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul
wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed
Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq
Xaaji Xuseen ka mid ahaa....
Guji.... |
Dhammaanba bulsha
weynta soomaaliyeed meel kastoo aad joogtaanba salaan guddooma. Salaantaas ka
dib, hadda ka hor, sida in badan oo idin ka mid ahi la socdaan hadalkii Ra’iisal
wasaare Geeddi ka soo yeedhay gabay hore ayaan ka tiriyey oo ahaa “GURMAD.”
Haddaba ayadoo dad badani wax ka qoreen hadalkii gefka ahaa ee PM Geeddi ku
kacay, waxa ka dambaysay waraysi kale oo xasaasi ah oo PM-ku siiyay Jariiradda
Sub Saharan Informer. Eeg halkan :
Markan Jaalle Cali Geeddi wuxu u hadlay si ka duwan hadalkiisii hore ee ahaa
“Somaliland aqoonsigeeda waxba kama qabno, dad soomaaliyeed oo la gumaystaana ma
jiraan.” Waraysigan wuxu gaashaanka ku dhiftay in dawladdiiso aqoonsanayso
Somaliland, isla markaa wuxu sheegay inuu u hoggaansan yahay waxyaabaha ku qoran
dastuurka u yaal dawladda.
Haddaba, anigu
aragtidayda iyo sida dad badani ila qabaan, tani kuma filla gefkii uu PM geystey.
Waxay ila tahay inuu raalli gelin buuxda siiyo shacabka soomaaliyeed oo uu
meel-ka-dhac weyn u geystey—is casiliddu haba joogtee.
Gabaygan la magax
baxay “GARBADUUB” waa mid aan PM-ka ku tusaalaynayo waxa la gudboon. Run
ahaantii, dad fara badan ayaa iga soo codsaday inaan gabaygan soo jeediyo,
anigoo raadraacaya kii ka horreeyey ee aan ku canaananayey Jaalle Geeddi. Akhris
wanaagsan wixii faallo ah ku soo hagaaji Emailka kor ku qoran. Mahadsanidin!
-
Ninkii gamas mariid lihi ku dhaco gooha damin
waaye
-
hadba gogosha meeshuu dhigtuu taah la
gurayaaye
-
aniguna geddaasaan caloow gelelefleeyaaye
-
gurmad waxan u soo diray inaan kugu
gargaaraaye
-
ood golaha qarankeenna guud raalli gelisaaye
-
inkastood gefkaagii naqdiday godobtu waa meele
-
nin hadduu masuulnimo galoo xil u garwaaxaysto
-
kolley waw gujiyo eed wuxuu gudose' yeelkiise
-
garba duubka maahayn inaad cadha is gaaftaaye
-
ayadoo bambada lagugu gubi go'a la weydaarshey
-
ood garangartaad joogsataba gumuc laguu haysto
-
oon geesi kuu qiray ayaad geysey meel kale
-
hayeeshee gar waa loo islaam goobay joogtaba
-
gundhig kaa hadhaa kaaga roon geeda saarnimo
-
calow inaad gar yigil noqoto baa kula
gudboonayde
-
afartaa gugoo hooray iyo waaga galacdiis dheh
-
maansooyinkii gaaxsanaa gogol dhigoodii dheh
-
afar kalena guullaa tashee waan u gelayaaye
-
soomaali waxa goobtan dhigay gubadku duulaayo
-
goortii qabiil garabsi yimi ee la kala goostay
-
irbad midaan dun gelin karin la yiri guuto
daadihiye
-
gobannimo raggeedaa yiqiin mayan gaasirine
-
goblamooyin baa noo tashaday guduri warlorde
-
gaaddada ku faan baa beddelay geesi libintiise
-
anna tayda ii geli shirkaa la isku guulaaye
-
gaawaha anow qaadi jiray doqon ku geeraarye
-
giddi waxay ku taamaan waraan laabta gela
hayne
-
kolkiise geeddi lagu doortaybaan niri ka gaar
weeye
-
ka gees iyo ka gees bay farxadi gaadhey
aadmiga
-
guul inaad ka dhalin baa la filey geyiga
soomaale
-
garabyadii maqnaa waxan lahayn wuu u geylamiye
-
goldaloolo dhawr baan u qabey gebagebayntiiye
-
godolkaad habowday dadkii kugu gadoodeene
-
guud caddaa wax garadiyo abwaan gabayo soo
meersha
-
galdi'ii aqoonyahannadiyo culimadii gaadhye
-
calow inaad gar yigil noqoto baa kula
gudboonayde
-
gaaridii nikaax kuu hayaa guri la geystaaye
-
mar haddaad la garan weydo ood gacan
togaalayso
-
geyaan waxay u noqotaa midkii gacal walaalayne
-
afartaana godankii markiyo golihii shiikh nuur
dheh
-
geedaha jannaaliyo afmadow gudihii waamood
dheh
-
webigii ganaanoo fatahay gacammadiisiii dheh
-
Godka aakhiraad waa xisaab guulle amarkiise
-
nin waliba wuxuu geysteybaa lagaga gooyaaye
-
qalbiguu garsooraa ilaah kuna guddoonshaaye
-
hadal kaa gurracay baa namiim kugu garaystaaye
-
gaatama abaareed dadkoo omoska gawdiida
-
garanwaa helaaddiisu waa laguma guuraane
-
rajadoo gabaabsiya magliga haatan gorofaadi
-
gunnimaan mutaye dawladnimo gugan ma dhawrayne
-
geerigo'an dad joogaan nahoo gaag ka soo
hadhaye
-
geerida xalaasha ah naflaha gam'a loo diiday
-
gudcurkaa habsadey beesha waa guuldarrada
taale
-
gabalkaa inoo dumay caloow sow ka guban maysid
-
goodkiyo abeeskiyo maskiyo halaq gurguurtaaga
-
jilbiskiyo garaaraalihiyo jebista geylaansan
-
gungumuhu cagtii saydha buu mici ku gooyaaye
-
geenyadaan shakaalkiyo la barin koore lagu
giijo
-
gole laguma fuuliyo mahwiga beretan goobeede
-
gundhiskay ka booddaa haddaan jare la
gaadhsiine
-
geddaa waxa ka dhigan xaajadaan kuu
gunaanadaye
-
garba gelisku waa shay gashiya muuqa guudnimo
-
misna gacale kama maarmi karo gedefka
shaadhkiiye
-
waxan uga gol leeyahay midhkaa guurtidaa
furiye
-
aan soo gaabiyee sow naxwuhu maandhe kuma
gaadhin
-
gobannimo godkay taal caloow sow ma garanaysid.
Maxamuud
Axmed Cabdalla
Email:
abdalle9@hotmail.com
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
GABAY
COD AH OO
KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)
»GABAY:::
D a c w o - Waxaa tiriyey: Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
»MAANSADA
"GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2005


|